Sicirbararka Sicirbararka: Faraxumaynta iyo Fantaynta Fatwada Miyaan Wax u Dhexayn?
Qaybta Kowaad (May 05, 2018):
GUNDHIG:
Qofka hoggaanka noloshiisa u dhiiba Alle ayaa lagu tilmaamaa Muslim. Waa qof isdhiibay. Waa
qof doortay in tallaabo kasta oo noloshiisa ah ay hagaan amarrada Allihii abuuray.
. يايونسكيصلتيإن قل ومماتيومح لهشريكل.عالمينال رب لل لك توبذ لوأناأمر لمينأو ال مس
Qofkaasi waxa uu ku dedaalaa in hadba falka uu ku kacayaa ku habboon yahay hab nololeedka
qofka Muslinka ah laga rabo. Marka uu damco in uu ku dhaqaaqo fal aqoonna uusan u lahayn
waxa ay diintu ka qabto, waxa uu baadigoob u galaa helidda aqoonteedii.
Markii Nebigu SCW noolaa, su'aalaha ay saxaabadu qabaan marna waxyi Qur'aan ah baa loogu
jawaabi jirey, sida:
تف تونك الن ساءفيويس قل يف تيكم للا
ألونك رعنيس فيهقتال ال حرامالش ه
ألونك قل ين فقونماذايس
ألونك قل ال محيضعنويس
ألونك هل ةعنيس قل ال
ألونك رعنيس قل وال مي سرال خم
ألونك وحعنويس الر قل
ألونك ساهاأي انالس اعةعنيس قل مر
Marna waxyi xadiis ah sida mar iyada oo Nebigu SCW joogo Jicraanah ayaa waxaa u yimid nin
rabay in uu cimraysto, laakiin xidhan jubbad ayna ka muuqato inuu udug iyo huruud marsaday.
Waxyi ayaa ku soo degay Nebiga SCW, saxaabada oo yaqaannayna waxa ay ku dedeen maro.
Markii waxyigii dhammaaday ayaa uu Nebiga SCW yidhi, “Meeyey kii cumrada wax iga weydiiyey?
Iska bixi jubbadda, udugga iyo huruuddana iska dhaq, cumradana ku samee waxa aad xajka ku
samaysid.” Waxaa weriyey Bukhaari, Muslim, Axmad, Abuu Daawuud, Nasaa’ii, Tirmidi,
Daaraqudnii, Ibnu Khuzaymah, Dabaraanii, Bayhaqii, iyo kuwo kale.
صل ىالن بي أتىرجلأن تأ مرنيكي ف:فقال،-صف رة :قالأو -الخلوقأثروعلي هجب ة وعلي ه،بال جع رانةوهووسل معلي هللا
نعأن رتيفيأص فأن زل؟عم علىللا صل ىالن بي ب فستروسل معلي هللا صل ىالن بي رأي تقد أن يوودد ت،بثو ل موسعلي هللا
يعلي هأن زلوقد كتعال:عمرفقال،الوح إلىتن ظرأن أيسر صل ىالن بي أن زلوقد ،وسل معلي هللا يعلي هللا :قل ت؟الوح
بطرففرفع،نعم ت،الث و سبه-،غطيط لهإلي هفنظر ا-البك ركغطيط:قالوأح يفلم رةعنالس ائلأي ن:قالعن هسر العم
لع سل ،الجب ةعن كاخ ف رةوأن ق،عن كالخلوقأثرواغ نع ،الص رتكفيواص نعكماعم كفيتص حج
Marna Nebiga SCW ayaa u caddayn jirey wixii mugdi ka galo, sidii Alle u yidhi:
رإلي كوأنزل نا لماللن اسلتبي نالذ ك إلي هم نز
Waxaan kuugu soo dejinnay Dikriga (Qur’aanka) si aad dad ugu caddaysid wixii loo soo dejiyey.
Tusaale ahaan, aayadda 187 ee suuradda al-Baqarah ee ku saabsan soonka, ayaa waxa ay
sheegaysaa in qofku wax cuni karo ilaa waagu ka beryo, taas oo ay astaan u tahay marka liidka
cad iyo liidka madoobi kala caddaadaan. Saxaabigii Cadiy ibnu Xaatim RC ayaa markii uu aayaddan
maqlay soo qaatay cigaal madow iyo mid cad oo barkin hoosteeda uu gashay si uu waqtiga ugu
xisaabsado. Sidii uu marba u eegayey ee uu midkii madoobaa iyo kii caddaa u kala saari la’aa,
ayuu subixii ku kallahay Nebiga SCW. Sida riwaayadaha qaarkood ay sheegeen, Nebigu SCW waa
uu qoslay, wuxuuna kula kaftamay: Oo barkintaadu ballaadhanaa haddiiba liidka madow iyo
midka cadi ay hoosteeda gali karaan! Waxaa looga jeedaa caddaanka maalinta iyo madowga
habeenka [Fatxul Baarii, Kitaabka Soonka].
Mar Nebiga SCW oo jooga ayaa Abuu Bakar RC jawaabta bixin jirey, marna saxaabo ayaa
macallimiin ahaan dadkii Madiina ka fogaa loogu diray si ay diinta u baraan wixii ay u baahdaanna
uga jawaabaan. Muscab ibnu Cumayr waxaa loo diray Madiina hijradii ka hor. Cali ibnu Abii Daalib
RC iyo Mucaad ibnu Jabal RC waxaa loo diray Yaman si ay dadka diinta u baraan.
Waxaa jirey saxaabo uu Nebigu SCW si gaar ah u tilmaamay aqoontooda iyo waxa ay tahay in laga
barto waxna laga weydiiyo. Waxaa jirey kuwo uu inna faray inaan ku dayanno oo aan tusaale ka
dhiganno jidkoodana marno. Nebiga SCW waxaa laga soo weriyey in uu yidhi:
جبلبنومعاذكعببنوأبيحذيفةأبيمولىوسالممسعودابنمنأربعةمنالقرآناستقرئوا
"Qur’aanka ka akhrista afar: Ibnu Mascuud, Saalim mawliha Abuu Xudayfa, Ubay ibnu Kacab, iyo
Mucaad ibnu Jabal.” Waxaa weriyey Muslim. Waxaa isna weriyey Bukhaari,
كعببنوأبيجبلبنومعاذوسالممسعودبنهللاعبدمنأربعةمنالقرآنخذوا
Qur’aanka ka qaata afar: Cabdullaahi ibnu Mascuud, Saalim, Mucaad ibnu Jabal, iyo Ubay ibnu
Kacab.
Barashada Qur’aanku sideenna kuma koobnayn xifdin bilaa fahan ah e, fahankiisa iyo ku
dhaqankiisa ayaa la socday. Markaa amarkani waxa uu ka dhigay yahay qofkii aqoonta Qur’aanku
xambaarsan yahay rabaa afartaa ha ka barto. Waxaa kale oo Nebiga SCW laga soo weriyey in uu
Mucaad ibnu Jabal ku ammaanay aqoonta xeesha dheer ee u lahaa fahanka xalaasha iyo
xaaraanta. Furashadii Makah ka dib, markii Nebiga SCW iyo saxaabadii kale ay Madiinah ku
laabteen, Mucaad ayaa hadhay si uu reer Makah diinta u baro. Cumar RC ayaa isna laga soo
weriyey in uu yidhi: qofkii wax dhaxal ku saabsan rabaa ha u tago Zayd ibnu Thaabit, qofkii fiqhi
rabaa ha u tago Mucaad ibnu Jabal, qofkii maal rabaana aniga ha ii yimaaddo! [Iclaamul
Muwaqqiciin, 1/38-39, Siyar Aclaam an-Nubalaa’]. Sidaa oo kale waxaa jira xadiis sheegaya in
aqoonta dhaxalka uu ugu badiyo Zayd ibnu Thaabit RC. Nebigu SCW waxa uu si gaar ah inoo faray
in aynu ku dayanno Abuu Bakar RC iyo Cumar RC.
حابيمن بع ديمن بالل ذي ناق تدوا ر أبيأص وعمربك
Nebiga SCW oo nool ayaa waxaa fatwoon jirey Abuu Bakar, Cumar ibnul Khaddaab, Cuthmaan
ibnu Caffaan, Cali ibnu Abii Daalib, Ubay ibnu Kacab, Mucaad ibnu Jabal, iyo Zayd ibnu Thaabit.
Nebigu SCW markii uu geeriyooday waxyigiina joogsaday, waxaa booskiisi baridda diinta,
caddaynta masalooyinka cusub xukunkooda, iyo fatwada galay saxaabadii oo ay hormuud u yihiin
kuwii ugu aqoonta badnaa ee uu Nebigu SCW tilmaamay.
Nebigu SCW markii uu Mucaad u dirayey Yaman, waxa uu weydiiyey:
Nebiga SCW: haddii gar laguu keeno, sidee ayaad garsoor u samaynaysaa?
Mucaad: waxaan ku xukumayaa Kitaabka Alle.
Nebiga SCW: haddii aadan Kitaabka Alle ka helinna?
Mucaad: markaa Sunnada Rasuulka Alle—sallal Laahu calayhi wasallam.
Nebiga SCW: haddii aadan ka helin Sunnada Rasuulka Alle—sallal Laahu calayhi wasallam— iyo
Kitaabka Alle toona?
Mucaad: waxaa adeegsanayaa dedaalkayga.
Nebiga SCW: (intuu gacantiisa ku dhuftay laabta Mucaad) waxaa mahad leh Allihii waafajiyey
rasuulkii Rasuulka Alle (Mucaad) wax raalli galiyey Rasuulka Alle.
Sidaas si la mid ah, wixii aan xukunkiisu caddayn ee dadku u baahdaan in laga jaahil saaro,
saxaabadaas ayaa adeegsan jirey aqoontoodii iyo khibraddii ay diinta u lahaayeen sheegi jireyna
sida ay u arkaan in xukunku yahay iyagoo caddayntooda raacinaya. Maadaama ay ku dhisan tahay
fahan aadane, waa khasab in ay kala duwanaan aragtiyeed imanayso, wayna dhacday in
saxaabadu masalooyin isku khilaafeen. Taasina waxay caddayn u tahay inaan fatwadu marna
"lamataabtaan" iyo "muqaddas" toona ahayne ay weligeedba ahayd dedaal aadane sax iyo
khaladba leh.
Nebigu SCW marka uu ciidan dirayo talooyinka uu siin jirey waxaa ka mid ahayd, marka aad dad
xukun ku soo rogeysid, ha odhan waa xukunkii Alle, ee dheh waa xukunkaygi, maxaa yeelay ma
ogid in aad haleeshay xukunkii Alle. Waxaa weriyey Muslim. Riwaayad kale waxaa ku jirta ‘idinku
sidaad u aragtaan u xukuma.” “U fiirso sida uu u kala saaray xukunka Alle iyo xukunka taliyaha
ijtihaadka sameeyey, una reebay in xukunka mujtahidiinta lagu magacaabo xukunkii Alle.” ayuu
yidhi Ibnul Qayyim, Alle ha u naxariistee [Iclaamul Muwaqqiciin, 1/74].
Qoraagii Cumar ibnul Khaddaab RC ayaa mar uu qorayey xukun Cumar gooyey, waxa uu raaciyey:
“sidani waa wixii Alle tusay Amiirka Mu’miniinta, Cumar.” Cumar waxa uu yidhi: “Sidaa ha
dhihine, waxaad dhahdaa: sidani waa sidii uu arkay Amiirka Mu’miniintu, Cumar ibnul
Khaddaab.” [Iclaamul Muwaqqiciin, 1/74].
Saxaabadii waxaa wax ka bartay, oo aqoontii ay hayeen ka dhaxlay, taabiciintii oo ahaa dadkii aan
Nebiga SCW nolol kula kulmin ama aan soo gaadhin ee saxaabada la dhaqmay. Waa jiilkii labaad
ee Muslimiinta. Culamadii taabiciinta ee sida tooska ah wax uga bartay culamadii saxaabada
waxaa ka mid ahaa: Saciid ibnul Masayyib, Curwah ibnu Zubair, Cubaydullaah ibnu Cabdallaah,
Cadaa’ ibnu Abii Rabaax, Daawuus ibnu Kaysaan, Yaxyaa ibnu Abii Kathiir, Ibraahiim an-Nakhacii,
Xasab al-Basrii, iyo kuwo kale
Taabiciinta waxaa ka dambeeyey jiil aan qof saxaabi ah la kulmin, oo ay gadhwadeen iyo
waxgarad u noqdeen taabiciintii, sidaana kaga dhaxlay aqoontii ay taabiciintu ka dhaxleen
saxaabada. Jiilkan saddexaad waxaa la dhahaa atbaac attaabiciin, waxaana ka mid ahaa Imaam
Abuu Xaniifah (Mad-hadbta Xanafiyadaa ku abtirsata) iyo Imaam Maalik (Mad-habta
Maalikiyadaa ku abtirsata). Imaam Maalik waxa uu dhahay sannadkii uu geeriyooday saxaabigii
weynaa ee Maalik ibnu Anas RC. Sannadkii Imaam Abuu Xaniifah geeriyoodayna (150 H) waxaa
dhashay Imaam Shaafici, oo la kulmay ardaydii Imaam Abuu Xaniifah. Imaam Shaafici (Mad-habta
Shaaficiyada ayaa ku abtirsata; waa mad-habta Soomaalida) waxa uu arday u noqday Imaam
Maalik. Imaam Shaafici waxaa la kulmay, aqoonna ay isdhaafsadeen Imaam Axmad (waxaa ku
abtirsata Mad-habta Xanaabilada), waxaana 14 sano weynaa Imaam Shaafici. Imaam Axmad
waxaa ardaydiisa ka mid ahaa Imaam Bukhaari, oo isna sheekh u ahaa Imaam Muslim. Intan
waxaan u tilmaamay hadalhayntooda ayaa badan dadkuna way yaqaannaan.
Nebiga SCW waxaa laga hayaa in uu yidhi qarniyada waxaa ugu fadli badan qarnigayga, ka dibna
ka ku xiga, ka dibna ka ku xiga. Waa saddexda qarni ee lagu tilmaamay Qarniyadii Fadilnaa.
Silsiladdaa taxan ee isu dhiibdhiibka ah ayay aqoonta Diintu innagu soo gaadhay, iyada oo
aqoontii Nebiga SCW laga dhaxlay ay jiilba jiilka xiga u sii gudbinayeen. Ilaa iyo qiyaamahana
sidaas ayay ku soconaysaa. Nebigu SCW waxa uu sheegay in ay culamadu yihiin dhaxleyaashii
Nebiyada—kuwaas oo aan hanti laga dhaxline aqoon laga dhaxlo. Qiyaamaha astaamihiisana
waxaa ka mid ah in aqoonta diinta la qaadi doono, sida uu Nebigu SCW caddeeyeyna, ma aha in
quluubta dadka laga masixi doono e, culamadii aqoonta lahayd ayaa dhiman doonta, waxaana
booskoodii gali doono waxmagarato dadka marin habaabiya. Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC ayaa
mar isaga oo qabrigii Zayd ibnu Thaabit (kor baan kaga soo hadalnay) jooga yidhi: “Sidaasuu
cilmigu ku tegayaa.” Yacnii dhimashada dadkii aqoonta lahaa. [Iclaamul Muwaqqiciin, 1/31]
Maadaama aysan suuragal ahayn in qof kastaa aqoon xeeldheer u yeesho Diinta, dadku waxa ay
caddaynta wixii ka madow ka galo u doonan jireen culamadii aqoonta u lahayd ee ay heli kareen.
Su'aal bay weydiin jireen, culamaduna aqoontooda ayay ugu jawaabi jireen. Waa amar Alle oo
qofku wixii uusan garanayn waa in uu weydiiyo cid aqoon u leh:
ألوا رأه لفاس تع لمونلكنتم إنالذ ك
Marka Alle SWT waxa uu Qur’aanka innagu farayaa:
أطيعواآمنواال ذينأيهايا سولوأطيعواللا راوأوليالر م منكم ل تم فإن ء فيتنازع إلىفردوهشي سولللا كنتم إنوالر
منون تؤ مبالل خروال يو ال
Kuwa rumeeyoow, adeeca Alle oo adeeca Rasuulka iyo kuwa talada haya ee idin ka midka ah,
haddii aad wax isku qabataanna, u celiya Alle iyo Rasuulka, haddii aad tihiin kuwo rumaysan Alle
iyo maalinta aakhiro.
Mufasiriin badan ayaa “kuwa talada haya” ku fasiray in culamada looga jeedo, maadaama
madaxdu ay ku khasban yihiin inay masalooyinka diinta ku adeecaan culamada.
Sidii saxaabada ayaa culamadii ka dambaysayna masalooyin badan isku si u arki waayeen oo ku
kala aragti duwanaadeen, kuwaas oo sababo kala duwan salka ku hayey. Waxaa dhashay
madaahib kala duwan oo midba sheekh iyo ardaydiisii ku abtirsado. Waana wax dabiici ah oo
labada wada dhalatay ee isku meel ku kortay baan wax kasta isku waafaqin.
Intaa khayrku socday waxaa loollan kula jirey shar iyo duul Ibliis u taliyo. Waxaa dhashay in markii
quruuntii barakaysnayd laga durkaba, ay dadkii suubbanaa yaraadaan oo kuwo kale ay
yimaaddaan. Waxaa yaraaday runsheeggii, daacadnimadii, taqwadii...xalaalmiiradkii, waxaa
batay danaysigii, beentii, iyo wax isdabo marintii. Diintii dad ku qadhaabanaya oo danahooda ku
meelmarsanayaa soo baxay. Cabdullaahi ibnu Mascuud RC ayaa yidhi: waxaad ku nooshihiin xilli
fuqahadiisu (kuwa diinta aqoonta fiican u leh) ay badan yihiin, kuwa wax sheegaana ay ku yar
yihiin, su’aashiisu ay yar tahay, kuwa wax bixiyaana ay badan yihiin, camalkuna uu hago
rabitaanka iyo hawada nafta. Waxaase gadaashiin iman doona xilli fuqahadiisu yar yihiin, kuwa
wax sheegaana badan yihiin, su’aashiisu badan tahay, kuwa wax bixiyaana yar yihiin, hawaduna
ay hagto camalka. [Adabul Mufrad].
Saxaabadu aad ayay isaga ilaalin jireen fatwada iyo ku degdegiddeeda, haddii cid ka furata ay
helaanna way isdhaafin jireen. Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC ayaa yidhi: qofkii dadka uga jawaaba
wax kasta oo ay weydiiyaan wuu waalan yahay! Dhaqankaa waxaa ka dhaxlay taabiciintii, oo
iyaguna aad isaga ilaalin jirey fatwada. Iyagana waxaa ka sii qaatay culamadii ku xigtay, ilaa mar
dambe ay noqotay jaantaa rogan!
Culamadii waxay bilaabeen wacyigalin ku saabsan halista ay leedahay fatwada lagu dhiirrado iyo
cidda ay tahay in ay fatwooto. Waxa ay dejiyeen shuruud ay tahay in uu buuxiyo qofku si uu u
gaadho heer uu fatwoon karo. Waxa ay wax ka qoreen aadaabta qofka fatwada raadinaya laga
rabo, iyo midda qofka fatwoonaya laga rabo. Waa baab dhan oo ka mid ah kutubta fiqhiga iyo
usuulul fiqhiga.
Maanta fatwadii waxaa ku socota faro xumayn ba'an.
***
Qaybta Labaad (May 07, 2018):
Maadaama aynaan ahayn mujtahidiin si madax bannaan u soo dhiraandhirin kara waxa ay diintu
ka qabto arrin kasta, axkaamta diinta ee aynaan garanayn su'aalaha la xidhiidha ee aynu qabno,
inaynu helno cid innooga jawaabta waa lamahuraan.
Laakiin maanta fatwadii waa lagu wareeray. Sida uu qoraagu tilmaamayo, “Fatwooyinka isdiiddan
ee muddada yar gudaheeda u kala goosha xaaraantimayn ilaa xalaalayn ayaa noqday wax caado
ah.” [b.47].
Dadkii wax iska wada hor imanaya ayaa loo sheegayaa. Xaaraantimayn aan loo meel dayin iyo
xalaalayn tanaasul miidhan ah ayaa inna harqiyey. Sida marar badan laga dhawaajiyeyna,
waxyaalaha arrintan laga dhaxlay waxaa ka mid ah “…in dadku, siiba dhallinyaradu, uqaadanwaa
ka qaadaan marka fatwo lamataabtaan ahayd ay beddesho fatwo kale oo lamataabtaan ahi!
