1 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
WARQAQ-MOWFQIFEED
AQOONYAHANNO MADAXBANNAAN (AM)1
MARTIGELINTA
HAY’ADDA JILAYAASHA KOOFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA
(SOSCENSA) OKTOOBER 19, 2015
_____________________________________________________________________
Mahadnaq
Hawsha Aqoonyahanno Madaxbannaan (AM) ay qabteen waxay qayb ka tahay
dadaalka bulshada rayidka ay ugu jirto ka qaybqaadashada dib-u-dhiska
dowladnimada Soomaaliyeed iyo xasilinta dalka, mana suurtageli lahayn la’aanta
taagerada ay ka heshay DALLADDA JILAYAASHA AAN-DOWLIGA AHAYN EE
KOONFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA, ee loo yaqaanno SOSCENSA.
Waxaan u jeedinaynaa mahadnaq aad u baallaaran.
I. ARAR
Soomaaliya waxay maanta ku jirtaa wakhtigii ay caanka ku noqotay waayadan
dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray
xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed. Bishii Setembar 2012, Shacabka
Soomaaliyeed wuxuu isku raacay dastuur KMG, dalkana waxaa ka taabbagalay talis
ama xukun dowlad rasmi ah oo la saaray waajib dastuuri ah in afar sano kaddib loo
gudbo nidaam siyasadeed oo ku saleysan xisbiyo (Axsaab) kaaso u horseedaya in
hoggaanka siyasadeed dalka lagula kala wareego kalsooni shacbi oo muwaadin
kastaa ee cod doorasho leh uu xaq u leeyahay inuu doorto ciddii dalka uu ku aamini
lahaa.
Taasi ma suurtagelin, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) waxay 28kii ku
dhawaaqday inaysan suura gal aheyn in doorasho hal qof hal cod ka dhacdo dalka
2016, waxaana maanta mar kale dalka oo dhan ku mashquulsan yahay wixii laga
yeeli lahaa ku tala galka is-beddelka siyasadeed 2016. Eedda dhibaatada ka
dhalatay fashalkaas waa arrin meel kale looga hadli doono. Hadda waxaa
Ummadda Soomaliyeed horyaalla waajib aad u culus oo ah sidii ay soo xulan
laheyd wakiilo/xildhibanno ku guuleysta hab waafaqsan sharci iyo nidaam la isku
waafaqsan yahay kuna saleysan mabaadi’ida habka Dimoqradiyada sida
1 XIRIIRIYAAL: CABDULLAHI SHIRWA, ABDI MAXAMED BAFFO, ABDULLAHI SHEIKH ALI
2 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
daahfurnaan, sinnaan, ka hufan tuhun laalush, dhaqangal noqon kara, kana
madaxbannaan faragelin, cadaadis, iyo taakuleyn ka timaada dowladda heer kasta
ama xagga shisheeyaha qaab kasta. Bulshada Soomaaliyeed waxay aad uga
welwelsan tahay dib ugu noqoshada habkii xulasho iyo doorasho ee dhacday 2012
taaso ay hareereeyeen musuqmaamuq, boob, eex, haween faqooq, iyo awood
sheegasho siyasadeed, iyo adeegsi guddiyo farsamo iyo maamul aan laheyn hab
sharci ee lagula xisaabtamo. Waxaa xaaladda sii murjiyay garsoor la’aan loo
dacwoodo.
Sida darted, Annagoo ah aqoonyahanno Madaxbannaan (AM) oo ay gogol u
fidiysay Dalladda Jilayaasha Aan-Dowliga Ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha
Soomaaliya (loo yaqaanno SOSCENSA), waxaannu dareennay in waajib naga
saran yahay in aan doorkeenna ka qaadanno talooyinka ku aaddan ka gudbidda
xilligan xasaasiga ah.
II. DULMARKA TALOOYINKA LA SOO JEEDIYAY
Aqoonyahannada Madaxabanaan (AM) waxay yeesheen sagaal kulan, oo saddex (3)
ahaayeen maalmo shaqo dhan. Waxaannu darasnay talooyin gaaraya ilaa iyo 14 oo
laga soo jeediyay sida ay u dhici karto Doorasho toos ah oo ku saleysan hal qof iyo
hal cod ama doorashada Dadban or Iskudhafan madaama Doorashada tooska aysan
suura gal aheyn, talojeedinnaadaasoo oo ay qoreen Soomaali iyo ajnabiba. AM waxay
si gaar uga dooday qabsoomidda Doorasho hal qof iyo hal cod oo ka soo qayb
galayaasha qaarkood qabeen iyo kaalinta Xisbiyada Siyaasadeed Xilliga 2016,
kaddibna waxay si qotodheer u lafagurtay talooyinka kala duwan lana xiriira
doorashada aan tooska aheyn .
Dulmar kooban ee AM ku sameeyeen qorallada talojeedinta gaaraya 14 waxaa laga
eegay 5 qodob oo kala ah:
1. Suurtagalnimda iyo surtagelid la’aanta in doorasho hal qof iyo hal cod ka dhici
karto Soomaaliya Sannada 2016;
2. Aragtida laga kala qabo qaacidda awood qaybsiga qabiileed ee 4.5;
3. Noocyada Doorashada ee ay u kala qareemayaan talojeedinnada la darsay;
4. Meela/Cidda (constitutencies) xildhibannada dooraneysa oo wakiil ka yihiin
lana xisaabtameysa;
5. Sida loo maamulayo doorashada/xulashada Xildhibannada
Waxaan hoos ku soo koobi doona nuxurka ayadoo uu jiro qoraal faahfaahsan ee
laga sameeyay talojeedinnada. Waxaan hordhac ahaan u xuseynaa qoraalka 9kii
Abriile 2015 ee Hay’adda Saxaradaha Caalaamka (International Crisis Group)2
oo tilmaamaya in ballaanqaadka Dowladda Federaalka ee ahaa in doorashada 2016
ka dhaceyso dalka uusan macquul aheyn, isla markaana talooyin ka soo jeediyay
shuruudaha loo baahan yahay in la tixgeliyo nooc kasta ee xulasho/doorasho laga
sameeyo dalka Soomaaliya sannadka 2016.
