Waxaan Shaahid u Ahaa

30
Waxaan Shaahid u Ahaa 2004-2011, Soo Koobidii iyo Isku Duba Ridkii Haatuf Media Group Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Mr Axmed Abul Qeyd ayaa dhawaan soo saaray Buug uu qoray oo uu cinwaan uga dhigay “Waxaan Shaahid u ahaa kaas oo uu kaga waramayo Siyaasada Dibada ee dalkiisa siday ahayd iyo wixii soo maray mudadii u dhaxaysay tan iyo markii wasiirka khaarajiga loo magacaabay July 2004 ilaa iyo markii xilka laga wareejiyey March 2011. Mr Abul Qeyd waxa uu buugiisan ku sharxayaa rukumada ugu muhiimsan ee siyaasada khaarajiga ee Masar isla markaana waxa uu ka jawaabayaa dhaliilo baryahan dambe loo soo jeedinayey siyaasada arimaha dibada ee Masar inay gaabisay oo doorkii ay ka ciyaari jirtay mandaqda bariga dhexe iyo Afrika-ba ay kala wareegeen dawlado kale oo ka firfircoonaaday. Mr Abul Qeyd wuxuu tilmaamo ka bixinayaa sidii uu madaxweyne Mubaarak uu go’aamada u gaadhi jiray iyo habka uu jeclaa in warbixinaha loogu soo gudbiyo. Waxa kale oo uu buugu daboolka ka qaadayaa dhacdooyin aan hore loo shaacin oo saamayn ku lahaa xidhiidhadii u dhexeeyey Masar, Ethiopia iyo qaar ka mid ah dalalka carabta. Axmed Abul Qayd oo dhashay 1942 wuxuu wasaarada arimaha dibada ee Masar ku biiray 1965 waxaanu shaqada ka bilaabay qaybta Yurubta Bari ee wasaarada. Sanadkii 1968 waxa loo magacaabay u qaabilsanaha arimaha maaliyada ee safaarada Masar ku leedahay caasimada Qubrus ee Nicosia (Nikoosiya). Sanadkii 1985 waxa loo badalay xafiiska ergayga joogtada ah ee Masar u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York halkaas oo uu ka noqday la taliye arimaha diblomaasiyada ah. 1992 waxa loo magacaabay safiirka Rome (Roma) ee Talyaaniga. Sanadkii 1999 wuxuu noqonayaa ergayga joogtada ah ee Masar u fadhiya Q.M. intii aan loo magacaabin xilka wasiirka khaarajiga Mr Abul Qeyd wuxuu la soo shaqeeyey wasiir khaarajiyeyaal badan oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ibraahim Kaamil, Mustafa Khaliil, Kamaal Xasan Cali, Cismad Cabdul Majiid, Cumar Muusa iyo Axmed Maahir Al- Sayid. Sanadkii 1968 ayaa waxa uu guursanayaa Layla Kamaal Al-Diin Salaax oo aabaheed ahaa diblomaasi Masari ah oo sanadkii 1957 lagu dilay magaalada Muqdisho ee Somalia iyada oo sanadkii 1950 ay Qaramada Midoobay Somalia si kumeelgaadh ah u hoos gaysay xukunka Talyaaniga kadib markii uu Ingiriisku talyaaniga Somalia ka qabsaday sanadkii 1941 ee dagaalkii labaad ee aduunka. Xoogagii Xulafada ee ku guulaystay dagaalka ayaa iyaga oo Qaramada Midoobay u maraya waxay Talyaanigii jabay u igmadeen inuu Somalia maamulo oo uu mudo 10 sanadood ah madaxbanaani ku gaadhsiiyo waxaana la sameeyey gole la taliyeyaal ah oo

description

Biography book written by Ahmed Abul Qayd, Former Foreign Minister of Egypt, 2004-2011Translated by Yusuf Abdi Gaboobe, Chairman of Haatuf Media Group , Somaliland Republic

Transcript of Waxaan Shaahid u Ahaa

  • Waxaan Shaahid u Ahaa 2004-2011, Soo Koobidii iyo Isku Duba Ridkii Haatuf Media Group Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Mr Axmed Abul Qeyd ayaa dhawaan soo saaray Buug uu qoray oo uu cinwaan uga dhigay Waxaan Shaahid u ahaa kaas oo uu kaga waramayo Siyaasada Dibada ee dalkiisa siday ahayd iyo wixii soo maray mudadii u dhaxaysay tan iyo markii wasiirka khaarajiga loo magacaabay July 2004 ilaa iyo markii xilka laga wareejiyey March 2011. Mr Abul Qeyd waxa uu buugiisan ku sharxayaa rukumada ugu muhiimsan ee siyaasada khaarajiga ee Masar isla markaana waxa uu ka jawaabayaa dhaliilo baryahan dambe loo soo jeedinayey siyaasada arimaha dibada ee Masar inay gaabisay oo doorkii ay ka ciyaari jirtay mandaqda bariga dhexe iyo Afrika-ba ay kala wareegeen dawlado kale oo ka firfircoonaaday. Mr Abul Qeyd wuxuu tilmaamo ka bixinayaa sidii uu madaxweyne Mubaarak uu goaamada u gaadhi jiray iyo habka uu jeclaa in warbixinaha loogu soo gudbiyo. Waxa kale oo uu buugu daboolka ka qaadayaa dhacdooyin aan hore loo shaacin oo saamayn ku lahaa xidhiidhadii u dhexeeyey Masar, Ethiopia iyo qaar ka mid ah dalalka carabta. Axmed Abul Qayd oo dhashay 1942 wuxuu wasaarada arimaha dibada ee Masar ku biiray 1965 waxaanu shaqada ka bilaabay qaybta Yurubta Bari ee wasaarada. Sanadkii 1968 waxa loo magacaabay u qaabilsanaha arimaha maaliyada ee safaarada Masar ku leedahay caasimada Qubrus ee Nicosia (Nikoosiya). Sanadkii 1985 waxa loo badalay xafiiska ergayga joogtada ah ee Masar u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York halkaas oo uu ka noqday la taliye arimaha diblomaasiyada ah. 1992 waxa loo magacaabay safiirka Rome (Roma) ee Talyaaniga. Sanadkii 1999 wuxuu noqonayaa ergayga joogtada ah ee Masar u fadhiya Q.M. intii aan loo magacaabin xilka wasiirka khaarajiga Mr Abul Qeyd wuxuu la soo shaqeeyey wasiir khaarajiyeyaal badan oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ibraahim Kaamil, Mustafa Khaliil, Kamaal Xasan Cali, Cismad Cabdul Majiid, Cumar Muusa iyo Axmed Maahir Al-Sayid. Sanadkii 1968 ayaa waxa uu guursanayaa Layla Kamaal Al-Diin Salaax oo aabaheed ahaa diblomaasi Masari ah oo sanadkii 1957 lagu dilay magaalada Muqdisho ee Somalia iyada oo sanadkii 1950 ay Qaramada Midoobay Somalia si kumeelgaadh ah u hoos gaysay xukunka Talyaaniga kadib markii uu Ingiriisku talyaaniga Somalia ka qabsaday sanadkii 1941 ee dagaalkii labaad ee aduunka. Xoogagii Xulafada ee ku guulaystay dagaalka ayaa iyaga oo Qaramada Midoobay u maraya waxay Talyaanigii jabay u igmadeen inuu Somalia maamulo oo uu mudo 10 sanadood ah madaxbanaani ku gaadhsiiyo waxaana la sameeyey gole la taliyeyaal ah oo