Dabadeedna waxa ay sababtaa in ay diinta ka shakiyaan, ugu dambaynna ka fogaadaan.” [b.139]
Fatwadii waxaa loo adeegsaday danaysi (shakhsiyeed/ siyaasadeed/ kooxeed), marin habaabin,
suuxin, ku shubasho, iwm. “Dhanka Soomaalida, iskooxaysi ayaa ka xoog batay xaqiiqadii.” [b.48],
oo koox kastaa sheekheeda ayay madaxa saaratay iyaga oo ciddii sheekhooda wax ku diidda ugu
jawaabaya, “sheekaygu mar kasta isaga ayaa saxan” [b.49]. Xadgudub iyo faro xumayn ba’an ayaa
ku socda fatwadii loo jideeyey in ay dadku diintooda wixii ka qarsoon ku bayaansadaan. Dad aan
fatwo ehel u ahayn baa wax la weydiinayaa iyaguna fatwoonaya.
"Allahayow muxuu faranjigii, nacas fariideeyey
Nimaan aabbihii fuuli jirin, faras muxuu saaray
Faa’iido-laawiyo nin rag ah, muxuu faylka wada taagay!"
Halkan ayaa uu ka duulayaa buugga "Sicirbararka Fatwada” ee uu qoray Cabdicasiis Guudcadde.
Qoraagu waxa uu afeefta hore ee buugga ku tilmaamayaa in ujeedka buuggu yahay “gorfayn”
ama naqdin, taas oo uu ku lafogurayo “Saamaynta lamataabtaanka gaadhay ee fatwada la siiyay”
[b.11]. Sida uu qoraaguba tilmaamayo, “waxa muuqata in tiradii fatwooyinku ay bateen,” [b.18]
fatahaaddaasina ay dadka diinta ka fidnayn karto [b.23]
“Sidaa daraaddeed, waxa lagamamaarmaan noqonaya in qalinka loo qaato qiimayn.” [b.19]
Maktabadda af Soomaaligu waa ay u baahnayd buug ka hadla fatwada iyo waxyaalaha qaabka
daran ee hadda socda. Waxaynu u baahnayn buug fatwada wax innaga bara, wacyigeenna
mawduuceeda la xidhiidhana kor u qaada; buug innaga kaalmeeya: maxaa mudan in dadka la
weydiiyo? Yaa mudan in wax la weydiiyo? Maxaa inna la gudboon marka aynu jawaabtii helno
ama jawaabo kala duwani ay inna hor yaallaan?... iwm.
Nin baa laga hayaa: waxaan rabnay gawaadhi duulaya waxaanse helnay 140 xaraf, oo uu uga
jeedo Twitter. Sicirbararka Fatwadu waxa uu dood dhinac ka raran la galayaa culamada,
dhaleecayn aan booskeedii oollinna dusha ka saarayaa. Ujeedkii iyo dantiiba wuu garab marayaa
waxa uuna weerar aan loo meel dayin ku qaadayaa cid aan mutaysan iyo dhaan dabagaalle aan
xaqiiqo u jirin ee isaga ula ekaaday bartilmaameed beegsi mudan. Rasaastii markay ka
dhammaatayna qalinkii uu wax ku qorayey buu ku halgaaday!
Raadraaca Buugga
Maadaama uu qoraagu rabo in uu wax ka dhaho arrin diin ku lug leh, oo uu khalad jira saxo,
waxay ahayd in uu naqdintiisa ku saleeyo diinta si ay u yeelato miisaankii laga rabay. Walow uu
qoraagu furfurashada buugga ku sheegay in uu isbarbardhig ku samayn doono sidii ay saxaabadii
ka ahaayeen fatwada iyo “fara-ka-baxa maanta ku dhacay fatwada.” [b.22], in uu ka hadli doono
"horta yaa iska leh awoodda xalaalaynta iyo xaaraantimaynta?”, iyo "sharcinnimada fatwadu ay
diinta ku leedahay”, [b.21-23], haddana qoraagu dooddiisa kuma salayn kutubtii raadraaca asalka
ah u ahayd mawduuca. Kutubtii usuulul fiqhiga iyo fiqhiga ee fatwada ka hadlayey ma soo
xiganayo si uu naqdintii u xoojiyo. Kutubtii sida gaarka ah mawduuca fatwada looga qoray, ee
waxyaalo badan oo qoraagu damacsanaa ka hadlayey ma soo xiganayo—aan ka ahayn meelo aad
u kooban oo uu qaarkood u soo xigtay in uu qoraaga dhaleeceeyo.
Sababo manhaj iyo wadaaddada oo uu ku kacsan yahay awgeed, qoraagu wuu isdabray, taas oo
ku kalliftay in uu bari iyo bogox marba mid aado si uu u helo wax uu ku xoojiyo dooddiisa. Mararka
qaar, qoraagu wuxuu soo qaadanayaa warar isla bogga uu ka soo xigtay ay ku qoran tahay in
warku yahay kutiri-kuteen! Taasina waxay dhaawac iyo kala dhantaalnaan weyn gaadhsiinaysaa
qiimaha cilmi ee uu buuggu yeelan karo. Waana nasiibdarro in uu qoraagu fursaddaa dayacay.
Manhajkaa xasaasiyadda ka qaba culamada, aan dhaho wadaaddada (ereyga ‘culamo’, haddii
aanan ka ilduufin, hal mar ayaan buugga ku arkay wuxuuna la socdaa Thomas Hobbes!), ee ka
dabqaadanaya Maarkis (Marx) iyo halgankii hantiwadaagga, waxa uu keenay in buugga laga
waayo wadaad daacad ah, markaad akhridana waxaad kala tagaysaa dareen ah in ay culamadu,
wadaaddadu, yihiin danaysteyaal aan tooda mooyaane tu kale daryeelayn. Qoraagu wuxuuba
dedaal dheer ku bixinayaa meelmarinta in aynu aslanba danaysteyaal iska nahay. Ka dib
falanqayn ku salaysan kasmonafeed iyo falsafad galbeedaysan, oo u dhexaysa Thomas Hobbes,
J. S. Mill, Nietzsche, David Hume, Rousseau, Adam Smith, Plato, Edmund Gettier, Keith Kegrer,
iyo Thomas Paxdon, qoraagu waxa uu leeyahay, 'waxa lagu doodi karaa in qofka fatwo soo
saaraya ay shiidaalinayso “danaysasho” ee aanay riixayn “danayn.”’ [b.165] Tolow, culamadii
Soomaaliyeed ee hantiwadaaggii Siyaad Barre laayey, maxay dantooda u ilaalin waayeen oo ay
naftooda u waayeen? Mooji. Kasmonafeedda iyo falsafadda sidaa “culamadoodii” iyo asalkoodii
loogu celiyey, waxaa habboonayd in fatwadana loo celiyo culamadeedii halkii laga so xigan lahaa
Karen Amstrong, Richard Nielson, Olivier Roy, wargeysyo iyo bogag internet aan kalsooni lahayn,
iwm. Waxyaalihii qoraalka u noqon lahaa milix iyo xawaash dhadhan ku kordhisa (sida tusaale
shakhsiyeed [anecdote], ama qoraal saxaafadeed) ayaa noqday mucdii iyo salkii qoraalku ku
taagnaa.
Manhaj
Qiimaynta iyo naqdinta qoraagu qalinka u qaatay waa Naqdin Maarksi (Marxist Criticism) ah.
Waxaa meel kasta qoraaga uga muuqday loollan dabaqadeed (class struggle), muquunin
(oppression), kooto ku xidhasho (monopoly), sedbursi (exploitation), iwm. Culamadiina wuxuu
galiyey booskii burjuwaasiyiinta iyo dabaqadda sare ee hantiileyaasha ah, waxa uuna ku
eedeeyey inay tosheen derejada Wakiilladii Alle. Halka uu isagu u dacwoonayo shacabka
bahdilan, halganna ugu jiro sidii uu reeryada uga tuuri. Weerarka uu culamada ku qaadayana
yoolkiisu waa in uu ka soo dhiciyo fatwada ay kootada gashadeen, fatwaduna ay u noqoto hanti
la wadaago oo cid walbaa ay wadaanteeda darsan karto.
Waxaase isweydiin mudan, haddii ujeedka naqdintu ahaa in halisaha fatwada silloon wax laga
qabto, miyay ahayd in manhaj iimihiisa wata gundhig looga dhigo qiimaynta iyo naqdinta?
Shacabka ay dhibaato ka soo gaadhay dhaqan galinta fatwo qalloocan iyo shacabka ay dhibaato
ka soo gaadhay dhaqan galinta aragtiyahii Maarkis iyo hantiwadaag, kee ayaa badan?
Haddii fatwada la faraxumeeyey ay yeelatay saamayn taban, xalku marna gali maayo in indhihii
iyo adduun-araggii Maarkis ee malaayiintu ku dhinteen lagu eego. Xalku waxa uu ku jiraa inaan
dhaxalkeenni Islaamiga ahaa dib u jalleecno. Haddii uu u laaban lahaa raadraaca asalka ah,
qoraagu kuma dhiirradeen in uu qoro, “Aragtida ah in kaalinta fatwada iyo wadaadka fatwoodaa
tahay mid lamataabtaan ah waxa faafiyay isla wadaaddo.” [b.27]. Wuxuu arki lahaa wadaaddo
ilaa xilligii saxaabada ka hadlaya oo uu soo xigan karey, si uu kuwa dadka marin habaabinaya u
aammusiiyo.
Waxay ahayd in uu kobciyo wacyi wadareedkeenna hooseeya, oo uu fahannada innaga
khaldamay saxo. Alle SWT ayaa sharfay culamada, maqaam sarena geeyey.
تويهل يع لمونلوال ذينيع لمونال ذينيس
Miyey siman yihiin kuwa garanaya iyo kuwa aan garanayn?
شهد هلأن هللا ال عل موأولووال ملئكةهوإل إل
Alle waxa uu markhaati ka yahay in uusan jirin Ilaah aan Isaga ahayn, malaa’igta iyo kuwa cilmiga
lihina [way ka markhaati kaceen].
Iyada oo ay taasi jirto ayaa hadda la innoo sheegay in ay jiraan kuwo sharaftaa la siiyey ku
xadgudbay, ku danaystay, Allena ku been abuurtay, sidaa darteedna ciqaab mutaystay:
ل ذينفوي ل تبونل ذايقولونثم بأي ديهم ال كتابيك عندمن ه ترواللا قليلثمنابهليش ال همفوي ل م ام ل همووي ل أي ديهم كتبت م م
سبون يك
Waxaa halaag u sugnaaday kuwa gacmahooda ku qoraya kitaabka dabadeedna odhanaya: kani
waxa uu ka yimid Alle agtiisa, si ay ugu gataan qiimo yar, waxay halaag ku muteen waxa ay
gacmahoodu qoreen, halaagna wuxuu ugu sugnaaday waxa ay kasbadeen.
Xadiis uu Abuu Hurayrah RC ka soo weriyey Nebiga SCW ayaa sheegaya in dadka ugu horreeya
ee Qiyaamaha la xukumi doono ay yihiin saddex. Waxaana ka mid ah:
القرآنفيكوقرأتوعلمتهالعلمتعلمتقالفيهاعملتفماقالفعرفهانعمهفعرفهبهفأتيالقرآنوقرأوعلمهالعلمتعلمورجل
النارفيألقيحتىوجههعلىفسحببهأمرثمقيلفقدقارئهوليقالالقرآنوقرأتعالمليقالالعلمتعلمتولكنككذبتقال
Nin bartay cilmiga dadkana baray, Qur’aankana akhriyey oo inta la keenay uu Alle garansiiyey
nicmadii uu ku galladaystay, isaguna qirtay. Alle ayaa weydiinaya: maxaad ku samaysay? Isna
waxa uu ku jawaabayaa: waxaan bartay cilmiga, dadkana waan baray, Qur’aankana waan
akhriyey [aniga oo dartaa ula jeeda]… Alle SWT ayaa ugu jawaabaya: been baad sheegtay!
Waxaad u baratay in lagu dhaho waa Caalim, Qur’aankana waxaad u akhriday in lagu dhaho waa
Qaari’, waana lagu yidhi. Dabadeedna Alle ayaa amraya in weji-weji loo jiido oo Naarta lagu
tuuro! Waxaa weriyey Muslim.
Cumar ibnul Khaddaab RC waxaa laga soo weriyey in uu yidhi:
رسولحذ رنا صل ىللا الل سانعليممنافق كل وسل معلي هللا
Rasuulkii Alle— sallal Laahu calayhi wasallam—waxa uu nooga digay munaafiq kasta oo carrab
aqoomaysan wata!
Aftahammo dhagaraysani dhibaato weyn ayay keeni kartaa.
Xushmadda cilmiga lagu helo xil baa la socda. Xushamadda iyo maqaamka sare ee ay culamadu
leeyihiinse kama dhigayso macsuumiin aan gefin oo ceeb-ka-saliim ah. Waxaase jirta in hadal uu
yidhi Ibnu Casaakir- Alle ha u naxariistee- si khaldan loo adeegsado.
مسمومةالعلماءلحوم
Hilbaha culamadu way sumaysan yihiin.
Culamadu waa dhaxleyaashii Nebiga SCW, waxayna mudan yihiin qadarin iyo ka haybaysi, waana
inaan sharaftooda meel looga dhicin, si anshax iyo asluub lehna loola dhaqmo. Ma aha in
macsuumiin laga dhigo. Odhaahdani waxa ay ka digaysaa in lagu xadgudbo ama la xaqiro, taas oo
ay ka dhalanayso in haybaddii culamadu jabto, ka dibna wixii ay ku sharfanaayeen la xaqiro. Ibnu
Casaakir—Alle ha u naxariistee—ma wuxuu u jeeday yaan culamada juuq loo odhan? Waa kan
hadalkiisi oo dhammaystirani:
مسمومة،–عليهمهللارحمة–العلماءلحومأن–تقاتهحقويتقيهيخشاهممنوجعلنالمرضاته،وإياكهللاوفقنا–أخيياواعلم
والفتراءبالزورلعراضهموالتناولعظيم،أمربراءمنههمبمافيهمالوقيعةنلمعلومة؛منتقصيهمأستارهتكفيهللاوعادة
ذميمخلقالعلملنعشمنهمهللااختارهمنعلىوالختلفوخيم،مرتع
“Walaal—aniga iyo adigaba Alle ha inna waafajiyo raalligelintiisa, hana innaga dhigo kuwa sida
dhabta ah uga cabsadee— waxaad ogaataa in hilibka culamadu —Alle ha u naxariistee— uu yahay
sun, sida uu Alle u galo kuwa iyaga yasana waa la yaqaannaa; sababta oo ah, in iyaga lagu xanto
wax ay ka hufan yihiin waa foolxumo weyn, sharaftooda in lagu dilo been-abuurasho iyo
masabbididna waa soof xumo. Ku been-abuurashada dadka uu Eebbe cilmiga u doortayna waa
dhaqan xumo.”
Odhaahdani sinaba uma muujinayso in khaladka culamada laga aamuso. Haddii ay sidaa ahaan
lahayd isagaaba ku bakhtiyi lahaa beri hore! Kutubta culamadeenna ayay ka buuxdaa dhaleecayn
culamo kale iyada oo waxyaalo ay ku gefeen lagu haysto. Sida muuqata, ujeedka weedhu waa
inaan la yasin, sharaftoona meel looga dhicin, lagu been abuuran, la masabbidin, iwm.
Qoraagu halkii uu odhaahdan baahday raadgur ku samayn lahaa, naqdin lahaa, xaqiiqadeedana
u muujin lahaa, isla sidan dadka ku dhex baahsan buu u dul maray, isaga oo aan xitaa qoraalka
intiisa kale u eegin waxa looga jeedo: “Waa weedh sida fudud ee uu u yidhi aan ku joogsan e, loo
adeegsaday in lagu jufeeyo ciddii wadaadka diidda. Hilibka fatwooduhu haddii uu sumaysan
yahay, waxa ay ka dhignayd in laga wado in fatwada iyo ninkeeduba ay yihiin lamataabtaan iyo
loomadhawaadaan.” [b.28-29]. Qoraagu isaga oo aan xaqiiqadii hadalka baadhin buu, sidii dadka
uu dhaliilayo, isna meel kale la aaday! Runtiina qaabkan kor-ka-xaadiska ah ee arrimo muhiim ah
lagu dulmarayaa waa uu ku badan yahay buugga oo ujeedkiisu ahaa gorfayn iyo naqdin.
Waa fursad uu qoraagu dayacay. Halkii uu inta khaldan tilmaami lahaa, meesha wax ka
khaldameen farta ku fiiqi lahaa, kala hufi lahaa oo kala haadin lahaa, eeddana booskeeda dhigi
lahaa, waxa uu yidhi, “Fatwo waa fatwo, marka saamaynteeda laga hadlayo.” [b.66] wadaad oo
idilna waxa u muujiyey danayste ay tahay in isha lagu hayo, amaba laga maarmo sidiisaba.
Isku qaadistaas iyo danayn la’aantaas raadraacii asalka ahaa ayaa dad badan— oo ay ahayd in
qoraagu qancintooda ku dedaalo— u tusay in qoraagu dhan kale wax u wado; in uu culamada iyo
fatwada kaalintooda fantaynayo kuna wada rinjiyeynayo burush waxaan-la-sheegi-karin leh!
***
Qaybta Saddexaad (May 11, 2018):
Ahmiyadda Fatwada
Fatwadu waa jawaab caddaynaysa waxa ay diintu ka qabto arrin. Jawaab sax ah ayay noqon
kartaa, waa ay khaldanaan kartaa, qayb sax ah iyo qayb khalad ahna way yeelan kartaa. Su’aaluhu
dhammaan maayaan, jawaab in loo helaana waa lamahuraan. Haddaba, waxa aynu u baahan
nahay waa sidii aynu middaa khaldan isaga dhowri lahayn. Halkee ayaa uu khaladku ka iman
karaa? Sidee ayaa uu ku iman karaa? Maxaa xal u noqon kara khaladka iyo sababaha uu ku
yimaaddo? In baylah laga dhigo iyo jaantaa-rogan waxay ka turjumaysaa inaan dan laga lahayn
helidda xukunka sharcigu ka qabo nolosheenna. Shuruudda fatwadu waa xeerar xakamayn oo
lagu dhowrayo fatwada, muftiga, iyo loo-fatwoodahaba.
In la helo cid fatwoota oo dadka uga jawaabta su’aalaha diiniga ah ee ay qabaan waa waajib,
haddii la waayana dadka oo dhan ayaa dembaabayaa, laakiin haddii la helo qof jagadaas buuxiya,
inta kale xilkii wuu ka dhacayaa. Sidaas awgeed, fatwoodku waa fardul kifaayah.
Shuruudda Fatwada
Fatwadu waa lamahuraan, diintuuna waxa ay siisay kaalin muhiim ah. Qofku wixii uusan aqoon u
lahayn waa in uu weydiiyaa cid taqaanna.
ألوا رأه لفاس تع لمونلكنتم إنالذ ك
Koox saxaabo ah oo safar galay ayaa nin ka mid ahaa oo madaxa dhaawac ka soo gaadhay uu u
baahday in uu janaabo ka daahirsado. Raggii la socday buu weydiiyey in ay garanayaan wax
rukhso ah oo u oggolaanaya in uu gagabaysan karo. Waxay ugu jawaabeen in isaga oo biyo haysta
uusan gagabaysan karin, wax u oggolaanayana aysan hayn, ka dib wuu qubaystay, wuuna
dhintay! Markii ay safarkii ka soo noqdeen ayaa warkii gaadhay Nebiga SCW.
،قتلهم قتلوه فيهكانإن ماالسؤال،ال عي فاءشفإن مايع لموا؛لم إذ سألواألللا م،أن يك حهعلىويع صبيتيم قة،جر سحثم خر يم
جسدهسائرويغ سلعلي ها، ..
Way dileen Alle ha dilee! May weydiiyaan haddii aysan garanayn. Jahliga waxaa dawo u ah
su’aasha. Waxaa ku filnaan lahayd in uu gagabaysto, nabarkana intuu maro ku xidho uu dusha ka
masaxo, jidhkiisa inta kalena dhaqo.
Hadalkan kulul ee habaarku ku jiro ee Nebiga SCW ayaa muujinaya dhibaatada ay leedahay in
fatwada la sahlado oo aqoon la’aan la fatwoodo, taas oo halaag ka dhalan karo. Shareecadu
waxay dhawrtaa shan arrimood: diinta, nafta, maalka, sharafka, iyo caqliga. Intaasba fatwadu
saamayn ayay ku yeelan kartaa. Fatwada sillooni waxa ay dhibaato weyn u keeni kartaa qofka
adduunkiisa iyo aakhiradiisaba.
Sidaas darteed, waxaa lagama-maarmaan ah in nidaam loo dejiyo, kaas oo lagaga hortagayo
dhibaatadaas. Culamadu waxa ay dedaal ku bixiyeen in ay dejiyaan xeerar, shuruud, iyo aadaab
ay tahay in ay ilaaliyaan cidda fatwada rabta iyo cidda fatwoonaysaaba, si fatwadii looga dhowro
in ay gurracato, in lagu danaysto, iyo in ay cid dhibaato ka soo gaadho.