2 http://blog.crisisgroup.org/africa/2015/04/09/somalias-promised-but-problematic-national-
elections/
3 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
Qabashada Doorasho “Hal Qof iyo Hal Cod:” MMD iyo Sankor Jama
Geyre
Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada Soomaaliya (MMDS)3 iyo Hindisaha
Sonkor Jama Geyre oo soo bandhigay habka Codbixinta Telefoonka Gacanta
Soomaaliya 2016 “Mobile Somalia Voting 2016” waxay qabaan in doorasho hal
qof iyo hal cod ay qabsoomi karto.
Mowqif qoraalka ay soo bandhigtay MMD waxaa lagu xusay in doorasho hal qof iyo
cod ah oo ay ku tartamayaan xisbiyo Qaran ay ka dhici karto Soomaaliya ayada oo la
adeegsanayo habka doorashada ee loo yaqaan isu-Dheellitirka Matilaadda oo
marka Af Ingisriiska loo tarjumo noqneysa Proportional Representation (PR).
Habkaa asaga ahi wuxuu ku salaysan yahay in saamiga boqolleyda uu xisbi ka helo
loo rogo saamiga oo isla xisbi ka helayo kuraasta Golaha Shacbiga.
MMD waxay kaloo qabtaa in laga maarmi karo in ay dalka oo dhan ka dhacdo
dorrasho, meelaha ay ka qabsoontana laga tix-raaco in ay dalka oo dhan muunad u
yihiin. MMD waxay kaloo qabtaa in hadda laga maarmi karo tira-koob dad iyo
codbixiyayaal la diiwaangeliyo oo hadba inta codayso loo qaato muunad qaranka oo
dhan ah.
Taas beddelkeedi hindisaha mobil-ku-codaynto wuxuu qabaa in hadda la hayo
boqolkiiba siddeetan iyo shan (85%) dadka noqon kara codbixiyayaal heer Qaran iyo
heer deegaanba. Xogtaas waxaa haya shirkadaha is-gaarsiinta ee dalka ka jira ee
bixiya adeega is-gaarsinnta mobilka iyo isu-xawilaadda lacagta oo hadda ku fiday
meelaha tuulooyinka iyo miyiga ahba. Sidaas awgeed hindisaha moobil-ku-codayntu
ma aha oo keliya in dadka qabaa ay u arkaan inuu suurta gal yahay ee waxay ula
muuqataa inuu suurta gelinayo tira koob dadweyne iyo diwaan-gelinta
codbixiyayaasha kaasoo saldhig laga tix-raaco u noqon kara doorashooyinka
mustaqbalka.
Shaxda koowaad waxay muujineysa sida labada hindise koowaad ay isu raacsanyihiin
iyo waxyaabaha ay isku seegganyihiin. Tusaale ahaan, labada hindise waxay ka siman
yihiin in laga gudbo qaacidada 4.5 iyo cidda loo codaynayo oo ah xisbi qaran.
Waxay kalo iska mid yihiin in dalka oo dhan uu yahay hal degaan doorasho (single
Constituency). Taas macnaheedu waxay tahay in ay jirayaan baro codbixin oo ay
tahay in lagu jamciyo cod-bixinta guud ee heer qaran.
3http://fud.so/2015/03/31/every-vote-counts-a-model-for-popular-elections-in-somalia/
4 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
Shaxda 1aad: Suurta galnimada doorasho hal qof iyo hal cod ah
Trs Hindisah
a
Moqifka
ku
aaddan
qaacidad
a 4.5
Yaa
maamulaya
doorashada
Xaggee laga
dooranaya
xildhibaannad
a
Yaa loo
codaynaya
a
1. MMD Ha laga
gudbo
Ma cadda Dalka oo dhan Xisbi Qaran
2. Moobil-
ku-
codaynta
Ha laga
Gudbo
Hay’adda
Masu’uulka
ka ah
Maamulidd
a Xogta
Qof walbi
meesha uu
joogo marka
doorashadu
dheceyso
Xisbi Qaran
Qoraalka MMD kuma cadda cidda ama hay’adda masu’uulka ka ah doorashada, halka
hindisaha moobil-ku-codayntu uu tibaaxayo in ay jireyso cid maamusha ururinta iyo
kaydinta macluumaadka doorashada, iyo soo saaridda natiijada codbixinta. Hindisaha
dambe qudhiisa kuma cadda cidda cayimayasa iyo sharciyadda hay’adddas farasamo
ahaan u xilsaaran xogaha doorashada (voter registry and votes casting) iyo kuwa
madaniga ah (civic registry).
2. Taloojeedinnada ku saabsan Doorashada dadban
11ka qoraal kale waxay u qareemayaa in la qabto doorasho dadban madaama ay u
arkaan in wakhtiga dhiman aan lagu abaabuli karin duruufihii suurta gelin lahaa
doorasho toos ah oo hal cod iyo hal qof ah. Qorayaasha u qareema doorashada dadban
waxaa loo kala saari kuwa qaba qaab-beeleed toos ah iyo doorashao iskudhafan oo
macnaheedo yahay qaab-beeleed iyo doorasho isku dhafay. Qaybaha soo socda ee
qoraalkani waxay qiimaynayaan hindisayaasha u adeegaya mowqifyada labado
hindise (hab-beeleed toos ah, iyo iskudhaf qaab beeled, xisbi, iyo deegan), halka ay ka
kala taagan yihiin halbeegyada kala ah 4.5, meelaha/cidda laga kala dooranayo
xildhibaannada, qaababka ay u dhici karto doorashadu, iyo sida loo maamulayo.
