W/Q: Mohamed Abdirizak Said Elmi (SAMIIK) November, 2014 · 2014. 10. 30. · CV-gayga lagu falayaa...
Transcript of W/Q: Mohamed Abdirizak Said Elmi (SAMIIK) November, 2014 · 2014. 10. 30. · CV-gayga lagu falayaa...
1
W/Q: Mohamed Abdirizak Said Elmi (SAMIIK)
01st November, 2014
“DIINTIYO DHAQANKIYO HIDDAHA HADAAD, DUUNYO DHAAFSATEEN”
“ DADNIMADU MARBAY WAXTARTAA OO, DAMIIR KUU YEESHAA”
12 sanno oo dalku ku jiray xaalad Siyaasadeed oo jahwareer iyo kadeed ku dhisan
ayadoo hanaanka Siyaasadeed ee dalku ahaa “Kumeelgaadh/ Transitional” bulshada
dhibaatada iyo darxumada la nool mar uun waxay sugayeen, isbeddel Siyaasadeed”
Political Change” oo dalka ka hanaqaada, Kumeelgaadh laga baxo, dowlad
Soomaaliyeed oo fahamta nolosha dadkeeda; la timaada qorshe-istiraatiijiyadeed
*Strategic-planning* iyo khudadii wax loogu qaban lahaa bulshada *Road-map*,
dhalinyartu si gaara ayadoo Tahriibta, Burcadnimada iyo Xagjirnimada inbadan lagu
khalday haddana, duruufo taagan iyo asbaab jirta awgeed u geysay ku biiristooda;
dhammaan hididiiladii iyo rajadii waxaa mar qudha dadka neecow qabow iyo neefsi
macaan dareemeen, Soomaaliya oo gudaheeda lagu doortay dowlad aan
kumeelgaadh ahayn “Permanent Government” (10th September 2012), iyo saddex-da
mas’uul oo ahaa aqoonyahanno aan ka qayb-qaadan dagaaladii sokeeye “Somali
Civil War”, ganacsiga iyo barrenimada caan ku ahaa.
Hayeeshee, ayadoo dad badani aaminsanaayeen H.E Xassan Sh. Maxmuud inuu la
shaqayn jiray jabhaddii USC/Xoghaye haddana, bulshadu waxay arkayeen in
isbeddelka haatan yimid kii ugu fiicnaa ee dalka iyo dadka wax tari lahaa yahay,
Warbaahinta Soomaalida sida: Universal, Tv-ga Jamhuuriyadda Djibouti, Somali
channel iyo Warbaahinta dowladda *SNTV*, dhammaantood si toosa ayay u
gudbinayeen doorashadii caasimadda Muqdisho, 10th September, 2012/Maalin
Isniina ka dhacday. Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka, Wadamada Deriska,
Beesha Carabta iyo Dhammaan Caalamka waxaa loo dheg-taagayay cidda ku
guulaysan doonta doorashadaas iyo jawigu siduu noqonayo.
2
Sawaxan qaylo badan wata oo cod dheer ku baxaya ayaa la wada maqlay, taloow
maxaa dhacay? Bal adba! Guddoonkii doorashada ayaa ku dhawaaqay in Xassan Sh.
Maxmuud noqday Hogaamiyaha laylin doona 4-ta sanno ee soo socota Siyaasadda
Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Sacab ayaa la wada tuntay, waa laysku
hambalyeeyay, farxaddii ayaa lays gaadhsiiyay, doorashada oo habeen dhacaysay
xabado badan ayaa laga riday deegaamo badan sida, Puntland, Khaatumo iyo
Banaadir.
Ardayda iyo dhalinyarta Soomaalidu waxay fisheen in dalku soo hagaagayo si
tartiiba, maantana, shaqsiyaad mashruucyadii iyo barnaamijyadii dalkan iyo dadkan
lagu waxyeeleeyay ka badbaaday hogaan loo doortay. Dhibaataduse waxay tahay,
wadamada horumaray “Developed Countries” marka miidaan ka Siyaasadda lays ku
yimaado oo lagu tartamo hanashada xilka, saddex-waxyaalood ayaa lagu miisaamaa
cidda bulshadu u dooranayso hogaamiye. (1) Taariikhdiisa dhanka aqoonta, waayo-
aragnimadiisa, xirfadihiisa, shaqsiyaddiisa iyo dhaqankiisa. (2) Muxuu qabtay oo
barnaamjyo iyo mashaaric bulshada iyo dalkaba anfacay? Muxuuse khasaariyay oo
halleeyay oo dhibaato ah? (3) Ma leeyahay astaamihii iyo tilmaamihii Hogaamiye
lagu yiqiinay? Intee bay dhantahay dulqaadkiisa, go’aan qaadashadiisa? ma leeyahay
aragti (Vision)? Ma leeyahay risaalo (Mission)? Ma leeyahay karti (Dynamism)? Ma
leeyahay akhlaaq (Ethics)? Af-yaqaan codkar ah mayahay (Skilled Orator)???
Dadka Soomaaliyeed arrimahaas ma daneeyaan oo uma bisla, booskooda waxaa
ugu jira: (1) Qabiilkee uu kasoo jeedaa, gaar ahaan Daarood mise waa Hawiye? (2)
Intee in la eg ayay taariikhdiisu kaga dhigantahay waxyeelo uu shacabka iyo
qarannimada u geystay, ma bad buu iibsaday? Ma dekad ayuu xaraashay? Mise waa
hogaamiye wayn oo dad nool-nool oo madaxa timo ku leh ayuu seyladda geeyay?
