Dadaalkii Reer Yurub Ee Far Soomaalida - WardheerNews · 2014. 5. 5. · Dadaalkii Reer Yurub Ee...

20
Dadaalkii Reer Yurub Ee Far Soomaalida Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” Reer Yurub oo shantii boqol ee sano ee ugu dambeeyay lahaa ilbaxnimo weyni saamayn baaxad leh ayay ku yeesheen idil ahaan bulshooyinka kale. Inagguna haddii aynu soomaali nahay taa ka ma aynnaan badbaadin xumaanteeda iyo wanaaggeedaba. Si aynu haddaba isaga caabbino faragelintooda iyo islaweynidooda waa aynu colaadinnay oo xumaantooda uun eegnay. Halkaa waxaa innagaga qarsoomay wanaagyo badan oo aynu ka helnay. Tusaale ahaan tacliinta cusub, qalabka iyo farsamooyinka horumarsan, dawaynta cudurrada iyo daryeelka caafimaadka, hab- dawladeedka casriga ah, waxaas iyo wax kale oo badan ayaynu ka barannay oo imaatinkooda ka helnay. Wanaagyadaa waxaa ka mid ah hirgelinta Far Soomaalida, hawshaas oo aynaan iyaga hortood ku guulaysan. Sannadkii 1972 Far Soomaalidii hirgashay wax ay ahayd midho ka dhashay halgan dheer oo soo taxnaa ilaa horraantii qarnigii 19-aad. Ilaa berigaa tobannaan iyo tobannaan buug bay Af Soomaaliga ka qoreen oo ku qoreen. Dadaal weyn oo ay reer Yurub ilaa beriga soo wadeen ayaynu meel dambe ka ga soo dhacnay dabadeed guusheedii sheegannay. Taasi caddaalad ma aha dadnimadana ku ma wanaagsana. Waxqabadka ay reer Yurub Af Soomaaliga ku darsadeen ku ma eka uun diyaarinta iyo kobcinta fartii la gu qori lahaa, waxaa se kale oo dheer qaamuusyada, taariikhaha iyo sheekooyinka ay Af Soomaaliga ku qoreen oo wax aad u badan ina taraya. Tusaale ahaan erayo aan tiro lahayn oo imika af soomaaliga ka baxay ama ka sii baxaya ayay dadkaasi reebeen oo aynu maanta dib u baran karnaa. Si taa la mid ah wax ay diiwaangeliyeen xusuuso ku saabsan dhacdooyin taariikheed oo ay dad soomaaliyeed ka soo wariyeen, iyo qisooyin bulsheed oo aad u badan. Xitaa waxaa la hayaa codadkii u gu horreeyay ee maqal ah ee Af Soomaali la gu duubay oo ku beegan is la kolkii u gu horreysay ee farsamada duubista codku dunida ka bilaabatay. Waxaa la joogaa haddaba goortii aynu si xilkasnimo leh u qiri lahayn una taariikhayn lahayn dadaalkaa quruxda badan ee qorista Af Soomaaliga iyo baadhistiisa la la soo maray, ee maamuusi lahayn cid wal oo wax ku darsatay. Halkan wax aynu ku xusaynaa dhawr hawlood oo aad u qaayo badan kuwaas oo ay hubaal tahay in ay kaalin weyn ka soo qaateen korinta iyo diyaarinta Far Soomaalida aynu maanta adeegsanno. Marka aynu u fiirsanno qoraallada ay reer Yurubku Af Soomaaliga ka diyaariyeen wax aynu arkaynnaa koboc joogto ah midba kii uu ka dambeeyay. Wax aynu kale oo ogaanaynaa run ahaantii farta aynu u gu dambayntii qaadannay in ay tahay isu geynta waxqabadyadaa badan. Tusaale ahaan iyagu ma ay adeegsan xarfaha p, v iyo z, ku mana dhiirran xarfahaa in ay u dhigaan codadka Af Soomaaliga ee kuwa Yurub ka duwan. Innaguna sidoodii uun baynu yeelnay iyada oo ay ahayd xarfahaa in la gu buuxiyo meelaha la gu dirqiyay kh, dh iyo sh. Laba boqol oo sannadood baa la ga joogaa qoraalladii u gu horreeyay ee ay aqoonyahanka Yurub Far Soomaalida geliyeen. Xilliga sidaa u fog ee la isku dayay dejinta far soomaali iyo higgaadinta Af Soomaaliga, iyo sida ay taasi u dhacday, iyo sida ay hawlihii noocan ahaa ee ka dambeeyay u saamaysay, waa muhiim in aynu u fiirsanno, sababta oo ah taariikh ahaan ka sokow, Far Soomaalidu maanta weli ma ay saldhigan oo waa ay is qaabaynaysaa. Gaar ahaan afar xaaladood baa u baahan in loo fiirsado dabadeed natiijadooda la isu guuriyo si waaya’aragnimadeeda loo ga faa’iidaysto loona helo habka u gu qumman. Ta hore waa maaraynta codadka Af Soomaaliga ee aan afafka Yurub ku jirin sida far laatiinka loo waafajinayo (kuwa aynu imika u qorno x, kh, sha, dh, c iyo q). Ta labaad waa ka la soocidda qorista shaqalka dheer iyo ka gaaban. Ta saddexaad waa meelaynta shaqallo ka badan shanta maanta la qoray oo Af Soomaaliga ku jira. Ta afraadna waa sida eraygu u qormayo, gaar ahaan is raacraacinta ama ka la goynta erayada isbiirsada. Saddexdaa arrimoodba dadaal wacan bay Reer Yurubku geliyeen, iyaga oo waxna ku ka la duwan waxna is ka ga mid ah.

Transcript of Dadaalkii Reer Yurub Ee Far Soomaalida - WardheerNews · 2014. 5. 5. · Dadaalkii Reer Yurub Ee...