  • taabacsan Qaramada Midoobay kaas oo loo igmaday inuu Talyaaniga hawshii loo xil saaray ku kor meero, iyadoo xubnaha golahaas uu ka mid ahaa Kamaalu Diin Salaax. Hadaba anaga oo soo koobayna waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa cutubkauu Axmed Abul Qeyd kaga hadlayo arinta wada-hadalada mudada dheer jiitamayey ee ku saabsanaa sidii heshiis looga gaadhi lahaa saami-qaybsiga iyo isticmaalka biyaha wabiga Niilka taas oo ay si baan iskugu khilaafeen Masar oo ay Sudan inta badan isku mawqif yihiin mooyaane iyo dawladaha dooxada wabiga intoodii kale (Ethiopia, Uganda, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, iyo Congo Kinshasa) oo isku dhinac noqday, waxaana tan qaybtii labaad: Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 2aad) Biyaha Wabiga Niilka Wasiirka Cusub cusub ee arimaha dibada Mr Axmed Abul Qeyd ayaa wuxuu wasiirka biyaha iyo waraabka ee Masar Maxamuud Abu Zayd ka dalbanayaa inuu warbixin ka siiyo halkay marayaan wadahadaladii Niilku waxaanu Abu Zayd u sheegayaa in wadahadaladaasi ay galeen marxalad xasaasi oo ay arimihii siyaasadu hadheeyeen kuwii dhinaca farsamada ee ay ahayd in laga wada xaajoodo. Abu Qeyd waxa kale oo uu ogaanayaa in wasaarada arimaha dibadu ay leedahay xafiis yar oo kala taliya guud ahaan arimaha biyaha ee dalka gaar ahaana biyaha Niilka balse aanu xafiiskaasi tixgalin hagaagsan ka helin wasaarada, waxaanu amar ku bixinayaa in wasaaradu yeelato tiim (team) khubaro ah oo oo arimaha biyaha niilka kala shaqeeya wasaarada khaarajiga iyo wasaarada biyaha iyo waraabkaba. Bishii August 2004 wasiirka arimaha dibada ee Masar ee cusubi waxa uu u baxayaa safar dibadeed oo uu ku tagayo Kenya iyo Uganda oo ah markii ugu horaysay ee uu labadaa dal booqdo iyo Sudan oo uu soonoqodkiisii soo marayo taas oo ah markii labaad ee uu booqdo [Booqashadiisii u horaysay ee sudan ku tagay waxay ahayd dhawr cisho kadib markii uu xilka qabtay] Inkastoo madaxda iyo warbaahinta ka jirta Kenya iyo Uganda ay danaynayeen xidhiidhka iyaga iyo Masar u dhexeeya iyo waliba kaalinta ay Masar kaga jirto Afrika hadana waxa uqaadan waa igu noqday calool xumada meesha taala ee loo haya wax kastoo carabi ku lug leedahay tiiyoo aanada laguugu tirinayo aanay jirin wax gacan ah ood ku lahayd. Kenya oon ku soo horeeyey waxay madaxdii aan la kulmay dhamaantood ka cabanayeen nidaamkaka taliya Sudan kaas oo ay ku tilmaameen in facaailkiisu iyo sida uu wax u wadaa ay xumaynayso xidhiidhkii Kenya la lahayd Masar iyo Carabta. Waxa Kenyanku naga dalbadeen inay Masar ka caawiso sidii dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta ay uga gudbi lahaayeen. Waxaan ku idhi waxyaabaha Sudan ka dhacayaa ma sahlana mana jirto cid inga mid ah oon ka cabanayn, hase yeeshee waxa haboon in sidii Sudan mixnada ay ku jirto ay uga bixi lahayd aynu falawgeed qabano, hadiise aynu kala

  • raacno dhinacyada Sudan gudaheeda isku haysta ay dhibaatadii jirtay sii cuslaan toonto uun. Dhinaca xidhiidhka Masar iyo Kenya waxaan u sheegay in Masar ahaan ay jirto in aanu kala shaqayno xoojinta ganacsiga u dhexeeya labada dal iyadoo ay labada dhinacba ay ka faaiidaysanayaan heshiiska COMESA [ee u dhexeeya dalalka bariga iyo koonfurta Afrika kaas oo dhigaya in badeecaduhu cashuur laaan iskaga gudbi karaan dalalka xubnaha ka ah urur goboleedkaasi]. Waxaanu u sheegnay in matalan caleenta shaaha ay Masar isticmaasho ay badankeedu haatan ka timaado Kenya taas oo keentay in India iyo Sry Lanka ay labaduba nagaga cawdaan inanau suuqoodii uga wareegnay xaga Kenya. Xildhibaano Kiiniyaan ah oo ku cawday in gobolada laga soo doorto oo ku dhaw harada Lake Victoria ay hadana goboladaa ka jirto biyo yaraani ayaa waxaan la socodiiyey in saacadaa la joogo uu dalkooda ka socdo mashruuc boqol ceel oo biyo ah lagu qodayo oo Masar ay maalgalinayso. Dhawr sanadood ka dibna waxa wasiirka biyaha ee Masar Dr Maxamuud Abu Zayd Iga Aqbalay in tiradii hore ee ceelasha laga qodayo Kenya lagu kordhiyo labaatan Ceel oo kale waxaana sanadkii 2006 noo suurta gashay inaanu ka qaybgalno xaflad loo qabtay furitaankii ceelashaa mid ka mid ah oo ay qoday sharikad Masar laga leeyahay oo la yidhaa Rigo. Booqashadii Kenya oon indhaha ku kala qaaday shaki iyo kalsooni daro badan oo lanaga qabo balse iga dahsoonayd ayaa waxaan ku soo gabagabeeyey booqashadaa shir jaraaid oo suxufiyiintii ka soo qayb galay igu waydiiyeen suaalo cadawtinimo ka dhadhamayso wxaana erayadii na gadho barjeeyey kamid ahaa biyahayagii ayaydun bilaash ku cabtaan ood ku nimcaysan tihiin waxna idinkama helo, waxaanu u baahanahay inaanu dhulkayaga horumarino, waxanau u baahanahay tamar iyo laydh. Anogoo isku dayeya inaan sharaxyar ka bixyo amuurtan waxaan idhi anagu ma nihin qaar qaata waxa aad idinku heli lahaydeen roobabkuna waa kuwan oo way daaan idinkuna si alaala sidaad doontaan ayaad uga faaiidaysan kartaan oo waliba wax badan idinka soo hadhayaan waayo dhamaanteen marka la isku daro intaynu biyaha roobabkaas ka faaiidaysanaa ma dhaafto 4% ama 5% iyadoo biyaha Niilka mara ee lagu qiyaaso 1600 Cubic Meter sanadkii ay Masar kaga soo hagaagaan 55 Cubic Meter oo kaliya. Hase yeeshee hadalkaygii dheg looma dhigin waxaanan Kenya u dhaafay xagii Uganda. La Soco.. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 3aad) Biyaha Wabiga Niilka Madaxweynaha Uganda ee Museveni waxaan la kulmay 11:00-kii habeenimo. Markii aan u dhiibay fariin qoraal ah oon Madaxweyne Mubarak uga siday ee aanu wali hadal kale afkiisa ka soo bixin ayaa Museveni wuxuu yidhi Ma ogtahay inaan fircoon Masri ahi aanu wali na soo booqan iyadoo waliba asal ahaan aad halkan sare ee Niilku ka soo bilaabmo ka soo jeedaan.