Qoraagu waxa uu ku doodayaa: “Hasayeesho e, wadaaddo badani waxa ay aad ugu dedaaleen
sidii ay u dejin lahaayeen shuruudo iyo xayndaab aan dhayal looga gudbi karin, si ay u hubiyaan
in awoodda fatwadu u dammaanadqaadanto. Waxa buugaag badan laga curiyay, oo hawl iyo hoo
badan la geliyey, sidii dadka looga dhaadhicin lahaa in cid gaar ahi fatwoon karto.” [b.35].
Intan markii uu qorayey, waxaad mooddaa in qoraagu uu illaaway tuduca kan ka horreeya oo uu
ku qoray “waxa meesha ku jirta in fatwadu tahay aragti wadaad oo ku aaddan ‘xukunka Eebbe,’
balse cuskanaysa daliil diinta ah.” [b.35] In ay fatwadu cuskato "daliil diinta ah" miyaysan keenayn
in cid gaar ahi fatwooto maadaama aan cid kastaa fahmi karin daliilka? Sow ciddii fahmaysa
daliilka oo keli ah uma furna?
Qoraagu waxa uu soo jeedinayaa eedda ah: “waxaa la soo gaadhay heer fatwadii loo yeelay
shuruudo iyo shaadhadh badan.” [b.35] “Shuruuddaas, oo badankooda uu buuggu u aqoonsan
yahay ‘xadhko xeeladaysan,’” [b.21]. Meel kalena waxa uu ku leeyahay: “Si ay u maleegaan
xadhko xeeladaysan oo ay kooto u gashadaan awoodda fatwada, ayaa ay wadaaddada looga
bartay fatwadu taxaan shuruudo looga baahan yahay qofka fatwoonaya.” [b.36].
Aaminaadda buuggan gundhigga u ahi waa in culamadu, kala reebid la’aan, ay tab iyo xeelad
kasta u mareen muquuninta maanka dadka, marin habaabintooda, iyo ka faa’iidaysigooda.
Waxaa ilaa hadda meesha ka maqan culamo daacad ah oo aan xeelad maleegayn. Ogsoonow,
waa kuwii naf iyo maalba u huray inay diinta inna soo gaadhsiiyaan!
Shuruudaha fatwada ee uu qoraagu tilmaamayaa [bb.36-40] waxa ay muujinayaan sida ay
dooddiisa u kala dhantaashay tixraacii asalka ahaa ee uu ka kaaftoomay. Waxyaalo aan runtii
ahayn shuruudihii fatwada ee asaasiga ahaa ayaa uu xusay kuwaas oo aan xidhiidh toos ah la
lahayn qaabkii uu rabay. Marka uu ka hadlayo mad-habta Xanaabilada waxa uu leeyahay: “Waa
mad-habkan midka jideeya shuruudaha ugu badan ee aynu aragno. Waxaa ka mid ah in muftigu
uu qaangaadh miyirqaba yahay; aqoon badan diinta u yeesho, in uu dhawrsoon yahay.” [bb.38-
39] Intaa uu qoraagu ku tilmaamay shuruud uu jideeyey mad-habka Xanaabiladu waa isla inta ay
qabaan Shaaficiyadu, weliba Shaaficiyada ayaad mooddaa in ay baro dheer yihiin!
Qoraaga oo Xanaabilada ugu gabbanaya Salafiyiinta, oo aad mooddid in magac-hoosaadka
buuggu ku fiicnaa in lagu daro (Naqdinta Fatwada Salafiyiinta), ayaa waxa uu leeyahay “Xataa
xadiiska daciifka ah ayaa uga khayr badan aragtida qofka.” [b.38]
Intani kuma koobna Xanaabilada iyo imaamkooda Axmad ibnu Xanbal, ee waxaa sidaas oo kale
qaba Imaam Abuu Xaniifah iyo Imaam Maalik. Imaam Shaaficina waa sidoo kale. [Iclaamul
Muwaqqiciin, 1/56-59]
Isaga oo weli qolyihii Xanaabilada naqdinaya waxa uu yidhi: “Waxa se yaabku ka sii joogaa, marka
ay wadaaddadu ku soo daraan shuruudaha in muftigu arag la’aan karo, balse aanu dhego la’aan
karin!”
Xigashada uu intan raaciyey waa jawaab ku qoran bogga islamweb.net. Inta aanan jawaabtaas ka
hadlin, aan soo guuriyo faallada qoraaga: “Sababta ay ninka indhaha la’ u oggolaadeen, waxa lala
xidhiidhin karaa in ciddan dejisay sheekhoodii weynaa ee Ibnu Baaz ahaa nin aragga la’! Shaad
le’eg in ay tosheen ayaa dabadeed kuu muuqanaysa.”
Haddaba aynu eegno su’aasha iyo jawaabteeda.
لسؤالا
-السمع-التحركعلىالقدرةعدم:مثال)الجسديةاإلعاقةتمنعوهلللدولة؟العامالمفتيفيتوفرهاالواجبالشروطماهي
ذلك؟فيالدينيةقدرتهمنبالرغمبالفتوىالشخصقياممن-(البصر
اإلجابــة
بعدأماوسلموصحبهآلهوعلىهللارسولعلىوالسلموالصلةهللالحمد :
الخلقبمكارموالتحليوالصيانةالتقوىمعشديد،ورعذايكونوأنواسع،علمذايكونأنللدولةالعامالمفتيفييشترط
له،الفتوىكتابةأمكنإنإلالمنصببهذايخلفإنهالسمعفقدأما.اإلفتاءتولىمنيمنعلالبصروفقد.المروءةوخصال
اإلفتاءيمنعلالبدنيالتحركعلىالقدرةوعدم.لذلكالمشترطالعلمفيهحصلالسماعمنمتمكنازمنعليهمضىقدوكان .
أعلموهللا .
http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php…
"Su’aal: maxay tahay shuruudda laga rabo in uu buuxiyo Muftiga Guud ee dawladdu? Naafada
jidhku (sida dhaqdhaqaaq la’aanta, dhego la’aanta, indho la’aanta) qofka ma u diidaysaa in uu
fatwoodo, isaga oo leh awooddeedii diineed?
Jawaab: muftiga guud ee dawladda waxaa laga rabaa in uu ahaado qof leh aqoon ballaadhan, in
uu yahay qof warac (xalaal miirad) badan, taqwo iyo dhowrsoonaan leh, kuna dhaqma akhlaaqda
wanaagsan iyo anshaxa suubban. Indho la’aantu ma diidayso qabashada jagada fatwada. Laakiin
dhego la’aantu wax bay u dhimaysaa, haddii aysan suuragal ahayn in loo qoro fatwada, waana in
uu jirey xilli uu wax maqli jirey oo uu ku helay aqoontii laga rabay. In uusan jidhkiisu dhaqdhaqaaq
samayn karin uma diidayso fatwoodka."
Marka hore, qoraagu isaga oo intan soo xigtay haddana waxa uu leeyahay, “Qofka dhegaha ka
naafo ah, balse wax qori kara oo aqoon leh, miyaanu wax caddayn karin? Waxa muuqata in
wadaaddada shuruudahan dhigay ay iyagu isugu talaggaleen, oo ay isle’ekaysiiyeen.” Qoraalka
ayayba ku caddahay in uu fatwoon karo haddii uu helo cid u qorta, laakiin dhibta lagu diidayaa
ay tahay in aan cid kasta oo wax weydiinaysaa u qori karin—ogow waa Muftigii Guud ee dalka e!
Dadkii aan waxba qori karin iyagu miyeysan fatwada wax ku lahayn? Haddii qofka su’aasha qabaa
uusan rabin in cid kale maqasho, muftigiina uu dhego la’ yahay, maxaa xal ah?
Fatwada dhagoolka cidda diidday ma aha Xanaabilada, sida qoraagu sheegayo, ee waa culamo ka
mid ah Xanafiyada. Cid aan iyaga ahaynina ma sheegin shardigan [eeg الفقهيةالموسوعة , qaybta 32].
Ibnu Caabidiin (1198-1252H) oo ahaa imaamkii Xanafiyada ee xilligiisi, ayaa ku dooday
يكتبأنأحدكليمكنللنه،للفتوىينصبأنينبغيلأنهإل،بفتواهالعملجازعنهوأجابالسؤاللهكتبإذاأنهشكل
له
4/302عابدينابنوحاشيةالمختارالدر .
"Shaki kuma jiro haddii loo qoro su’aasha oo uu ka jawaabo in lagu camal fali karo, laakiin ma
habboona in loo dhiibo jagada fatwada, maxaa yeelay cid kastaa ma awooddo in ay u qorto
su’aasha."
Ma jirto cid diidday in indhoolku fatwoodo, mana aha shaadh ay Xanaabiladu u toleen Ibnu Baaz
e, isaga oo aan dhalan bay kutubta ku qornayd, waxaana si cad u qeexay Maalikiyada [ حاشية
4/130الدسوقي ].
Shaaficiyadu ma kala saaraan xor iyo addoon, nin iyo naag, sidoo kale indhooluhu wuu fatwoon
karaa (Ibnu Baaz ma ahayn Shaafici!), kan aan hadli karinna (al-akhras) wuu fatwoon karaa haddii
uu qoro ama ishaaradiisa (tilmaamiddiisa) la fahmo. [Aadaabta fatwada… Nawawi, b.19]
Nabar xaqdarro Alle ha uga dhigo Xanaabilada!
Masalo cilmi ah marka laga hadlayo ee weliba buug laga qorayo, waa in asalkii loo noqdaa ee aan
meelo soke lagu warwareegin. Shuruudaha fatwada lama dejin shalay, Ibnu Baaz iyo cid u
dhiganta ku sooriddoodana looma dejin. Maadaama ay jiraan buugaag cilmi ah oo masaladan si
qotodheer u tibaaxaya, qaarkoodna qornaayeen kun sano ku dhowaad, halkaas in la soo xigto
ayaa mudnayd e bog internetka ah in la soo xigto ma ay ahayn.
Xadhko xeeladaysani meesha ma yaallaane, waa xeerar lagu dhowraya fatwada intii suuragal ah.
Maxay tahay shuruudda muftiga laga rabaa?
Qofka fatwoonayaa waa in uu yahay Muslim, qaangaadh ah, caqli fayow (aan dhimirka looga
jirin), fahan iyo dhugmo fiican leh, aammin ah, dhowrsoon, anshaxa guudna dhowra. Tilmaamaha
shakhsi ahaaneed waxaa soo raaca oo fatwada asal u ah aqoonta diinta. Waa in uu aqoon
qotodheer u leeyahay waxa uu ka fatwoonayo, haddii kale waa in uu u gudbiyaa cid ku dhaanta.
عل م بهلكلي سماتق فول
Wax aadan aqoon u lahayn faraha ha la galin.
هعلىتقولواوأن تع لمونلمااللـ
ذاال كذبأل سنتكمتصفلماتقولواول ـ ذاحلل ه ـ هعلىل تف ترواحرام وه ال كذباللـ هعلىيف ترونال ذينإن لال كذباللـ
يف لحون
Fatwadu uma furna qof aan lahayn aqoontii su’aashu ku saabsanayd. Tani kuma koobna dadka
caadiga ah e, xitaa culamada ayay khusaysaa. Sheekh ku xeeldheer fiqhiga mucaamalaadka,
loogase aqoon roon yahay cibaadaadka oo welina aan xaj tagin, ma aha in uu xajka iyo
manaasiktiisa ka fatwoodo. Sh. Shariif Cabdinuur- Alle ha u naxariistee- ayaa hadalladiisi waxaa
ka mid ah: in arrimaha siyaasadda la xidhiidha aan laga dhegaysan culamada Sucuudiga! Iskudhac
daneed ayaa meeshaa ka xidhay wadaaddadaas.
Qoraagu ma diiddana in aqoonta shardi laga dhigo, “Aqoontu waa qodob shuruudahan ku jira,
oo si weyn u ah munaasib, balse waxaa wareer ka joogaa yaa qeexaya “aqoon badan,”
“dhawrsoonaan” iyo ereyadan aan sida cad u qeexnayn e, u eg madmadaw-badane
(ambiguous).” [b.39]
Yaa qeexaya aqoonta uu dhakhtarku ku mudan karo in loo oggolaado shaqo? Ama qareenku u
baahan yahay si loogu oggolaado inuu qareennimo ku hawlgalo?
Imaam Maalik ayaa laga soo weriyey in uu yidhi: ma aan fatwoon ilaa ay ii markhaati kaceen 70
reer Madiina ahi in aan fatwoon karo. Waxaa kale oo uu yidhi: ma aan fatwoon ilaa aan weydiiyey
cid iga aqoon badan: in uu ii arko in aan awood u leeyahay? Waxaa kale oo uu yidhi: ma habboona
in qofku isu arko in uu wax ehel u yahay isaga oo aan weydiin cid ka aqoon badan. [Aadaabta
Fatwada… Nawawi, b.18]
Midda dhowrsoonaantu waa wax sahlan oo qof dhacdhac badan oo aan anshixiisu
wanaagsanayn, fisqi (sida beenta) iyo wax la mid ah lagu yaqaan, danayste ah, aan sharaftiisa
dhowrin, bulshada ayaaba aragta. Waxa wax laga weydiinayaa waa diin markaa waa in uu yahay
qof ku tilmaaman kuna dhaqma diinta. Waa in uu yahay qof aamin ah oo aan sirta dadka faafinayn
diintana ka been sheegayn. Waa in uu yahay qof lagu kalsoonaan karo. Faasiqa fatwadiisa ma la
qaadan karaa? In kasta oo ay culamadu isku hayaan haa iyo maya, haddana warkiisa iska hubiya
haddii la yidhi, fatwaduna ay ahayd in uu isagu wax caddeeyo, maxaa laga faa’iidayaa
weydiintiisa?
مابواتصيأنفتبي نوابنبإ فاسق جاءكم إنآمنواال ذينأيهايا بحوابجهالة قو نادمينفعل تم ماعلىفتص
Dukaamaysiga
Dhibaatooyinka jira ee uu qoraaguna wax ka taabtay waxaa ka mid ah waxa lagu tilmaamo
Dukaamaysiga Fatwada. Qoraagu waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqayaa bangiyada “Islaamiga”
sheegta oo ku dacwooda in ay fatwo oggolaansho ka heleen guddi culamo. Iyada oo ay jiraan
culamo badan oo diiddan habka ay u shaqeeyaan, haddana ma waayaan qaar u shaabbadeeya
( الشرعيةالهيئةمنمعتمد ), kuwaas oo laga yaabo inayba mushahar ka qaataan isla bangiga!
Laakiin maadaama uu qoraagu shuruuddii ay culamadu xalka uga dhigayeen dhibaatada
dukaamaysiga daadiyey kuna tilmaamay “xadhko xeeladaysan”, iyo in fatwadii cid gaar ah
“kooto” loo galinayo, way ku adkaatay in uu xal u helo, sidaas ayuuna ku dhaafay.
Danaysi
“Waxa sida dharaarta u caddaatay in fatwooyinku dano hoosta ku wataan.” [b.45] in kasta oo
uu qoraagu isku qaaday fatwo oo idil, haddana cidina ma dafiri karto in fatwooyin badan oo
danaysi riixayaa ay wareegayaan. Mase aha wax cusub ee Soomaali ahaan dhaqan ayayba innoo
tahay, oo waxaa dhaqankeenna ka mid ah "fiqi tolkii kama janna tago,” iyo "la jiifiyaana
bannaan”. Marka hanti dad kale la soo dhaco, wadaadka reerka ayaa xalaalayn jirey oo isna
saamigiisa ku lahaa boolida. In badan oo innaga mid ahi marka ay dan yeeshaan inta wadaad u
tagaan bay dhahaan ii kitaabbo fur, wadaadkii oo faraha wax loogu laabayna wixii laga rabay buu
“soo helaa”.
Marka ay culamadu leeyihiin muftigu waa in uu yahay qof dhowrsoon oo xalaal miirad ah, waxa
laga hor tagayaa waa danaysigan iyo wixii la mid ah. Waxa ay diiddanaayeen in fatwada gacanta
loo galiyo qof mabda’iisu yahay la jiifiyaana bannaan, oo hadba siday isaga ugu roon tahay yeela.
Culamadu aad ayay uga digeen in fatwada loo adeegsado danaysi dheef lagu gaadhayo ama qof
dhib lagu gaadhsiinayo. Waa inaan xidhiidh qaraabonimo ama collaytan, dheef soo jiidasho, iyo
dhib celin tooni ka hor istaagin in uu masalada sideeda uga jawaabo. Haddii laga dareemo wax
danaysi ah, fatwadu waa celin lagamana qaadanayo [Aadaabta fatwada,… Nawawi, b.20]
Dawladda ayaa laga rabaa in ay daboosho baahida qofka ku mashquulsan fatwada iyo
waxbaridda dadka. Culamadu xitaa waxay ay diidayaan in uu hadyad ka qaato qofka su’aasha
weydiinaya, haddii ujeedku yahay in uu ugu fatwoodo sida uu rabo [Aadaabta fatwada,… Nawawi,
b.40]
Alle ka cabsiga, akhlaaqda iyo anshaxa suubban iyo dhowrsoonaanta shardiga looga dhigay
muftiga ayaa ilaa xad ka xakamaynaya in uu ku dhaqaaqo danaysi, waase aadane oo 100%
dhagartiisa lagama taxaddari karo, laakiin intii la awoodo waa la yarayn karaa, shuruudda
hadafkeeduna waa intaas.
Waxaa jirta oo sugan in qofka rukhso xalaal ah loo raadiyo. Tusaale ahaan, waxaa la sheegaa in
uu nin ku dhaartay in uu xaaskiisa maalin Ramadaan u galmoodo! Dhaartii way haysaa, hadduu
fuliyana waxaa ka dhalanaysa ciqaab ah in uu soomo labo bilood oo isku xiga! Imaam Abuu
Xaniifah buu u tagay, sheekhoow maxaan sameeyaa? Imaamku waxa uu u helay xal uu dhaartii
kaga bixi karo kaas oo ah in isaga iyo xaaskiisu ay safraan, sidaa awgeedna aan laga rabin in ay
maalintaa soomaan, ayna isla damaashaadi karaan! Tanoo kale waa fatwo qofka dhib lagaga
baajinayo, laakiin marna ma bannaana in loo sameeyo xeelad uu xaq lagu lahaa kaga baxsanayo
ama xaaraan ku xalaashanayo, iwm.
Haddii fatwadii la fuliyo ayna ku saabsanayd wax aan laga noqon karin, sida wax la baabi’iyey,
dabadeedna ay caddaato in uu muftigu khaldamay oo uu arrin xukunkeedu cad yahay khilaafay,
dhibtii dhacday isaga ayaa dammaanad qaadaya oo magdhaw laga rabaa. Haddii uusan aslanba
ehel u ahayn fatwo, culama qaar waxa ay leeyihiin waxba lagama rabo, maxaa yeelay su’aal
weydiiyaha ayaa ka gaabiyey waajibkiisi ahaa in uu raadiyo cid u fatwoon karta. Kuwo kalena
waxa ay leeyihiin waa in uu dammaanad qaadaa, maxaa yeelay isagaa wax uusan awood u lahayn
faraha la galay. [ 1والمستفتيالمفتيالفتوىصفة , b.31]
،أفتاهمنعلىإثمهكانعلمبغيرأفتىمن:"وسلمعليههللاصلى-هللارسولقال:قال-عنههللارضي-هريرةأبيوعن
خانهفقدغيرهفيالرشدأنيعلمبأمرأخيهعلىأشارومن " .
داودأبيصحيحفياللبانيوحسنهداودأبورواه
Nebigu SCW waxa uu yidhi: qofkii aqoon la’aan loogu fatwoodo, dembigiisu waxa uu korayaa
ciddii u fatwootay. Qofkii walaalkii kula taliya arrin uu og yahay in laga wanaagsan yahay, wuu
khiyaanay. Waxaa weriyey Abuu Daawuud, Albaanina waxa uu ku derejeeyey Xasannimo.
Fatwo waa ay ka halis badan tahay xukunka garsooraha, oo iyada cid kastaa daliishan karta, halka
xukunka garsooruhu uu ku kooban yahay kiiska uu ka soo baxay. Culamadu waxa ay u adkeeyeen
cidda fatwoon karta iyaga oo ka taxaddaraya in qof aan u suubbani dadka fatwadiisa ku halligo.
Taas ay ka taxaddarayeen markii laga tagey ee cid kastaa fatwootay waa innagaa midhaheedii
guranayna. Waa taas dhiiggii Muslimiinta lagu bannaysanayo fatwo kitaab-gaab ismoodsiiyey in
uu keligii xaqa fahansan yahay.