I. Qaab Beeleed oo si madaxbannaan isu maamulaya
Maxamud M Culusow4 & Dahir Mire Jibril
5
Culusow iyo Daahir Jibriil waxay qabaan in Xulashada Xildhibannada 2016 loo
adeegsado qaabka Hab Beeledka ku saleysan 4.5 ayadoo loo dejinayo tilmaamo ku
saleysan nidaam dimuqradi ah. Labadan qoraa waxay xoogga saarayaan in sida
beesha dhexdeeda uu uga soo baxayo xildhibaan ka soo murbaxay faaf-reebyo sugan
(detailed screening) oo dammaan qaadaya in xulidda xildhibaannimadu u dhacdo si
4http://www.hiiraan.com/op4/2015/apr/99259/somalia_the_unlikely_2016_parliament_election_rei
nstates_4_5_clan_formula.aspx 5http://www.wardheernews.com/somalia-election-2016-concept-note-hybrid-election-process/
5 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
daahfuran oo ka deyran in la adeegsado noc kasta oo loo suurayn karo musuq-maasuq
iyo cadaadin.
Shaxda 2aad waxay soo bandhigeysaa arrimaha labada qoraa ku mideysan yihiin
iyo waxa aanay isu raacsanayn. Labada qoraa waxay isku raacsan yihiin in la sii
adeegasado qaacidada 4.5 iyo in halka laga doranayo xildhibaanka ay tahay
beesha ee aanay ahayn degaan. Tartatamayaasha la kala xulayo ama la kala
dooranayo waxay kalo labada qoraa u arkaan mid ku wajahan kala reebidda
daneeyayaal ama u tartamayaan shaksiyaad isku beel ah.
Shaxda 2aad: Qaab-Beeleed si madaxbannaan isu maamulaya
Trs Hindisaha Moqifka ku
aaddan
qaacidada
4.5
Maamulka
doorashada
Meesha laga
xildhibaannada
Cidda la
kala
dooranay
o/la kala
mookhala
yo
1. M. Culusow Ha lagu sii
Dhaqmo
Golayaal
Hoggamineed oo
shanta beelood
Beel Guud Shaksiyaa
d
2. Daahir M.
Jibriil
Ha lagu sii
Dhaqmo
Beel Hoosaad Shakhsiya
ad
Meesha keliya oo labada qoraa ay ku kala geddisnyihiin waa sida xildhibaannadu uga
soo murbaxayaan qaab-beeleedka tooska ah.
Ugu horreyn Mudane Maxamud M. Culusow wuxuu qabaa in la dhammeystiro
Dastuurka, xildhibannadana laga mamnuuco inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirrada.
Xagga xulashada Xildhibannada, Culusow waxay la tahay in shanta beelood ee
awood-qaybsiga golaha shacabka mid walbi uu iskiis u degsado habraac ay ku
mideyasan yihiin iyo qaabka loo hirgelinayo. Gole Hogaamineed ee beel kasta
xilsaaratay ayaa maamulaya xulidda codbixiyayaasha dooranaya xildhibaannada,
ayada la isla meel dhigay saami haweenka u gaar ah.
Mudane Daahir Mire jibriil wuxuu Culusow kaga geddisnyahay in beel hoosaad kasta
(heer Mag-wadaag) ay qaab doorasho ku soo saarto xildhibaanka ay u wakiilanayso
golaha shacabka JFS. Daahir wuxuu qabaa in nabaddoonnada beel kasta oo saami u
yeelata in ay xildhibaan yeelato la diiwaangeliyo, nabadoon kastana Qaran loo
oggolaado inuu isla jifida wax dooranaysa uu ka soo xulo 10 qof, oo ugu yaraan
saddex haween yihiin, asaga oo raacaya shuruudo hore loo dejiyey. Sidaas awgeed,
cadad codbixyayaal oo dhan tirada nabaddoonnada jifi hoosaadka oo lagu dhiftay
toban ayaa dooranaya xildhibaanka jifi-hoosaadkaas, waxaana guulaysanaya
murashaxa hela codka ugu badan ee tirada codbixiyayaasha.
6 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
B. Doorasho/xulasho Isku Dhafan
In kasta hindisyaasha u qareemaya doorasho/xulasho isku dhafan ay si weyn u
dhaliilaan ku dhaqanka qaacidada 4.5, haddana lama aha in gebi ahaanba la daad
raacin karo, madaama aan ilaa hadda lagu guulaysan qaacida kale oo xalaal ah.
Hindisyaasayaasha ku salaysan doorasho Isku dhafan (doorasho dadban) waxaa qaba
Kamaal Guutaale iyo qoraa qarsoon oo qoray Qoraal cinwaankiisu yahay “Enhanced
Leggitimacy: Hybrid Option” oo marka Af Soomaali loo tarjumo noqonaayaa “Kor-
uqaadidda Xalaalnimada: Doorasho Iskudhafan” waxaana la sheegay in qoraalka
dambe haysto taagero qiimo badan sida qaar ka mid ah hay’adaha dawladda
federaalka iyo xubno beesha Caalamka.
Qoraal saddexaad ee ku talinaya doorasho dadban waxaa curiyey Faysal Rooble.
Saddexdan hindise waxay isku raacsnayihiin in qaab-beeleed waafaqsan 4.5 lagu xulo
tira codeeyeyaal ah. Doraashada 2016, sida ay qabaan hindisayaasha doorashada
dadban, kuma tartamayaan murashaxiin xildhibaanno ee waxaa ku tartamaya Xisbiyo
Qaran (Eeg shaxda 3aad).
Shaxda 3aad: doorasho dadban
trs Hindisaha Qaacidada
4.5
Maamulidda
doorashada
Degaan-
doorasho
Cidda loo
codaynayaa
1. K.
Guutaale
Ha lagu sii
Dhaqmo
Guddiyo
Degmo-
doorasho oo
hoos yimaada
Guddi
Doorasho Her
Qaran oo
Madaxbannaan
Degmo Xisbi Qaran
2. Enhanced
Leggitimay
Ha lagu sii
Dhaqmo
Guddiyo
Degmo-
doorasho oo
hoos yimaada
Guddi
Doorasho Her
Qaran oo
Madaxbannaan
Dawlad-
Goboleed
Xisbi Qaran
3. F.Rooble Ha lagu sii
dhaqmo
Ma cadda Gobol Xisbi Qaran
Sidaas awged murashaxa ku gulaysanaya xildhibaannimada kama go’odo
codeeyayaasha ee waxay ka go’daa Xisbiga uu murashax ahaan liskiisa isku sharraxo
ayada oo fursadda musharrax kasta ay ku xiran tahay saamiga guud ee xisbigiisu ka
helo tirada guud ee codbixiyayaasha heer qaran iyo meesha uu kaga jiro liiska
murashaxiinta xisbiga uu liiskiisa ku tartamayo.