  • Markii aan Qaahira ku noqday ayaan wixii Museveni i yidhi uga sheekeeyey Madaxweyne Mubarak kolkaasu Mubarak yidhi Museveni wuxuu ilawsan yahay inaan mar booqasho ugu tagay anigoo Madaxweyne ku xigeenkii Saadaat ah. Jawaabtaa Mubarak waxaan Museveni gaadhsiiyey fursadii ugu horaysay ee aanu dib ugu wada kulano oo ahayd shirweyne AU-du ku yeelatay Nigeria January 2005, markaasuu Museveni yidhi Cida aan doonayaa inay booqasho iigu timaadaa waa Madaxweyne ee maaha Madaxweyne ku xigeenkii Madaxweynaha noqday. Waxaan Museveni ugu balan qaaday in aan mar uun Madaxweynaha Masar Uganda ugu keeno. Nasiib wanaag dhawr sanadood kadib anigoo Mubarak ku qanciyey inuu booqasho ku tago dalka South Africa waxa kale oo uu iga aqbalay inuu Uganda sii maro oo uu dhawr saacadood ku sii hakado magaalada Entebbe ee ku taala harada Lake Victoria qarkeeda. Hase yeeshee nimankii sirdoonka Masar ayaa si weyn uga soo horjeedsaday booqashada Uganda iyagoo sabab uga dhigayey in diyaarada Madaxweynuhu markay soo fadhiisanayso laga soo toogan karo dhulka ayda ah ee ku dhaw goobta ay diyaaraduhu kaga soo dagaan dhabaha garoonka magaalada Entebbe. Waxa kale oo sirdoonku ay ku doodayeen in jidka la sii marayo marka Entebbe laga tagayo ee lagu sii socdo caasimada Uganda ee Kampala uu yahay mid balac ahaan cidhiidhi ah oo hareerihiisana aad loo degan yahay taas oo halis galin karta kolanyada Madaxweynaha. Laakiin anigu dhinacayga waxaan Mubarak u dusiyey xaqiiqada ah in mar kasta Masar ahaan khasaare ugu jiro hadii loo arko in Madaxweynihii dawlada Masar aanu danaynayn booqashadaa [Dalalka Afrikaanka ah ee ku yaala dooxada Niilka ee biyaha wabigaasi ay Masar wadaagaan]. La Soco.. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 4aad) Biyaha Wabiga Niilka Inkastoo ay dhawr saacadood uun ahayd waan ku guulaystay in booqashadii Mubarak ee Uganda ay hirgasho. Laakiin sanadihii dambe ee aan wasaarada arimaha dibada sii joogay iimay qabsoomin booqashooyinkii kale ee aan doonayey in Madaxweyne Mubarak ku tago wadamada Kenya iyo Tanzania iyo dalalka kale ee dooxada Niilka midkood toona. Yoweri Museveni oo igu qaabilay xafiiskiisa ku yaala qasriga madaxtooyada ee Kampala ayaa wuxuu I waydiiyey oo uu igu yidhi Nimankan aad walaalaha tihiin ee duubabka waaweyn ee cad madaxa ku sita miyeydaan ka qaban karin isku dhacan dhiiga badan ku daato ee dhex mara iyaga iyo qabaailka Koonfurta Sudan ilayn dhibta halkaas ka dhacdaa waa mid cid walba soo gaadhi doonta eh

  • Hadalkaas iyo hadaladii la nagu lahaa markii aanu maraynay Kenya markaan isu geeyo wax iiga soo baxay in dawladahani ay si adag u diidan yihiin ugana soo horjeedaan xukuumada Sudan. Museveni waxa uu Madaxweyne Albashiir ku eedeeyey inuu faragalin ku hayo arimaha gudaha ee Uganda oo uu taageero siiyo kooxo reer Uganda ah oo dagaal hubaysan kula jira xukuumada Kampala. Museveni oo sheegay in roobabka oon baryahan dambe si fiican u diin daraadeed ay is dhimeen biyihii harada Like Victoria, waxa kale oo uu ka hadlay baahida dalkiisu uu u qabo tamarata isagoo ku doodaya in hadii tamartii laydhka dhalinaysay la waayo ay dadka reer Uganda ku digaafi doonaan dhirta oo markay geedaha jaraan ee dhirtii la waayana ay roobabkuna yaraan doonaan. Laakiin intii aanu Nairobi joognay waxaan Kenyaan-ka ka maqlayey in Uganda lafteedu ay masuul ka tahay biyaha is dhimay ee Like Victoria sababtuna tahay dawlada Uganda oo biyo badan u duday xagga biyo-xidheenka tamarta laydka biyaha ka dhaliya ee la yidhaa Owin taas oo saamaysay Kenya iyo Tanzania-ba. Maan rabin inaan la wado Museveni oon la galo muran ku saabsan arinta Sudan oo waxaan u sheegay uun inaanu doonayno itaal halkuu na dhigaba in aanu gacan ka gaysano sidii ay Sudan uga bixi lahayd dhibaatooyinka haysta. Waxaan se Museveni u sheegay in Masar ay danaynayso dalka Uganda oo ay jeceshahay inay xadhiidhka ugu fiican la yeelato, waxaanan meeshii ka xusay mashaariic ay dawlada Masar maalgaliso oo ay ka wado dalkiisa sida banaynta togaga yaryar ee Uganda dhexdeeda mara ee ku shubma Niilka cad hawlahaas oo Museveni laftiisu ka marag-furay inay jiraan. Gabogabadii booqashadaydii waxaan la kulmay oon waraysiyo gooni-gooni ah siiyey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanan ku khatimay shir jaraaid oo aan qabtay. Tabtii Kenya oo kale ayaa suaalihii la i weydiinayey wada ahaayeen qaar cadaawadi ka dhadhamayso..Biyahayaga ayaad iska cabtaan waxtarna idinkama hayno. ayay ahaayeen erayada la igu mudmudayey kuwaas oo jawaabta aan ka bixiyneyay ahayd. Qadarka iyo cimilada ayaa idiinku deeqay khayraadka dhulkiina hela anaguna waxaanu nasiib u yeelanay dhulkiinan xaga sare u dheer biyaha ka soo rogmadaa inay xagayaga usoo qulqulaan, wabiga laaantiina inaanay Masar jirteen. Waxaanse ogaaday in dalalkan ay dhibi ka haysato sidii ay u horumarin lahaayeen dhaqaalahooda iyadoo ay arkayaan Masar oo dhaqaale ahaan dhaqaaqday oo maalinba maalinta ka dambaysa wax u kordhayaan. Inkastoo intii aanu ku jirnay socdaaladii Kenya iyo Uganda la soo hadal qaaday mawduucii ahaa wadahadalada saami-qaybisga biyaha Niilka hadana hoos ugumaanaan dhaadhicin. Waxaan carabaabay oon tilmaan ka bixiyey uun in wadahadaladaasi ay hada marayaan shan sanadood walina ay socdaan oo aanu danaynayno inay dhawaan soo afjarmaan oo ay ka soo baxaan natiijooyin cuntamaa. Dibu Soo Noqashaydii Booqashadaydii waxaan sii maray Khartoum halkaas oo aan kula kulmay wasiirkii arimaha dibada ee Sudan Mustafa Cismaan Ismaaciil iyo wasiiro dawlooyin