(3)Isbahaysigiisu awood dhaqaale ma leeyahay iyo taageero buuxda dhanka
Tigreega maka haystaa. Isku soo gunaanadoo, “Soomaalidu agteeda waxey
qadarisaa shaqsiga ee shaqsiyaddiisa ma qiimeyso; hadalkiisa iyo aftahannimadiisa
ayay u nacam-leeyaan ee falkiisa ma miisaanto; barnaamijkiisa siyaasadda ma
faalaysee, boorsadda lacagta ayay fahmaan, taariikhdiisa dib u akhrin kuma
samayso, booskii aqoonta waxaa ugu jira qabiil”!
3
Labo tusaalood aan u keeno doodayda. (1) Baarlaaanka Puntland ayaa xilli xilliyada
kamida waxaa xildhibaanada lagu wargeliyay in midkastaba CV-giisa soo qoro, si
guddoonka baarlamaanku u kala barto mudanayaasha, mid kamida oo magiciisa aan
xusaynin ayaa la imaan-waayay, “Maxaad u keeni wayday?” ayaa la warsaday, “Maxaa
CV-gayga lagu falayaa miyaydan ogayn nin reerkaas kasoo jeeda inaan ahay,
qabiilkaa CV-gayga ah”. (2) Marka la magacaabayo wasiiro/wasiiro ku xigeenno/
wasiiru-dowlayaal ama agaasimayaal, inta badan lama qiimeeyo ruuxaas aqoontiisa,
aragtidiisa, garashadiisa iyo kartidiisa, reerka uu kasoo jeedo, taageerada
Xabashida uu ka haysto iyo boorsadda lacagta ee culayskeeda sidi la’yahay ayaa la
maamuusaa. Soomaali waa inay xaqiiqada fahamtaa.
Doorashadaas oo ay ku tartamayeen 24 siyaasiyiin, gunaanadkeeda, Madaxweyne
X/Culusow wuxuu ku guuleystay jagadii ugu sarreysay ee qarannimada Soomaalida
“Madaxweyne/ President”, Guddoomiye Professor Jawaari asaguu kasii horreeyay,
dabadeed, aqoonyahan ganacsade Cabdi Faarax Shirdoon –Saacid, ayuu
Madaxweyne Xassan Sh. Maxmuud u doortay inuu layliyo xukuumadda, noqdo
wasiirka koowaad ee wasiirada “Raysul-Wasaare”. 16th September isla sanadkaas,
magaaladda Muqdisho – Caasimadda Jamhuuriyadda Iyo Qalbigii Umadda – waxaa
ka qabsoontay munaasabaddii caleema-saarka madaxweynaha. Ururo caalamiya,
madaxweynayaal wadamo iyo marti heerkoodu sarreeyo ayaa kasoo qayb galay
madashaas qiimaha badan. Xukuumad “Cabinets” ka kooban 35 wasiiro ayaa la
magacaabay. Wasiiro (10), Wasiiro-Kuxigeenayaal (20) iyo Wasiiru-dowlayaal (5).
Isbeddelkaas siyaasadeed ee wadanka ka dhacay waxaa siweyn u soo dhoweeyay
dhammaan Soomaalida oo dhan, meelwalba oo ay joogaan. Banaan-baxyo iyo
munaasabado kala duwan oo lagu soo dhoweynayay madaxweynaha ayaa ka
dhacday wadanka dibadiisa sida, UK, USA, Europe iyo Bariga Afrika iyo gudihiisa
sida, Muqdisho, Baydhaba, Kismaayo, Jowhar, Bosasso, Garoowe, Buuhoodle iyo
Laascaanood. Soomaalida waxaa gashay/ku beermay rajo hor leh, hididiilo
hankeedu aad u sarreeyo, dareen ugub ah iyo waayo-aragnimo ka dhalatay biseylka
siyaasadeed ee Soomaalida xilligan.
4
Isbeddelkan ma ahayn keliya hogaamiyayaal isbeddelay, sidoo kale, waxaa dheeraa
in wadanku uu kabaxayey marxalad kumeelgaadh ah, una gudbayay marxalad
dhameystiran oo aan kumeelgaadh ahayn, Soomaalida waxaa ka soo booday
dareen wadaniyadeed iyo biseyl siyaasadeed oo waayuhu iyo duruufuhu sababeen.
Shaki kuma jiro in goolaha-baarlamaanka, gudoomiyaha iyo guddoonka guud,
madaxweynaha, reysul-wasaaraha iyo wasiiradiisa ay dhammaantood ku dhaarteen
dastuurka cusub ee Soomaaliya loo sameeyay 2012-kii, kaasoo dadaalkiisa iyo
juhdigiisaba lahayd <<dowladii Sh/Shariif>>, shaki kuma jiro in dastuurkaas wax
badan oo ku qornaa ay u baahnaayeen in la saxo, laakiin road-mapka oo wakhti yar
heystay iyo culeys siyaasadeed oo dhanka dibada ahi waxey sababtey, in awoodda
wax ka beddelista iyo sixidda loo daayo baarlamaanka cusub ee Soomaalida.