7 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
Saddexdan hindise waxay kaloo isku raacsanyihiin in tirada golaha shacabka ee soo
socda uu ahaado isla tirada golaha hadda wakhtigiisu gabaabsiga yahay oo dhan 275
Mudane iyo in Guddi Doorasho Qaran oo Madaxbannaan uu hubiyo in liiska
murashaxiinta xildhibaannada xisbi walba uu ku sargo’an yahay 275 musharrax oo ku
saleysan qaacidada 4.5. Arrimaha kale oo saddexdan hindise isku raacsanyihiin waxaa
ka mid ah in xisbigii hela boqolkiiba konton iyo hal codeeye uu dhisayo
Xukuumadda, haddii xisbi keli ahi gaariwaayona xisbiga ugu cod badani uu is-
bahaysi la samaysto xisbiya kale.
Nidaamkan asaga ahi wuxuu kaga geddisanyahay maamulladii kumeel-gaarka ahaa
iyo kan hadda xilka hayaba in qofka Ra’isul Wasaaraha noqonaya aanu
magacaabidoonin Madaxweynuhu. Kaalinta Madaxweyne kaga jiro dawlad dhisidda
waxay noqoneysa keli ah inuu faro ama magacaabo hoggaamiyaha xisbiga haysta
aqlabiyadda Golaha Shacabka ama hoggaamiyaha hela aqlabiyadda Xisbiyada
Isbaheystay inuu soo dhiso Xukuumadda. Sidaas awgeed waxaa la fili karaa in is-
mariwaaga madaxda hay’adaha dawladda ee ragaadiyey xilgudashadooda laga raysto,
haddii nidaamkan asaga ahi hirgalo.
Ugu dambaynti hindisayaasha doorashada dadban waxay hindsaayaasha hab-beeldka
tooska ah la wadaagaan in aan qaacidada 4.5 aan gebi ahaanba la daadraacin.
Saddexda hindise dambe waxay soo jeedinayaan in halbeegyada xulidda
codeeyayaasha (electorate) iyo isu-dheelitiradda liiska murashaxiinta xisbi qaran oo
kasti ku tartamayo ay ahaadaan mid waafaqsan saami qaybsiga beel kasta dhexdeeda
ah iyo qaacidada guud ee qaacidada 4.5. Isla nidaamkani wuxuu la wadaagaa
hindisayaasha doorashada tooska ah ee hal qof hal cod in Soomalia uu ka hirgalo
nidaamka doorasho ee loo yaqaanno Isu-dheellitiradda Matilaadda.
B.1 Kamaal Gutaale6
Kamaal qoraalkiisa Febraayo 19, 2015 wuxuu ku sheeganaya inuu ka mid ahaa isku-
dubbaridayaasha qoraalka loogu magacdaray Higsiga 2016 oo ka soo baxay shir isla
magacaas lahaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Setember 2013.
Barnaamijka Higsiga waxaa lagu qeexay qorshe muddaysan oo suurta gelinaya in
doorasho hal qof iyo hal cod ay ka dhacdo Soomaaliya marka la gaaro 2016. Markii
ay ka soo wareegtey muddo sannad iyo bar ku dhowaad ah soo saariddi qoraalka
higsiga 2016, waxaa Kamaal u muqday in aan la hirgelin tallaabooyinkii suurta gelin
lahaa in doorashadaas ayada ahi ayna suuragal aheyn inay dhacdo. Dhan kale wuxuu
ka tilmaamay in qaabkii ay u dhacday xuliddii Golaha Shacabka ee la asaasay 20kii
Agosto 2012 iyo hay’adihii ee ka farcamay aaney u horseedin xasillooni siyaasadeed,
sidaas awgeedna isla qaabkii oo lagu noqodo aan horumar laga fili Karin. Hindisaha
Kamaal wuxuu ku salaysanyahay dadaal qof ahaantiisa uu uga gol leeyahay in la
curiyo hindise doorasho oo aan ahayn Hal Qof iyo Hal Cod isla markaasna ka
horumarsan qaabkii loo xulay baarlammanka weli xilka haya.
6http://africanarguments.org/2015/02/19/somalia-moving-forward-an-alternative-path-for-vision-
2016-by-kamal-gutale/
8 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
Nooca doorasho oo Kamaal soo bandhigay wuxuu ugu magac daray “A
Blueprint for Indirect Elections” oo Afka Soomaalida marka loo tarjumo
noqoneysa “Naqshadda Doorasho dadban” Arrimaha ay ku saleysan tahay
qaacidada doorashadaasi ku cad shaxda 3aad waxaa ka mid ah: (i) in doorasho
dadbani ka dhacado 90kii degmo ee Soomaaliya ka jirey wixii ka horreeyey
1991ki; (ii) degma walba in laga xulo tiro codeeyayaal ah oo dhan 1100 ; (iii) in
Guddi Doorasho ee heer degmo oo uu kormeerayo Gudddi Doorasho Qaran oo
Madaxbannaan oo xulo codboxiyayaasha ayada la raacayo habraac lagu heshiiyey
tix-gelinaya siyaabaha uu sii kala farcamo hab-beeleedka Soomaalidu; (iv) in
Guddiga Doorashada Qaran uu diiwaangeliyo xisbiyo qaran oo ka tartama
dhamaan degmooyinka doorashadu ka dheceyso; in xisbi walbi shaaciyo liis
xildhibaanno oo dhan 275 kuna salaysan qaacidada 4.5. Golaha shacabka ee
qaabka noocaas ku soo baxa ayaa sii ambaqaadaya tillabooyinka ku xiga ee
dawlad dhiska oo ay ugu horreyso doorashada madaxweynaha, xil-saaridda
hoggamiyaha aqlabiyadda Golaha Barlamaanka, dhidib u aasidda xukuumadda.
Kamaal wuxuu u arkaa in Tirada codeeyayaasha ku habbontahay in ay ahaato
1100 codeeye taaso tirada guud ee codeeyeyaasha heer qaran ka dhigaysa in ka
badan 100,000 oo codeeye.