  • Dadaalkii Reer Yurub Ee Far Soomaalida Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” Reer Yurub oo shantii boqol ee sano ee ugu dambeeyay lahaa ilbaxnimo weyni saamayn baaxad leh ayay ku yeesheen idil ahaan bulshooyinka kale. Inagguna haddii aynu soomaali nahay taa ka ma aynnaan badbaadin xumaanteeda iyo wanaaggeedaba. Si aynu haddaba isaga caabbino faragelintooda iyo islaweynidooda waa aynu colaadinnay oo xumaantooda uun eegnay. Halkaa waxaa innagaga qarsoomay wanaagyo badan oo aynu ka helnay. Tusaale ahaan tacliinta cusub, qalabka iyo farsamooyinka horumarsan, dawaynta cudurrada iyo daryeelka caafimaadka, hab-dawladeedka casriga ah, waxaas iyo wax kale oo badan ayaynu ka barannay oo imaatinkooda ka helnay.

    Wanaagyadaa waxaa ka mid ah hirgelinta Far Soomaalida, hawshaas oo aynaan iyaga hortood ku guulaysan. Sannadkii 1972 Far Soomaalidii hirgashay wax ay ahayd midho ka dhashay halgan dheer oo soo taxnaa ilaa horraantii qarnigii 19-aad. Ilaa berigaa tobannaan iyo tobannaan buug bay Af Soomaaliga ka qoreen oo ku qoreen. Dadaal weyn oo ay reer Yurub ilaa beriga soo wadeen ayaynu meel dambe ka ga soo dhacnay dabadeed guusheedii sheegannay. Taasi caddaalad ma aha dadnimadana ku ma wanaagsana.

    Waxqabadka ay reer Yurub Af Soomaaliga ku darsadeen ku ma eka uun diyaarinta iyo kobcinta fartii la gu qori lahaa, waxaa se kale oo dheer qaamuusyada, taariikhaha iyo sheekooyinka ay Af Soomaaliga ku qoreen oo wax aad u badan ina taraya. Tusaale ahaan erayo aan tiro lahayn oo imika af soomaaliga ka baxay ama ka sii baxaya ayay dadkaasi reebeen oo aynu maanta dib u baran karnaa. Si taa la mid ah wax ay diiwaangeliyeen xusuuso ku saabsan dhacdooyin taariikheed oo ay dad soomaaliyeed ka soo wariyeen, iyo qisooyin bulsheed oo aad u badan. Xitaa waxaa la hayaa codadkii u gu horreeyay ee maqal ah ee Af Soomaali la gu duubay oo ku beegan is la kolkii u gu horreysay ee farsamada duubista codku dunida ka bilaabatay.

    Waxaa la joogaa haddaba goortii aynu si xilkasnimo leh u qiri lahayn una taariikhayn lahayn dadaalkaa quruxda badan ee qorista Af Soomaaliga iyo baadhistiisa la la soo maray, ee maamuusi lahayn cid wal oo wax ku darsatay. Halkan wax aynu ku xusaynaa dhawr hawlood oo aad u qaayo badan kuwaas oo ay hubaal tahay in ay kaalin weyn ka soo qaateen korinta iyo diyaarinta Far Soomaalida aynu maanta adeegsanno.

    Marka aynu u fiirsanno qoraallada ay reer Yurubku Af Soomaaliga ka diyaariyeen wax aynu arkaynnaa koboc joogto ah midba kii uu ka dambeeyay. Wax aynu kale oo ogaanaynaa run ahaantii farta aynu u gu dambayntii qaadannay in ay tahay isu geynta waxqabadyadaa badan. Tusaale ahaan iyagu ma ay adeegsan xarfaha p, v iyo z, ku mana dhiirran xarfahaa in ay u dhigaan codadka Af Soomaaliga ee kuwa Yurub ka duwan. Innaguna sidoodii uun baynu yeelnay iyada oo ay ahayd xarfahaa in la gu buuxiyo meelaha la gu dirqiyay kh, dh iyo sh.

    Laba boqol oo sannadood baa la ga joogaa qoraalladii u gu horreeyay ee ay aqoonyahanka Yurub Far Soomaalida geliyeen. Xilliga sidaa u fog ee la isku dayay dejinta far soomaali iyo higgaadinta Af Soomaaliga, iyo sida ay taasi u dhacday, iyo sida ay hawlihii noocan ahaa ee ka dambeeyay u saamaysay, waa muhiim in aynu u fiirsanno, sababta oo ah taariikh ahaan ka sokow, Far Soomaalidu maanta weli ma ay saldhigan oo waa ay is qaabaynaysaa. Gaar ahaan afar xaaladood baa u baahan in loo fiirsado dabadeed natiijadooda la isu guuriyo si waaya’aragnimadeeda loo ga faa’iidaysto loona helo habka u gu qumman. Ta hore waa maaraynta codadka Af Soomaaliga ee aan afafka Yurub ku jirin sida far laatiinka loo waafajinayo (kuwa aynu imika u qorno x, kh, sha, dh, c iyo q). Ta labaad waa ka la soocidda qorista shaqalka dheer iyo ka gaaban. Ta saddexaad waa meelaynta shaqallo ka badan shanta maanta la qoray oo Af Soomaaliga ku jira. Ta afraadna waa sida eraygu u qormayo, gaar ahaan is raacraacinta ama ka la goynta erayada isbiirsada. Saddexdaa arrimoodba dadaal wacan bay Reer Yurubku geliyeen, iyaga oo waxna ku ka la duwan waxna is ka ga mid ah.