Takhasus
Qoraalladii hore ayaan ku soo marnay in ay saxaabada culamadoodii takhasus u kala lahaayeen
laamaha kala duwan ee aqoonta, mid walbana wax loogu soo hagaagi jirey. Dhaxal hadday
noqoto waxaa looga dambeeyey qaar ay hormuud u ahaayeen Ummul Mu’miniin Caa’isha RC iyo
Zayd ibnu Thaabit RC. Xalaal iyo xaaraan waxaa looga dambeeyey Mucaad ibnu Jabal RC. Aqoonta
Qur’aanka waxaa khabiir ku ahaa Cabdullaahi ibnu Mascuud RC, tafsiirkana Cabdullaahi ibnu
Cabbaas RC, halka Cabdullaahi ibnu Cumar RC uu ku xeeldheeraa raadraaca sunnada Nebiga SCW.
Cali ibnu Abii Daalib RC isna waxaa looga dambeeyey garsoorka (al-Qadaa’).
Sida uu Imaam Nawawi xoojinayo, haddii uu muftigu ka fatwoonayo masalooyin fiqhi oo xisaab
la xidhiidha, sida dhaxalka, sakada, iwm., waa in uu aqoontii xisaabta ee uu baahnaa bartaa
[Aadaabta fatwada… Nawawi, b.24]. Sida uu Imaam Nawawi ku tilmaamayo kitaabkiisa Aadaabta
Fatwada [b.32], Imaamul Xaramayn, al-Juwayni, iyo culamo kaleba waxa ay sheegeen in aysan
bannaanayn in khabiirka ku xeeldheer usuulul fiqhiga uu fatwoodo isaga oo aan baran fiqhigii
looga baahnaa. Kani waxa uu ka dhigan yahay qof aqoonta naxwaha ku fogaaday laakiin aan afkii
si fiican ugu hadli karin.
Sidaas oo kale, faqiiha haddii la weydiiyo masalo tafsiirka Qur’aanka ku saabsan oo aan xukun
fiqhi la xidhiidhin, waa in uu u celiyaa culama ku takhasusay tafsiirka— mufassiriinta [Aadaabta
Fatwada… Nawawi, b.70].
Haddii faqiihii isnacay loo diiday in uu tafsiir ka fatwoodo, usuuligii caqliga badnaana la yidhi fiqhi
kama fatwoon karo, halkee boos uga bannaan yahay arday aan meelna ku tiirsanayn oo dhawr
kitaab akhriyey—amaba aan akhrinba!
Xeer la’aan waa la xooloobaa- shuruudda fatwadu waa xeerar lagu dhowrayo fatwo-doonaha,
fatwada, iyo muftiga, ee ma aha “xadhko xeeladaysan” oo lagu danaysanayo.
Maanta fatwadu waxay u baahan tahay aqoon sare iyo takhasus. Kitaab inta la akhriyo la iskama
fatwoon karo. Taasi fatwo ma aha e waa sheegidda waxa dad kale dhaheen. Ardayga shan sano
caafimaad baranayey laguma fasaxo bukaanka ee sannado kale oo badan ayaa la hagaa si uu
shaqada ugu barto. Shuruudda qoraaga ku tilmaamay "xadhko xeeladaysan" xilligan kumaba
filnaan qabaa, ee aynu kuwo kale ku darno si aynu u adkaynno cidda fatwoon karta. Taas ayaa
wax weyn ka qaban karta fatwooyinkan xad-dhaafka ah.
Waxaan joognaa adduun aqoontii ballaadhatay qofkuna takhasus uu u baahan yahay si uu xog ku
filan uga helo mawduuca uu danaynayo. Sidaas awgeed, sheekh kastaa in uusan masalo kasta ka
fatwoone ay takhasus kala yeeshaan oo qaar wixii arrimaha qoyska ah loola tago, qaar arrimaha
cibaadooyinka, qaar mucaamalaadka dhaqaalaha ah iyo ganacsiga, qaar arrimaha caafimaadka la
xidhiidha, iwm.
Waa inaan fatwada qof kasta lala doonan ee ay jiraan hay'ado lagu kalsoon yahay oo qaabbilsan
fatwada sida Mujammacul fiqhil Islaamii ee Ururka Midowga Muslimiinta hoos yimaadda. Waa
in ay ka madax bannaan yihiin faragalinta siyaasiyiinta iyo ciddii kale ee dan gaar ah ilaashanaysa,
si ay uga nabadgalaan iskudhac daneed dhaawaca dhexdhexaadnimadooda.
Fatwooyinka maanta taagani baadhitaan ballaadhan oo ay khubaro kala duwani isu kaashatay
ayay u baahan yihiin. Tusaale ahaan, qofka macaanka (diabetes) qaba ee dawada insulinta qaataa
muxuu samaynayaa? Ma qaadan karaa isaga oo soomman? Soonka ma jabinaysaa? Ka
jawaabiddeedu uma baahna aqoonta fiqhiga oo keli ahe waxay u baahan tahay in la ogaado waxa
ay insulintu tahay. Halkaa waxaa soo galaysa aqoontii sayniska. Haddii qofkani dawada qaadan
waayo maxaa ka dhalanaya? Halkanna waxaa soo galaysa aqoontii caafimaadka.
Dalka Ingiriiska waxaa lacag laga dhigay waxbarashadii jaamacadaha ka dib markii ay dawladdu
dabooli kari weyday miisaaniyadda ay jaamacaduhu u baahan yihiin. Taasi waxay keentay in
jaamacadihii dawladda lacag la iska qaado, qofkii aan iska bixin karinna ay isla dawladdu ka bixiso
dayn ahaan, hadhow marka uu shaqo bilaabana sida cashuurta laga goosto hadba in ku siman
dakhligiisa. Qofkii aan shaqayn waxba lagama rabo. Hadduu dhintana waa cafis. Haddii dakhligiisu
ka hooseeyo heer xaddidanna waxba lagama rabo, ilaa labaatan sano gudahood hadduu ku bixin
waayana waa laga cafinayaa intii ku hadhay.
Ardaydii Muslimiinta waxaa soo waajahday mushkilad ah: dayntani wa xalaal baa mise waa ribo?
Doodo dhaadheer baa ka dhashay. Dad baa jaamacad sidaa ku daayey. Qaar way qaateen.
Arrintan oo kale baadhitaankeeda iyo faahfaahinta waxa uu yahay xukunkeedu ayaa fatwo ah,
culamadu marka ay kutubta fatwo ku qeexayaan ee ay shuruudda adag u dejinayaanna tan iyo
wixii la jaad ah ayay badanaa u jeedaan. Uma jeedaan hadaltirada aynu caadaysannay ee ah
sheekhoow ilmahayga Urduu ma bari karaa iyo garan Nike ku qoran tahay maxay Diintu ka
qabtaa...iwm.
Fatahan fatwada waxaa lagu xakamayn karaa in shuruudda cidda fatwoonaysa la sii adkeeyo, ee
in kuwii hore waxbayahay laga dhigo oo cid walba fatwadii lagu fasaxaa xal ma ahee waa xumayn
iyo ka sii darid.
Waxan aynu maanta fatwo ku tilmaannaa fatwo ma aha inta badan ee waa cashar. Ma aha
masalooyin la baadhayee waa aqoon qoran laakiin qofku uusan garanayn oo loo sheegayo.
Xaaskaygaan dhunkadaye soonku ma iga jabayaa fatwo ma ahee waa wax ay ahayd inuu qofku
aqoon ahaan kutubta uga barto. Kama duwana ilmo la barayo 9x9 jawaabteeda.
Beryahan waxaa dhibaato gaar ahi ka timaaddaa sheekh ka fatwoonaya masalooyin iyo arrimo
ka dhacaya dalal iyo dad uusan aqoon fiican u lahayn. Muftigu waa in uu garanayo curfiga,
caadada, iyo xaaladaha cidda uu u fatwoonayo. Ma aha in wadaad Sucuudiga ama Masar joogaa
uu ka fatwoodo arrimo u gaar ah reer Soomaaliya ama Iswiidhan isaga oo aan xaaladdooda aqoon
fiican u lahayn. Waa in uu dhaqankooda yaqaannaa [Aadaabta fatwada…Nawawi, b.40]
Garan maayo!
Dhaqan wanaagsan oo dadkii hore ay lahaayeen ayaa sii dabargo’aya, waana dhihidda: ma aqaan
ama garan maayo!
Waxaa la odhan jirey: cid kale ma fatwooto iyada oo Maalik joogo Madiinah.
المدينةفيومالكيفتىل
Laakiin Imaam Maalik waxa uu caan ku ahaa in uu ku jawaabo ma aqaan iyo garan maayo! Mar
48 su’aalood la weydiiyey, 32 ka mid ah waxa uu kaga jawaabay garan maayo! [Aadaabta
fatwada...Nawawi, 16].
Imaam Maalik ayaa waxaa maalin u yimid nin meel dheer ka soo safray oo loo soo diray in uu
imaamka su’aal soo weydiiyo. Ninku waxa uu sheegay in uu lix bilood soo socday. Imaam Maalik
waxa uu su’aashii kaga jawaabay: garan maayo! Ninkii oo yaabban ayaa yidhi: maxaan u
sheegayaa dadkaygii markaan ku noqdo? “Waxaad odhanaysaa Maalik waxa uu yidhi: garan
maayo”! [Jaamicu bayaanil cilmi wa fadlihii, 2/53]
Cabdullaahi ibnu Mascuud RC iyo Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC ayaa hadalladoodii waxaa ka mid
ahayd: “Qofkii wax kasta oo la weydiiyo ka fatwoodaa wuu waalan yahay!”
Qofku in uu wax kasta iskaga dhiirrado ka jawaabiddooda, waxa ay muujinaysaa aqoon yaridiisa.
Sufyaan ibnu Cuyaynah— Alle ha u naxariistee— ayaa waxaa hadalladiisi ka mid ahaa: dadka
qofka ugu dhiirran fatwoodka ayaa ugu aqoon yar. Cabdullaahi ibnu Mascuud RC isna waxa uu
yidhi: aqoonta waxaa ka mid ah marka qofka la weydiiyo wax uusan aqoon in uu yidhahaadu
Allaahu Aclam— ma aqaan. Cabdullaahi ibnu Cumar RC isna waxa uu yidhi: aqoontu waa saddex;
aayad sugan, sunno hirgashay, iyo garan maayo. Imaam Shacbii isna waxa uu yidhi: garan maayo
waa aqoonta badhkeed.
Masuuliyadda Su’aal-doonaha
Inaynu qofkii gadh la baxa ee khamiis iyo cumaamad xidhaba sheekh nidhaahno, warkiisa wax ka
soo qaadno, fatwo weydiinno, diintana afhayeen uga dhignaa, waxay ka turjumaysaa
xaaladdeenna—bulsho ahaan. Innaga ayaa sixid iyo jihayn u baahan.
Alle SWT markii uu Fircoon ka hadlay waxa uu yidhi:
فاسقينقوماكانواانهمفاطاعوهقومهفاستخف
Wuu duufsaday tolkii iyaguna way adeeceen, waxay ahaayeen qawm faasiqiin ah!
Waxay ahaayeen qawm faasiqiin ah. Eedda Fircoon laguma koobine, tolkiina qayb bay ku leeyihiin
oo la'aantood waxa uu sameeyey ma suuragaleen.
Nin baa dhawr jeer dad wacdinaya markaasaa la buunbuuninayaa miskiinkii oo uu noqonayaa
sheekh caalim ah. Isna inta maduxu weynaado buu bulbul tolanayaa markaasuu wax kasta ka
hadlayaa. Kuwo badan ayaadaha Qur'aanka khalad la'aan ma akhrin karaan! Inaynu dadkaa wax
ka dhignaa waxay ka turjumaysaa wacyigeenna. Dadkaasi waa muraayad aynu iska dhex arki
karno. Waa tii uu Nebigu SCW lahaa marka ay culamadu geeriyooto ayay dadku samaysanayaan
madax waxmagarato ah, markaasaa wax la weydiinayaa, dabadeedna waxa ay fatwoonayaan
aqoon la’aan, way lumeen dadkiina way lumiyeen.
وأضلوافضلواعلمبغيرفأفتوافسئلواجهالرءوساالناساتخذ
Caalimkii weynaa ee Qaasim ibnu Muxammad ibnu Abii Bakr RC, ayaa waxaa u yimid nin su’aal
weydiinaya. Qaasim waxa uu ugu jawaabay: ma garanayo. Ninkii markii uu aqbali waayey ayuu
Qaasim yidhi: ha eegin dhererka gadhkayga iyo dadka badan ee i ag fadhiya e, wallaahi garan
maayo!… Wallaahi in carrabka la iga jaro ayaan ka jeclahay in aan ka hadlo waxa aanan garanayn.
[Jaamicu bayaanil cilmi wa fadlihii, 2/53]
Kuwo badan oo TV-yada ka soo baxa dadkuna sheekhyo u yaqaannaan Arbaciinka si fiican uma
dhigi karaan. Qaar anigaaba shakhsi ahaan u aqaanna, waxna ma weydiiyeen! Markaasaa wax
kasta wax laga weydiinayaa. "Sheekh Hebeloow ninkaygii..." bay dumarku, oo aad mooddid in ay
ragga ka su’aalo badan yihiin, la soo taagan yihiin isna jawaab aad mooddid inay diyaar ahayd
buu ku afuufayaa isaga oo aan ka fekerinba wixii loo sheegay! Badanaana jawaabtu eedda waxay
saartaa haweenayda. Kuwaasi inay dad soo hor fadhiistaan may ahayne in la karbaashay ahayd.
“Qaar halkan ka fatwoonaya ayaa tuugta ka mudan xabsiga!” Rabiicat ar-Ra’yi, sheekhii Imaam
Maalik.
***
Qaybta Afraad (May 15, 2018):
Isbeddelka Fatwada
Balayto (Plato; أفلطون) oo ahaa ardaygii Sokratiis (Socrates; سقراط) macallinna u ahaa Aristotal
(Aristotle; أرسطو) ayaa 2300 oo sano ka hor keenay dood uu ku diidayo in wax la qoro! Aan dhahno
wuxuu fatwooday inaan wax la qorin. Sabab? Waxa uu ku dacwooday haddii wax la qoro in dadku
qoraalka isku hallaynayaan oo ay ka kaaftoomi doodaan adeegsiga xusuustooda. Sidaas
awgeedna aysan aqoontu iyaga ku jirine ay mar kasta u baahnaan doonaan in ay wax iyaga ka
baxsan ku tiirsanaadaan. Waxa uu yidhi: markaad wax badan u sheegtid adigoon wax barin,
waxay ismoodayaan in ay wax badan yaqaannaan, iyagoon xaqiiqo ahaan waxba aqoon, waxa ka
buuxaana xikmad ma ahee waa wax u eg. Kun sano ku dhowaad ka dib, markii la sameeyey qalab
wax daabaca, waxaa dhalatay dood kale oo la leeyahay aqoontaa wax noqonaysa, waxaana laga
digay adeegsigeedi.
Hadda cidina kuma dhiirrato in la dhaho Balayto dibusocod buu ahaa ama horumarkuu ka soo
horjeeday. Waxa uu ka hadlayey duruuftii xilligiisa taagnay oo uu wax ku qiyaasayey, waxa uu
sheegayna wax badan baa ka jira, oo wax kale iska daaye dad badani hadda telefoonkooda ma
xifdisana. Waxa aanse ku eedayn karnaa in uu ku degdegay oo uusan dhanka dheeftana aad uga
eegin.
Dhulalka Muslimiinta markii qalabka daabacaaddu soo gaadhay culamadii qaar ayaa dhanka
dhibaatada ka eegay, sidaa Balayto, oo yidhi in kutubta diiniga ah la daabacaa waa xaaraan, iyaga
oo u arkayey in ay cilmiga qiimo tiri doonto, ayna ka dhalan doonto in aqoontii qof aan u
diyaarsanayni uu kitaab iska qaato taas oo ay musiibooyin ka dhalan karaan. Wixii ay ka
hadlayeenna haddaynu fuudkeedii cabbaynaa. Markaan eegno kutubta aan la tirin karin ee innoo
taalla iyo sidaynu u aqoon yar nahay, waan u garaabaa dooddan. Waxa ayse ka gaabiyeen in ay
dheefta iyo dhibta isu miisaamaan.
Markii bunka laga qaaday Itoobiya, ee uu ku baahay dhulalkii Muslimiinta, culamada qaar ayaa u
arkay in uu yahay maandooriye, sidaas awgeedna ku xukumay in uu xaaraan yahay. Qoraagu
tusaaleyaasha kale ee uu tilmaamay waxaa ka mid ah “Codbaahiyaha, kubadda, tiifiyada,
sawirqaadista, jallaatada iyo arrimo la mid ah, oo wadaaddadu (badanaa Khaliijiyiintu) ay beri u
yaqaanneen xaaraan, balse ay markii danbe xalaal u fatwoodeen,” [b.48]
Fatwada lagu degdegayo ee arrin cusub xukun loogu shaabbadaynayo ka fiirsi la'aani, ma aha mid
immika cusub. Waa caado aadanuhu leeyahay in uu ka boodo ama la collaytamo waxa ku cusub.
Waxaase jira farqi u dhexeeya in dadka laga wacyi galiyo wax dhibaato u keeni kara ama laga
wanaagsan yahay, iyo in lagu xukumo xaaraantinnimo oo diinta iyo Alle SWT lagu been abuurto.
ذاال كذبأل سنتكمتصفلماتقولواول ذاحلل ه علىل تف ترواحرام وه ال كذبللا علىيف ترونال ذينإن يف لحونلال كذبللا
Meelaha dhibaatadu innaga haysato waxaa ka mid ah fahanka xadiiska:
منهمفهوبقومتشبهمن
Qofkii dad isu ekaysiiyaa iyaguu ka mid yahay
Qofkii wax inuu diido rabaaba xadiiskanuu dusha ka saarayaa. Waxaa nala baray in jiinisku
xaaraan yahay, koofiyadda afka dhuubani ay xaaraan tahay, ookiyaalaha madoobi ay xaaraan
yihiin... sabab? Gaaladaad u ekaanaysaa! Waxaa nala ku sii daayey carruur xamaasadaysan oo
aan dheg la qabto lahayn. Kuwa ookiyaalahaa madoow diiday waxaan xilligaa soo gaadhin
muuqaalladii Sheekh Cumar Faaruuq—Alle ha u naxariistee. Ilaa hadda dad baa suudka iyo taaygu
aysan uga duwanayn gaalnimo yar! Laakiin salafiga Masar joogaa dhibtaa ma qabo. Suufiga Masar
joogaa dhibtaa ma qabo. Sidaa si la mid ah cilmaaniga amaba mulxidka dadka kale wuxuu ku
mashquulaa waxyaalo waxtarkooda la arki karo, laakiin keennu markaasuu innaga dib innoogu
soo noqdaa oo "waa maxay xadiiskan aad sheegaysaan, wixiinin maangaabka ahi!", "dadkii kale
waxay sahaminayaan inay Marriikh degaan idinkuna sidaad wejiga dhulka ugu hayseen baa
lowyadii idin mudhxeen!"... "Abu Hurayrah sidanuu ahaa, sideeruu ahaa", "Bukhaari ha igu soo
qaadin. Wiilkaa yaree aan Carabka xitaa ahayni siduu waxanoo dhan ku keenay horta?!”
Nebigu SCW markii uu damcay in uu waraaqo u diro madaxdii adduunka, sida Qaysar iyo Kisraa,
waxaa lagu yidhi dadkaasi ma aqbalaan warqad aan shaabbad wadan. Nebigu SCW ma odhan
gaalada xunxun ku dayan maynee intaad waxaa iska daysaan warqadda ha la qaado. Shaabbad
buu samaystay. Markii Muslimiintii bateen ee loo baahday hab xilliga salaadda dadka lagu
wargaliyo, Nebigu SCW wuxuu la tashaday saxaabadii. Qaar baa soo jeediyey in sida Yuhuudda la
yeelo, qaar kale waxay dhaheen aynu sida Nasaarada yeelno, qaar kalena aragtiyo kale ayay
keeneen. Nebigu SCW ma jeclaysan in astaan diin kale la soo qaato, isla mar ahaantaana, lama
soo boodin waa xaaraan. Sidaa si la mid ah, markii ay dantu khasabtay in shintiris (calender) la
dejiyo xilligii Cumar RC, saxaabadii ayaa uu kulmiyey si looga tashado arrinta.