B.2 Kor-u-qaadidda (Hagaajinta) Xalaalnimada doorashada7
Magac Qoraa ma leh (Anonymous)
Qoraalka cinwaankeedu yahay Hab Isku-dhafan ee Kor-u-qaadidda (Hagaajinta)
Xalaalnimada (Enhanced Legitimacy: Hybrid Option) waa hab lagu soo xulayo
xildhibaannada. Dalka oo dhan oo loo qaybiyey toddobo degaan-doorasho oo lix
noqonayaan magaala-madaxyada Dowlad Goboleedyada (DG) hadda jira ama
lagu jiro tabaabusho lagu asaasayo. Qoraalku wuxuu u arkaa Soomaaliland
degaan-doorasho oo xaalad gaar ah ka jirto, wuxuuna ku talinayaa in qorshe gaar
ah loo dejiyo siyaabaha xildhibaannadooda loo soo xulayo. Tirada Xildhibannada
Golaha Shacabka 2016 waxay ahaan doonta 275. Qaacidada qoraalkani so
bandhigay waxay ku salaysantahay: (i) xildhibaannada hadda xilka haya inta
aanay dhaamaan muddada xil-hayntoodu, mid walbi waa inuu sheego dawlad
goboleedka uu ka soo jeedo; (ii) ayada oo laga duulayo xogtaaas ayaa waxaa la
soo saaraya tirada xildhibaanada Dawlad-Goboleed kasta laga soo dooranayo; (iii)
tirada codbixiyayaashu waxay noqoneysaa tirada xildhibaannada Dowlad
Goboleed oo lagu dhiftay 100 codeeye; (iv) Codbixiyayaasha afar dowlad
Goboleed (Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hiiraan iyo Shabelle Dhexe)
waxaa soo xulaya Odayaal dhaqaamedkii soo xulay xubnaha Golayaasha Shacbi
ee Dowlad Goboledyada, waxaana ansixinaya Barlamaanada Dowlad
Goboleedyada; (v) Codbixiyayaasha Puntland, Somaliland, iyo Benaadir waxaa
soo xulaya Hogaamiya-dhaqameedkii 2012; (vi) Guud ahaan tirada
codeeyayaasha heer qaran waxay ahaanayaan 275X100 oo la mid ah 27,500
codeeye; (vii) Inta aan la gaarin doorashada 2016, Guddiga Doorashada Qaranka
ayaa diiwaangelinaya xibiyo Qaran; (viii) xisbi walbi wuxuu doorashada kaga
qayb-galaya liis murashaxiin oo dhan 275 oo la hubiyey inuu isugu
jaango’anyahay qaaacidada 4.5; (ix) liska kasta oo xisbi waa inuu isagu
7http://puntlandtimes.com/wp-content/uploads/2015/07/Enhanced-Legitimacy1.pdf
9 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
jaango’onaado dufcado; (x) xisbigii hela 13,750 iyo hal cod ayaa la mid 50% iyo
hal cod, tirada guud ee codbixiyayaasha ayaa xukuumadda dhisaya.
B.3 Faysal Rooble8
Qoraal uu Faysal Rooble u bixiyey “Qaab Goboleed beddel u ah Kor U Qaadidda
Xalaalnimada “oo cinwaakiisa Luqada Ingiriiska yahay “Region-based
Alternative Model to “Enhanced Legitimacy: Hybrid Option Election” oo uga
gol leeyahay hindisaha ku xusan B.2 oo loo regey heer gobol. Mid walba oo 18kii
Gobol ee maamulka u qaybsanaa u arko in loo qaato degaan-doorasho. In kasta oo
Faysal Rooble oo uu gobollada isu raaciyey qaabab la kala dooran karo oo
Dowlad Goboleed ku dhisan, haddana taasi wax ka beddelimeyso in Gobol uu mar
walba ahaanayo degaanka doorashada ee asaasiga ah. Qaacida doorashada ee
Faysal Rooble waxay ku salaysantahay: (i) in 18kii gobol ee dalku u qaybsanaaa
intii ka horreyesey 1991ki loo qaato degaan-doorasho; (ii) in Gobol walba uu
yeesho tira xildhibaanno oo la mid ah tirada xildhibannada ee hadda jira oo dhan
275 oo loo qaybiyey tirada gobollada oo ah 18; (iii) in xildhibaan walba ay
doorato 100 codbixiye; (iv) tirada codbxiyayaasha heer Qaran waxay ahaanayaan
27,500.
Faysal wuxuu soo jeediyay shuruudo dhowr ah ee ka horreya qaadashada taladiisa
oo ay ka mid yihiin dib u heshiis dhab ah iyo in la isla oggolaado in
Xildhibannada lagu saleeyo gobol lagana guuro hab-beeled 4.5. Qoraaga
qaacidatan ma soo bandhigin qaab dhammaystiran oo la xariira xulidda
codbixiyayaasha, tilmaamaha uu ka bixiyeyna waxaa ka mid ah in
hoggaamiyayaasha dhaqanka lala tashado hase ahaatee ay go’aan gaarista
leeyihiin madaxda Dowlad Goboleedyada.
B.4 Hay’adda Baarista Sahan: Matt Bryden & Tres Thomas9
Qoraal ay wada diyaariyeen Khabiir Matt Bryden oo ah Agaasimaha hay’ad cilmi
barista la yiraahdo Sahan iyo Tres Thomas wuxuu qabaa in la dhammaystiro
Nidaamka Federaalka Dowlad Goboleedyada Bartamaha iyo Koofurta
Soomaaliya (Hiraan/Shabellada Dhexe, iyo Gobolka Benadir/Caasimadda
Soomaaliya). Labada qoraa waxay soo jeedinayaan in 2016 la dhammeystiro
Aqalka Sare (Upper House) oo leh 54 Xildhibaan iyo Aqalka Shacabka oo leh 275
Xildhibaan. Madaxweynaha 2016 waxaa wajir ahaan u dooranaya Golaha
Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka. Madaama ay adag tahay in Madaxda
Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay heshiiyaan, labada
qoraa waxay qabaan in go’aanka habka xulashada Xubnaha Barlamaanka
Federaalka oo dhan loo daayo Dowlad Goboleedyada.