Kadib markii siweyn loo taageeray isbeddelka siyaasadeed ee wadanka ka hillaacay,
soomaaliduna dareemeen rajo cusub iyo in wadanku u baahanyahey in loo wada
shaqeeyo oo ruux waliba doorkiisa ka qaato, hanaanka soo celinta dowladii luntay,
siyaasaddii fashilantay, bulshadii kala irlooday iyo midnimaddii shakigu ku yimid.
Baarlamaanka, madaxweynaha, reysul-wasaaraha iyo xukuumadiisuba waxey
bilaabeen diyaarinta documentary hagaya jihada siyaasadda dowlada, iyo dejinta
tiirarka ay ku taagan-tahay siyaasadda dowladu. Waxey diyaarisay barnaamij-
siyaasadeed ay Soomaalidu aad iyo aad usoo dhoweeyeen taasoo ,ay ugu magac-
dareen (Documentary: The foundation Of New Beginning In Somalia) “Barnaamijka:
Aas-aaska Bilowga Cusub ee Soomaaliya” taasoo ku dhisan lix-tiirar/that based on
6 pillars.
Siyaasadda lixda tiirar, ayey dowladu saddex kamida waxey u qorsheysay iney
noqdaan “Muhiimadaha Muhiimadahooda” (Priorities Of Priorities) kuwaasoo kala
ah (Barnaamijka xasilinta dalka oo kudhisan tiirka soo celinta nabadda iyo amniga
dalka/Project of Restoring Peace and Stability “National Security Service”, Barnaamijka
dib-u-eegidda iyo sixidda qorshaha cadaaladda/ Justice Reform Project, iyo ugu
dambeyntii Barnaamijka dib-u-eegidda iyo dhisidda kaabayaasha iyo shuruucda
dhaqaalaha/Public Financial Management plan). Soomaalidu siweyn oo niyad-sami
iyo himad-sare ku jirto ayey u soo dhoweeyeen tiirarka siyaasadeed ee
dokumentariga, ee dowladu dejisatey iney hirgaliso kuna hogaamiso qadarka
wakhtiyeed ay heysato. “Amniga ayaa laga dhigay muhiimadda koowaad, labaad iyo
saddexaad ee barnaamijkaas”.
5
Waxey dowladdu si heer sare ah u heshay kaalmo maadiya/Material Support,
kaalmo macnawiya/Moral Support, indhihii beesha caalamka/international community
observes. Iyo kalsooniddii shacabka soomaliyeed/people’s trust ... dowladu waxey
guulo ka gaartey dhanka siyaasadda, arrimaha dibadda, waxaana marar badan
dowlada loo sheegay iney isku miisaanto siyaasada gudaha iyo dibada/ Balancing of
Foreign and Internal policies. Dowladu waxey booqasho kala duwan ku kala bixisay
dhammaan badi gobalada koonfureed, iyo gobolada bartamaha ee Soomaaliya,
dhammaan waxey noqdeen siyaasad Soomaalidu si weyn u soo dhoweysay.
Himiladaas iftiimaysa ayadoo ay muuqato, waliba 6-dii bilood ee ugu horreysay
labada hogaamiye (Culusow Iyo Saacid) ay muujiyeen saaxiibtinimo dheeraada,
waxay dadku u maleeyaan in is qab-qabsigii hogaamiyayaasha Soomaalidu
wakhtigiisii idlaaday, labadan masuulna ay dhigi doonaan rikoodh cusub oo dhanka
ilbaxnimada iyo biseylka Siyaasadda ah. Haatan iyo wixii ka dambeeyana,
xorreynta deegaamada Xagjiriintu/Alshabaab ka taliyaan iyo horumarka dalka iyo
dadka In laga shaqayn doono ayay aamineen.
Maamul u samaynta gobolada, baahinta adeegga dowladnimo iyo dardargelinta
mashruuca xagjiriinta lagu u gaarsanayo, howlihii ugu waaweynaa oo dadku
dowladda ka sugayeen ayna balan qaadeen ayay ahaayeen. Durbadiiba, dacwad cod
dheer ku baxaysa ayaa Puntland kasoo yeedhay, “Dastuurkii saxeexayaasha lixda
ay isla ogaayeen waa la beddelay, baarlamaan kan ee cusub een heshiiskaas la
socon mid cusub ayaa loo qaybiyay” ayay reer Puntland ku andacoodeen,
xaqiiqaduna waxay tahay siday sheeganayaan, ilaa iyo hadda arrintan dabkeedu iyo
holaceedu wuu shidan yahay (Ongoing Mistake).
Deegaanada SSC oo waligood u taagnaa *Midnimadda Soomaalida iyo Adkaynta
Qarannimada*, Walaalaha Somaliland waxey ku hayaan dulmi, xasuuq iyo weerar
ba’an oo birimagaydada, maxasta iyo xoolaha la kala soocayn, tirsiga taariikhda
miilaadiga, 15th Ocbober, 2007/Maalin Isniina ayaa la qabsaday magaaladda ugu
weyn ee deegaankaas – Laascaanood – Illaa hadda gacanta ayay ugu jirtaa, ku
dhowaad 70% dadyowgii degmadaas deganaa way qaxeen, qaybihii ganacsiga ee
kala duwanaa way xidhmeen, kaaga daranee, dadkii in maxaabiis ahaan loo
qafaashay, in la xasuuqay oo geeri ama dhaawaca, iyo in aan hadli Karin oo
xorriyadooda la gatay ayay noqdeen, tilmaantaas wali way jirtaa (Ongoing
Genocide).