ألةفيليف تيأحدهم إن بد ر أه للهالجمععمرعلىوردت لو ال مس
Midkood waxa uu ka fatwoonayaa masalo haddii ay ku iman lahayd Cumar uu u shirin lahaa Ahlu
Beder (saxaabada kuwii ugu fadliga badnaa; madaxdii saxaabada)
Iyada oo awalba Muslimiintu ay tiih iyo finnaaq (iflaas) dhanka fikirka ah ku jireen, ayaa innaga
waxaa innoogu sii darsantay badownimadii. Qofka Soomaaliga ahi asal ahaan buu xagjir isaga
yahay. Waxaynu nahay dad aad u fudud oo ka fiirsigu dhibaato ku yahay. Dhibtaasi waxay sii
korodhay markii innaga oo sideenni ahi aynu u tagnay kuwo innaga sii daran, markaasaa
qarjajacdeennii iyo toodii isbiirsadeen oo ay dhalatay in wax badan oo ay ahayd in loo miyiriyo
lagu durduriyey. Wixii degdeg loo liqaana dib bay kaa damqaan.
Tan ayaa keenaysa in hadda waxyaalaha qaarkood laga noqdo, in xisaabtii dib loo eego, in wixii
duudduub loo liqay mar kale isha lagu bidhiiqiyo. Cumar ibnul Khaddaab RC ayaa warqad uu u
diray Abuu Muusaa al-Ashcarii RC waxaa ku jirtay:
يبطلهلالحقوإن،قديمالحقفإن،الحقتراجعأن،لرشدكفيهوهديت،نفسكفيهراجعتبالمسقضيتهقضاءيمنعكل
الباطلفيالتماديمنخيرالحقومراجعة،شيء .
Go’aan aad shalay qaadatay oo markaad dib isugu laabatay aad ka noqotay yuusan kuu diidin in
aad xaqa ku laabatid, xaqu waa asalkii, wax buriyaana ma jiraan, in aad xaqa u laabato ayaana ka
wanaagsan in aad baadilkii ku sii socotid.
Maadaama beryahan dambe ay salafiyiintu ugu dhaqdhaqaaq iyo hadal badnaayeen, in badan
ayaa faraha lagu fiiqaa, xaq iyo xaqdarraba. Qoraagu waxa uu leeyahay: “Maaddaama ay
Salafiyiintu yihiin kooxda ugu badan ee lagu bartay fatwada, iyaga ayaa ay tusaalayaashu u badan
doonaan;” [b.20]. Qoraagu waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Sh. Cabdiraxmaan Berberaawi oo
uu yidhi, “waxa uu beri fatwoon jirey (isaga oo la qaba kooxdiisa) in sawirgelidda, iyo in hablo &
wiilal isku fasal ah wax loo dhigaa yihiin xaaraan maqdac ah. Waxa se beri danbe la arkay sheekhii
oo kamaradda isu dhigaya, jaamacadda Hargeysana macallin u ah fasal hablaha iyo wiilashu isla
dhigtaan.” [bb.48-49]
Sawirgaliddu ma aha wax ay keeneen Salafiyiintu, mana aha fatwo uu Sh. Berberaawi ku
fatwooday (waaba haddii uu gaadhay derejo uu ku fatwoon karee). Gabdho iyo wiilal in aysan
meel wax ku wada baran karinna isagu ma keenine waa mid gaal iyo Muslin in badan laga sinnaa.
Arrinta sawirka doodda ka taagani, runtii, waa mid aan booskeedii oollin. In aysan Muslimiintu
noole sawirin cid kasta oo taariikhda Muslimiinta ka hadashay way isku raaceen. Madaxdii
Muslimiinta soo marayey, Umawiyiin, Cabbaasiyiin, Cusmaaniyiin,…iyo kuwii kaleba, iyaga oo
qaarkood ay dhiigyacabyo khamriga ku qubaysta ahaayeen, haddana badankoodu hal sawir
kamay tagin. Qasriyadooda sawirro dad iska daaye, badanaa xayawaan ma laha. Waa sababta ay
Muslimiintu aad ugu dedaaleen naqshadda xardhidda iyo jiyoometriga ku salaysan (arabesque).
Iyada oo sidaa sawirka gacanta lagu sameeyaa uu mamnuuc u yahay, ayaa kamaraddu soo
baxday. Culamadii qaar waxay dhaheen sawir waa sawir, ama gacan ha lagu sameeyo ama
kamarad ha lagu qaadee. Waxaa aragtidan u badnaa Salafiyiinta, walow aysan isku raacin
kulligood. Culamo kale ayaa diiday oo yidhi kamaraddu way ka duwan tahay gacan ku sawirid.
Waxaa la odhan karaa sawirka kamaraddu waa sidii qof muraayad horjoogsaday oo muuqaalkiisi
la kaydiyey, ee sawirriddii xadiisku xaaraantimeeyey way ka duwan tahay.
Labadaa aragtiyood ee sawirka ku aaddan waxaa markii hore xoog badnayd midda
xaaraantimaysay, laakiin aayar-aayar baa looga awood batay. Gadhwadeenkii Salafiyiinta (Ibnu
Baaz, ikk) ayaa taageersanaa in sawirqaadiddu xaaraan tahay, sidaas ayayna ku meelmartay.
Markii ay booskii dad kale yimaaddeenna waa la barabbiyey. Aqoonta oo dhan baa sidaas ah.
Aaynishtaaynba waa kii diiday Quantum Mechanics laakiin aratidiisi waa laga gudbay. Maxaa
saynis iyo talo caafimaad intaa laga guuray oo aan beddelnay.
"In death, there is life. Big-name scientists may end up stifling progress in their fields”
Cinwaankan waxaa watay qoraal ku soo baxay wargeyska The Economist [Mar 23rd 2016].
Qoraalku waxa uu soo xiganayaa hadal uu leeyahay saynisyahankii Jarmalka ahaa ee Maaks
Balaank [Max Planck]: saynisku waxa uu la hormaraa marba hal geeri. Maxaa yeelay dhimashada
gadhwadeen laga dambeeyaa waxa ay booska u bannaynaysaa dad kale oo ka aragti duwanaa,
kuwaas oo uu caqabad ku ahaa markii hore.
Asalku waa xalaal, marka wax cusub yimaaddana waxaa habboon in laga fiirsado inta aan xukun
la saarin. Sida aan kor ku xusayna, canbaarayntu Muslimiinta kuma koobnee waa dhaqan aadane,
gaal iyo Muslimba la wadaago.
Imaam Shaafici waxa uu leeyahay wax la dhaho qawlkii hore iyo qawlkii dambe. Yaraantiisi waxa
uu wax ka bartay Imaam Maalik oo fiqhigiisu aad ugu salaysnaa naqli (Qur’aan, Sunnah, iwm), ka
dibna waxa uu u wareegay Ciraaq oo uu wax ka bartay Muxammad ibnu Xasan ash-Shaybaani oo
ahaa ardaydii Imaam Abuu Xaniifah, fiqhigiisuna in badan ku salaysnaa caqliga. Markii uu Ciraaq
joogay waxa uu metalayey fiqhigii Madiinah iyo sheekhiisii Imaam Maalik, doodo badan ayuuna
la galay ahlur ra'yigii. Sidaas awgeed, waxa uu kulansaday labadii dugsi iyo wixii ay ku kala
duwanaayeen. Ka dib waxa uu aaday Makah, halkaas oo uu dadka wax bari jirey, kulana kulmay
culamo badan oo xajka imanayey. Dugsiyadan kala duwan waxa uu ka dhaxlay shakhsiyad cusub
oo fiqhi cusub wadata, kaas oo ka duwan fiqhigii Imaam Maalik iyo kii Imaam Abuu Xaniifaba.
Sannado ka dib ayuu ku noqday Ciraaq isaga oo fiqhi cusub iyo usuushiisi wata. Manhajkan cusub
ayuu ku salaynayey fiqhigiisa, dadka ugu fatwoonayey, kutubtiisa ku allifayey, dadkana wax ku
barayey. Labo sano ayuu joogay, ka dibna waa uu ka tagey. Walow uu mar kale ku noqday kuma
negaane wuxuu u guuray Masar. Imaamku aragtiyihiisa markasta hubin iyo hufid buu ku wadey.
Markii uu Masar tagey oo uu afartankii dhaafayna dib-u-eegiddaas ayuu sii wadey, waxaana soo
baxay waxa loo yaqaan “Qawlkii Cusbaa”, oo ah aragtiyihiisi dambe. Hadalladiisi waxaa ka mid ah
kutubtan aan qoray waa khasab in khalad laga helo e, wixii aad ka heshaan ee ka hor imanaya
Kitaabka iyo Sunnada, waan ka noqday [Abuu Zahra, b.161]. Si cad ayuu Imaam Shaafici uga digay
in aragtidii hore ee uu ka wareegay laga soo xigto:
القديمعنيروىمنحل فيليس
Maan cafin qofkii iga weriya qawlkii hore
Zarkashii oo hadalkan Imaam Shaafici soo daliishanayaa waxa uu leeyahay, haddii uu muftigu
arrin ka ijtihaado wixii uga soo baxayna ku fatwoodo, dabadeedna ijtihaadkiisi isbeddel ku
yimaaddo, waxaa laga rabaa in uu u SHEEGO ciddii uu u fatwooday in uu na noqday aragtidii hore
[Zarkashii, al-Baxrul Muxiid, 6/304].
[ الفقهيةوآراؤه-وعصرهحياته:الشافعي , Abuu Zahrah, bb.24-32, 145-149]
Marka aragtidii hore la beddelo, waa in la caddeeyo oo sababta la sheego. Masaladu way
dhaaftay dood usuuli ah iyo hal yalzam aw laa yalzam. Dadku dadkii hore ma aha. Haddii beri
hore ay ahayd iska caadi in muftigu masalada sidaa ku dhaafo, maanta dad badan baa ku fitnoobi
kara oo u qaadanaya in diintuba calaakayfka wadaadka tahay oo uu marba dhankuu rabo u jeedin
karo. Sida uu qoraaguba ku doodayo, waxaa dhacda inay dadku diinta kaga fidnoobaan. Muftigu
waa in uu xusuustaa hadalkii canaanta ahaa uu Nebigu SCW ku yidhi Mucaad ibnu Jabal RC markii
uu dadka salaadda ku dheereeyey:
! معاذياانتافتان
Mucaadoow ma dadkaad fidnaynaysaa!
Duul culimo qastay.
Qoraagu arrintan waxa uu ka yidhi: “In qofku isbeddelo, oo wax u kordhaan, ceeb ma aha; taa
lidkeeda waxa la odhan karaa waa astaan bislaansho. Balse waxa qayayaab ah in labada goorba—
markii hore ee uu xaaraanta u haystay iyo iminka oo uu xalaal u haysto—muqaddas laga dhigo
oo la dhaho waa uu saxan yahay…" [b.48] Sidaan qoraaga ula socdaye aanu isku meel uga
duulaynay buu intan ku daray, "Wax la qaadan karana ma aha in la yidhaahdo: sheekhaygu mar
kasta isaga ayaa saxan, oo fatwadiisii hore haddii uu gefayna, ajar buu leeyahay, ta danbana, labo
ajar ayaaba uu leeyahay. Sida Salafiyiintu ku doodaan.”!
Mujtahidku haddii uu dedaalo intii karaankiisa ah, laakiin uu jawaabta helitaankeeda ku
guuldarraysto, dedaalkiisa ayuu abaal ku mutaystaa, sida uu xadiiska Nebigu SCW sheegay. Haddii
uu dedaalana waxa uu leeyahay ajarkii dedaalka iyo kii asiibiddaba. Qoraagu halkan wax buu
madaxa isu galiyey, mana aha wax ay Salafiyiintu ku doodaane waa masalo jirta oo Muslimiinta
ka dhexaysa. Laakiin waa ku saxan yahay marka uu leeyahay, “waxa muhiimka ahi waxa weeye in
dadka loo caddeeyo in fatwadii hore sababo qeexan looga laabtay, dabadeedna middan cusub
loo qaatay.” [b.53].
[FG: Qoraagu waa reer Somaliland oo carrabkiisa iyo dhegahiisaa qabatimay ereyga “muqaddas”,
waayo marar badan meelo uusan ku habboonayn buu ku khasbayaa!]
Isbeddelka fatwada waxaa keeni kara isbeddel xilli ama xaaladeed. Nebiga SCW ayaa waxaa u
yimid nin dhalinyaro ah oo weydiiyey: anigoo soomman xaaskayga ma dhunkan karaa? Nebigu
SCW wuxuu yidhi maya. Haddana waxaa u yimid oday oo isla su’aashii weydiiyey wuuna u
oggolaaday. Maxaa dhacay? Culamadu waxay eegeen waxa ay labada qof ku kala duwan yihiin:
ninka dhalinyarada ah waxaa ka tan badin kara dareenka taas oo soonkiisi halis ku gali karo, halka
odaygu iskaxamayn karo. Sidan si la mid ahaa waxaa Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC u yimid nin
dabadeedna weydiiyey in qofka qof dilaa tawbad leeyahay. Wuxuu ugu jawaabay ma laha. Mid
kalaa isla su’aashii weydiiyey wuxuuna ugu jawaabay haa. Maxaa dhacay? Saxaabigu waxa uu ku
sababeeyey: kan hore indhihiisa cadho ayaa ka muuqatay waxaanna dareemay in uu wax
damacsanaa, kan dambana waxaan ka dareemay inuu dembi galay oo uu ka qoomamoonayo.
Kan hore si uusan ugu dhiirran baa jawaabtii loogu adkeeyey. Fatwadu waxa ay ku xidhan tahay
xaaladda qofka iyo xilliga uu ku jiro, hadday isbeddelaanna way isla beddeli kartaa. [ معيدورالحكم
وعدماوجوداعلته ]
Dumarka iyo Fatwada [b.85-101]
Qoraagu isaga oo dhiiqo badan lugaha la soo galay, qaybtan markuu soo gaadho bohol buu afarta
shaagba kula dhacayaa!
Qoraagu waxa uu ku doodayaa in ay raggu fatwada waxa dumarka khuseeyo kooto gashadeen
oo ay xoog iyo xeelad ku haystaan [b.85]. Arrimaha dumarka la xidhiidha, sida dhiigga caadada
iyo ummushu ma aha wax aqoontoodu dumarka u gaar tahay ee Qur’aanka iyo Xadiiska Nebiga
SCW ayay ku jiraan. Kitaab kasta oo tafsiir ah, ama fiqhi guud ka hadlaya ama xadiis axkaam ka
hadlaya ayay ku qoran yihiin, sida aqoonta cudurrada iyo caafimaadku dumarku ay ugu qoran
yihiin buugaagta caafimaadka laga barto ee ardaydu u wada akhrisato rag iyo dumarba. Qoraagu
waxa uu dood ka dhigayaa, “Tusaale ahaan, wadaadka Salafiyadu ku dhaadato ee Ibnu Taymiya
waxa ka hadhay buug dhan oo uu u bixiyay “ النساءفتوى ” - Fatwo khusaysa Haweenka.” [b.85]
Arrintani ma wax ay wadaado sameeyeen baa mise waa mid si guud uga mid ah ku yaraanta ay
dumarku ku yar yihiin waxbarashada heerarkeeda sare, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed?
Bulshadeenna ayaa ka gaabisay waxbaridda gabdhaha, taasna wadaad baa kooto ku xidhay
laguma eedayn karo. Ilaa 95% dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee cudurrada haweenka ku takhasusa
waa rag.
New York Times war ku soo baxay 2001’dii, ilaa 64% dhakhaatiirta OB GYN ee Maraykanku waxay
ahaayeen rag. Walow ay immika aad dumarku ugu bateen. Dhakhaatiirta ku takhasusa
caadimaadka dumarka badankoodu waa rag e, iyaguna ma kootay ku xidheen arrimaha dumarka
la xidhiidha? Midda kale, Ibnu Taymiya ma qorin kitaab magacaas lehe qof baa fatwooyinkiisi
dumarka ku saabsanaa isku ururiyey oo kitaab ahaan u daabacay!
Sidaan ku soo marnay shuruudda fatwada, ragga iyo dumarku way u siman yihiin fatwada.
Taariikhda Islaamkana way ka buuxaan dumar culamo ahaa fatwoonna jirey. Caa’isha RC ayaa
taabiciin badan wax ka barteen (dhawr boqol), kana mid ah dadka ugu xadiis werinta iyo fatwada
badan. Waxaa ka mid ah Umm Salamah RC, Asmaa’ binti Abii Bakar RC, Xafsah bint Cumar RC,
ikk.
Saxaabiyaadku aad ayay ugu dedaali jireen barashada diinta, Caa’isha RC oo ka hadlaysa dumarkii
Ansaarta waxay tidhi: fiicanaa dumarka Ansaartu, xishoodku uma diidin in ay diintooda wax ka
weydiiyaan fiqhina (fahan) u yeeshaan. Kutubta taariikhda culamada, gaar ahaan xadiiska, waxaa
ka buuxa dumar. In ka badan 800 ayaa laga helayaa Taqriib at-Tahdiib ee uu qoray Ibnu Xajar al-
Casqalaanii. Al-Khadiib al-Baqdaadii, oo kutubtiisu ay gudhig u yihiin cilmul xadiiska kutubta laga
qoray ee isaga ka dambeeyey, shuyuukhdiisi waxaa ka mid ahaa dumar culamo ah, Kariimah al-
Marwaziyah ayuu ka bartay Saxiixul Bukhaari mar uu Makah ugu tagey. Culamadii kale ee Saxiixul
Bukhaari ka qaadatay Kariimah waxaa ka mid ahaa Xaafidkii Abul Qaanim an-Narsii ( الغنائمأبو
Imaam Dahabii culamadiisi waxaa ka mid ahaa dumar badan. Ibnu Xajar al-Casqalaanii oo .(النرسي
aan cid aqoonta xadiiska ku gaadhaa gadaashii iman, waxa uu ijaazo (oggolaansho) cilmi ka
qaatay Saynab bint Cabdallaah ibn Cabdulxaliim ibnu Taymiyah.
Dumarka cidina kama hortaagna inay fatwoodaan, ragguna kama xigaane, maxay tahay dhibtu?
Dumarkeennu ma leeyihiin aqoontii diimeed ee ay ku fatwoon lahaayeen? Haddii aysan lahayn
maxaa ka hortaagan? Taas ayay ahayd in qoraagu ka hadlo. Laakiin tusaalaha uu soo qaatay waa
dumar Indunuusiya jooga oo fatwooday! Qoraagu dumarkan fatwooday waxa uu ku tilmaamay
in ay kaalintooda muujiyaneen. Ma uu sheegin waxa ay fatwadoodu ku salaysan tahay ee daliil
ah, walow uu ragga ku dacweeyey “inta badan ma aha wax Eebbe jideeyey” [b.72], saxnimada
iyo khaladnimda fatwada ma uusan qiimayne, ee waxa uu ku qancay in dumar fatwoodeen!
[bb.86-87]. Fatwada dumarkani maxay tahay? “fatwo…ay ku dalbanayaan in dawladda Indonesia
qeexdo da’da lagu guursado hablaha. Halkii ay awel ka ahayd 16 jir in laga dhigo 18 jir, ayaa ay
fatwoodeen.” [b.86].
Cajiib. Da’da lagu guursado ma fatwaa qeexda? Maxay ku saleeyeen fatwadooda? Mooji.
Qoraagu ma sheegin. In dumar fatwoodeen buu ku qancay.
Taa lidkeeda, qoraagu waxa uu soo qaatay wadaad Sucuudi ah— waxaad moodda in wadaadkii
Sucuudi ah ee hadlaaba uu ku hadlo afka Dawladda Sucuudiga— oo diidmada kaxaynta gaadhiga
ku sababeeyey in wadidda gaadhigu ay ilmagaleenka wax yeelayso. Waajibka qoraagu waxa uu
ahaa in uu falanqeeyo fatwada oo uu asalkeeda ka gungaadho. Laakiin kor-ka-xaadiskaas ayuu ku
dhaafay, si uu ugu daro kefadda fantaynta fatwada. Muddo aan Sucuudiga ku noolaa, waxaan
kala hadlay Sucuudi kala duwan oo aan badankoodu wadaaddo ahayn, qaarna aysanba xukun
shareeco dan ka lahayn. Dhaqankooda ayaa ugu weyn sababta ay ku diidayaan, wadaaddaduna
taas uun bay qiil u raadinayaan. Mid baan maalin ku idhi maxaad dumarka ugu diiddeen kaxaynta
gaadhiga? ku yee: ka warran haddii gaadhigu jidka kaga jabo? hee? Dee sow ninka ugu horreeyee
u yimaaddaa faraxumayn maayo, buu ku sababeeyey!