  • Wax ay si gaar ah is u gu daaliyeen ka la soocidda saddex cod oo innaga inoo ka la soocan oo ka la ah kh, q iyo k, kuwaas oo ay ku yara wareereen. Inta badanna wax ay isku raacsan yihiin gaar ahaan labada cod ee kh iyo q in ay isku mid qudha yihiin. Taa ku ma gefsana waayo kh:du sida la og yahay waa q silloon oo aan erayo badan lahayn. Si taas la mid ah ayay dooneen in ay ka la fardaamiyaan labada cod ee d iyo dh. Qodob saddexaad oo ay ku hawshoodeen waa codadka labalaabma. Baadhayaashu wax ay si aanay ku midaysnay u labalaabeen codadka t, s, f, q iyo y, sida qabattay, assal, aqqal, affo iyo ayyo. Hab-qoraalka Yurub ee ay mararka qaar Af Soomaaliga u adeegsadeen waxaa ka mid ah: aur/awr, daudar/dawdar, arkai/arkay, tahai/tahay, wein/weyn, weїd/weyd iqk (tani wax ay ka imanaysaa iyaga oo labada cod ee w iyo y shaqal u qaatay).

    Dadkaa Af Soomaaliga baadhay ee qoray wax aynu arkaynaa in ay u yara jabayaan qoraalka afafkooda oo ay mararka qaar higgaadda waafajinayaan. Taas baa yara hoosaasinaysa oo qalindaar joogto ah ku haysa. Tusaale ahaan badanaa shaqalka dheer Yurub inteeda ma laha astaan la ga ga garto ka gaaban xagga qoraalka, waa se in erayga la gu bartaa. Taa beddelkeeda shaqalka dheer maanta wax aynu u qornaa labacelin (aa, ee, ii, oo, uu), taas qof aan weligii Af Soomaali ku hadlin u sheegaysa dhawaaqaasi in uu dheer yahay. Afafka Yurub ee aan qoraalkooda shaqalka dheer iyo ka gaabani ka la astaysnayn kolka la cilmiyaynayo waxaa la gu ka la soocaa dhibic iyo jiitin (ȧ ā , ė ē...) habkaas oo ay weligood Af Soomaaliga ku soo wadeen. sida: abāl=abaal, adēryo=adeeryo, īl=iil, abōdi=aboodi, abūr=abuur…

    Dhanka kale, sida aynu maanta og nahay erayga Af Soomaaliga ahi ku ma dhammaan karo laba shibbane oo wada socda, laakiin Qaamuuska Larajasse erayo si kulul carrabka u gu dhammaanaya ayuu sidaa mooday. Tusaale ahaan wax uu qoray afarr iyo afarrtan. Waxaa se fiiro mudan in la ogaado dadkaasi in ay is u gu jireen afyqaanno arrinta cilmiyaynaya iyo qaar ay dadaal uun ka ahayd.

    Dhankaygana waxaa i ga xusuusin ah in aynu halkan ku soo qaadayno oo keliya far laatiinkan inoo hirgashay heerarkii ay soo martay, oo aynaan ku leexanayn farihii kale ee la ga maarmay.

  • Qoraalka 1-aad

    Somali-English and English-Somali Dictionary Evangelist De Larajasse London, sannadkii 1897 327 bog

  • Tusaale ka mid ah buugga

    Reer Yurubkii dhulka yimid in ay hindisaan far Af Soomaaliga la gu qoro waxaa la sheegaa u gu horrayn in ay ka dhalatay baahidii baadderiyada ee ahayd in ay helaan xeelad ay Diinta Masiixiga bulshada u gu gudbiyaan. Sida taariikhdu xustay nimankaa waxaa ku adkaatay dhexgalka dadweynaha iyo gaadhsiinta fikirka diinta, markaa in Af Soomaaliga wax loo gu qoro ayay daneeyeen. Waa ta keentay wax macno leh oo Af Soomaali la gu qoro in ay u gu horreeyaan waxyaalihii ay baadderiyadu qoreen.

  • Qaamuuska kor ku xusan ee Somali-English and English-Somaali Dictionary guud ahaan codadka ay soomaaliga iyo laatiinku wadaagaan isla xarfaha aynu maanta u naqaan ayuu u adeegsaday, codadkaas oo ku astaysan b, t, j, d, r, s, g, f, k, l, m, n, w, h, y. Iyo shaqallada oo ah a, e, i, o, u. Inta hadhay ee ah: x, kh, sh, dh, c iyo q ayuu dabadeed xal u raadiyay. Waxa kale oo uu aad is u gu dayay shanta shaqal ee dhaadheer in uu asteeyo. Waxaa xusid midan cod c reer Yurubku in ay u adeegsadeen isla xarafka carabiga ah ee ع oo la yareeyay, ha ahaatee isla astaantaas ayaa marmar u ekaata hamse rogan ʻ. Qaamuuskani sida soo socota ayuu haddaba codadkaa u xarafeeyay:

    ḥ=x: ḥeer:xeer

    ḫ=kh/q: aḫri:akhri/aqri sh=sh

    ḍ=dh ‘=c: ‘ab:cab

    Qaamuuskani arrin muhiim ah oo uu buugaagta kale ee xitaa isaga ka dambaysay ka ga wada duwan yahay waa isaga oo codka sh u qoray isla sidan aynu maanta u qorno. Muujinta shaqalka dheer wax uu la miciinsaday jiitin la dul mariyo shaqalka taas oo shisheeye iyo soomaaliba la ga sinnaa ilaa la soo gaadhay sannadkii 1961.

    Qoraalka 2-aad

    Practiacal Grammar of the Somali Language With a Manual of the Centences Evangelist De Larajasse London, sannadkii 1897 266 bog

  • Buuggan si qaayo leh baa loo gu baadhay oo loo gu ka la dhigdhigay naxwaha Af Soomaaliga marka loo eego xilligaa fog. Sida muuqata xigashada qudha ee hawshan looga aragti qaatay sida ku xusan waa mid yar oo aan sidaa u sii tayo fiicnayn oo uu Af Soomaaliga ka qoray Major Hunter sannadkii 1882. Buug kale oo la gu eegay waa mid Jarmalku qoreen oo la yidhaahdo Somali-Texte, se aan isagu naxwaha ku shuqul lahayn.