  • arimaha dibada ah. Markii aan uga waramay socdaalkaygii Kenya iyo Uganda ayaa masuuliyiintii reer Sudan waxay si kulul u weerareen Museveni iyo siyaasada Uganda ee ku aadan mandaqada iyadoo ay Uganda ku eedeeyeen inay sanado badan faragalin ku haysay Koonfurta Sudan oo ay qori-dab le la dhex wareegaysay isla markaana ay doonayso inay bariga Afrika ka amar ku taaglayso. Inkastoo aan hadalkoodii aad u dhagaystay oo ay wax iiga baxeen hadana waxaan iska dhawray inaan ku milmo oon u xujoodo cidaha cadaawaduhu iyo dakanooyinku ka dhexeeyaan si aanay wax iigaga soo leexan. La Soco. Wadamada Bairga Afrika waxaanu dhamaantood ku lahayn safaarado, waxaanu goaansaday in la dardar galiyo safaaradahaas oo la geeyo dad xagga aqoonta ka dhisan oo diyaar u ah inay dalkooda u hagar baxaan. Waxay dhibaato naga haysatay safiirada oo warwareeg iyo dabin dhawr ka sameeya in loo diro wadamada Afrika. Diblomaasiyiinta kale ee ka darajo hoosaysaana waxaabay jeclaystaan in loo magacaabo wadamada tadhahay ee noloshooduna xaqa-beelka leedahay. Si arintan wax looga qabto waxa daruuri noqotay inaanu naas-nuujin dheeraad ah u samayno diblomaasiyiinta Afrika loo magacaabayo taas oo ay ka mid ahaayeen waxyaalo sadd-buursiimo ah oo looga kordhiyey dhinacyada mushaharka, fasaxyada, daryeelka caafimaadka, waxbarashada caruurta, walow ilaa imika ay sii jirto ku dhiirasho laaanta laga warwareego wadamada Afrika. Kuwaas ayaa hadana ku afgobaadsanaya in Afriki ay ahmiyad weyn u leedahay danaha Masar. Waxaan xoojin ku sameeyey xafiiskii wasaarada dibada u qaabilsanaa biyaha Niilka iyo waaxda Afrika ee wasaarada dhexdeeda, waxaanan faray inay arinta biyaha Niilka iskaashi kala sameeyaan wasaarada biyaha iyo waraabka iyo waliba hayadaha sugida amniga qaranka. Ka soo noqoshadii safarkii koowaad ee aan Afrika ku tago oo todobaadyo laga joogo uun, ayaan hadana u cabaystay safar kale oon ku tagayo Ethiopia iyo Tanzania si aan wax uga ogaado halkuu marayo xidhiidhkii u dhexeeya Masar iyo labadaasi dal. Intaan wasaarada joogay tiraba ilaa toban safar waan ku tagay Ethiopia halka wadamada Kenya iyo Tanzania aan dhawr jeer booqasho ugu noqnoqday. La Soco.. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 5aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka

  • Wadamada Bariga Afrika waxaanu dhamaantood ku lahayn safaarado, waxaan goaansaday in la dardar galiyo safaaradahaas oo la geeyo dad xagga aqoonta ka dhisan oo diyaar u ah inay dalkooda u hagar baxaan. Waxay dhibaato naga haysatay safiirada oo warwareeg iyo dabin dhawr ka sameeya in loo diro wadamada Afrika. Diblomaasiyiinta kale ee ka darajo hoosaysaana waxaabay jeclaystaan in loo magacaabo wadamada tadhahay ee noloshooduna xaqa-beelka leedahay. Si arintan wax looga qabto waxa daruuri noqotay inaanu naas-nuujin dheeraad ah u samayno diblomaasiyiinta Afrika loo magacaabayo taas oo ay ka mid ahaayeen waxyaalo sadd-buursiimo ah oo looga kordhiyey dhinacyada mushaharka, fasaxyada, daryeelka caafimaadka, waxbarashada caruurta, walow ilaa imika ay sii jirto ku dhiirasho laaanta laga warwareego wadamada Afrika. Kuwaas ayaa hadana ku afgobaadsanaya in Afriki ay ahmiyad weyn u leedahay danaha Masar. Waxaan xoojin ku sameeyey xafiiskii wasaarada dibada u qaabilsanaa biyaha Niilka iyo waaxda Afrika ee wasaarada dhexdeeda, waxaanan faray inay arinta biyaha Niilka iskaashi kala sameeyaan wasaarada biyaha iyo waraabka iyo waliba hayadaha sugida amniga qaranka. Ka soo noqoshadii safarkii koowaad ee aan Afrika ku tago oo todobaadyo laga joogo uun, ayaan hadana u cabaystay safar kale oon ku tagayo Ethiopia iyo Tanzania si aan wax uga ogaado halkuu marayo xidhiidhkii u dhexeeya Masar iyo labadaasi dal. Intaan wasaarada joogay tiraba ilaa toban safar waan ku tagay Ethiopia halka wadamada Kenya iyo Tanzania aan dhawr jeer booqasho ugu noqnoqday. Socdaalkaygii Ethiopia waxa goor habeenimo ah igu qaabilay qasriga dawlada Raysal Wasaarihihii Meles Zenawi oo uu wehelinayey wasiirul khaarajiyihiisii xariifka ahaa Seyoum Mesfin. Meles Zenawi wuxuu ka hadlay taariikh ahaan dhibaatooyinkii u dhaxayn jiray Masar iyo Ethiopia waxaanu ku tiraabay in la joogo wakhtigii ay Masaaridu ku baraarugi lahaayeen ahmiyada ay Ethiopia leedahay faaiidada ku jirta in iskaashi lala yeesho. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay dhaliilo uu usoo jeedinayey Eritrea iyo Madaxweynaheeda Isaias Afawerki kaas oo uu ula talaabay xaga Masar oo uu ku sheegay inay la safnaan jireen Eritrea isagoo noo quusinaya oo leh waydinkii gacanta ku lahaa madaxbanaanidii Eritrea gaadhay idinkoo taakulayn jiray jabhadihii ay kula dagaalami jireen dawladihii Haile Selassie iyo Mengiste-ba. Hogaamiyaha Ethiopia waxaan u sheegay in Masar ay doonayso xidhiidh adag in ay la yeelato Ethiopia oo aanaan Eritrea la safnayn. Waxa se ila qumanaatay in aan u qirto in Masar dhexdeeda uu ka jiro rayi qaba in mashaakil Ethiopia lagu furo loona adeegsado Eritrea ay tahay sida kaliya ee loo nuglayn karo mawqifka Ethiopia ku ligan tahay ee khuseeya biyaha Niilka sidaas waxaan u idhi inuu soo baydho oo uu wax nala garto gaar ahaan arinta biyaha oo aanay dayradiisu cido kale noo gacan galin.