6
Dhawaqa bulshada deegaan kaas degan wuxuu ku baahay Warbaahinta Bulshada,
waxey farriin cabasho iyo garasho xambaarsan u direen hogaankii dalka oo
President Hassan ugu horreeyo. “Annagu midnimada aan difaacayno, annnagu
qarannimada shakiga la geliyay adkaynteeda, annagu u hiilinta calanka iyo ka
dhiidhiyidda barnaamijyada lagu gumaadayo bulshada, lagu carqalad gelinayo
midnimadda, lagu baabiinayo muqaddasaatka, ayaanu leenahay waa khalad ee ma
ogolin; intaasaa nalagu dilayaa, intaasaa haween kayaga loo kufsanayaa, intaasaa
xorriyaddayada loo xanibayaa, dambi iyo eed kale maanu gelin aan ka ahayn inaan
Soomaali damiirkoodu ka damqaday midnimada la tirtirayo aanu nahay, dowladda
Soomaaliyeed ha noosoo gurmato oo baaqayaga haka jawaabto” dhambaalkaas
ayey xambaarsanayd risaaladii reer SSC dowlada Xamar u direen. Nasiib-darro,
Dowladdu illaa hadda kamaysan garaabin, waxtar af iyo adinna umay fidin, marka
lagasoo tago warka afka baalkiisa ah ee “waan ka xunnahay wakhtigan in dhiig
Soomaaliyeed daato”.
Maamul u samayntii gobalada markay timid, reer Jubbaland kadib markay dastuur
ka dheehdeen, labo gobol iyo wixii ka badanba dowlad-goboleed waa samaysan
karaan ku arkeen, shirar ayay bilaabeen - Horayna U Jiray – waxay ku guuleysteen
in qaybaha bulshada lays ku keeno. Madaxweyne Hassan oo safaro ujeedadoodu
booqasho iyo u kuurgalid xaaladeed ahayd ayuu degmooyinka Baydhaba iyo
Beledwayn ku yimid. “Reer Beledwayn iyo Reer Baydhaba aayahooda waa ka
tashan karaan, maamul-goboleed na waa samaysan karaan” ayay kamid tahay
hadalo uu goobo kala duwan ee labadaas degmo ka yidhi. Balse, markay timid
arrintii Jubbaland carqalad iyo dood weyn ayay dowladu ka keentay, mudo sanad
ah ayaysan jirin is afgarad walow bulshadu barnaamijkeeda sii wadatay oo
madaxweyne (Sh. Axmed Madoobe) iyo madaxweyne ku-xigeen (Gen. Fartaag)
magacawdeen. Arrintaasna anaaniyad qabiileed iyo caadifad siyaasadeed ayay
kicisay, waxaa lagu sigtay in dagaaladii sokeeye dib loo soo nooleeyo oo safaf
qabiileed loo kala baxo; markii dambena xal ayaa loo helay kadib wakhti badan oo
khasaaroobay.
7
Jubbaland waa la ansaxiyey oo dowlad-goboleed ayay noqotay kadib dadaal badan
oo dadyowga deegaan ka ku nooli sameeyeen. Arrin kale oo dood kicisay waxay
ahayd khilaafkii Siyaaseed ee Saacid iyo Culusow. Soomaalidii hilmaantay in mar
dambe Siyaasiyiinta kala leyliya Madaxtooyadda iyo Xukuumadda is qabsan
doonaan oo is khilaafi doonaan, argagax, anfariir, layaab iyo waali cusub ayay ku
noqotay. Waxayba ruuxdooda kula sheekeysteen, isbeddelkii la sheegayay sowtan
muran badan dhaliyay!! Isbeddelkii la sheegayay sow kamuu mid ahayn dhaqankaas
in laga ilbaxayo!!! Waa yaabee!!! Illaa intee ayay caadadani jiri-doontaa!! Oo talow
dastuurka malagu daro qodob dhigaya in khilaafka labada hogaamiye ay tahay
qodob-dastuuriya oo sharciya, si dadku marwalboo lays xag-xagto u yaq-yaqsoon
oo u fahmaan arrin dastuuriya oo caadiya. Yeelkadeedee, Reysul-wasaare Saacid
waxaa lagu beddelay R/W Abdiweli Sheikh. 12th December, 2014/ Maalin Khamiisa.