  • Practiacal Grammar of the Somali Language with a Manual of the Centences

    Buuggan waxaa loo adeegsaday is la fartii aynu buuggii hore ku soo aragnay, taas oo codadka gaarka ahina yihiin is la iyagii.

    Hordhaca buuggan waxaa la inagu tusay cod w in uu noqdo shaqal kolka ay hore ka raacaan labada shaqal ee a iyo o. Fikraddaas iyo ta la midka ah ee ah shibbanaha y in uu shaql noqdo weli dad baa rumaysan, mooyi se in ay ka tahay afaqoonnimo cilmiyeed ama qiyaas. Xaqiiqadu se wax ay tahay labadaa shibbane shaqal ma noqdaan ee waxaa la gu qaldaa arrin kale. Shibbanaha w haddii uu gadaal ka ga dhaco shaqalgaabka a iyo o dhawaaqu wax uu noqdaa shaqal dheere, tusaale ahaan aw , kow kuwaas oo u baxaya aaw, koow. Si taa la mid ah shibbanaha y isaguna haddii uu gadaal ka ga dhaco labada shaqalgaab ee ka la ah e iyo o shaqal dheere ayay u rogmaan, tusaale ahaan ey iyo oy oo dhawaaqu noqonayo eey iyo ooy.

    Buuggani mar haddii uu shibbanayaasha w iyo y shaqal u arko sidaas buu u la dhaqmayaa, oo waxaa meesha looga riixayaa labada shaqal ee i iyo u, tusaale ahaan arki/arkay, aur/awr.

  • Qoraalka 3-aad

    Somali-Texte Dr. Walter Adolf Schleicher Vien, sannadkii 1900 159 bog

    Buuggaa kor ka muuqda oo la soo saaray taariikhda ku xusan wax uu ka dhashay hawlo socday qaybtii dambe ee qarnigii kaa ka horreeyay. Buugga waxaa diyaariyay qoraa kale oo qudhiisu Af Soomaaliga daneeyay lana yidhaahdo Leo Reinisch.

    Hordhaca buugga oo yara dheer waxaa la ga ga hadlayaa taariikh nololeedda qoraaga iyo shaqada uu arrimahan caynkan ah ka soo qabtay, xogtaana waxaa soo gudbinaya nin la yidhaahdo Heinrich Bensch. Waxaa la sheegay Dr. Walter Adolf Schleicher in uu ahaa nin dalmareen ah oo soo maray dhulal badan oo Afrikada Bari ka mid tahay, taasina ay ku dhalisay in uu xiiseeyo naxwaha Af Soomaaliga. Qaybta labaad ee buuggu waa sheekooyin iyo taariikho soomaaliyeed oo aad u badan, sheekooyinkaas oo ay qaarkood dad naftooda ka ga hadlayaan, qaarna yihiin taariikho iyo sheeko dhaqameedyo bulsheed. Qaybta saddexaad ee buuggu waa qaamuus weedheed Af Ingriisi ah oo Af Soomaali ku turjuman.

    Buuggan sida far soomaalidiisa loo qaabeeyay wax badan bay ka ga duwan tahay kuwa kale, in kasta oo uu wax kale oo badanna la wadaago. U gu horrayn waxaa la dhihi karaa wax uu adeegsanayaa xarfo inta aynu maanta naqaan ka badan, oo tusaale ahaan shaqalladu waa ay ka badan yihiin shanta maanta inoo qoran (dull, dul, baad ’daaq’ baad, xoogid...iwm. Laba arrimood oo buugaagani kuwa kale oo dhan ka ga duwan yahay waa labalaabista codka t, iyo codka q oo la ga dheegayo cod kale oo loo qoray ġ.

  • Hoos wax aad ku aragtaa bog ka mid ah buugga Dr. Walter Adolf Schleicher. Xusuusnow jiitimuhu in aanay farta ka mid ahayn ee codaynta uun u yihiin tusmayn cilmiyeed.

  • Hadalkaa hor ku daabacan wax aynu ka dhex arkaynaa dhawr erayo iyo weedhood oo aan naxwaha ku hagaagsanayn, taasna qoraagu la yaab ku ma leh.

    Waa sidan hadalkaasi kolka aynu Far Soomaalida cusub sidiisa u gu soo rogno:

    Carwada weyn ee Berbera Arrinta soomaaliyeed ayaan kaaga warramayaa. Gu walbaba niman Hindi ah oo lacag leh baa Berbera yimaadda, waxay keenaan dhar iyo bariis iyo alaaba kaleeto. Niman Carab ah oo doonyo wataa waxay keenaan timir. Niman ferenji laba aqal ayay ku leeyihiin, waxay iibiyaan dhar iyo mindiyo iyo makaawi iyo alaaba kaleeto. Goortaas baa safar soomaaliyeed Berbera yimaaddaa Habar Awal iyo Habar Jeclo iyo Habar Yoonis iyo Dhulbahante iyo Ogaadeen iyo Marreexaan iyo Hawiye iyo Bartire, waxay keenaan haragga adhi iyo harag lo’aad iyo baal iyo xabag iyo malmal iyo subag iyo adhi iyo lo iyo geel, intaasay keenaan. Kolka alaabada laga iibiyo, waxay iibsadaan dhar iyo bariis iyo timir. Kolkaa awrta ayay ku rartaan, waxay u kacaan dhulkoodii ayay qabtaan.