  • Iskumaan dayin inaan la sii wadwado sheekada xidhiidhkii dheeraa ee isaga iyo Afawerki lahaan jireen waagii ay isu xulafaysteen taliskii Mengiste intaanu xiligan khilaafku soo kala dhex galin. Calaa-ayi-xaal waxaan u sheegay in Masar ahaan aanu jecelnahay kobcinta xidhiidhka labada dal dhinac walba, khaasatan arimaha ganacsiga siiba hilibka xoolaha ee Masar u baahan tahay in loo dhoofiyo taas oo Ethiopiana aad u danayso. Waxaan u sheegay in Masar ay lacag malaayiin ihi kaga baxdo xoolaha daabaxa ee dibada looga soo waarido kuwaas oo aanu karno inaanu qunyar qunyar usoo leexino inay dhinacooda (Ethiopia) nooga yimaadaan. Laakiin se ay muhiim tahay in iyaguna dhinacooda iska xilqaamaan oo ay naga hubiyaan caafimaadka xoolaha la soo dhoofinayo. Waxaan dareemay sida uu raysal wasaaraha Ethiopia ula dhacsan yahay suuqa Masar in loo furo xoolaha Ethiopia. Markii aan Qaahira ku soo noqday ayaan golaha wasiirada hortooda waxaan ka sheegay inay jiraan fursado balaadhan oo suurta galin kara xidhiidh is afgarad iyo iskaashi ah oo lagaga gudbi karo dhibaatooyinkii la soo maray iyo kuwa hadda taaganba gaar ahaan arinta biyaha. La Soco. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 6aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Safaradii aan wadamada dooxada Niilka ku marayey waxa ugu badnaa ee ay igala hadli jireen waxay ahayd arinta xoolaha oo ay danayn jireen inay Masar u dhoofiyaan. Dawlada Tanzania iyadu waxaabay soo jeedisay inay dhul balaadhan siiso Masar si ay xoolo ugu dhaqato isla markaana ay maxjaro ay ka shaqeeyaan dhakhaatiir reer Masar ahi ka dhistaan dalka Tanzania si loo hubiyo caafimaadka xoolaha u dhoofaya. Waxaanse ka xumahay arimahaas oo golihii wasiirada ee aan hordhigay ogolaaday inaan hadana waxba ka suuragalin dhinacayaga kadib markii ay iska kaaya hortaageen maafiyada Masar ee xuurtada ku haysata soo dejinta hilibka xoolaha, fashilaadaas oo anagana ceeb iyo waji-gabax nagu keentay, wadamadii Ethiopia, Uganda, Kenya, Tanzania iyo Koonfurta Sudan ee aanu doonaynay in xidhiidhkayagu isu sii faruurmo oo ganacsi ahaan la isa sii dhex galana muraara-dilaac iyo qaracan ku riday. Waxaanu u biyeysanay xagii Ethiopia. Waxaanu ku dhaqaaqnay in la soo celiyo kulan xiliyeed saddex geesood ah oo hore u jiri jiray kaas oo mudo marka la joogaba fadhiyo cayiman isugu iman jireen sadexda wasiirul khaarajiye ee wadamada Masar, Sudan iyo Ethiopia.

  • Ujeedada dib aanu boodhka uga jafaynay ayaa ahayd inay wasiiradu fursad u helaan hadba arimaha ay dawladahoodu iska kaashanayaan iyadoo aanu hiyiga ku hayno in biyaha Niilku ka mid ahaadaan kuwa ugu horeeya ee la iska kaashan karo. Raysal Wasaaraha Ethiopia waxaanu ku marti-qaadnay inuu booqasho ku yimaado Masar oo uu Madaxweynaha la kulmo isagoo mar labaadna u yimid ka qaybgalka shirkii dawladaha NEPAD ee May 2005 ka dhacya dalka Masar. Waxay noqotay in xidhiidhku hore u soo hinqaday. Xiligii ciidamada Ethiopia ay gudaha Somalia galeena dawlada Masar kamay soo bixin jawaab diidmo ah oo ka dhan ah Ethiopia. Waliba waxaanu Seyoum Mesfin garawshiiye ku siinay guda-galka ciidamada Ethiopia ee Somalia ee ay kaga hortagayaan kooxaha hubaysan ee haystay Somalia walow aanu Mesfin u raacinay inay ciidamada Ethiopia ku sii sugnaanin Somalia ee waajibaadkooda markay gutaan dib uga soo laabtaan, sidaas waxaan ahayna ay Ethiopia dhib iyo nusqaan ka dhaxli karto. Seyoum Mesfin wuxuu qaatay dareen ah in Masar ay doonayso in Ethiopia shaki saarto oo aanay ku talo jirin inay mashaakil kaga kiciso wadamada ay ood-wadaaga leeyihiin iyo Eritrea-ba. Tiiyoo sidaasi jirto ayaa wadahadaladii biyuhu mar alaale markay cakirmeen, Raysal Wasaare Meles laba jeer oo aanu is aragnay 2009 iyo 2010 wuxuu ka cawday oo uu noo sheegay in hadaanu Masaarida nahay aanu xidhiidh iyo gacan saar la yeelanay kooxo mucaarid ah oo gudaha dalkiisa ku sugan. Arintaas Meles wuxuu ku tilmaamay inay Masar uga dan-leedahay xaalad abuur Ethiopia ku dabciso mawqifka ay ka taagan tahay biyaha Niilka taas oo uu yidhi waa waxaan dhacayn anaga Masar ahaana uu nagula taliyey inaanu joojino si aan xidhiidhka labada dal u xumaan. Tabashooyinkaas iyo eedahaasi lanagu tuhmay waxaan kula noqon jiray madaxa hayadda sirdoonka qaranka General Cumar Saleebaan oo isaguna mar walba odhan jiray wax aliyaale wax ka jiraa ma jiraan. Eritrea lamaanu lahayn xidhiidh iskaashi oo wax u dhimaya xidhiidhka Masar iyo Ethiopia. Laakiinse asal ahaan xidhiidhka Ethiopia iyo Masar oo ahaa mid kala shaki iyo isaseeg badan taariikh ahaan lahaan jiray, shan geesna isu mari jiray Masar/Sudan/Somalia/Ethiopia/Eritrea, xidhiidhkaasoo ahaa mid hadd iyo jeer dhaako-dhaako ah oon hadimo waayin. Xaqiiqo ahaan tan iyo bilawgii qarnigii 21aad ee cusbaa Masar waxay talo ku goosatay inay xageeda ku dedaasho wanaajinta xidhiidhka ay Ethiopia la leedahay. Laakiinse shaki ku abuuran Ethiopian-ka oo ay ka qabaan Masaarida ayaa caqabad ku noqday horumarkii la doonayey in xidhiidhka labada dal yeesho. La Soco.

  • Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 7aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Marka aynu dib u jaleecayno arinta wadaxaajoodka saami-qaybsiga iyo isticmaalka biyaha Niilka oo ah qodobka laf-dhabarka u ah mawduuceenan, waxaan qabaa in aan sharax laga bixin karayn intay durugsan tahay saamaynta qadiyada Niilku hadii aan marka hore xog laga haysan sooyaalka taariikheed ee arintani soo martay iyo siyaasadii ay Masar qarnigii hore ku ilaashan jirtay danaheeda ku waajahan biyaha Niilka iyo qawaaniintii la kala saxeexday ee ku saabsanayd sida loo isticmaalayo wabiga. Wabigu wuxuu saamayn weyn ku lahaa oo uu xukumi jiray kolba caynka uu noqonayo xidhiidhka Masar ay la yeelanayso caalamka dibada. Ingiriisku markay horaantii qarnigii 20aad Masar iyo Sudan ay dusha ka xukumi jireen waxay ismaamuladii Masaarida ul-ku-maal uga dhigi jireen arinta biyaha Niilka oo ay ku barqo jabin jireen markay doonayaan in wax aanay raali ka ahayn ka fushadaan. Tusaale ahaan sanadkii 1913 markii ay Ingiriisku dareemeen inuu jiro guux ay dadka Masaarida ahi ku diidan yihiin joogitaankooda, Ingiriisku waxa ay bilaabeen diyaarinta daraasad ku tacaluqda biyo xidheen laga samaynayo Niilka buluuga ah (Blue Nile) ee ka soo qulqula Ethiopia taas oo ay cabsi galin iyo digniin uga dhigayaan shacbiga iyo xukuumada Masaaridaba si aanay uga hor iman xukunkooda Tabaha baraq jabinta ah ee uu Ingiriisku Masaarida ku cabsiin jiray waxa ka mid ah digniinta uu u diray [Hogaamiyihii kacdoonkii 1919] Sacad Zaqluul in Ingiriisku si weyn u fidin doono dhulka ay Sudan-tu beertaan ee laga waraabiyo Niilka. Baraq jabinta saddexaad ee Ingiriisku Masaarida kula kacay waxa ay dhacday kadib markii Masar lagaga dilay nin madax ah taas oo uu ku aargutay in meesha Jazeera la yidhaa ee wadanka Sudan gudihiisa uu ka beero cudbiga oo uu biyo gaadhaya 4.5bilyan cubic miter kaga baydhiyo wabiga Niilka. Qarnigii 20aad dhamaantii Masar caqabado isdaba yaal ayaa kaga imanayey dhinaca wadamada dooxada wabiga Niilka. Ka hor intii aanay Masar iyo Sudan kala saxeexan heshiis dambe sanadkii 1959, ayaa Sudan waxay sanadkii 1958 deedafaysay heshiiskii 1929 ee ku saabsanaa biyaha wabiga Niilka kaas oo ay ku durtay in aanay kaba mid ahayn dhinacyadii kala saxeexday. Mawqifka Sudan ee xiligaasi wuxuu lug ku lahaa waraabka mashruucii cudbiga ee Jazeera. Dawladaha ku dhaca ka-soo-gororka wabiga (Manbac) ayaa iyaguna tabtaas Sudan oo kale markii ay madaxbanaanidii qaateen diiday inay aqoonsadaan dhamaan heshiisyadii isticmaarkii iyaga haystay uu cid kale magacooda kula galay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen heshiiskan wabiga ee 1929 [iyo 1959] ,Mudadaa iyana waxa jiray isku-dayo hindiseyaal dhawr ah oo la doonayey in lagu abuuro xidhiidho iskaashi horumarineed oo dhex mara wadamada wadaaga dooxada Niilka.

  • Isku-dayadaas oo is daba yaalay waxa kii ugu horeeyey ahaa 1964 kaas oo ahaa daraasad mashaariic la doonayey in laga hirgaliyo harooyinka waaweyn iyo isku-daygii kale ee sanadkii 1983 lagu waday in mashaariic horumarineed laga dhex fuliyo wadamada dooxada iyo fikradii la isla qaatay sanadkii 1995 ee ahayd in la sameeyo heshiis iskaashi oo isla wadamadaas dhex mara ilaa iyo hindisahan ugu dambeeyey ee [1999] kaas oo ka soo unkamay Baanka Aduunka oo dawladaha dooxada usoo bandhigay inay isla qaataan qaabka heshiis dhaabadaysan (framework agreement) oo leh qawaaniintii kala xadayn lahayd isticmaalka saami qaybsiga biyaha wabiga Niilka isla markaana wadada u xaadhaysay inay iskaashi iyo gacan horumarineed ku helaan iyadoo hindisahaasi uu ku ladhnaa asaasida maamul sare oo dawladaha dooxada uga masuul noqda mashaariicda ay dhexdooda iska kaashan doonaan oo qaab dhismeed ahaan ka kooban gole heer wasiiro ah oo leh gudi kala talisa dhinaca arimaha farsamada iyo xoghayn joogto ah (permanent secretariat) oo fadhigeedu yahay magaalada Enttebe ee dalka Uganda. La Soco. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 8aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Mr Axmed Abul Qeyd wasiirkii arimaha dibada ee Masar wuxuu isku dayadaa dhicisoobay eedooda dusha ka saarayaa dalalka ka-soo-gororka wabiga (duwalul mambac) oo ilaa wakhtigii ay gobanimadooda qaateen ilaa la soo gaadhayo hindisahan cusub ee 1999 wali ku dhegen mawqif ah inaanay aqoonsanayn heshiisyadii hore ee Niilka oo sida Abul Qeyd qabo ah kuwa kaliya ee ilaa hada sharciga ah maadaama aanu jirin wax la isku wada-raacsan yahay oo lagu bedelay. Wasiirku wuxuu tilmaamayaa in isku dayada fashilmay ay ku luntay fursad iskaashi oo ay ka wada faaiidaysan lahaayeen shucuubta degan dalalka dooxada wabiga Niilka. Isagoo xusaya in Ethiopia laba shir oo caalamiya oo midna lagu qabtay dalka Argentina 1977 ka kalane xarunta UN-ka ee New York 1999 ay ku soo bandhigtay qoraalo ay ku akidayso inay u madaxbanaantahay wax ka xidhayaana aanay jirin isticmaalka biyaha Niilka. Mr Abul Qeyd waxa uu garwaasiinayaa dawladaha ka-soo-gororka wabiga oo uu leeyahay diidmadooda heshiisyadii la gaadhay xiligii ay dawladahaasi gumaysiga ku hoos jireen inay tahay arin ka soo horjeeda oon waafaqsanayn heshiisyada heerka caalamiga ah iyo kuwa heerka goboleedba ee ku saabsan isticmaalka biyo-mareenada caalamiga ah een gaadiid maristu ku jirin [uses of international water courses for non-navigational purposes].

  • Markii la isku mari waayey qodobadii heshiiska cusub wadahadaladiina jiitameen ayaa dawladihii dooxada Niilku waxay horaantii 2004 goaansadeen in la sameeyo guddi loo wada dhan yahay oo xal ka gaadha qodobada khilaafku ka taagan yahay ee caqabada ku noqday dhamaystirkii heshiiskii laga gaadhi lahaa Niilka. ---Hase yeeshee ma jirto wax natiijo ah oo gudidaas lafteedu ay ka gaadhay hawshii loo diray. Abul Qeyd waxa xilka wasiirka khaarajiga loo magacaabayaa badhtamihii 2004 iyadoo wali la isku mari layahay wadahadaladii ujeedadoodu ahayd sidii heshiis looga gaadhi lahaa saami-qaybsiga biyaha Niilka iyo xeer-hoosaadyada nidaaminaya isticmaalkooda. Masar waxay taagnayd in xuquuqdii ay heshiisyadii hore u kafaalo qaadeen ay yihiin lama taabtaan sida qusumka ay biyaha ku lahayd oo ahaa 55.5 bilyan cubic miter sanadkiiba siday heshiisyadaasi dhigayaan iyo waliba qodobka odhanaya in dawlad kasta oo doonaysa inay mashaariic ka hirgaliso wabiga ay ku waajibayso inay marka hore ku wargaliso Masar oo ay isla qaataan hawsha la fulinayaa baaxaday leedahay si loo hubiyo in aanay wax u dhimayn biyaha Niilka ee u qulqula dhinaca Masar, halka dawladaha kale marka laga reebo Sudan oo inta badan Masar ay isku mawqif yihiin ay todobadooduba heshiisyadii hore u arkaan qaar aan iyaga khusayn maadaama ay kala saxeexdeen isticmaarkii iyaga xukumayey iyo dhinacyo kale. Sanadkii 2005 ayaa wasaarada arimaha dibada ee Masar markay qiimayn ku samaysay xaalada ayaa waxa uga soo baxaya ifafaalaha mawqif siyaasadeed oo adag oo Masar kaga soo fool leh dhinaca arinta wadahadalada biyaha Niilka, waxaanay wasaarada khaarajigu ku talo bixinaysaa in dawlad ahaan laga sii tabaabushaysto arintaa xag siyaasadeed, sharci iyo farsamo-ba iyadoo qorshihii u horeeyey ee ay Masar ugu diyaar garoobaysay marxaladaa adag ee la filayo in wadahadaladii Niilku galaan uu Madaxweyne Mubarak ku magacaabayo guddi qaran oo u xilsaaran arimaha biyaha. Gudidan oo raysal wasaaruhu gudoomiye ka yahay xubnona ka yihiin wasiiro mudakar ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada ayaa waajibaadka koowaad ee la siinayo waxa ka mid ahaa inay la socoto hadba halka ay marayaan wadahadalada biyuhu isla markaana team-ka Masar uga qayb galaya wadahadaladaasi u kala cayinto arimaha aan wax tanaasul ahi uga banaanayn ee ay tahay inay ku adkaystaan iyo kuwa loo ogol yahay inay gorgortan ka gali karaan ee ay dabacsanaana ka muujin karaan iyo waliba inay adeegsato tab iyo xeelad wixii suurtagal ah ee loogu soo joogsanayo ergada wadahadalada ee reer Masar sida mucaawinooyin loo bilaabo dawladaha dooxada si ay Masar ugu soo xidhmaan oo ay u arkaan in ka horimaadka Masar ay u dhaanto inay wax la qabsadaan. La Soco. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 9aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo A. A Garas Oo Isku Dubariday