8http://www.wardheernews.com/wp-content/uploads/2015/08/Alternative-Model-to-Election-By-
Faisal.pdf 9http://um.dk/en/~/media/UM/English-site/Documents/Danida/Partners/Research-Org/Research-
studies/Somalias%20troubled%20transition%20-%20Vision%202016%20revisited.pdf
10 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
Muhimadda qoralkan waxay ku jirtaa inuu fasirayo hannaanka dawladnimo ee
heer qaran iyo dawlad-goboleed ee ka hanaqaaday Soomaaliya muddada saddexda
sano ah ee ay Dowladda Federaalka jirtay.
B.5 Cabdullahi M. Xirsi10
Mudane Cabdullahi M. Xirsi wuxuu 6dii Bishan Agoosto shaaciyey qoraal uu ugu
magac-daray “Multilayered District Based Representative Election in
Somalia” oo marka Luqadda Soomaalida loo tarjumo noqnaya “Doorasho la
jamciyo oo degmo ku salayansan”. Qoraalka mudane Xirsi wuxuu dhammaan
qoraallada kale kaga geddisanyahay hobbonaanta in doorashada 2016 ay noqoto
mid ay isku mar la qabanayo dorashada labada Gole ee Baarlammanka
Federaalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Golayaasha
sharci-dejnta, Dawlad Goboleedyada, iyo Golayaasha Degmooyinka jirey bilawgii
1991kii. Marka laga reebo Soomaliland oo labadii doorasho ee Madaxweynaha
ay si toos ah loo doortay, haddana lagu jiro tabaabushihii doorashada
Madaxweynaha iyo tan golaha Shacabku ay isku mar dhacan, Soomaaliya inteeda
kale waxay ku socotaa habka baarlammaanka, doorasho isku mar dhacdayna ma
soo marin. Hindisaha Mudane Xirsi wuxuu ka tarjumayaa cabiridda aragti u
qareymeysa in Soomaaliya u diga-rogato habka Madaxweynenimada. Marka laga
eego munaasibnimada in nooc kasta oo doorashooyin ay isku mar dhacaan waa la
oran karaa waa mid ku habboon xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya, hase ahaatee
waxaa lagu duri karaa in ay ka hordheceyso meesha hadda xaal taaganyahay oo ah
in la qaado tallaabo horseeda in sida la yahay la dhaamo ayada oo aan isla
markaas waxba la iska hagran.
B.6 Dhaqaaqa Bulshada Rayadka Ah11
Shir Xubno dhaqaaqa Bulshada Rayadka ka mid ah ay yeesheen 13 Bisha Agoosto
2015 kuna saabsanaa doorashada 2016 waxaa ka soo baxay:
In Beelaha Soomaaliyeed laga soo xulo ergo qaran oo dhan 50,050 oo ka
kooban hoggamiye dhaqameedyo, Culumada, Aqoonyahannada, haweenka,
iyo ganacsatata. 50 xubnood ee ergada ka mid ah waa in lagu abaalmariyo
dadkii waxtarka u lahaa Ummadda Soomaalaiyeed mudaddi dowlad la’aanta.
Xildhibaan kasta waxaa dooranaya 182 xubmood. Madaxweynaha iyo
Madaxweyne Ku Xigeenka waxaa dooranaya Ergada. Saamiga haweenku ku
yelanayo ergada waa inuu ahaado boqolkiiba soddon (30%)
In Shirweyaha Qaran mas’uuliyadihiisu ku ekaan doorashada xildhibaannada
ee looga faa’iidaysto dib-u-heshiin, dhammaystirka dastuurka, dejnta
naqashada dhammeystirka hay’adaha Qaranka, iyo dejinta khariidada ay afar
sano ka dib ku dhici doonto doorasho Hal Qof iyo Hal cod ah.
In qaabka Dowladda Federaalka noqdo qaabka Madaxweyne iyo Mdaxweyne
ku xigeen.
10
http://www.jowhar.com/multilayered-district-based-representative-election-in-somalia-the-strategies-and-viable-options-for-the-election-in-2016/ 11
http://www.ceegaag.com/2015/09/03/talo-soo-jeedin-hiigsiga-2016/
11 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
B.7 Xildhibaan Cabdiraxman Hosh Jibril12
iyo Cabdirashid Khalif Xaashi13
Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Cabdirashiid Khaliif Xaashi waxay soo bandhigeen
labo qoraal lagu soo jeedinayo dhibaatooyinka welwelka ku haya Soomaaliya iyo
talooyin la xiriira Higsiga 2016. Cabdiraxman Hosh wuxuu taxay howlaha aan waxba
laga qaban ee ku qeexan Dastuurka KMG ka hor qabashada Doorashada hal qof iyo
hal cod. Wuxuu tilmaamay in saddex Koox ee ka jira Barlamaanka Federaalka
(Badbaado, TTQ, MMQ) ay qabaan in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud
caqadad ku yahay fulinta Howlaha Qabyada ah. Si loo saxo Higsiga 2016, Mudane
Cabdiraxman Hosh wuxuu ifinaya in xalalka lagu daro in dacwad (Impeachment) lagu
oogo Madaxweynaha si xilka looga qaadayo, loona doorto Madaxweyne cusub oo
hoggaamiya fulinta howlaha aan la qaban, isla markaana waqtiga loo kordhiyo
Dowladda Federaalka.
Cabdirashid Khalif wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in loolanka
siyasadeed ee 2016 lagu dhaqo mabaadi’ sharci ah (Principled Rules of the Game) si
loo helo natiijo xalaal ah (Legitimacy). Cabdirashid wuxuu hoosta ka xariiqay shan
arrimod ee Soomaaliya ka hortaagan dhismaha Dowlad shaqeyneysasa: tixgelin
la’aanta maslaxadda Soomaaliyeed, Musuqmaasuqa siyasadeed iyo maaliyeed ee
baahsan, faragelinta shisheeyaha, ku fakrifalka awoodda Dowladeed, iyo
dhaleeceynta aan saxa aheyn ee odayaasha dhaqanka oo ah xoggaan lagu kalsoon
yahay. Sidaa darteed, wuxuu tilmaamaya inay shardi tahay in la xaqiijiyo in
doorashada 2016 ka hufnaato faragelin caalami ah iyo adeegsiga nooc kasta oo
musuqmuuq iyo cadaadin ah.