    Waa tan fardaaminta uu Walter Adolf Schleicher ee codadka Af Soomaaliga dheeriga ka ga ah kuwa Yurub:

    h=x ŝ=sh

    ḍ=dh c=c

    Sida halkaa ka muuqata buuggani labada cod ee h iyo x isku mid buu ka dhigayaa. Cod aynu maanta u qorna dh wax uu u qoray d dhibic hoosta la ga saaray taas oo ay Jarmalku ka siman yihiin, halka ay dadka kale dhibicda dusha ka saarayaan. Is la markaa sida kii hore codka s wuu labalaabayaa tusaale ahaan iss.

    Sidii aynu meel hore ku soo xusnay, labada cod ee Af Soomaaliga ku jira ee kh iyo q cilmibaadhayaasha reer Yurub isku mid qudha ayay ka dhigeen. Tusaale ahaan A W Schleicher isaga oo sidaa yeelay codkaa u gu yaraan saddex siyaalood buu u qoray ay ka mid tahay ġ. Mar kale codka g kolka uu erayga dhexda ka galo wax uu u qaatay codka q.

  • Qoraalka 4-aad

    Somali-Sprache Leo Reinisch Vien, sannadkii sannadkii 1900 287 bog

    Reinisch hordhaca buuggan wax uu ku sheegay in uu magaalada Fiyeen (Vien) ku la kulmay Barafasoo Dr. Ph. Paultschke kana helay laba qoraal oo Af Soomaali ah. Labadaas qoraal midkood waxaa Berbera ku qoray nin la yidhaahdo Cyprien de Sampont (waxaa la qoray Evangelist de Larajasse). Ka kalena waxaa qoray C. P. Rigby sannadkii 1850, ciwaankiisuna waa An Outline of the Somauli Language with Vocabulary, waxaana la ga qoray nin la yidhaahdo Yuusuf Cali. Taa ka sokow ninkani wax uu hayay oo ka aragti qaatay buugga aynu kor ku soo aragnay ee Dr. Walter Adolf Schleicher.

    Socdaal baadhitaan oo uu ninkani ku tegay Yaman sannadkii 1899 ayuu soomaalida iyo Af Soomaaliga ku la kulmay. Gaar ahaan buugga waxaa ku xusan laba nin oo magacyadoodu yihiin Ibraahin Cabdillaahi iyo Yuusuf Cali. Buuggani, sida buugaagta kale ee la qolada ah, wax uu ku qoran yahay Af Soomaali iyo Af Jarmal barbarro ah oo is dhinac yaal. Wax uu ka bilaabanayaa qisooyin diineed oo dhaadheer, gaar ahaan sheekadii Nebi Yuusuf. Qayb kale waa maahmaaho, murti, xeer dhaqameed, sheekooyin iyo taariikho aad iyo aad u tiro badan. Buugga waxaa ku qoran Af Soomaali baaxad weyn oo la ga ururiyay dhammaan dhinacyada nolosha bulshada soomaaliyeed: dharka la xidho iyo qalabka la qaato magacyadooda, jaadadka ciyaaraha la tunto, waxyaalaha la gu dhaarto ama la is ku habaaro, magacyada xoolaha loo bixiyo, afka xoolaha la gu la hadlo, cudurrada

  • soomaalida ku dhaca iyo sida loo la tacaalo, googgaaleysi, iyo af dhaqameed kale oo aad iyo aad u badan.

    Sidan ayuu haddaba isaguna codadka u asteeyay:

    ḥ=x

    ḫ=kh ŝ=sh

    ḍ=dh c=c

    Sida halkaa ka muuqata buuggani wuu ka la duway codadka aynu maanta u qorno kh iyo q. Waxaa kale oo jirta in uu shaqallada ka badinayo inta aynu haysanno oo adeegsanayo tusaale ahaan å, isaga sida wåran, wånaagsan iwm. Codadka f, q iyo y wax uu mooday in ay labalaabmaan, sida affuro, aqqal, ayyuu. Waa se la og yahay oo codkaasi ma labalaabmaan.

    Geeraarkan hoose oo buugga dambena ku qorani labada jeer wax yar buu ku ka la duwan yahay. Erayada aan xayndaabka geliyay geeraarka ka mid ma aha ee dadkii wariyay baa ku daray, gefkaas oo dadku badanaa maansada geliyaan.

    ”Inan ayaa faras wanaagsan lahaa. Markaas baa faraskii batraan noqday. Markaas buu inankii yidhi:

  • Haddaanaan bir la dhaabay Afka kuu gu dhammayn [haddaan] Dhareer kaa tifiqlayn Haddaanaan dhebi qaadhay Dhag intaan ku gu siiyo Dhuuxa kaaga aroorin [Haddaan] dheellantiinka dambeeto Haddaan siig dhitinaaya [iyo] La gu moodin dhurwaa.”

  • Qoraalka 5-aad

    Somali-Texte – Und Untersuchungen Zur Somali-Lautlehre Maria v. Tiling Berlin, sannadkii 1925 83 bog

    Buuggaa kor ku xusani waxa uu ku taxan yahay oo looga qalinqoray kuwa isaga ka horreeyay ee aynu soo aragnay. Waa buugga u gu horumarsan kuwii berigaa xagga higgaadinta Af Soomaaliga iyo daraasayntiisa. Wax uu ka kooban yahay saddex qaybood. Qaybta hore waa baadhitaan iyo qeexid ku saabsan Af Soomaaliga iyo codadkiisa, iyo dabciga ama abuurta codadkaa. Qaybta labaad waa warbixin aad u dheer oo nin Maxamed Nuur la yidhaahdo oo Markaa Jarmalka joogay ka ga sheekaynayo waayihiisii qofeed iyo guud ahaan nolosha iyo dhaqanka soomaalida. Warbixintiisu tusaale ahaan waa xogta u gu daacadnimo dhow ee la ga hayo dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee qof soomaaliyeed oo goobjoog ahaa ka ga warramay. Maxamed sida uu inoo sheegayo markii uu dhulka soomaalida ka soo dhoofay Daraawiishtu weli xoog bay lahayd (warbixintan waxaa kol hore tifatiray oo faafiyay Boodhari Warsame).