  • Biyaha Wabiga Niilka Xogta iyo talooyinka ay wasaarada Biyaha iyo Waraabka ee Masar soo bandhigtay waxa ka mid ahaa in saamigii biyaha ee ahaa 55.5 bilyan cubic miter ee Masar loo qoondeeyey sanadkii sida uu dhigayey heshiiskii 1959 aan ilaa hada wax isbedel ah lagu samayn iyadoo mudadaas dhan ay tirada dadweynaha Masar kordhaysay haatana ay cagacagaynayso 83 milyan taas oo ka dhigaysa xajmiga biyaha kaga soo hagaagaya qofka Masriga ah sanadkii wax ka hooseeya heerka caalamiyan loo aqoonsan yahay saboolnimada biyaha, sidaas darteedna aanay Masar aqbali karin heshiis kasta oo saamigeeda biyaha wax ka dhimaya ama laalaya qodobka dalalka ka-soo-gororka wabiga ka mamnuucaya mashaariic wax u dhimi kara saamiga ay Masar ku leedahay biyaha oo ay ka hirgaliyaan Wabiga iyagoon ogolaansho ka haysan dawlada Masar. Wasaarada Biyaha iyo Waraabka ee Masar waxyaalaha ay sheegtay inay Masar ku garnaqsan karto waxa ka mid ahaa in dalalka mambacu (ka-soo-gororku) leeyihiin biyo ka badan baahidooda oo Niilka ka sokow ay dalalkaasi maraan togag iyo wabiyaal kale halka isha kaliya ee Masar biyaha ka heshaa tahay wabiga Niilka oo qudha. Tusaale ahaan waxa Ethiopia ka jira 11 wabi oo ay maraan biyo lagu qiyaaso 1023 bilyan cubic miter roobabka ka daa sanadkiina 923 bilyan cubic miter; Uganda iyadu waxay biyo badnaan ka qabto 17% dhulkeeda waxa jiifa biyo; Tanzania waxa ka jira ilaa 200 wabi; dalka Congo Kinshasa (DRC) wabiga caanka ah ee mara ee la yidhaahdo River Congo biyaha uu qaado waxa lagu qiyaasaa 1600 bilyan cubic miter sanadkii oo laakiin badankoodu badda ku dhacaan. Iyagoo ka duulaya macluumaadkaa Masuuliyiinta Masaaridu waxa ay isla meel-dhigeen inay ku shaqeeyaan siyaasad ah in sinaba aan looga tanaasulin qusumkii ay Masar biyaha Niilka ku lahaan jirtay ee heshiisyadii hore u jideeyeen; in si loo kordhiyo xajmiga biyaha ku darsama Niilka la baneeyo togaga yaryar iyo laagaha faraha badan ee awdmay; mashaariic horumarineed oo ka dhaxaysa Masar iyo dalalka kale ee dooxada in sidii loo hirgalin lahaa falawgeed la qabto; in deeqaha beesha caalamka looga faaiidaysto fulinta mashaariic ay iska kaashanayaan Masar iyo dawladaha kale ee dooxada Niilku; in la xoojiyo xidhiidhka gaargaarka ah ee u dhexeeya Masar iyo dawladaha kale ee dooxada mid walba goonideed la iskana dhawro in dawladahaas midkoodna lala ficiltamo. Bishii February 2006 ayaa wasiirka arimaha dibada Axmed Abul Qeyd iyo Wasiirka Waraabka Dr Maxamuud Abu Zayd waxay u baxayaan safar ay ku tagayaan Kenya, Tanzania, Uganda, Burundi iyo Rwanda oo ay soonoqodkana soo marayaan Ethiopia. Mr Abu Qeyd oo ka waramaya ujeedada safarkaasi wuxuu yidhi Waa marka hore eh intii aanu safarkaa ku jirnay waxa ii cadaatay saamaynta balaadhan ee uu wasiir Abu Zayd ku lahaa geedi-socodka wadahadalada biyaha Niilka marka laga eego dhinaca aqoonta uu u leeyahay mawduucan biyaha iyo arimaha kale ee la xidhiidhaba iyo waliba xidhiidhada firfircoon ee uu ku dedaalay inuu la yeesho masuuliyiinta dawldaha dooxda Niilka dhamaantood.