Hayeeshee, Soomaalidu waxey wali is weydiinayeen, suuragal markale ma tahay in
Abdiweli Shiikh iyo Xassan Culusow ay is qabtaan?? Hadayba dhacdo maxaa la
yeelayaa? Oo waa annagii nidhi khilaafkan caadada noqday qodob-dastuuriya halaga
dhigee, tolow ma la aqbalay!!!!. Yeelkadeedee, arrinta labaad ee maamul u
samaynta ee khilaafka badani ka yimidey waa qadiyadda gobolada-dhexe, baaq ayay
dowladdu soo saartay murtideedu ahayd, “Mudug iyo Galguduud in la mataaneeyo,
loona sameeyo dowlad-goboleed”. Dowlad-goboleedka Puntland waxay la timid
dood tiirarkii ay ku dhaqaaqi lahayd iyo wadiiqooyin kii ay mari lahayd intuba u
dhamaystiran yihin, muddo 20 casho ku siman ayay u qabatay dowladdu inay
farsamo wadaxaajood iyo is afgarad ku dhisan la timaado. Mudadii oo dhammaatay,
bulshadu waxay is weydiinaysey xaalka Siyaasadeed iyo talaabada xigta ee Puntland
qaadayso. Nasiib-wanaag, wafdi uu hoggaaminayo R/W Abdiweli Shiikh oo isugu
jira wasiiro, xildhibaano iyo aqoonyahanno ayaa Garowe – Caasimadda Puntland –
yimiday. 10th October, 2014/ Maalin Jimce ah. Maalmo kooban ay joogeen waxaa
qalin ka lagu duugay heshiish laba-dhinac ah *Bilateral Agreement*. Soomaalidu aad
bay u soo dhoweeyeen heshiiska la kala saxeexday. Su’aashuse waxay tahay
“Puntland iyo Federaalku marar badan ayay heshiis wadagaleenee haddana, waxba
kama jiraan ayaa laga soo qaadaa kadib marka la kala tagee, tolow kani ma kuwii la
yaqaanay ayuu ku biirayaa??? Mise heshiis dhaxal gal ah oo hirgala oo lagu negaado
ayuu noqon doonaa? La’arkaa wuxuu ku dambeeyo”.
8
Qodob kale oo laga shanqariyo wuxu yahay. “Tan iyo xilligii kumeelgaadh ka iyo
dowladihii soo maray marxaladaas, dhaqan ayaa jiray ay ka sinnaayeen kaasoo
ahaa, madaxweyne walba in urur-diineedka ka ag-dhow/ama uu ku jiro ku
sargooyo xayndaabka Siyaasadda, dhaqan-geliyo mabaadidooda, danahooda ka
fekero, qarankii iyo ummaddii intuu hilmaamo uu danahooda qaarad ka qaarad uga
dhaco, waxaana bilaabay falsafadaaas H.E Abdiqasim Salat Hassan/2000”. Taariikh-
daas ayadoo iigaga baahan dhiraan-dhirin iyo tilmaamid, akhriste ma ogtahay in
Abdiqasim urur-diineed ka Al-islaax ku soo xayndaabay Siyaasaddii dowladii carta,
dhibaato mooyaanee dheef ka malabsan. Akhriste ma ogtahay in Kor. Abdillahi
Joseph Ahmed AUN asagoo islaamiyiinta aysan isku wanaagsanayn in booskoodii,
kawaadirtii Harti iyo haldooradii ku soo xayndaabay Siyaasaddii Embegaati.
Akhriste Sh/Shariif ma ogtahay in xarakada Aala-sheekh gacan midig oo xoogan oo
uu ku duulo ka dhigtay, asna waxyeelo mooyaanee waxtar ka kororsan.
Su’aashay xeeldheerayaasha, aqoonyahannada iyo waxgarad ka ummaddu is
weydiinayeen waxay ahayd, “Kuwii hore haddaan dhaqan kaas ku soo aragnay,
tolow H.E Xassan Culusow ma ku raaci doonaa mise???”. Jawaabtu waxay noqotay
Haa... Haa… Haa… keliya Haa maahee wuuba ka daray – Kadaroo Dibi Dhal –
wuxuuba noqday hogaamiyihii nadariyadaas u kabo-geliyey sifiicanna u
camaliyeeyay. Soomaalida oo badankood Al-islaax yaqaaniin oo Dammu-jadiid
aqoon badan u lahayn, way ku kadsoomeen oo urur-wanaagsan ayay moodeen.
Balse, kolkii dambe magacyo ayaa loo bixiyay, sida mid aan anigu curiyay oo ah –
Dulmi-jadiid-, waxay Siyaasaddii ka dhigteen qorshe-dhaqaale ay siday doonaan
faa’iido uga helaan, dadka saboolka ahna gaajada ku dilaan, ku darsoo, badankood
camiilo iyo jawaasiis Tigreega u shaqeysa ayay noqdeen.
Habkii H.E. Xassan Garguurte madaxweyne-nimada kasoo galay badankood,
Soomaalidu, aqoon badan umaysan lahayn, macluumaad waafi ahna kamaysan
haysan. Wuxuu ku yimid qorshe diblomaasiyadeed oo Qadar iyo Xabashida ka
dhaxeeyay, kaasoo Faarax C/qaadir agaasime aan daalin oo hurdadu aysan ba
qaban tan iyo intuu guul ka gaadhayo arrintaas ahaa. Maaliyadda Qadar ayaa
bixisay, xaqiiqadu iyadaa mudan oo isa soo dhigta miidaanka, qodobka
xasaasiyadda abuuray ee Soomaali aysan wada ogayn 95% waxay ahayd, Xasan Sh-
Maxmuud inuu xidhiidh dhow la leeyahay gaagaabta (Tigreega), kana mid yahay
<<<Ardayda-Gaagaabta>>>.