Qoraagu waxa uu ku leeyahay: “In badan ayaa la maqli jiray fatwooyin dumarka u diidaya in ay
keligood safraan.” [b.87] Ma fatwaa diidday mise waa xadiis Nebiga SCW laga soo weriyey? Meel
kale waxa uu qoraagu ku leeyahay: “Boqortooyada Sucuudiga, oo ka mid ahayd dalalka arrintaa
diinta ka dhiga,” [b.88]. Bal aan eegno waxa ay diintu ka tidhi:
محرمذوومعهاإلثلثاالمرأةتسافرلقالوسلمعليههللاصلىهللارسولأنعمرابنعن
Haweenaydu uma safrayso meel saddex [maalmood] jirta iyada oo aan maxram la socon. Waxaa
weriyey Muslim.
Imaam Nawawi oo xadiiskan ka faalloonayaa waxa uu sheegay in culamada badankoodu ay
qabaan in aysan haweenayda u bannaanayn in ay xajka aaddo iyada oo aan ninkeedi ama maxram
la socon, waxaana uu ku daray in ay sidaasi sax tahay marka loo eego axaadiista sugan ee ku
saabsan. Hadalka Imaam Nawawi waxaa ka muuqata in culamo kale ay qabaan inay xajka u bixi
karto, laakiin uusan isagu taageersanayn. Imaam Nawawi waxa uu soo xigtay Qaadii Ciyaad oo
yidhi: culamadu waxa ay isku raaceen in aysan bixi karin wixii aan xaj iyo cumro ahayn maxram
la’aan, marka laga reebo in ay ka hijroonayso daarul xarbi (berigaa adduunku wuxuu u qaybsanaa
dhul Muslin, Daarul Islaam, iyo dhul gaalo, Daarul Xarbi).
http://library.islamweb.net/newlibrary/display_book.php…
“waxaa kale oo dumarka wadaaddada qaar ku xidhaan in aanay la shaqayn karin rag aan u ahayn
ilaaladeeda." [bb.89-90]
Horta maxramku ilaalo ma aha! Wuu ka gudo ballaadhan yahay. Midda kale, maxay culamadu ku
sababaynayaan arrintan? Qoraaga oo sii wadaa wax uu yidhi: “Waxa laga fogaanayaa, ayaa lagu
doodaa, in ay isku milmaan ragga iyo dumarka geyaanka isu ahi, dabadeedna aanay sino ku
dhicin! Waa qof maskaxdiisa ay u fududdahay in uu sawirto meeshii kasta ee rag iyo dumar ku
kulmaanba in ay sino uun tahay arrinta ay isla soo hadalqaadi karaan!” [b.90]
Qoraagu waxa uu sheegay in buuggiisu yahay “naqdin” iyo in uu qalinka u qaatay “qiimayn.”
Laakiin runtii aad bay labaduba ugu yar yihiin. Dooddan culamada ee uu kaga jawaabay "Waa qof
maskaxdiisa ay u fududdahay in uu sawirto meeshii kasta ee rag iyo dumar ku kulmaanba in ay
sino uun tahay arrinta ay isla soo hadalqaadi karaan!” [b.90], waxa ay ahayd in uu baadho. Maxaa
ka jira in ragga iyo dumarka isku meesha ka shaqeeyaa ay falalkaa ku kacaan? Bal aan isla eegno.
Tirakoob uu sameeyey wargeyska Business Insider (2013) ku dhowaad 80% waxay sheegeen in
qof ay isla shaqeeyaan ku dayey, halka in ka badan 60% ay qirteen inay iyagu isku dayeen. In ka
badan 80% waxay sheegeen in ay ku fekereen in ay galmo la sameeyaan qof la shaqeeya. Markii
la weydiiyey boqolkiiba immisa dadka isla shaqeeya ayaad isleedahay way isu galmoodeen, 40%
waxay sheegeen in shaqaalaha 21-40% ay isu galmoodaan (qiyaastooda), shan-meelood-meel
waxay dhaheen waxaa isu galmooda 41-69%, intaa in la mid ah ayaa ku qiyaasay in 0-20%
shaqaaluhu ay isu galmoodaan. 8.7% waxay qiyaaseen in tirada isu galmootaa ay gaadhsiisan
yihiin 61-80%!
Markii la weydiiyey: weligaa galmo ma la samaysay qof aad isla shaqaysaan? 54.01% (ka badan
kalabadh) ayaa sheegay in ay galmo la sameeyeen qof ay wada shaqeeyaan. Kuwan ayaa la sii
weydiiyey in ay hal qof ku koobnaadeen iyo in ay dhawr qof galmo la sameeyeen: 54.68% ayaa
sheegay inay dhawr qof galmo la sameeyeen. Halkee ayay galmadaasi ka dhacday? Su’aal:
weligaa xafiiska galmo ma ku samaysay? 48.63% ayaa ku jawaabay haa.
http://www.businessinsider.com/sex-at-work-survey-results-2…
The Guardian warbixin ku soo baxday (2017), waxay sheegtay in 65% dadkii la weydiiyey ay
sheegeen in ay xidhiidh jacayl shaqada ka sameeyeen, kuwaas oo kalabadh ay ku jiraan dad
xaasas leh ama qof kale oo ay xidhiidh leeyihiin khiyaamaya. Xidhiidhkan shaqada ka bilowdana
30% ayaa sii raaga [https://www.theguardian.com/…/office-romances-hard-work-bou…]
Debra Macleod, oo ah khabiir iyo lataliye xaasaska, buugaag muhiim ahna ka qortay xidhiidhka
lammaanaha isqaba, mar ay tirakoob ka samaysay meelaha keena in qof reer lehi gogoldhaaf
sameeyo ama uu lammaanihiisa/heeda khiyaameeyo, waxaa u soo baxday in goobta shaqadu ay
tahay kaalinta koowaad [http://www.foxnews.com/…/6-most-common-places-where-affairs…].
Tirakoobyada qaar wax ay ku qiyaasayaan in 85% ay ka bilowdaan shaqada!
[https://startupcamp.com/protect-workplace-affair/].
Waxaa sii xoojinaya baadhitaanno ay sameeyeen shirkadaha dabagal dadka (private
investigators), sida ASG, oo dadka isqabaa marka ay kala shakiyaan midba ka kale dabo dhigo inay
soo baadhaan! Shirkaddaa boggooda internetka waxaa ku xusan in goobta shaqadu ay ku jirto
kaalinta koowaad ee meelaha dadka xaasaska lehi ay gogoldhaafka ku sameeyaan
(https://www.cheatingspousepi.com/affair_at_work/).
Tirokoob laga sameeyey 8 dal oo Maraykanku ku jiro, rubuc (25%) ku dhowaad raggii la weydiiyey
waxa ay ku jawaabeen in ay caadi tahay in looshaqeeyuhu uu rejeeyo (expect) in qof u shaqeeyaa
galmo la sameeyo. Waxaynu og nahay in badanaa looshaqeeyuhu yahay nin, shaqaaluhuna, gaar
ahaan kuwa hoose, u badan yihiin dumar. Warbixintan waxaa faafiyey wargeyska ganacsiga ee
Fortune (2018). Waa sannadkane la soco. Ma aha 100 sano ka hor. Warbixintaa waxaa la socda
in 21% dhalinyarta 18-24 sano jirka ah ee reer Ekwadoor (Ecuador) ay aaminsan yihiin in ay caadi
tahay in qof la shaqeeya ay ku dhunkadaan xafladaha shaqada iyagoon oggolaansho weydiisan.
Halka UK, 35% dhalinyarta 25-34 sano jirka ahi ay aaminsan yihiin in ay caadi tahay ay qof la
shaqeeya dabada ka taabtaan iyaga oo ciyaar uga jeeda [http://fortune.com/2018/03/08/sexual-
harassment-poll/].
"Waa qof maskaxdiisa ay u fududdahay in uu sawirto meeshii kasta ee rag iyo dumar ku
kulmaanba in ay suno uun tahay arrinta ay isla soo hadalqaani karaan!” [b.90],
Dadkan oo dhan ma sidaasaa? Mise meesha waxaa ku jirta sir qotodheer iyo dabeecad aadane?
Nebiga SCW ayaa innooga digay arrintan, sida ku cad axaadiis sugan oo ay saxaabadu innoo soo
tebiyeen.
محرمذيمعإلبامرأةرجليخلونل .
Yuusan nin la keliyoobin haweenay aan maxram la joojin.
محرموبينهبينهاليسبامرأةيخلونفلالخرواليومباهلليؤمنكانمن .
Ninka Alle iyo Maalinta Aakhiro rummeeyey yuusan la keliyoobin haweenay iyada oo aan maxram
la joogin.
الشيطانثالثهماكانإلبامرأةرجليخلونلأل .
Yaan nin la keliyoobin haweenay—waxaa saddexaynaya shaydaan.
Sidaas ayaa uu Nebigu SCW uga digay una xaaraantimeeyey in ay isla keliyoobaan nin iyo naag
aan maxram isu ahayn. Waxa keli ah ee laga soo reebayaa waa wixii ay duruufi keento ee laga
maarmi waayo.
Nebiga SCW oo ictikaaf ku jira ayay soo booqatay Ummul Mu’miniin Safiyah, cabbaar markii ay
sheekaysteen ee ay laabanaysay ayaa Nebigu SCW istaagay oo raacay. Kadinkii masjidka markay
marayeen ayaa waxaa soo maray labo nin oo saxaabadii ka mid ah kuwaas oo salaamay. Nebigu
SCW intuu joojiyey buu u sheegay in haweenayda la socotaa ay tahay Safiyah. Intay isku naxeen
bay yidhaahdeen: Subxaanallaah Rasuulkii Allow! Nebigu SCW wuxuu yidhi: Shaydaanku sida
dhiigga ayuu aadanaha u dhex socdaa, waxaanna ka cabsaday in uu qalbigiinna wax galiyo! Tuhun
inay qaadaan ayaa uu Nebigu SCW ka ilaalinayey. Xadiiskan waxaa weriyey Bukhaari.
Khalwada nin iyo naag geyaan isu ahi isla keliyoobayaan waxaa loo diiday in shaydaan inna
lammaaniyo oo ay keeni karto in wax kale meeshii ka dhashaan. Waxaa la xidhayaa marinkii
xaaraanta.
Ka dib markii uu soo xigtay fatwo aad u qaab daran oo wadaad Masri ahi uu yidhi si ay gabadhu
ragga ula shaqayso naaska ha nuujiso (taas oo ay ku noqonayaan maxramkeeda), qoraagu waxa
uu naqdintiisi ku soo koobay: “Waxa iswayddiin mudan, haddiiba ay rabshad tahay in dumar iyo
rag geyaan isu ahi isku meel ka shaqeeyaan, sababta uu wadaadku u doortay in gabadha
xaggeeda ‘xalka’ laga fisho, ee aan ninkii waxba loo saarin.” [b.91] Wax naqdin iyo lafogur ah
kuma uusan samaynin fatwada. Wadaadkii fatwadaa soo saaray markii shaqada laga eryeyna
qoraagu waxa uu arrintaa ku tilmaamay “dulqaadla’aan”. Ka warran haddii dhakhtar ku kici lahaa
fal tan u dhigma? In shaqada laga eryaa ma “dulqaadla’aan” bay noqon lahayd?
Qoraaga oo dooddiisi sii wataa waxa uu yidhi:
“Fatwooyinka raggu ka soo saaraan arrimaha dumarka ee internetka lagu baahiyo ayaa ka mid
noqday kuwa loogu akhriska badan yahay. Waana gar haddii lagu doodo in sababta rag badani
ugu mameen fatwooyinka dumarku ay tahay xaqiiqada ah in fatwooyinkani xasaasi yihiin, aadna
loo xiiseeyo.” [b.92]. Fatwani qoraagu u soo qaatay xoojinta in raggu ku “mameen fatwooyinka
dumarka” waa middan:
خيراهللاوجزاكمللرجل؟بالنسبةكذلكوزوجهابلسانفرجهالحسطريقعنالمرأةرغبةشباعإحكمما .
Waa maxay xukunka baahitirka haweenayda iyada oo ninkeedu carrabka ku leefayo farjigeeda,
sidoo kalena haddii ninka loo sameeyo?
Ma dumar bay ku saabsan tahay mise waa su’aal jirta oo ka iman karta rag iyo dumar mid walba?
In aad loo akhristo maxay ka turjumaysaa? Miyaan dadku, gaal iyo Muslim, aad u xiisayn wixii
galmo la xidhiidha? Bogga TED, 25’ka fiidyoow ee loogu daawashada badan yahay, kan shanaad
waxa uu ku saabsan yahay “Toban wax oo aadan biyabaxa ka ogayn”. TED waxaa ku xidhan
dabaqad waxbarashadeedu heer sarrayso, hanti ahaanna aad u ladan. Immisa goor ayaa la
daawaday? 23,192,713. Saddex iyo labaatan milyan, boqol sagaashan iyo labo kun, toddobo
boqol iyo saddex iyo toban jeer [Isniin, 14 May 2018]. Fatwada qoraagu soo qaatayna waxaa la
akhristay milyan iyo shan boqol oo jeer (1,575,875).
Qoraagu wuxuu bilaabayaa in uu gudcur xaabo gurto markaasu halaq iyo geed qoyan
urursanayaa. Qiiqii bay indhuhu la casaanayaan dabna u shidmi maayo. In kasta oo uu qoraagu
aad ugu celceliyey in ujeedkiisu yahay naqdin, haddana waxaad mooddaa in uu tilmaan kor-ka-
xaadis ah ku kaaftoomay, isaga oo taxaya tusaaleyaal fatwooyin.
Qoraagu waxa soo xiganayaa fatwo wadaad Hindi ah oo kala furay nin iyo xaaskii ka dib markii
soddoggii uu gabadhii kufsaday! Horta arrintani boos fatwo ma ahee waa qadaa’ iyo garsoor.
Midda kale, qoraagu iskuma hawlin in uu wax ka dhaho xukunka shareecada ee ay yeelan karto.
Odaygii kufsiga geystay miyuusan mutaysan in la rajmiyo maadaama uu guur soo maray?
Qoraagu waxa uu yidhi: “waxa ay muujinaysaa sida fudud ee wadaad uu u maroorsan karo
awooddii maxkamadaha;” [b.94] Ka warran haddii ay maxkamaddu isla go’aankan gaadhi lahayd:
miyuu saxsanaan lahaa?
Fatwo-ku-sheeg kale oo uu qoraagu soo xigtay ayaa isnaadkeedu sidan yahay: wargeyska Bikya
Masrun waxa uu faafiyey warbixin laga soo xigtay bogga al-Senousa kaas oo sheegay in wadaad
aan la magacaabin oo reer Yurub ahi uu fatwooday in dumarku aysan u dhowaan karin cunina
karin muuska, iyo dabacasaha, iwm., maadaama ay u eg yihiin xubinta taranka ragga! Wax sidaa
u liita oo aan lugna kuu taagnayn in uu qoraagu soo xigto waa laga wanaagsanaa. Qoraagu wuu
sii wadayaa oo waxa uu soo tebinayaa wadaad reer Marooko ah oo fatwooday in ninku u galmoon
karo xaaskiisa oo mayd ah! [b.96]. Wadaadkaa oo hadlayaan dhegaystay waxa uuna sheegay in
ay tahay dullinnimo iyo dhaqan xumo weyn in falkaa lagu kacaa, laakiin uusan diinta ku hayn wax
dhahaya waa xaaraan.
Qoraaga oo dhiiqadii sii dhex rafanayaa waxaa uu soo xigtay sheeko ah in baarlmaanka Masar
sannadkii 2012 la hor keena hindise sharci “bannaynayay in ragga Masaarida ahi u galmoon
karaan xaasaskooda xataa iyada oo 6 saacadood sii mootan.” [b.97] Qoraagu waxa uu ka soo
xigtay The Week wargeyska la dhaho. Tixraaca uu qorayo marka la raaco, cinwaanka sheekada
waxaa ku hoos qoran in sheekadani tahay kutiri-kuteen (hoax) aan raad lahayn oo la beeniyey.
“Wixii horeba bikh! Dumarka waxaa laga xarrimay in ay ku fadhiistaan kuraasida.” [b.97] Haddee
Mudane Qoraa, ciddii afka kala qaaddaba haddaad soo xigatid sow “naqdintii” qiimo beeli
mayso?! Dacaayad kasta oo meel lagu qoro haddii buug lagu soo xigto sow dhibaato ma aha!
Tan iyo kuwa la midka ahi waa sababta aan u leeyahay buuggani waxa uu fantaynayaa fatwada.
Waxan marka dadka sidaa loogu sheego iyaga oo aan la baadhin, waxaa ku dhalanaysa in ay
fatwadii ka didaan ama qiimaheedi uu agtooda ku yaraado. Waa masuuliyad xumo. Kamana
duwana, haddaynan ka darnayn, in dawada loo fanteeyo dhakhtar xun baa jira. Waxaad mooddaa
in qoraagu uusan dan ka lahayn fatwada sharcinamadeeda ee uu u xisaabinayo in ay yihiin wax
wadaad jeebkiisa kala soo baxay oo uu dantiisa ama danta kooxdiisa ama danta cidda dirsatay ku
gudanayo. Tuhun keli ah ma ahee qoraagu isaga ayaaba sheegaya in uusan dan ka lahayn fatwada
saxsanaanteeda iyo khaldanaanteeda.
“Dumar sida guud arrin loo diiday, balse xaalad gaar ah oo ciddii diiddanayd dan u ah marka ay
timaaddo loo oggolaaday isla wixii loo diiddanaa inta badan. Waan helay. Waa fatwada.” [b.98]
Sidaas ayuu qoraagu leeyahay, laakiin sidii aan shuruuddii fatwada ku soo sheegay, ma jiro meel
wax-ku-ool ah oo ay ku qoran tahay dumarku ma fatwoon karaan. Sida ninku u fatwoon karo ayaa
ay haweenayduna u fatwoon kartaa. Qoraaga ayaa laga rabaa in uu keeno meeshii loogu diiday
dumarka fatwada.
Qoraagu waxa uu soo xiganayaa Richard Nielsen qof la dhaho oo baadhitaan uu sameeyey ku
sheegay in fatwooyinka bogga Saaid.net ku jira, wadarta 216 ay 43 dumar ka yihiin. Sababta ay
43 dumar u yihiinna waxa uu ku sheegay in looga dan leeyahay “In ay degelka u eekaysiiyaan
meel dumarku wax ku leeyihiin, oo dumarka kalena ku soo hiran karaan.” [b.100] iyo in ay soo
saaraan fatwooyin hadhow raggu u adeegsadaan inay soo xigtaan oo ay dhahaan eega ma
annagaa dumar faquuqnay “Taniba waa gabadh.”
Isaga oo aan Richard Nielsen weydiin, anigaaba u sheegi kari lahaa in boggaasi yahay KAYD haya
qoraallo iyo buugaag meelo kala duwan laga soo ururiyey, ee uusan ku koobnayn fatwo,
xidhiidhna la lahayn waxa uu qoraagu ku eedaynayo. Waa maktabad. Haddii uu qoraagu booqan
lahaa boggaas, waxa uu ka heli lahaa qoraallo badan oo ka caawin lahaa tixraaca buugga, gaar
ahaan kuwa ka hadlaya xaaraantinnimada in fatwada lagu degdego, si sahlanna wax loo
xaaraantimeeyo, kuwo ka hadlaya dhaqankii dadkii suubbanaa iyo sidii ay fatwada ka yeeli jireen.
Ugu yaraan labo qoraal oo fatwada ku saabsan oo aan halkaa ka helay baan u adeegsaday tixraaca
qoraalladan.
Richard Nielsen muxuu fatwo ka kasayaa!
Naqdinta Tusaaleyaasha Qoraaga
Qoraagu walow uu Sucuudiga iyo wadaaddadiisa indho kulul ku eegayo, haddana marka
Sucuudigaasi dhankiisa wax u wado wuu soo xiganayaa, yuusanba xigasho mudnaane. Axmad al-
Carfaj oo ah saxafi/ majaajilayste Sucuudi ah ayuu dhawr jeer soo xiganayaa [bb.25, 47],
waxaadna mooddaa in uu yahay buugga qoraaga ku dhaliyey in uu buuggan Sicirbararka Fatwada
qoro. Al-Carfaj waxa uu leeyahay “fatwo” uu ku xaaraantimaynayo bunka/ qaxwaha
[https://www.youtube.com/watch?v=jrHmWsIkYHw]. Qoraagu marka uu ka hadlayo arrintan
maxramka waxa uu leeyahay, “Fatwooyinkani waxa ay dumarka ka soo qaadeen in ay yihiin
‘dhallaan raadweyn’ oo aan isdebberi karin e, mar kasta u baahan nin waardiye u noqda.” [b.88].
Al-Carfaj muxuu ka yidhi in ay haweenaydu adeegsato internetka, WhatsApp, Twitter, Facebook?