  • Qaybta u gu dambaysa buuggani waa maansooyin la isku dayay in la gu qeexo miisaanka iyo hab-dhaca maansada soomaaliyeed.

    Maria von Tiling sida muuqata in kasta oo aanay weligeed dhulka soomaalida cagaha soo dhigin, saddex awoodood ayay u adeegsatay daraasaynta iyo qorista Af Soomaaliga. Ta hore waa aqoon ay ka soo dhurtay baadhitaannadii keedan ka horreeyay ee af Jarmalka ku soo baxay. Ta labaad waa barashada iyo sheekada dheer ee ay la yeelatay ninkaa soomaaliyeed ee la gu magacaabo Maxamed Nuur. Awoodda saddexaadna waa kartideeda iyo doonisteeda sarraysa ee ay arrinta ku gashay. Inantani wax ay Af Soomaaliga ka qortay buug kale oo kan ka horreeyay una bixisay Die Vokale Des Bestimmten Artikels Im Somali oo ku taariikhaysan 1918.

    Gabadhani hordhaca buuggeedan wax ay innagu tustay xogta badan ee ay ka hayso siyaalaha badan ee loo ka la dooran karo codadka Af Soomaaliga ee gaarka ah.Tusaale ahaan codka aynu maanta u qorno dh wax ay u haysay doorashooyinka ka la ah kh, th, ph, gh, dh, bh. Ha ahaatee iyadu

    wax ay qaadatay codka d-hooskuhalle – ḍ taas oo ay ka la mid tahay dhammaan dadkii jarmalka ahaa ee Af Soomaaliga ka shaqeeyay.

    Gabadhani berigaa fog wax ay si wanaagsan u ka la garatay Af Soomaaligu in uu ka la lee yahay mid naxwe iyo mid dhawaaq. Tusaale ahaan wax ay ina tustay sifada iyo ahaanshaheedu in ay yihiin laba eray oo kala go’an se dhawaaqu is raacinayo. Taa wax ay innagu tusaalaysay in la gu dhawaaqo wanaagsantay erayga ah wanaagsan tahay. Sidaa wax ay ka ga qumman tahay dadka maantadan wax u qora wanaagsanyahay. Hab qoraalka ay reer Yurubku af soomaaliga ku bilaabeen badanaa wuu ka hagaagsan yahay sida aynu markii dambe u qornay erayda, tusaale ahaan ku gu/ kugu la ga/laga iwm.

    Sidan hoose ayaa buuggan loo qoray codadkiisa soomaaliga ah.

    Ћ=x

    ḍ=dh ŝ=sh c=c

    Laba qiso oo taariikheed oo uu ninkaasi ka sheekeeyay ayaynu halkan ku qoraynaa. Sheekada kowaad ee Maxamed Nuur waa sidan:

    ”Dhulkayaga wax ka wanaagsani ma jiro haddii roob badani ku da’o, ama se roob la’aan baa Ilaahay u gu dawgalay. Soomaali raggeedana rag la mid ahi ma jiro, mise waa rag aan talo lahayn. Awelba nin ingiriis baa yidhi: ’Soomaalina waa rag aan talo lahayn carabina waa naago talo leh.’ Soomaaliyi wax aan wax ahayn bay ku dagaallantaa, amase hadday talo lee yihiin qabiilo la mid ahi ma jirteen haddii ay is maqlayaan. Amase ninna nin baanu maqlin. Nin waliba isaga ayaa in uu taliyo doonaya.

    Intii aan dalkaygii jiray dagaallo badan baan ku jiray, dagaalladaasuna wax ay ka dhici jireen wax aan waxba ahayn. Beri baa jiilaal xumi na gu dhacay. Wax uu ahaa jiilaal culus, xoolo badan baa abaari naga laysay. Markaas baa gugii hooray, waxa uu ku hooray Saraar. Kolkaas baa Ilaahay dad isugu keenay. Mar kaas baa maalin walba la gu dagaallamay oo qawda la iska saaray. Markaa baa maalin qoladayadii iyo qolo kale is laayeen. Kolkaas baa si xun la isu dilay. Qoladayadii waxaa laga dhaawacay sagaal iyo toban nin, qoladii kalena wax aannu ka dhaawacnay shan iyo labaatan nin. Saddex iyo toban wax ay ahaayeen dhaawac xun, laba iyo toban ninna wax ay ahaayeen dhaawac yaryar. Nin waxaa ku dhacay dhegaley, ninna waxaa ku dhacay billaawe, wax uu ka ga dhacay madaxa. Ninkaas iyo nin kale wax ay ahaayeen dhaawac xun. Nin kale isagana waxaa ku dhacday dhegaley, feedhaha ayay ka ga dhacday. Ninkaasu wax uu ahaa nin il xun; dhegaleyda waa la gu soo qalay; ninkaasu nin nolol loo malaynayo ma ahayn.”

  • Xusuusnow jiitimaha iyo dhibcaha badan ee qoraalkaa kore ka dhex muuqdaa ka mid ma aha farta loo dan lee yahay, waa se qeexitaan cilmiyeed si loo garto sida ay dhawaaqyadu u dhacayaan.