9
Anigu si adag ayaan u aaminsanahay xaqiiqadan, dalka uu Madaxweyne ka ahayn ee
Barasaab ka yahay, u madax banaanayn siyaasadisaa ee looga yeedhiyo xafiiska
Adis-ababa. Hase-ahaatee, inbadan oo xog-ogaal aan u ahayn tiirarka Siyaasadda
iyo loolan ka geeska ka jira, way ku kadsoomi karaan aragtidan (This Phenomenon).
Cabdikariin Guuleed – Wasiir kii Hore ee arrimaha gudaha – iyo Faarax C/qaadir
sinna waa kawaadirta Dulmi-jadiid, ayaga ayaa haga Siyaasadda gudaha, sinna waa
camiilada isku xidha labada xafiis (From Addis-ababa To Mogadishu) wakiil na uga
ah Siyaasadda Xabashida ee geyigan, rag kale ayaa jira sida: Shariif-sakiin –
Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka/2004 -.
Arrinta wakhtigan taagan ee xasaasiyadda, muran-ka badan iyo doodda badan
dhalisay waxa weeye, isku shaan-dhayn uu R/W Abdiweli Sheekh ku sameeyay
goolihiisa Wasiirada. Ragga ay seeftu galaafatay waxaa kamida mashiin kii dhammaa
ee isku xidhayay Siyaasadda Tigreega iyo Dulmi-jadiid, Nin kale maahee waa
Faarax C/qaadir oo xilkii uu hayay aan laga qaadin balse, xil ka-bedel lagu
sameeyay. R/W Abdiweli keliya goolihiisa Wasiiradda ayuu isku bed-bedalay
(Wasirada/Wasiiro Ku Xigeenada iyo Wasiiru-dowlaayasha), ma jirto shaqsiyaad
banaan-ka ka yimiday oo lagu soo daray goolaha. Mustafe Sh. Cali Dhuxulow oo ah
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya,
ayaa saxaafadda u akhriyay warsaxaafadeed-ka xambaarsan isku shaan-dhaynta uu
R/W Abdiweli sameeyay, sidan ayay u dhacday.
1. Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka: Saalim Caliyow Ibroow
2. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa: Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
3. Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyada: Burci Maxamed Xamza
4. Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda: C/llaahi Maxamed Nuur
5. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda: C/raxmaan Cabdi Cismaan
6. Wasiir ku xigeenka Maaliyadda: C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow
7. Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga: Mahad Maxamed Salaad
8. Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha: Fahmo Axmed Nuur.
10
Isku shaan-dhayntaas uu R/W Abdiweli sameeyay, 25th October, 2014/ Maalin
Sabtiya, waxay ka cadhaysiisay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. Kadib markii
mashiin-kii iyo duqii arrimaha Siyaasadda ka caawinayay, sinna u ahaa nin kii keenay
jagada uu ku laylinayo, si kale u ahaa isku-xidhaha labada Siyaasadood
(Ethiopia+Dammu-jadiid) ay galaafatay isku shaan-dhayntu, kadib markii laga
beddelay Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka, loona beddelay Wasaaradda
Xanaanaha Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
Maalintii isku shaan-dhayntu timid habeen keedii, labada hogaamiye (Ilma-Sheekh)
waxay iskugu yimaadeen kulan ka qabsoomay madaxtooyada, nuxurkiisu ahaa is-
qancin iyo wada-xaajood. Madaxweynuhu wuxu isku dayay inuu ku qanciyo R/W
Abdiweli hadda inaysan munaasab ahayn arrintaas, shirka Brussels ka dib ay
wanaagsanaan lahayd. Hadalkan oo si diblomaasiyadeed u dhacaya owgeed, R/W
Abdiweli wuu ku gacan-saydhay codsigaas madaxweynaha, kuna adkeystay go’aan
kiisii, shirkaasina fashil ayuu ku soo khatimay.
Labada hogaamiye, mid kastaba, isbahaysi iyo xodxodasho ayuu bilaabay,
baarlamaan kii ayay u kala ordeen si labaduba mooshin u diyaariyaan, gudoomiyaha
baarlamaan ku wuxuu sheegay inaysan habooneyn in la buun-buuniyo khilaaf kan,
wixii jirana si dastuuriya, looga xaajoonayo. Dad badan waxay aaminsanyihiin in
gudoomiyaha baarlamaanku ka aragti fogayn madaxweynaha. Si lamida, labada
hogaamiye, mid kastaba, la talyeyaashiisii dhinacyada sharciga iyo siyaasadda ayuu
ku laabtay, si go’aan-ku inuu sharciga iyo dastuurka waafaqsan yahay iyo talaabada
kale ee xigta ugala tashan lahaayeen, xaaladdu waxa u egtahay mid adag oo beesha
caalamku keliya ay kala furdaamin karto, maadaamay labaduba shaqaaleyaal danaha
reer galbeed ka iyo xabashida u adeega yihiin.
Labaduba, taageerayaal ayay durba kala yeesheen, hadday siyaasiyiin iyo shacab
noqotaba. Qoloda R/W Abdiweli taabacsan waxay ku andacoonayaan, maadaama
Reysul-wasaaruhu yahay ka xukuumadda leyliya, ay dastuuri tahay wasiir
magacaabis ama ka beddelid ama ka casilid, laakiinse sharcigu dhigayo ixtiraam
ahaan, madaxweynaha inuu kala tashado, sidaa owgeed, inuu saxsan yahay oo
dastuurka ku taagan yahay ayay aaminsan yihiin. Qoloda Madaxweynaha, Reysul-
wasaare Abdiweli inuu deg-degay, horayna khaladaad Dhanka maamulka iyo
siyaasadda u sameeyay, shaqsi aan ixtiraam u haynin madaxweynaha yahay, ayay
aaminsanyihiin”. Waa lagu kala tegay oo lagu kala fogaaday doodaas, sida muuqata.