رمبوجودإل بوك،الفيسأوتويترأوأب،الواتسأوالن ت،علىتط لعألالمرأةعلىيجب "تحريررئيس"لنقلأو،"ثقافي"مح
ةمنالت ثبتحرىبالأووالخطأ،الص وابإلىيرشدها منودب هب مافيهاالتي،"الجديدةالميديا"فيالمرأةتقرأهماصح
!..الخبار
"Waxaa haweenayda ku waajib ah in aysan adeegsan internet-ka, WhatsApp-ka, Twitter-ka ama
Facebook-ga haddii uusan la joogin muxrim aqooneed ama aan niraahnaba muxrim tifaftire u ah
oo saxda iyo khaladka u kala sheega. Waxaa kale oo muhiim ah in la hubiyo saxnimada waxa ay
ka akhrinayso bogagga warbaahinta cusub ee sida jaantaarogan ah wax loogu qoro.”
Toloow maxaa sabab u ah?
قفإن ها،"الد يننقصبعدعقلناقصة"عاطفي ة،بطبعهاالمرأةولن ينشرامأنوتفترضمعلومات،منإليهايصلماكل تصد
ةكامل-صحيحالجتماعيالت واصلشبكاتفي والكذب،الفبركةأن درتوما..مسلمأوالبخاريرواياتمنوكأن ه،-الصح
الخبارهذهعلىالغالبةالص فةهيالخرين؛سمعةوتشويهوالد جل
"Haweenaydu dabci ahaan waa qof caaddifadeed, nuqsaan caqli ayaa u wehlisa tan diineed oo
warbixin kasta oo ay hesho way iska rumaysataa. Waxay u maleynaysaa in wax kasta oo baraha
bulshada lagu faafiyaa ay sax yihiin oo ay la derajo yihiin xadiisyada Bukhaari iyo Muslim. Ma ay
oga in fabrikaynta, beenta, dajaalnimada, iyo ceebaynta dadka kale ay yihiin tilmaanta ugu weyn
ay barahani leeyihiin."
Maxaa kale?
ادقة،الخبارإلىيرشدها"ثقافيكفيل"امرأةكل بجواريوضع اذبةالكالخبارلهاويبي نالص ..!
"Waa in haweenay kasta lala dersiyaa qof aqoon ahaan u dammaanad qaada oo ku hanuuniya
warka runta ah, kan beenta ahna u caddeeya.”
Qofkaas ayaa uu qoraagu ka soo qaadanayaa arrimo uu ku dhaliilo culamada Islaamka! Qoraagu
inuu rakaabka iska hubiyey ahayd!
Tusaaleyaasha fatwooyinka uu qoraagu raggan ka soo xiganayo waxaa ka mid ah jaraska, waana
fatwo ku salaysan xadiis Nebiga SCW laga soo weriyey oo sheegay inaan malaa’igtu raacin cid
jaras (gambaleel) wadata, iyo in gambaleelku ka mid yahay codadka shaydaanka. Waxaa ka mid
ah kuwo Ibnu Cathaymiin—Alle ha u naxariistee– ku eedaynaya inuu barashada Ingiriisiga
xaaraantimeeyey, walow uusan sheekhu fatwadaa bixine uu ka hadlay in ay waajib tahay
barashadeedu si dadka ku hadla diinta loo gaadhsiiyo, isaguna uu ka qoomamooday inuusan ku
hadli karin oo dadkaa dacwo gaadhsiin karin. Waxaa qoraagu soo xiganayaa fatwo uu wadaad
Masri ahi ku leeyahay xidhiidhka Facebook ee nin iyo naag dhex maraa waa nooc sinada ka mid
ah. Isla bogga uu qoraagu ka soo xigtay ayay ku qoran tahay wixii uu wadaadku uga jeeday,
hadalkiisana waxaa ka mid ah: xidhiidhka Facebook waa xaaraan HADDII xadgudub iyo edebdarro
la socdaan, sidee ayay suuragal u tahay inaan la kaftamo gabadh oo aan dhaho waan ku jeclahay
anigoo qalbi xaadhan? iwm.
Qoraagu waxa uu eedaynayaa fatwo ka soo horjeedda sigaarka iyo halistiisa, iyo mid ka soo
horjeedda nukliyeerka iyo halistiisa.
Fatwooy maxaan akhriyaa?!” [b.65-66]
Fatwooyinka uu qoraagu tilmaamayo, marar badanna laga doodo, waxaa ka mid ah kuwa ku
saabsan buugaagta: buug hebel ma la akhrin karaa? Qof weyn oo Alle garaad iyo aqoon siiyey in
loo sheego waxa ay tahay in uu akhriyo ama uusan akhrin ilama aha wax qumman. Laakiin dadku
sidaa ma wada aha. Buugaagta qaar ayaa lagu tirin karaa hubka wax gumaada. Dalalka Yurub ee
adduunka ugu xornimada badan qoraallo la isku xidho ayaa jira. Hadda buug Usaama Bin Laadin
qoray haddii la igu arko xabsi baan ku mudan karaa. Buugaag waxa ku qorani ay dhibaato keeni
karaan ayaa jira, in laga digaana waa lamahuraan, gaar ahaan looga digo dadka aan awoodin in
ay kala shaandheeyaan waxa ay akhrinayaan. Qofka inta uu dhawr buug akhriyo hadhow dadka
isku qarxinaya miyaysan ahayn in la dhaho ha akhrin buugaagta noocaas ah?
Waxaad mooddaa in qoraagu ku nool yahay adduun aan keennan ahayn. Marar badan
fatwooyinka waxa uu ku eedaynayaa in ay wadaaddadu wax kasta “ka urinayaan galmo iyo wax
la xidhiidha!” [b.66]. Dadka fatwoonayaa ma khaldanee qoraagu isagaa fatwo aan bii’adiisa loogu
talagalin dabo socda!
Aad baan ula yaabi jirey waxyaalaha wadaaddada Carabta qaarkood ka hadlaan intii aanan ku
dhex noolaan Carabta. Sababta marar badan ay galmada iyo waxyaalaha la midka ahi hadalkooda
ugu badan yihiin waa bulshada Carbeed oo hadalkoodu u badan yahay dhankaas. Miyaad aragtay
rag sheekadooduba aysan dhaafayn cunto iyo galmo—sida Soomaalidu siyaasadda ugu
waasheen!
Nasiibdarradu waa in wadaaddadeennii ay u bateen kuwo wax soo minguuriya ee aan iyagu
maskaxdooda ku hagin bulshadooda. Soomaali haddii aynu nahay, dad badan baynu ka nadiifsan
nahay, dhaqan ahaan iyo anshax ahaanba, taas ayaana keenta in dadka caammada ahi ay la
yaabaan waxyaalaha wadaaddada qaarkood ay ka hadlaan, oo aan ahayn wax ku habboon
bulshadeenna!
Aan u soo noqonno buugaagta. Fifty Shades of Grey buugga la dhaho oo markii dambena filin loo
beddelay ayaa markuu soo baxay aad loogu daatay. Waxaan xusuustaa anigoo jaamacadda dhigta
islaamo tareenka ku akhrinaya, dhalinyaro akhrinaya… tiifiyada waa laga hadalhayey,
wargeysyadu isagay falanqaynayeen… Anigu dhawr cutub baan ka akhriyey. Muxuu buuggu ku
saabsan yahay? Nin maalqabeen ah oo caan ah ayaa arkaya gabadh dhalinyaro ah oo bikrad ah.
Qandaraas buu la galayaa: inay ku raaxaysato hantidaa badan ee uu leeyahay isaguna iyada ku
raaxaysto. Ninkani waa dadka ay Soomaalidu dhahdo mayiiko ayuu qabaa. Waxa uu haystaa
qalab aad mooddid in xabsiyadii ciqaabta ee Saddaam Xuseen laga keenay. Raaxada waxa uu ka
helaa ciqaabidda iyo silcinta gabadhan. Wuxuba waxa uu ka sheekaynayaa tabaha kala duwan ee
u ciqaabo ee uu jidhkeeda ugu dan guto uguna raaxaysto isagu. Dullayn, bahdilid, jidhdil, iyo
maanxad badan ayuu ku samaynayaa gabadhaas yaree ee aan wax badan adduun kala socon.
Hollywood ayaa sheekadii qurxiyey oo ka dhigay wax iska caadi ah, taas oo kaga qaylisiisay
waalidiin iyo khubaro badan. Iska daa dhalinyarada aan waxbarashada fiican heline, gabdhihii
jaamacadaha ku jirey markii la weydiiyey dhaqanka noocaas ah kuwo badani wax dhib ah umay
arkayn. Hadhow wiilashii waxaa ku koray marka ay gabdhihii garaacaan ama sidan banii
aadamnimada ka baxsan ula dhaqmaanna xabsi ayay mudanayaan. Buuggan iyo filinkiisu waxa
ay “caadi” ka dhigayaan jidhdilkan iyo bahdilkan dumarka. Taas ayaa kalliftay in, Muslim iska
daaye, gaalo badan kala taliyaan dhalinyartooda. Haddii wadaad ka fatwooday buug sidan u
anshax daran, oo galmo laga uriyo iska daaye, gabigiisuba galmo ku saabsan yahay, ma sax baa
in lagu eedeeyo: waxay “ka urinayaan galmo iyo wax la xidhiidha!”? Miyeysan ahayn in buugaagta
la kala qaado oo wixii xunna dadka looga digo wixii wanaagsanna la daayo?
Markii uu Salmaan Rushdi (waa British laakiin qoraagu wuxuu ku sheegay Talyaani) qoray buuggii
uu ku aflagaaddanayey Nebiga SCW, waa tii Khumayni fatwooday in la dilo. Qoraagu wuu la
yaabay in sidaa la fatwoodo, waxa uuna u raadiyey sababo siyaasadeed ama shakhsiyeed oo
Khumeyni ku kallifay in uu sidan fatwoodo [bb.73-77]. Kama uusan eegin in ay sharci ahaan asal
leedahay iyo in kale, ee waxa uu ku buuxsaday qaybta ku saabsan siyaasadaynta fatwada.
Saaxiibkay waxaan leeyahay meel baa kuu cad e, bal dhanka kalena yara dhugo.
***
Qaybta Shanaad (Mar 16, 2018):
Faridda wanaagga
Halkan marka uu marayo qoraagu aad buu uga fogaanayaa mawduucii buugga, taas uu ka
qaadayo wareer kale. Askar uu ku tilmaamay “diranayaal” ayuu sheegay in “ay gaafwareegaan
waddooyinka [Sucuudiga], si ay u hubiyaan in fatwo kasta oo wadaaddada boqortooyadu
taageerto (ama boqortooyada taageera) sideedii loo raacay.” [b.66].
Aniga oo Sucuudiga dhawr sano ku noolaa waxaan si hubaal ah u odhan karaa waxba kama jiraan
arrintaas. Qoraagu waxa uu sheegayaa inay dumarka u diidaan baabur wadidda, laakiin sidaa ma
aha. Ciidammada bilayska Sucuudiga ayaa shaqadaa qabta. Walow uu qoraagu madaxa isu
galinayo, waxa uu rabaa waa Hay’atul Amri Bil Macruuf, oo caadi ahaan loo yaqaanno al-Hay’ah.
Laakiin sida ka muuqata bogga 68, waxaa cad in uu kala labo u yaqaanno. Qoraagu waxa uu soo
qaadanayaa in hablihii dugsiga ku guban jirey (2002) ee ay askarta Hay’addu u diideen in ay soo
baxaan maadaama aysan “asturnayn”. Qoraagu kama hadlin waxa ay diintu ka qabto arrintan,
laakiin waxa uu yidhi “Magac fatwo oo la diimeeyey ayaa dishay 15 hablood oo dhallinyaro ahi!”
Waxaan garan la’ahay fatwada dishay hablahan. Qoraagu nooma sheegin fatwadan loo cuskaday
iyo cidda soo saartay. Meelna shareecada kagama qorna in qof dab ka cararaya la dhaho ma
asturnid. Ku dar uun mawduucii fantaynta oo bahalagalinta fatwada.
Qoraagu buuggan gudihiisa, iyo marar badan qoraalladiisa kale, waxa uu aaminsan yahay in
dadka faraha laga qaado, oo qofku waxa uu doono diin ahaan samayn karo.
Alle SWT tilaamaha uu ummaddan ku sharfay waxaa ka mid ah
ة خي ركنتم رجت أم نبال مع روفتأ مرونللن اسأخ منونال منكرعنوتن هو وتؤ بالل
Waxaad tihiin ummaddii ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo saaray—waxaad fartaa
wanaagga waxaadna reebtaan xumaha, Allena waa rumaysaan.
Markii laga hadlayey reer Banii Israa’iil iyo waxyaalihii loo lacnaday, Alle SWT waxa uu leeyahay:
رائيلبنيمنكفرواال ذينلعن يماب نوعيسىداوودلسانعلىإس مر لك كانواعصوابماذ نلكانوا.يع تدونو عنيتناهو
نكر فعلوهم يف علونكانوامالبئ س
Kuwii gaaloobay ee reer Banii Israa’iil waxaa lagu lacnaday carrabkii Daawuud iyo Ciise ibnu
Maryam, waana in ay caasiyeen ayna ahaayeen kuwo xadgudba. Waxa ahaayeen kuwo aan iska
reebin xumo ay sameeyeen, qaabdarana waxa ay sameeyaan.
Qoraagu waxa uu dhaleecaynayaa in la hor istaago meheradaha cuntada iibinaya maalinta
Ramadaan.
“Ma cadda wax daliil ah oo ay raacayaan, marka ay qof wax ku cunaya meherad dugsoon oo aan
shaaric furan ahayn ku haystaan in uu ‘xaaraan’ cunay. Waayo qofkani waxa uu noqon karaa mid
Eebbe u cudurdaaray, oo aan soonba lagu lahayn; ama mid isaguba dortay in uusan afxidhan.”
[b.70] Mar kale qoraagu wuxuu ku celinayaa,
“…waa wax aanay cadday daliilka ay ka aroorayaan.” [b.70]
Barakoowe, daliilku ma markaad adigu rabto oo keli ah baa loo baahan yahay?
Soonku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka. Waa shaciiro (astaan) weyn oo ay Muslimiintu
leeyihiin, taas oo weynaynteedu ay ka mid tahay taqwada Alle ku ammaanay inta rumaysay.
لك م ومنذ شعائريعظ ال قلوبتق وىمنفإن هاللا
In maalinta Ramadaan ee la soomman yahay goobihii cuntada la xidhaa taas ayay ka mid tahay.
Waa tallaabo inta soomman ka kaalmaynaysa inay soonkooda si fiican u gutaan, kii aan soominna
ciqaab u ah. Dabcan dadka aan soonka lagu lahayni waa baab kale, badanaana iyagaba ma aha
inta tagta meelaha Ramadaanta lagu kariyo cuntada. Waxa tagaa waa rag waaweyn oo dameero
ka xoog badan, ayna tahay in la edbiyo.
Soon iska daaye, Nebigu SCW waxa uu damcay in uu tallaabo adag ka qaado ragga aan salaadda
jamaacada iman ee guryahooda ku tukada! Waxa uu rabay in uu guryahoodaba ku gubo!
يشهدونلقومإلىحطبمنحزممعهمبرجالمعيأنطلقثمبالناسفيصليرجلآمرثمفتقامبالصلةآمرأنهممتلقد
بالناربيوتهمعليهمفأحرقالصلة
Dadka oo waxay samaynayaan faraha looga qaadaa waxay jabinaysaa haybadda Ramadaanta,
inta iimaankoodu uusan awoodda badnaynna waxa ay ku dhiirrinaysaa in aysan soonkaba isku
dhibin. Niyaddooda Ilaahay baa kala xisaabtamaya, laakiin khasbiddoodu waxay caafimaad iyo
xirsixidh u tahay bulshada inteeda kale.
Ibnu Taymiyah iyo Kemistariga
Aqoonta saynisku weligeed waxa ay ka koobnayd xaqiiqo iyo khuraafaad isku huursan.
Sidaas oo kale, aqoonta caafimaadka iyo dawooyinku waxay ka koobnayd wax badanoo xaqiiqo
ah iyo wax aan jirin iyo saliid maseed. Xiddigisku wuxuu isugu jirey aqoonta hadda loo yaqaan
astronomy (wareegga meerashayaasha, godadka dayuxu dego, iwm) iyo astrology (dayuxu
markuu godkaa fadhiyo ilmihii dhashaa wuxuu noqdaa…iwm), halka aysan kala soocnaan jirin
alkemi iyo kimistariga aynu hadda naqaannaa.
Waxaa jirtay dedaal dheer oo kumannaan sano ka socday Afrika, Aasiya, iyo Yurub, kaas oo loo
galay sidii biro (sida maarta) ama macdano kale loogu beddeli lahaa dahab, sidii loo samayn lahaa
walax geerida celisa (elixir of life), dawo cudur oo dhan dawaysa, iwm. Waxaa asal u ahaa
khuraafaad iyo sixir badan oo aan saynis meelna ka soo galin.
Markii ay Muslimiintu qabsadeen dhulalkii xadaaradaha kale ka talinayeen, ee isu socodkii
fududaaday, waxbarashadii Muslimiinta waxaa ku soo biiray maaddooyinka hadda sayniska lagu
magacaabo. Aqoontii iyo fikirkii ay diinta ka qaateen ayay ku dabbaqeen waxyaalihii cusbaa ee
ay la kulmeen. Sayniskii Girigiigga ee aragtida aan tijaabadu ku badnayn iska ahaa, ayay ku
fuliyeen fikirkii ahaa “maxaa u daliil ah?”, “xageed ka keentay?” iyo “sidee loo hubin karaa?”
Fufkii aqooneed ee xawaaraha ku socday ayaa gaadhay laamihii aqoonta dabiiciga ah (saynis).
Tani waxa ay dhidibbada u aastay kala saaridda sayniskii iyo khuraafkaadkii kale ee hoosta kaga
jirey.
Jaabir ibnu Xayyaan oo noolaa intii u dhexaysay 100H ilaa 200H, ayaa ka mid ahaa culamadii ku
dedaashay in aqoonta dabiiciga ah lagu saleeyo tijaabo sugan. Waxaa hadalladiisi ka mid ahayd
in qofku uusan xirfadda ku hanan karin feker madhan (sidii Giriigga) ee uu u baahan yahay in uu
is-hawlo oo tijaabooyin sameeyo. Walow uusan isaguba faraha kala bixin khuraafaadkii hore u
jirey, waxa uu aaminsanaa in wixii tijaabadu sugi weydo la iska daayo, aqoontuna ku dhisnaato
natiijada laga soo dhiraandhiriyo tijaabada. Waxaana suuragal ah in uu aaminsanaa in haddii
tijaabada la hagaajiyo la gaadhi karo yoolkii alkemiga ee macdano qiimo yar loogu beddeli lahaa
dahab. Waxa uu halabuuray agab iyo kiimikooyin badan oo ilaa hadda asaaska kimistariga aan
looga maarmin shaybaadh kastana laga helo, sidaas awgeed ayaa lagu tilmaamaa Aabbihii
Kimistariga. Waxa uu halabuuray maaddo dahabka mili karta!
Jaabir buugaagtiisa waxaa ka buuxa sixir iyo khuraaf badan [ee Pathfinders—al-Khaliili, al-
Muqaddimah—Ibnu Khaldun) waxaa kale oo uu ku hawllanaa in uu shaybaadhkiisa ku dhex
abuuro noole! Frankenstein!
Ibnu Nadiim (dh.438H) ayaa kaga hadlaya qayb ka mid ah kitaabkiisa al-Fihrast (الفهرست) waxa
uuna tilmaamayaa in dadku ku muransan yihiin Jaabir arrintiisa. Shiicadu waxay sheegtaan in uu
culamadooda waaweyn ku jiro, falaasifaduna sidaa si la mid ah ayay u sheegtaan, waxaa kale oo
sheegtay kuwa sameeya dahabka iyo qalinka (alkemi) oo sheega in uu ahaa gadhwadeenkii
aqoontaas xilligii uu noolaa, lana qarin jirey. Ibnu Nadiim waxa uu ku darayaa in Jaabir ku
mashquulsanaa samaynta iksiirka (elixir). Ibnu Nadiim waxa sheegayaa:
كانوإنصنفماانهقالوبعضهمحقيقةوللهأصللجابرايعنيالرجلهذاإنالوراقينوأكابرالعلمأهلمنجماعةوقال
إياهاونحلوهالناسصنفهاالمصنفاتهذهوإنالرحمةتابكالحقيقةله
Koox ahlul cilmiga ah iyo madaxda warraaqiintu (booskoodii immika waxaa ku jira madbacadaha
iyo inta qoraallada faafisa; publishers) waxa ay dhaheen ninkani, yacnii Jaabir, maba jirin dhabna
ma aha, qaarkoodna waxayba dhaheen waxba muu qorin, haddii uu jirey waxna qoray kama
badna Kitaab a-Raxmah, qoraalladanna dad kalaa qoray oo magiciisa raaciyey. Ibnu Nadiim ma
aqbalin diidmadan waxa uuna ku dooday in aysan macquul ahayn in qof ku dhibaatoodo
qoritaanka kitaab 2000 oo warqadood ka kooban dabadeedna uu qof kale magicii ku qoro, taas
oo uu ku tilmaamay maangaabnimo uusan ku tallaabsan karin qof hal saacad cilmi bartay. Muxuu
ka dheefayaa? Ibnu Nadiim waxa uu ku adkaysanayaa in uu Jaabir jirey leeyahayna kutub muhiim
ah [al-Fihrast, 1/435+].