    Tixdan geeraarka ah ee buuggan ku qorani waa isla tii aynu buuggii hore ku soo aragnay oo u qoran si ka yara duwan:

    Haddaanaan bir la dhaabay Afka kuu gu dhammaynnin Dhiig yar ii xadhigoobay Dharaar kaa tibiq laynnin Haddaanaan dhebi qaadhay Dhag intaan ku gu siiyo Dhuuxa kaaga aroorin Dheellantiinka dambeeto Haddaan siig dhitinaaya La gu moodin dhurwaa

  • Qoraalka 6-aad

    A Somali Poetic Combat (1) B. W. Andrzejewski iyo Muuse X Ismaaciil Galaal Sannadkii 1963

    Muuse X Ismaaciil Galaal iyo B. W. Andrzejewski, oo shaqo aad u dheer ka soo qabtay culuunta afka iyo suugaanta soomaaliyeed, sannadkii 1963 wax ay daabaceen gabayo badan oo ay ka mid tahay silsiladdii Guba, far soomaalida ay gabayadaa ku qoreenna waa ta maanta oo tabnigii ah, keliya codka aynu u qorno x ayay u qorayeen ch (astaanta ch wax ay ka mid tahay farta caalamiga ah ee la yidhaahdo International Morse Code). Tusaaalahan hoose wax uu ka mid yahay fartii ay Galaal iyo Guush Af Soomaaliga ku qorayeen, waxaana ka muuqata berigaa ilaa sannadkii 1972 waxa qudha ee la soo kordhiyay in ay tahay ch loo rogay x.

  • Shahdan hoose waxaa ku kooban farihii reer Yurub Af Soomaaliga ku qoreen ka sida loo asteeyay codadka gaarka ah:

    Xarafka maanta

    Larajasse (1897)

    Larajasse & Sampont (1897)

    Walter Adolf Schleicher (1900)

    Leo Reinisch (1900)

    Maria v. Tiling (1925)

    x ḥ ḥ h

    Ћ

    kh ḫ

    q ḫ

    q

    sh sh

    sh

    ŝ

    ŝ

    ŝ

    dh ḋ

    c ’

    c

    c

    c

    q ḫ ḫ q/ ġ

    q

    Far Soomaalidu haddaba sida aynu soo aragnay waa far laatiin kumannaan sannadood soo jirtay. Marka labaad in Af Soomaaliga la gu qoraa waa shaqo laba boqol oo sannadood hortood reer Yurub soo bilaabeen, soona martay heerar iyo horumarin aad u badan. Waa isla hawshii qarnigii hore badhtankiisii ay Dugsiga Sheekh ka ga soo biireen Muuse Ismaaciil Galaal iyo B. W. Andrzejewski. Waa isla dadaalka markii la dawladoobay 1960 Xamar la ga maamulay. Tan hirgashay ee maanta la adeegsadaana waa tii uun. Haddaba guusha qudha ee hawshan qof soomaaliyeed ka sheegan karaa waa in fartaa soojireenka ahayd ee muddada dheer reer Yurub soo wadeen si cusub ama si toodii ka duwan Af Soomaaliga loo waafajiyo. Taa haddaba aynu ka eegno saddex masalo wixii la ga qabtay iyo ciddii wax ku soo dartay. 1) Far Soomaalidii reer Yurub keeneen sida muuqata waxaa la saluugay codadka kh oo ay iyagu inta

    badan raacinayeen q ama u qorayeen ḫ, iyo dh oo ay u tartansiinayeen ḋ iyo ḍ, iyo sh oo ay badankoodu u qori jireen ŝ. Haddaba yaa taa wax ka beddelay? 2) Shaqallada dhaadheer ee reer Yurubku jiitinta ku astaynayeen in la gu muujiyo labacelinta ka gaaban fikraddeeda yaa keenay? 3) Af Soomaaliga waxaa ku jira shaqallo culus oo ay reer Yurubku ku baraarugsanaayeen siyaalo ka la duwanna u xalliyeen tusaale ahaan baad (daaqa xoolaha) iyo baad (wax xoog lagfu qaato) dul (daloolka sanka) iyo dul (dusha), duul (sida haadka u duul) iyo duul (weerar qaad), doob (nin aan weli guursan) iyo doob (doobida awrka), haddaba innagu taa maxaynu ka yeelnay? Haddii aynu ku horraynno saddexda lamamane ee kh, sh iyo dh, wax aynu ogaanaynnaa in ay qoraallada dunida ku soo jireen iya ga oo codadka aynu u qaadannay qudhooda astaynaya. Xarafka kh wax uu la socday fikraddii ama warbixintii ay Guddida Far Soomaalidu soo jeedisay horraantii sannadkii 1961. Dh iyadqana markii kowaad Far Soomaalida wax aynu ku arkaynaa Laatiin ku magacaaban Shire Jaamac Axmed. Xarafka sh isagana Far Soomaalida waxaa soo geliyay qaamuuska Somali-English and English-Somali sannadkii 1897. X iyada oo u taagan dh sannadkii 1960 waxaa qaatay Cabdi Khayrre Cawaale. Shire Jaamac Axmed ayaa isaguna x u adeegsaday kh ahaan sannadkii 1960, laakiin is la sannadkii xigay ayuu fikraddaa ka noqday oo meesheedii ku beddelay xarafka kh. Astaanta hamsada (’) Far Soomaalida waxaa soo geliyay Muuse Ismaaciil Galaal.

    Qodobka labaad ee ku saabsan shaqalka dheer, in kasta oo labacelinta afaf kale oo badan loo adeegsado, Sida ka muuqata ciwaanka qoraallada Xikmad Soomaali oo uu Galaal ka soo saaray

  • London sannadkii 1956 labadhaca shaqalka ayuu dherer u adeegsanayay. Maalintaa wixii ka horreeyay shaqalka dheer waxaa la gu muujinayay jiitin la dul mariyo shaqalka gaaban.