B.8 Gurmad14
Cududda Gurmad waa aqoonyahanno Soomaaliyeed oo u istaagay inay horseed u
noqdaan badbaadada Qaranka Soomaaliyeed oo god-ku dhacay, waxayna soo
bandhigeen Ajendo Siyaasadeed ee lagu maareynayo marxaladda kala guurka 2016.
Gurmad waxay ku mintideyda in la xoojiyo adeegsiga qaab-maamuledka oo ka soo
horjeeda qaab Jid-Kharidadeedka ku caan baxay, taaso irdaha u furaya faragelinta
joogtada ah ee Shisheeyaha iyo awood iyo talo ku takrifalka Madaxda dalka. Gurmad
waxay qabtaa in fashilka Higsiga 2016 ay tahay “dambi dayacaad waajib dastuuri ah
ee hoggaanka siyaasadeed dalka Soomaaliya ku kaceen.” Mabaadi’ida iyo Talooyinka
ku jira Ajendaha waxaa ugu muhiimsan:
1. Inuusan jirin damiir, sharci, iyo siyaasad kallifeysa in malaayiin doolar lagu
khasiro dib u xulashada 275 xildhibaan oo ku saleysan qaabka awood qaybsiga
qabileed ee 4.5. Dib ugu soo xulashada xildhibannada hab qabiileed waxay
taagereysa faragelinta shisheeyaha oo jaangoynaya masiirka Soomaaliya, taaso sii
dabadheereyneysa mushkiladaha iyo jaahwareerka Soomaaliya.
12
http://www.hiiraan.com/op4/2015/apr/99128/fixing_vision_2016_some_options_for_the_somali_federal_institutions.aspx 13
http://www.heritageinstitute.org/somalias-vision-2016-reality-check-and-the-road-ahead/ 14
http://aminarts.com/link/Gurmad_English.pdf
12 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
2. In geedisocodka siyaasadeed 2016 noqon Mashruuc Ajnabi.
3. In Barlamaanka Federaalka hadda jira yahay Hay’ad Qarameed haysta
xalaalnimada (Sharciyadda) matalaada Shacbiga Soomaaliya.
4. In la fuliyo howlo u qaybsan saddex waqti:
I. Setember-Disember 2015: Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inuu
ansixiya sharciga dhismaha Maxkamadda Dastuurka; Sharciga
Oggolaanaya ugu badnaan 3 Xisbi Siyaasadeed marxaladda 2016;
Sharciga Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa; Sharciga Guddiga
Dib u Heshiisinta iyo Runta.
II. Jennaayo 2016: Barlamaanka waa inuu soo saara sharci ku saabsan habka
doorashada 2016 ka hor 31 Jannaayo 2016, kaaso caddeynaya:
1. In Doorashada Barlamaanka Federaalka oo dhici laheyd Agosto 2016
dib loo dhigayo ilaa Agosto 2018;
2. In Agosto 2016 la dooranayo Madax cusub barlamaanka ayadoo
tartanka Musharraxiinta Madaxda Barlamaanka ku saleysnaaneyso
barnaamijyada saddexda (3) xisbi soo bandhigi doonaan;
3. Marka la doorto Madaxda Barlamaanka, saddexda (3) Xisbi waxay soo
sharraxayaan xubno u tartamaya Jagada Madaxweynaha
Jambuuriyadda Soomaaliya. Madaxweyne Cusub ayaa la dooranaya 15
Setember 2016.
III. Setember 2016- Disember 2017: Doorashada iyo Dhismaha
Dowladda Federaalka Setember 15, 2016 kaddib, Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ku baaqaya Shirweyne
Dastuur muddada u dhexeysa Setember iyo Disember 2016, si loo
xaqiijiyo ujeedooyinka soo socda:
(a) Dib u eegid mabaadi’ida asaasiga ee Dastuurka KMG sida nooca
habka federaalka Soomaaliya iyo habka dowladnimo - habka
Barlamaanka ama kan Madaxweyne;
(b) In la siiyo Shacabka Soomaaliyeed fursad uu ku gaaro heshiis
qarameed (social contract) ee tiir u noqda habka nidaamka
dowladeed ee dalka Soomaaliya.
III. Falaqeyntaa Talo Jeedinnada Kor ku Xusan
Hindasayaasha ama talojeedinnada kor ku xusan waxaa asaas u ah afar aragtiyo ee
bulshada Soomaaliyeed ka dhex guuxaya:
1. In awood ku Qaybsiga Hab -Beeledka ku dhisan 4.5 ay sabab u tahay guuldarrada
Soomaalida ka haysata dib u dhiska Dowlad Soomaaliyeed oo u adeegta danta
guud iyo midda gaarka ahba. Sidaa awgeed, waxaa la soo jeedinaya in daadka la
raaciyo hab-beeledka;
2. In awood ku qaybsiga Hab-Beeleed xumeyn oo aan daadka la raacin. Hase yeeshe
lagu barxo, lagu dabaqo hab-deegaan (territorial constituency) iyo Tartan Xisbiyo;
3. In mushkiladda iyo fashalka dhismo Dowladnimo ka imaan awood ku Qaybsiga
Hab Beeleedka ee sababahu ka yimaadeen hoggaan xumo, sharci ku dhaqan
la’aan, siyaasadda qaybi oo xukun, damac qofeed, eex, musuqmaasuq aan ciqaab
laheyn, iyo haaraha colaadii Sokeeye. Hab-Beleedka waxaa ku jira nuxur
dimuqradi ah oo suuragal ka dhigay wada noolashaha iyo wadajirka Bulshada ku
hadasha Afka Soomaaliga meel kasta oo ay deggan tahay. Habka dimuqradiga ee
13 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
beelnimadu wuxuu ku saleysan yahay dood-wadaag biyo dhiciisu noqonayo
guddoon-wareed (consensus). Sidaa awgeed, aragtidaan ayada ahi waxay soo
jeedineysa in hab-beeleedka laga xijaabo musuqmaasuq iyo faragelinta iyo awood
maroorsiga hoggaamiyaasha dowladda ayagoo adeegsanaya qaab dowladeed
(public structure, power, and resources).
