wararka

1
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya. Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmey dhalinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay ka soo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka. “Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah. Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaa la idin ka fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab ee ku xiran Al Qaacida.Waxan dhammaanteen si weyn ugu maqsuudney sida quruxda badan ee aad u soo bandhigteen waxyaabihii halkan la idin ku barey. Waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan’’.

description

wararka

Transcript of wararka

Page 1: wararka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya.

Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmey dhalinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay ka soo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka.

“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah. Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaa la idin ka fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab ee ku xiran Al Qaacida.Waxan dhammaanteen si weyn ugu maqsuudney sida quruxda badan ee aad u soo bandhigteen waxyaabihii halkan la idin ku barey. Waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan’’.