    Qoraalka 7-aad Aniga iyo far soomaalida Sida aynu meel hore ku sheegnay qorista af soomaaligu wax ay ku jirtaa is qaabayn iyo koboc joogto ah, sidaas baana la gu gaadhi doonaa hab habboon oo sal dhigta. Aniguna qof ahaan intii aan qorista ku soo waday wax badan baa ii ga baxay, maalin walbana ii ga baxa, dhismaha naxwaha Af Soomaaliga iyo cuddoonida ama jabnaanta qoraalka eraygiisa. Si taa la mid ah wax aad u badan baan ka ogaaday qabyada ka buuxda farta hirgashay iyo weliba qaabka erayda loo qoro. Dabadeed fikrado badan oo aan turxaan bixin u arkay baan soo jeediyay ama qoraalkayga ku daray. U gu horrayn wax aan ku taliyay, qoraal kaygana u adeegsaday, qorista erayada in la fududeeyo iyada oo dhismaha naxwaha la tixgelinayo. Wax aan sheegay oo muujiyay sida maanta wax loo qoraa in badan in ay qarriban tahay, waayo erayo aan shuqul is ku lahayn baa la is ku qoraa kuwo midaysanna waa la ka la qoraa. Tusaale wax aan ka dhigay la ka la oo loo qoro lakala, la ma oo ku hirgashay lama, waaya’aragnimo oo loo ka la qoro waayo aragnimo ama waayo-aragnimo, Togdheer oo loo qori jiray Tog Dheer iyo Tog-dheer iwm. Habkaa ah ka la basrinta erayada in kasta oo aan weli la i gu wada raacin nasiib wanaag dad badan baa ka garaabay oo qora. Arrin qodobkaa dambe ka mid ah oo aan xitaa anigu ku dhiirran waayay baa la gu dhiirraday oo maanta la qoraa, taasina waa codka k kolka uu ku dhinto codka g dabadeed gooni u qorista ku yara silloonaada, tusaale ahaan ku gu, ka ga, la ga iwm. Reer Yurubku ilaa bilawgiiba sidaas oo naxwaha ku qumman ayay Af Soomaaliga u qorayeen, laakiin goor dambe ayay wax innaga murgeen.

    Wax aan kale oo ku taliyay saddexda xaraf ee lammaan (kh, sh, dh) in loo ga guuro saddexda far laatiinka ku hadhay ee p, v, z. Dhan walba oo la ga eego sidaas bay fartu ku wanaagsanaan lahayd oo ku urursanaan lahayd. Awalba iyada oo ay saddex xaraf far laatiinka ku hadheen gef bay ahayd in xarfo codad kale loo qaatay dib loo adeegsado iyaga oo macmal ah. Dadkii badnaa ee Far Soomaalida ka soo shaqeeyay Xaliimo Maxamed Cali oo qudha ayaa far soomaali ay keentay sannadkii 1960 xarafka v ku la dhiirratay. Sababta saddexdaa xaraf loo ga maagay wax kale ma aha ee waa iyada oo loo jabay is waafajinta codka afafka Yurub iyo Af Soomaaliga intii suurtagal ah xaruuftooda, taas oo ahayd wax aan loo baahnayn.

    Dhanka kale, sida la wada og yahay waxaa badan erayo is ku dhigid iyo ka la dhihid ah. Taasi waa laba jaad oo ka la ah 1) Dheddigood iyo labood, sida inan, waxar, nirig, Hanad, Dheeg, Xusni iqk, kuwaas oo lab iyo dheddiba noqda; 2) Codad culays iyo fudayd ku ka la duwan, sida kuwii aynu kor ku soo aragnay ee dul iyo duul. Haddaba anigu wax aan oo soo jeediyay labada jeerba in la gu ka la asteeyo labaynta xarafka ugu dambeeya erayga lab iyo ka culus si ay uga soocmaan erayag dheddig iyo ka fudud, tusaale ahaan inann (wiil), nirigg (qurbac), waxarr (orgi yar), Hanadd, Dheegg iwm. Iyo dhanka kale dull (daloolka sanka), duull (weerar) iwm. Haddii aan sidaa la yeelin waxaa la gu qasbanaan doonaa in far aan Laatiin ahayn la ga soo qaato shaqallo dheeraad ah oo arrimahaa la gu ka la qeexo.

    Wax aan kale oo wayddiin ka keenay xarfaha kolka tiro ahaan loo adeegsanayo in farta Yurub la waafajinayo iyo in Far Soomaalida loo noqonayo? Ma wax aynu qornaa a), b), c), d)… mise b), t), j), x)? Masalaada waxaa muuqata in aan go’aan la is la og yahay la ga qaadan.

    Arrimahaas ayaan soo jeediyay. Wax aan se ka noqday arrin aan hore u rumaysnaa kolkii ay i la foolxumaadeen, taas oo dad badani qoraan, waana qodobbada -ba iyo –na ee erayada gadaal ka raaca in la gu daro iyo in la ga jaro sida haddaba iyo haddana. Waa run oo naxwe ahaan erayga waa in ay ka go’aan, laakiin kolka ay gooni noqdaan habsamida erayga ayaa dhaawacmaysa, sidaa darteed wax aan u daystay in aan ku daro.

  • Gunaanad ahaan, qoraallada Af Soomaaliga ah ee reer Yurub reebeen waxaa ku jira af, dhaqan iyo taariikh badan oo aynu ururintooda iyo barashadooda u baahan nahay. Sidaa darteed qoraalladaasi, idil ahaantood, wax ay ku wanaagsan yihiin, maya ee waxaa waajib ah, in dib loo qoro oo Far Soomaalida cusub loo soo guuriyo. U gu dambayn wax aan u mahadcelinayaa saaxiibkay Boodhari Warsame oo arrintan aad ii gu baraarujiyay, run ahaantiina wax badan i ga ga kordhiyay. Boodhari wax uu wadaa baadhis masaladan ku saabsan oo aan hubo in loo baahan yahay natiijadeedana loo aayi doono. [email protected] www.ibraahinhawd.com

    mailto:[email protected]://www.ibraahinhawd.com/