4. In faragelinta iyo taagerada Shisheeyaha ay qayb weyn ku leedahay jaahwareerka
iyo fashilka geedisocodka dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed.
IV. SOO-JEEDINTA AM
Ka dib markii ay darseen talo - jeedinnada kor ku qoran, gaar ahaan talo - jeedinta la
xiriirta Kor U Qaadidda (Hagaajinta) Xalaalnimda ee habka doorashada isku dhafan,
isla markaana tixgelisay baahida kor u qaadidda kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed
iyo howsha ballaaran ee la xiriirta dejinta nidaam doorasho siyasadeed oo ku habboon
duruufta iyo danaha gaarka ah ee Soomaaliya, AM waxay soo jeedineyaan:
1. In la abuuro Maxkamadda Dastuuriga ka hor bisha Disember 2015, si loo
dhammeystiro hay’adaha aasaasiga u ah Dowladnimada. Xilkeed Maxkamadda
wuxuu yahay sugidda dhowrista ku dhaqanka sharciga iyo xallinta khilaafaadka
siyasadeed ee dalka curyaamiyay. AM waxay qabaan in deg deg loo
dhammeystiro hay’adaha kaabaya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga.
2. In Haweenka Soomaaliyeed helaan 40% Xildhibaannada Barlamaanka
Federaalka.
3. Inaysan suurtagal aheyn in 2016 la dhaqangeliyo nidaamka Axsaabta sababtoo ah
weli lama soo bandhigin sharciga Axsaabta, lama sameyn diyargarowgii loo
baahnaa, isla markaana meelo badan ee dalka ka mid ah waxaa ka jira nabagelyo
xumo. AM waxay qabaan in Nidaamka Axsaabta badan yahay nidaamka ugu
wanaagsan ee dhaqan siyaasadeed oo casri ah, loogana gudbi karo hannaanka
qabiil-wax-ku-qaybsi, kaasoo lagu soo dhaqmayay tan iyo sannadkii 2000.
Nidaamka Xisbiyada wuxuu sahlaya deegaameynta doorashada halka aysan suura
gal aheyn isku xirka doorasho beeleed iyo deegaan.
4. In beelaha Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa xulanaya cod – bixiyayaasha
dooranaya xildhibaannada u sharaxan in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka
Federaalka.
5. In qaab-beeleedka 4.5 uu leeyahay cillado, balse yahay midka Ummadda
Soomaaliyeed horey ugu soo dhaqantay, uguna haboon marka la tixgeliyo
xaaladda hadda uu dalka ku sugan yahay.
6. In qaabka xulashada/doorashada codbixiyayaasha iyo xildhibaannada looga
dhaqangeliyo beelaha dhexdooda si leh hab raac maamul, isla xisaabtan, iyo
hufnaan. Beel walba waa inay yeelataa hoggaan haysta kalsoonida beesha iyo
habraac ay ku dhaqmeyso marka la xulayo codbixiyaasha iyo marka
dooraashadaba.
14 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN
Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved
7. In xulidda xubnaha dooranaya xildhibaannada (codbixiyayaasha) aysan ku
koobnaan odayaal dhaqameedyada oo kaliya ah. Waa in 100 codbixiye ee
dooranaya halka xildhibaan ka koobnaadaan:
Odey – dhaqameedyo 10 qof
Haween & dhallinyaro 40 qof
Culamaa`uddiin & aqoonyahannada 25 qof
Gancsato & Siyaasiyiin 25 qof
8. In beelaha Soomaaliyeed ee soo xulanaya xildhibaannada ay qaataan
mas`uuliyadda kharashka ku baxaya kal – fadhiyadooda ay ku arrinsanayaan iyo
waliba kulammada ay ku dooranayaan xildhibaankooda. AM waxay ku talinayaan
in goobta lagu xulayo xildhibaanka loo dhaweeyo degaanka beeshu u badan tahay
sida ugu suurtogalsan.
9. In Dowladda Federaalka soo saarto sharci jideynaya habka xulashada/doorashada
qaab-beeleedka 4.5 ee Barlamaanka 2016, habkaasu ka duwan nidaamka
dorashada hal qof hal cod ee Axsaabta oo ahaa ku talagalka Dastuurka KMG.
Sharcigaas waa inuu qeexa kaalinta beelaha, maamul-goboleedyada iyo dowladda
federaalka.
10. In bulshada rayidka ah doorkoodu noqdo talo-soojeedin, wacyi – gelin, kormeer,
iyo qiimayn ku saabsan qaabka ay beeluhu u xulayaan codbixiyayaasha, kuna
dooranayaan xildhibaannada, kana soo saaraan warbixin.
11. In dhismaha Madasha Wada – Tashiga Qaran uusan waxyeelo u keenin awoodaha
dastuuriga ah ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka, xilkeeduna noqdo:
a) In looga hortago ku takri – falka awoodda ay leeyihiin Dowladda Federaalka
iyo Maamul Goboleedyada.
b) In ay adkeyso hoggaaminta iyo isku xirka Dowladda Federaalka iyo Maamul –
Gobolleedyada.
c) Inay xoojiso madaxbanaanida dalka iyo dadka soomaaliyeed, isla markaana
jiheyso, hubisana ka faa’ideysiga taageerada wadamadda iyo hey`adaha
caalamiga ah.
12. In beelaha Somaliland la siiyo tixgelin gaar ah sida tirada.
13. In la darso habraac wanaagsan ee ku dhaqanka xulashada/doorasha beeleedka
xildhibannada 2016, kaddibna talooyin laga soo jeediyo.
W/Q: WARQAQ-MOWFQIFEED
AQOONYAHANNO MADAXBANNAAN (AM)
MARTIGELINTA- HAY’ADDA JILAYAASHA KOOFURTA IYO
BARTAMAHA SOOMAALIYA (SOSCENSA)
Top Related