11
27th October, 2014/ Maalin Isniina, Reysul-Wasaare Abdiweli Sheekh wuxuu
shiriyay xukuumaddiisa, si uu ugala hadlo arrimahan soo cusboonaaday, iyo inay
dhaqan geliyaan isku shaan-dhaynta la suubiyay. Wasiirka Wasaaradda Xoolaha,
Dhirta iyo Daaqa: Faarax Cabdulqaadir, “Anigu Wasiirkii Garsoorka iyo Dastuurka
ayaan ahay, xilkan la ii beddelayna waxba kama jiraan,” ayuu yidhi. Aragtida Faarax
ma shaqayn-doontaa mise xilkan loo beddelay ayaa dhaqan-geli doona,
mustaqbalka dhow ayay kala cadaanaysaa?.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyada, 25th October, 2014/ Maalin
Sabtiya, waxaa lagu sheegay inay waxba ka jirin isku shaan-dhaynta R/W Abdiweli
sameeyay, marar horena ku xadgudbay nadaamka dowliga ee Siyaasadda iyo
dastuur-ka, xilal ka qaaday qaarna ku beddalay asagoo kala tashan Madaxweynaha
haatanna; talaabooyin kii uu wali wado, sidaa darteed, warsaxaafadeed ku wuxuu
wasiirada ugu baaqay inaan la aqbalin arrintaas, wasiir walbana jagadii uu
xukuumada ka hayay ku sii shaqeeyo. Faarax Cabdulqaadir ayaa durba sheegay
inuu ku dhaqmayo warsaxaafadeedkii madaxtooyada ka soo baxay.
Reysul-Wasaare Saddexaad Mise Burbur Dowladnimo????? Su’aasha hadda
waxgaradka iyo aqoonyahannadu is weydiinayaan weeye. Madaxweyne Xassan
warsaxaafadeedka maka laaban doonaa? Mise R/W Abdiweli ayaa isku shaan-
dheynta ka noqon doona? Mise R/W Abdiweli booskii Saacid-shirdoon ayuu
marayaa? Mise Labaduba way isla dumayaan? Waydiimahaas waxay ku soo noq-
noqonayaan cid walboo damiirka wadanimo, garashada xeeldheerida iyo
damqashada dalkan iyo dadkan ku jiro. Dad badan waxay aaminsan yihiin in
riwaayadan horay u daawadeen (Cabdillaahi Yuusuf & Nuur Cade) haddana
sugayaan kusoo celinteedii labaad ee Shaneemadda Villa Somalia. La arkaa wixii
soo baxa, la arkaa sida loo dhaqmo, la arkaa xaalka mustaqbal ka siyaasadeed ee
Soomaaliya halkuu caga-dhigto, la arkaa in hiigsigii lagu beddelay hagardaamo.
Durba Xabashidii waxay amar ku siisay R/W Abdiweli inuu go’aan kaas ka laabto,
talow Xabashida ma iyadaa na amarta oo noo talisa?? Doqon. Doqon. Doqon.
“Haddaa yaa kuu taliya, casharada Siyaasadda iyo cutubyada noloshada ayadaa soo
diyaarisa, waliba sidii loo bixin lahaa loona faham siin lahaa ardada soo agaasinta”.
12
Markaad aragto jihooyinka qaldan iyo aragtiyada gurracan ee Siyaasadda
Soomaalida; markaad aragto xaaladaha nololeed ee deegaan ka iyo dadka, hadday
dhaqaale, ijtimaaci, siyaasad, nabadgelyo iyo horumar ahaato; markaad aragto
dhaqan-xumada Siyaasiyiinta ee ku beerlaxawsashada muwaadinnimada iyo ka been
sheegidda afkaaraha iyo aragtiyada ku dhisan barnaamijyadooda siyaasadeed ee
bulshada ay u gudbinayaan; markaad aragto loolanka ka dhaxeeya ee ku dhisan
danaha xarako ama qabiil, ama danaha xabashida iyo reer galbeed ka, ama u
baratanka khayraad ka dalka iyo deeqaha caalamku bixiyo; markaad dheehato
musuqmaasuqa ka jira nadaamka dhaqaale ama nin jeclaysiga ka jira nadaamka
siyaasadeed ama cadaalad xumada ka jirta nadaamka garsoorka; markaad qiimeyso
sida shacabku ugu jahwareersan yihiin camiilooyin kan iyo dabadhilif yadan, damiir-
laawayaasha iyo dal-gataha ah;
Waxaa kuu soo baxaysa in Siyaasadda Soomaaliyeed tahay mid aan deganayn oo
sabaynaysa; inaysan ahayn mid la dhihi karo waa siyaasaddii lagu daraasadayn jiray
jaamacadaha dunida << Political Science>>; inay siyaasiyiintu yihiin kuwo suuradii
Siyaasadda ee la wada yaqaanay si khaldan u fasiraya oo u dhaqan gelinaya; inay
dhaqan-siyaasadeed koodu ka buuxo seef-laboodnimo ama sal-fudayd innaba aan
caadi ahayn, ayadoo madaxbanaanida dalka aan la ixtiraamayn, ayadoo danta guud
ee ummadda loo diir-naxaynin, ayadoo laga cabsi qabin in beesha caalamku
markale albaabkeeda ka xidhato Soomaaliya, ayadoo qabiilku, anaaniyaddu, nin
jeclaysigu, cadaal-darradu iyo caadifaddu shaqaynayso oo la iloobay wax isku ahaan
shihii, luuqaddii diblomaasiyadda iyo fahamka nolosha danta iyo maqaasida
siyaasadda, gunaanadku wuxuu yahay: (Siyaasiga Soomaaliyeed: Suuro-xumaa Oo
Seeflabood-sanaa !!!).