Prof. Jim al-Khalili buuggiisa Pathfinders: The Golden Age of Arabic Science waxa uu cutub dhan
kaga hadlayaa Jaabir ibnu Xayyaan, waxaanu xusayaa in qofkii ugu horreeyey in jiritaanka Jaabir
dafiraa uu ahaa faylasuuf magiciisu ahaa Sulaymaan al-Mandiqii (as-Sijistaani-na waa la dhahaa)
(dh. 380H). Jiritaankiisa marka laga yimaaddo, qoraallada 3000 gaadhaya ee magiciisa wata in
uusan wada qorin ayay u badan tahay, oo waxaa jiray nin kale oo noolaa qarnigii 13’aad ee
miilaadiga, kaas oo buugaag badan ku qoray magaca Jaabir.
Hadalkan dheer waxaa keentay eed marar badan soo noqnoqta oo Ibnu Taymiya dusha laga
saaro, qoraaguna uu soo qaatay isaga oo leh: “Ka soo bilaw Ibnu Taymiya, oo Salafiyiin badani ku
indha-kuulato, oo xaaraantimeeyey barashada iyo soohadalqaadka aqoonta kamisteriga,
gaadhsiiyayna heer uu si xaqiran u dafiro Jaabbir bin Xayaan, oo uu ku sheego “garanwaa”
Aqoonyahankaa ‘garanwaaga’ ahi waa ninka aasaasay seeska cilmiga kamisteriga, ee reer
Galbeedka tixraaca weyn u ah. Kamisteriga uu xaaraantimeeyay waa aqoonta maanta mas’uulka
ka ah samaynta dawooyinka ay doontaan wadaaddo badan oo fatwada Ibnu Taymiya u haya
qaddarin/ u daya qiil.” [b.54]
Sidaan kor ku xusay, Ibnu Taymiya ma aha qofkii dafiray jiritaanka Jaabir ee 400 oo sano hortii
ayaa la dafiray ayna qornayd in uu yahay “garanwaa”. Cidda dafirtayna ma aha Salafi ee waa
Faylasuuf. Haddii qoraagu uusan ku qanci lahayn qaybaha yaryar ee uu saxafiga Fahad Caamir al-
Axmadii ka soo qaatay fatwadii Ibnu Taymiya, wuu arki lahaa hadalka sheekhu meesha uu u socdo
iyo waxa uu uga jeeday. Su’aashu waxay tahay, Ibnu Taymiya ma xaaraantimeeyey aqoonta
kimistariga? Jawaabtu waa MAYA. Ogaalkayga labo meelood oo kala duway ayuu kaga hadlay oo
marna waa fatwada uu qoraagu ka tixraacay saxafigan Sucuudiga ah, marna waa buugyaraha al-
Xisbah fil Islaam ama Qaacidatun fil Xisbah. Fatwada marka loo fiirsado waxaa cad in uu ka
hadlayo dadka leh waxaan samaynaynaa dahab ama qalin ama macdan kale oo asal ahaan dabiici
u ahayd. Waxa uu ku doodayaa in waxa abuurani (natural) aysan marna la mid ahayn waxa la
sameeyey (synthetic), ayna rabaan in ay dadka ku khiyaameeyaan oo waxaan dahab ahayn ay
dahab ugu sheegaan, waxaan cadar dabiici ah ahayn ay cadar ahaan uga iibiyaan, biyo ubax aan
dabiici ahayn ay dadka dabiici ahaan uga iibiyaan, sacfaraan aan dabiici ahayn ay iibinayaan, iwm.
Eedda ugu weyn ee u soo jeedinayaa waa in ay khiyaano wadaan.
أعظممنوهذاالناسبهويعاملونفينفقونهكهذاهذاتجعلإنإماأهلهاوقصدبالمخلوقالمصنوعفيهايشبهفإنه:الكيمياءوأما
الغش
يشتروهلمذلكللناسأظهرواولوالكيمياءمنهذاأنعاملوهمإذاالناسيظهرونلولهذا;غشاالناسأعظممنالكيمياءوأهل
غشهميريدمنإلمنهم
الحرامالباطليطلبونهمبل;شرعامحرمطبعاباطلمغشوشهوالذيالمصنوعإلىيصللالكيمياءيطلبمنفجماهير
المغشوشوهو-الكيمياءحقيقةإلىيصلونولالشعارفيهوينشدونالمصنفاتفيهويطالعونالحكاياتفيهويتحاكونويتمنوه -
Waxa uu ku eedaynayaa in ay khiyaamaan lacagtii dahabka iyo qalinka ahayd ee wax lagu kala
iibsanayey oo ay sameeyaan mid ay dadka ku khaldayaan [al-Xisbah, b.18]. Waxa uu tilmaamayaa
in ay xaaraan tahay maadaama ay muddo ka dib wixii doorsoomayaan oo aysan sidoodii ku
joogayn, sida dahabka dabiiciga ah.
Ibnu Taymiyah waxa uu soo daliishanayaa hadal uu yidhi Qaadii Abuu Yuusuf (dh.182H) oo ahaa
ardaygii Imaam Abuu Xaniifah, ayna isku xilli ahaayeen Jaabir ibnu Xayyaan. Qaadigu waxa uu
leeyahay:
أفلسبالكيمياءالمالطلبمن
Qofkii hanti ka raadiya kiimyaagu wuu xoolo beelaa.
Isla hadalkan ayaa laga soo tebiyey Imaam Maalik iyo Shaafici, oo iyaguna xilligan noolaa.
Waxa uu sheekhu xaaraantimeeyey, ee uu weliba leeyahay ribada way xaaraansan tahay, waa
middan isku dayeysa in maar dahab loo beddelo, in qalin dahab loo beddelo, iwm., ka dibna dadka
dahab ahaan looga iibiyo oo lagu khiyaamo. Wixii dheef leh kama soo horjeedo waxaana caddayn
u ah:
فهوبهإلالواجبيتملمافإنالجيشبهيجهزمامنهايعملأنالواجبمنلكانيعلمهاوهومباحاحقاالكيمياءكانتفلو
واجب
Haddii ay kiimyaagu tahay mid bannaan uuna ogsoon yahay (dood dheer oo uu kiimyaa’i la galay
baan ka soo tagey), waxaa waajib ku ahaan lahayd in uu ku sameeyo wax uu ciidanka sahay/ hub
uga dhigo, maxaa yeelay wixii uusan la’aantii waajibku dhammaystirmayn isna waa waajib.
In uusan kemistariga aynu maanta naqaanno ka hadlayn waxaa kale oo caddayn u ah, dhalada oo
falgal kemistari ku samaysanta marka uu ka hadlayo waxa uu sheegayaa inay tahay samays
(masnuuc) oo aan Alle abuurin dhalo ee dadku sameeyaan, sida Alle innoo siiyey awood aynu
cunto, hoy iyo hu’ ku samaysanno. Waxa uu dhaladha u adeegsanayaa in uu ku buriyo doodda
kiimyaaga.
Waxa uu leeyahay haddii ay kiimyaadu xalaal ahaan lahayd, waxaa laga rabi lahaa sako, maxaa
yeelay “waa dahab weyn oo lagu helay hawl ka yar oo ka fudud midka lagula soo baxayo
macdanaha iyo waxyaalaha dhulka ku aasan (25% sako), laakiin waxaan sako loogu qorin waa in
culamadu u aaminsan yihiin qish baadil ah oo xaaraan ah aysanna bannaanayn in la sameeyo
xoolona laga dhigto, iskaba daa inay ku waajibiyaan sakada laga rabo xoolo xalaal ah e.
معدنولهذامعدنالهذبل;كذبفقدنضجهيستكمللمذهبالفضةأنالكيماويةمنزعمومن
“Kiimaawiyiinta sheegta in qalinku yahay dahab aan bislaani been bay sheegeen, midba waa
gaarkii.”
Sheekhu waxa uu aaminsanaa in wixii ummaddu u baahato ay waajib tahay in si uun loo helaa. In
haddii cidda taqaannaa ay diiddo ay waajib tahay in lagu khasbo xaqoodana la siiyo! Sida
culamadii ka horreeyeyba ay sheegeen, sinaacaadka, sida cuntooyinka, hoyga, hu’ga, iwm, waa
fardu kifaayah.
Haddaba, waa xadgudub in lagu eedeeyo 'waxa uu xaaraantimeeyey kimistari iyo dawo,' iwm.
Ibnu Khalduun— Alle ha u naxariistee— ayaa kiimyaaga aad ugaga hadlay Muqaddamadiisa
( انتحالهاعنالمفاسدمنينشأوماوجودهاواستحالةالكيمياءثمرةإنكارفيوالثلثونالثالثالفصل ; Dafiridda midhaha
kiimyaaga iyo mustaxiilnimada inay jirto, iyo waxa mafaasid ka dhalan kara ku dhaqmiddeeda).
Hadda Ibnu Khalduun ma kemistari buu dafiray?
Waxa uu leeyahay: kuwo badan oo noloshii hawlgab ka noqday ayaa damacoodu u geeyey inay
waxan faraha la galaan iyaga oo u arkaya in ay tahay qaab fudud oo hanti badan lagu heli karo.
Waxa uu sheegayaa in ay dahabka iyo macdano kale isku daraan oo ay dadka ku khiyaameeyaan,
inay dahabkaas beenta ah lacag ka sameeyaan sidaana ku fasaadiyaan lacagtii dadku wax ku kala
gadanayeen. Waxa uu leeyahay kuwa waa kuwa ugu xirfadda liita, tuugtana way ka shar badan
yihiin, waxa uuna madaxda ku boorrinayaa in meeshay joogaanba la soo qabqabto oo gacmaha
laga gooyo!
يدفعهوإنماالدلسةهذهصاحبفإنالناسأموالبسرقةلتلبسهمعاقبةوأسؤاهمحرفةالناسأخسوهؤلء الفضةفينحاسا
.السارقمنوأشرسارقفهولنفسهليستخلصهاالذهبفيوفضة
عليهمالحكاماشتدادإللعلتهمحاسمولبالسرقةوالحترافوالرداءةالجهلفيالغايةبلغوالنهممعهمكلملالصنفوهذا
.كافةالناسمتمولوهيالبلوىبهاتعمالتيللسكةإفسادافيهلنشأنهمعلىظهروامتىأيديهموقطعكانواحيثمنوتناولهم
Ibnu Khalduun waxa uu sii darayaa in kiimyaagu uusan ka mid ahayn sancooyinka dabiiciga ah,
ee uu yahay sixir iyo khuraafaad, taas oo meesha ka saaraysa waxa aynu hadda u naqaanno
kimistariga.
أحمدبنومسلمةحيانبنجابرمثلفيهاالمتكلمونالحكماءتزعمكماوجودهاصحإنءالكيمياأنذلكفيالمروتحقيق
منهوإنماالطبيعياتمنحىمنفيهاكلمهموليس.صناعيبأمرتتمولالطبيعيةالصنائعبابمنفليستوأمثالهمالمجريطي
الخوارقوسائرالسحريةالمورفيكلمهممنحى
Jaabir dedaalkii uu ugu jirey gaadhida yoolkii kiimyaaga, waxaa ka dhashay aqoon iyo agab hadda
lamahuraan u ah aqoonta kimistariga casriga ah. Ku dawakha kiimyaagu (alchemy) kuma
koobnayn Jaabir ee Qarnigii 17’aad ayaa Niyuutan (Isaac Newton) ku hawllanaa, sidoo kale
Robert Boyle.
Fantayn- Nin gurigiisi gubay
Qoraagu waxa uu ka dhigan yahay nin gurigiisi qurxoonaa uu dhawr habeen tuug u soo dhacay,
oo halkuu dayrka, albaabbada, iyo daaqadaha giijin lahaa, silig qodxo lehna uu ku wareejin
lahaa—intuu gaas ku bilbilay dab qabadsiiyey. Belo ku degtay meeshan habeenba tuug u soo
dhacayo.
In culamadii si duudduub ah loo tuhmo, in fatwooyin silloon la soo taxo iyada oo aan la falanqayn,
iwm., waxay dhalinayaan in dadka loo bahalagasho fatwada iyo culamada, taas oo ka dhibaato
badan fatwo-ku-sheegga ilmaha tallaalka u diidda. Waa fantayn.
Dhacdooyinka iyo su’aaluhu ma dhammaadaan, kollayna cid baa la weydiinayaa, kol ay iyaguba
Google ka eegaan. In dadka aqoonteeda leh farahooda laga saaraa waxay keenaysaa fawdo iyo
dhibaato ka daran midda xalka loo raadinayo. Kama duwana in maadaama ay joogaan dhakhaatiir
hawshoodii gabay, kuwo dantoodii iyo dhaqaale raadin awgeed halis u galinaya bukaankii oo
dawo dhacday siinaya, kuwo dawo aysan u baahnayn u miisaya… in aan dhakhaatiirta iyo
dawadooda ka maaranno oo la dhaho 'qof waloow istafti Google!' Cidina taas ma oggola e, waxaa
la odhan lahaa dhakhaatiirtaa qayrul masuulka ah tallaabo ha laga qaado, nidaam shaqadooda
hagana ha loo sameeyo, iyo hay’ad kormeerkooda iyo xisaabintooda qaabbilsan. Sidaa si la mid
ah ayay fatwaduna u baahan tahay.
Taqliid - Ku gabbashada "Sheekh Hebel"
Qofka Muslinka ah waxaa saaran xil ay tahay in uu guto. Maadaama uusan ka maarmin aqoon
hagta, diintu aad ayay u dhiirrigalisay waxbarashada.
Dad “jaamiciyiin" ah oo ku doodaya "maxaan samaynaa culamadii midba wax buu sheegayaaye!",
haddaad aragtid, waxay dayaceen waajibkii ka saarnaa inay diintooda bartaan oo ay, ugu yaraan,
gundhig wanaagsan ka helaan laamaha asaasiga ah ee aqoonta diinta. Waxaa saaran waajib aan
saarnayn qofka aan heerkooda waxbarasho gaadhin, maadaama ku dhaqanka diintu uu ku dhisan
yahay:
وسعهاالنفساهللايكلفل
Alle nafna ma saarno wax aysan qaadi karin.
Sheekh hebel indho la'aan dabo soco, ama 'sheekhyadii baa midba wax sheegyaaye iga daa,' ku
dacwood, ama qiil kale raadsee, adigaa hadhow Alle SWT u hor istaagi doona xisaab aan cidna
lagu dulminayn. Wax kasta oo aad samaysay oo qoran baa hortaada la soo dhigi doonaa. Intii
karaankaaga ahayd ma dedaashay? Mise cid kalaad u xilsaaratay dhanka diinta oo adigu
adduunkaaga kala dabbariddiisaad ku mashquulsanayd?
Qof kastaa ma gaadhi karo heer isku fillaansho uusan aqoonta diinta cidna waxba ka weydiin.
Waana lamahuraan inuu wixii uusan aqoon cid taqaanna weydiiyo. Laakiin xilli wareersan ayaynu
ku nool nahay. Waa xilli daacadnimadii iyo runsheeggii ay gabaabsi ku yihiin, oo kitaabgaab aan
xishoonayni uu meel kasta kibir iyo islaweyni gafuurka la taagayo. Sidaa darteed, shaandho
aqooneed oo aad waxaa isdhexyaacaya ku kala miirato inaad samaysataa waa lamahuraan. Waa
inaad samaysataa awood aad ku kala saari kartid wixii "macquul" ah iyo wixii aan noqon karin.
Waa musiibo haddii lagaa dhaadhicin karo in aysan sinadu xaaraan ahayn "haddii labo qof oo
waaweyni ay rabitaankooda isugu tagaan"!!! Ama in uusan khamrigu xaaraan ka ahayn "qofka
aan ku sarkhaamin", iyo maangaabnimooyinka kale ee u dhigma. Waa musiibo haddii maalinba
koox ama dawladi kugu meel marsato danteeda, adigoo lagaaga dhigayo inay diin tahay.
Cabdullaahi ibnu Mascuud RC waxa uu yidhi:
الفتنةعليهيؤمنلالحيفإن;بالميتفاقتدوامقتدينبدلكنتمنوإ،كفركفروإن،آمنآمنفإن،رجلدينهأحدكميقلدنل .
Midkiin yuusan diintiisa ku xidhin qof, haddii uu rumeeyo isna uu rumeeyo, haddii gaaloobo isna
la gaaloobo— haddii aad ka maarmi weydaan inaad cid ku dayataan, ku dayda kuwii geeriyooday,
maxaa yeelay ka nool fidno loogama ammaan qabo.
Waa inaadan noqon unugyo iska nool oo rimuud lagu hagayo oo marba barnaamij cusub lagu
hawl galiyo. Maadaama aad tahay qaangaadh aan madaxa looga jirin, dhimirkaaguna fayow
yahay, waxaad tahay "mukallaf". Xil baa ku saaran. Adduunkana waxaad u joogtaa oo aad u
nooshahay,
عملأحسنأيكميبلوكمل
....si uu idiin jirrabo, kiinna ugu camalka wanaagsan.
Gebagebo
Fatwadu ma lamataabtaan baa? Jawaabtii oo kooban waa MAYA.
Qoraagu aafo jirta ayaa uu farta ku fiiqay, bogaadinna wuxuu ku mudan yahay in uu innagu
baraarujiyey noqdayna qofkii ugu horreeyey ee qalin u qaatay. Waxaase kala dhantaalay
waxyaalo uu si fudud uga maarmi karey ku nuuxnuuxsigooda, iyo ku durdurinta kuwo ay ahayd
in uu si deggan u dul joogsado, si qotodheerna ugu fiirsado. Sidii Ibnu Xazam- Alle ha u
naxariistee- yidhina: buugna faa'iido kama madhna.
Waana ceeb in qofku buug uu akhrin karo uu qof kale aragtidii kaga qanco. Indhahaagaa kuu
macallin ah ( كالمعاينةالخبرسولي .) Jawaabtan haddaad akhriday, oo aadan buugga akhrin, raadso oo
akhri. Ha ku qancin in aad qof kale qiimantiisa ku go'did adiga oo indhahaaga ku arki kara. Saxaabi
ayaa waxaa soo gaadhay xadiis Nebiga SCW laga soo tebiyey. Markii loo sheegay in qofkii laga
maqlay uu Shaam (Suuriya, Urdun, Falastiin) joogo, waxa uu ka safray Madiinah wuxuuna socdaal
ahaa bil, si uu toos uga soo maqlo.
Aqoontu waxa ay ku kobocdaa in wixii la qoro la falanqeeyo, la qiimeeyo, la hufo, lana haadiyo,
wayna ku shiiqdaa in laga aamuso. Haddii aan meelaha qaar ku adkeeyey qoraaga, isagaa yidhi
“dawada kaarjabintu waa qadhaadh."[b.21] 😉
Hadalku wuxuu ku dhan yahay:
Dadku maadaama ay sannado badana macallin soo hor fadhiyeen, waxay moodaan in
macallinnimadu fududdahay, markaasaa cid kastaa ka faallootaa waxbaridda ilmaha iyo
maaraynta waxbarashada. Laakiin aqoon sidaas u badan uma laha dhakhtarka ama
sharciyaqaanku waxay qabtaan, sidaas awgeed, duudduub ayay warkooda u qaataan, faallaynta
iyo falanqayntana way ka gaabsadaan.
Dhibtaa macallinnimada haysata ayaa diintiina haysata. Qofku wuxuu la soo boodayaa diinta
waan ku dhashay. Koow. Haddaad konton sano salaad tukanaysay, macnaheedu ma aha inaad
khabiir ku tahay fiqhiga salaadda aadna ka fatwoon kartid. Laga yaabee inan yar oo hal kitaab
dhigatay in ay kaaga aqoon badan tahay, adiguna aad bowsi ku tukanaysay.
Sida hawsha dhakhtarka cid kastaa aysan faraha ula gali karin, ayaan diintana cid kastaa faraha
ula gali karin ka faalloodkeeda. Labaduba aqoon gaar ah bay u baahan yihiin. Qofkii rabana waxaa
ka xigta in uu aqoontaas barto. Waxay “kooto” ugu xidhan tahay inta aqoonteeda leh.
ألوا رأه لفاس ك تع لمونلكنتم إنالذ
Weydiiya ku aqoonta u leh haddii aydan garanayn.
Top Related