Allaah SWT waxaan ka baryayaa inuu ummaddan u keeno hogaamiyayaal
Islaamiyiin ah oo diin ka rabbi aqoon u leh kuna xukumaya, dowladuna noqoto mid
islaamiya < Islamic State>>. Eebe wayne markale waxaan ka baryayaa niman kan
lagu harraaday ee ka madhan dhaqan kii wanaagsanaa ee Soomaalida iyo
shareecadii aad kown kan u soo dejisay, inaad gacan bir ah ku qabato kuwa hanuun
ku u qornayn ee, bulshadan dhibaatooyin ka kala duwan la tacaalaysa ku cayaaraya
<< Political Football & Political Play-Station>>, kuwo hanuun ku u qoran yahay
Rabbow Caziizow soo hanuuni, nolosha dadkooda fahamsii, quluubtooda ee
madoobaatay ee olyadu saaqday, rabbiyow naxariis iyo turaal ku beer. Aamiin.
13
Gabayaagii Ismaaciil Mire: Raggow Kibirka Waa Lagu Kugaa!!!
Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye
Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine
Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado
Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille
Kulligiiba Reer Hagar anaa kiin ah baa rogaye
Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede
Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne
Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye
Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
14
Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma gelin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye
Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e
Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye
Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Ka shib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye
15
Tixraacyada Maqaalka
===========================
First Link: http://samiik.wordpress.com/2014/10/26/garaadku-
hadduu-shaqayn-waayo-gumeysigaa-shaqayn/
Second Link: http://samiik.wordpress.com/2014/10/20/xasan-
sh-maxamuud-horta-dastuurkee-ayuu-ku-dhaartey/
Third Link: http://somalitalk.com/2014/10/27/maamulka-
puntland-oo-ugu-baaqay-masuuliyiinta-dowladda-federaalka-
soomaaliya-in-ay-isu-tanasulaan/
Fourth Link: http://dalsanradio.com/articles/2724/Midowga-
Afrika-oo-ka-hadlay-magacaabistii-R-wasaare-C-weli-Sh-Axmed-
sheegayna
Fiveth Link: http://www.raxanreeb.com/2013/12/madaxweyne-
xasan-sheekh-oo-sheegay-in-rw-cweli-sheekh-laga-sugayo-wasiiro-
tayo-leh-waqti-dhow/
Sixth link: http://somalitalk.com/2014/10/27/maamulka-
puntland-oo-ugu-baaqay-masuuliyiinta-dowladda-federaalka-
soomaaliya-in-ay-isu-tanasulaan/
Seventh Link: http://somali.raxanreeb.com/2014/10/deg-deg-
raiisal-wasaaraha-soomaaliya-oo-garoowe-soo-gaaray/
Eighth Link: http://www.rasamaalnews.com/2014/10/isku-
shaandhayn-lagu-sameeyay-golaha-wasiirada-soomaaliya-oo-
sababtay-khilaaf-cusub-oo-ka-dhex-curtay-madaxweynaha-iyo-
raysal-wasaarihiisa/
16
Nineth Link: http://dalsanradio.com/articles/9053/Wasiir-
Faarax-C-qaadir-oo-tababar-u-xiray-shaqaale-ka-tirsan-
Wasaaradda-Garsoorka-iyo-Dastuurka
Tenth Link: http://jubbalandnews.com/?p=20154
Eleventh Link: http://gaafo.com/388165/madaxweynaha-
soomaaliya-waxba-kama-jiraan-isku-shaandhaynta-wasiirrada-ee-
uu-sameeyay-rwasaaruhu/
Twelveth Link:
http://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/mire/ismaac
iilmire.htm
17
_________________________
Baaq: Mufakkir Mohamed Samiik: “Waxaan ugu baaqayaa
labada hogaamiye (Ilma-Sheekh) in kala aragti duwanaan
shaha arrimaha siyaasadda ee haatan soo if-baxay,
nebadgelyo, ilbaxnimo, luuqadda diblomaasiyadda iyo
walaaltinimo Soomaaliyeed lagu xaliyo; waa inoo ceeb in
maalin walba dal shisheeye laynagu wada hadal-siiyo; waa
ayaan-darro weyn hadii la inoo kala tarjumayo oo is-
afgaranayninba”.
================
Dhammaad
W/Q: Mufakir & Ustaad:
Mohamed Abdirizak Saeed Elmi “SAMIIK”
Independent Researcher
Former Chairman “Action Against Poverty & Tribalism”