  • Mudo shan sanadood ah oo uu Masar ku matalayey wadahadalada ayaa Dr Zayd waxa uu difaacayey xuquuqda soo jireenka ah ee ay Masar ku lahayd biyaha Niilka. Hase yeeshee markii ay mudadaasi oo dhan ismari-waayeen dawladaha ka-soo-gororka oo iyagu qaba in heshiisyadii hore aanay khusayn ayaa Abu Zayd waxa uu ogolaaday in heshiisyadaa hore lagu bedelo fikrad cusub oo Baanka Aduunku u soo bandhigay guddida farsamada ee wadahadalada taas oo nuxurkeedu yahay sidii ay dalalku biyo-sugan u wada heli lahaayeen (water-security for all). Fikradan oo macnaha ugu weyn ee ay ku fadhidaa uu yahay in cid waliba biyo ku filan ay hesho ayaa hadii la isla qaato waxay damaanad u noqon kartaa hadiiba heshiis ka dhasho wadahadalada biyaha aanu heshiiskaasi wax u dhimin biyaha ay dalalka dooxadu ka heli jireen wabiga iyo siyaabihii ay biyaha u isticmaali jireenba. Inkastoo ay dalalka dooxadu soo dhaweeyeen fikraddan hadana ma jirin wax natiijo ah oo wadahadaladii biyaha laga gaadhay oo waxa la isku mari waayey labadii qodob ee kala ahaa xidhiidhka u dhaxaynaya heshiiska cusub ee la wado iyo heshiisyadii hore ee jiray iyo in dawladaha ka-soo-gororku ay Masar ogaysiiyaan ogolaanshana uga helaan wixii mashaariic ah ee ay doonayaan inay ka hirgaliyaan wabiga. La Soco. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 10aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo A. A Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Dabayaaqadii 2006 iyadoo aan heshiiskiina wali la gaadhin ayaa gudidii farsamada ee wadahadalada mudada dheer soo waday waxa ay hawshii u xilsaarnaayeen ku wareejiyeen wasiiradii biyaha ee dawladaha dooxada kuwaas oo kulamo ay arintaas ku lafa-gurayaan ku yeeshay Bujunbura, Enttebe iyo Qaahira sanadihii 2007/2008 balse ku guuldaraystay inay xal u helaan murankii ka taagnaa labadii qodob ee kala ahaa waxa laga yeelayo heshiisyadii hore iyo heshiiska cusub ee ka wadahadalkiisu socdo iyo in Masar la ogaysiiyo ogolaanshana looga helo wixii mashaariic ah ee Niilka sare laga fulinayo. Bishii July 2008 shir ay wasiiradii biyuha ee dawladaha dooxadu ku qabsadeen caasimada Congo ee Kinshasa ayaa kadib markii ay isku afgaran waayeen waxay isla garteen in wasiirkii biyaha Congo mudo saddex bilood ah loo xilsaaro isku-soo dhaweynta mawqifyada kala durugsan ee ay kala joogaan dawladaha manbac-a (ka-soo-gororka) iyo kuwa masab-ka (ku-sii-gororka). Wasiirada biyaha ayaa markay ku adkaatay inay xall gaadhaan ayay arintii wadahadalada biyaha Niilka iskaga riixeen dhinicii madaxda sare ee talada dalalka dooxada gacanta ku haya taas oo hogaamiyeyaashii dawladahaas iyo wasiiradoodii arimaha dibada ee daba

  • fadhiyey kusoo banaysay marxalad cusub oo siyaasadu door wax-ku-ool ah ka qaadanayso. Wadahadaladii biyaha iyo xidhiidhadii aanu soo samaynay waxa nooga soo baxay oo cadaatay in arimo badan oo khuseeya wadahadalada biyaha ay Ethiopia gacanta ugu jiraan oo intay arintaa mashruucaysatay si ay caalamka deeqo ugaga hesho ayay maraysaa heer aanay Masar iyo Sudan midkoodna u joojinayn. Natiijadaa noo soo baxday markii aanu qiimayn ku samaynay waxaanu goaan ku gaadhnay in dedaal loo galo sidii ay Ethiopia wax uga badali lahayd mawqifkeedaa ka dhanka ah Masar. Dhinaca kale kumaan niyad-samayn qorshahan cusub ee lagama maarmaanka ka Dhigaya in la isu keeno hogaamiyeyaasha dalalka dooxada sababtoo ah waxaan ogaa madaxweyne Mubarak oo xaga arimaha farsamada iyo sharcigaba ku liitay oon midna ku wanaagsanayn taas oo walaac farabadan iqaadsiisay in Mubarak ladago marka la galo shirarka albaabadu u xidhan yihiin ee sida dhaqanka u ah dawladaha Afrikaanka ah ay madaxdu isku kaliyeystaan. Mida kale waxaan khalad u arkayey in arinta la gaadhsiiyo halkii ugu saraysay oo ah madaxdii dawladaha dooxada sababtoo ah hadii markay shiraan ay iyaguna wax heshiis ah ka gaadhi kari-waayaan khilaafka jira ay taasi si dhab ah ugu horseedi doonto isku dhac iyo kala-tag ay hadhow adkaan doonto in dib looga soo waaqsadaa Wasiirkii Arimaha Dibada ee Masar Axmed Abul Qeyd ayaa munaasibad uu madaxweyne Mubarak kasoo qayb galay oo lagu qabtay Al-Azhar 9 September 2009 waxay isku arkayaan wasiirkii Biyaha Dr Maxamuud Abu Zayd kaas oo dhinaca Masaarida ka ahaa Marjac loo daba-fadhiisto arimaha biyaha Niilka iyo wadahadaladii ku saabsanaaba isla markaana ay isaga iyo wasiirka khaarajiga Abul Qeyd ay iskaashi dhaw iyo wadashaqayn buuxda ka wada lahaayeen arimahaas. Maalintii taas ku xigtay ayaa Abul Qeyd wuxuu jaraaidka ku arkayaa war sheegaya in wasiirkii Biyaha iyo Waraabka ee Maxamuud Abu Zayd xilkii laga qaaday oo nin kale oo la yidhaa Dr Maxamed Nasrul-Diin jagadiisii loo magacaabay. Yaab ayaa la ii keenay. Waxaan la hadlay xoghayihii Madaxweynaha u qaabilsanaa arimaha macluumaadka (information) oon waydiiyey waxa dhacay. Wuxuu ii sheegay inuu arintaas ka xog layahay. Madaxa diiwaanka (xafiisyada) madaxtooyada ayaa isagu ii tibaaxay in arinta badalaadu ay ku lug leedahay khilaaf dhex maray Abu Zayd iyo Raysal Wasaaraha oo ay weheliyaan dhawr wasiir. Anigoo tawaawacaya ayaan la xidhiidhay madaxii sirdoonka, anigoo is leh kolay arinta xil-ka-qaadista keentay waxbuu kala socdaa mise isaga laftiisii ayaan i-dhaamin oo wuxuu ka ogaaba jirin sidaydana la yaabsan xil ka qaadista Abu Zayd. Waxaan kolba is weydiinayey sideebay caqli u tahay in la bedelo ergayda Masar u tagi jirtay miiska wada-xaajoodka ee biyaha Niilka koodii ugu mudakarsanaa xag aqooneed, khibradeed iyo xog-ogaalnimo iyadoo waliba lagu jiro xilli uu dagaalkii wadahaladu galay marxalad adag oo xasaasi ah.

  • La Soco. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 11aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Waxayse dhacdadani i-dareensiisay in wadahadalada biyaha iyo duruufaha ku xeeran aan si qoto dheer loo wada fahamsanayn. Waxa ii muuqatay xilka-qaadista Abu Zayd kaalintii uu kaga jiray wadahadalada biyaha ee nagu soo banaanaanaysa taas oo wasiirka cusub ee la magacaabaa aanu markiiba buuxin karayn si kastoo uu uga dhisan yahay dhinaca aqoonta iyo si kastoo uu hawlkar u yahay-ba. Waxaanse wasiirka cusub u sheegay in wasaarada khaarajigu diyaar u tahay inay gacan buuxda ka siiso hawlaha wadahadalada biyaha Niilka iyadoo wasaarada arimaha dibadu ku guulaysatay hawl ay soo waday sadexdii sanadood ee u dambeeyey oo ay ku diyaarinaysay team khubaro ah oo qaabilsan arinta wadahadalada iyo dhamaan documanti-yadii loo baahnaa ee khusaynayey mawduucaa taas oo wasaarada u suuragashay kadib markii ay hawshaa iskaashi kala yeelatay qaar ka mid ah hayadaha dawlada, jaamacadaha iyo ururada bulshada rayidka ahba. Hadaba wasiirkii biyaha Congo ee shirkii Kinshasa (July 2008) loogu xilsaaray inuu mudo saddex bilood gudahood ah isugu soo dhaweeyo mawqifyada kala durugsan ee ay kala taagan yihiin dawladaha dooxada Niilku (Masar iyo Sudan oo isku dhinac ah iyo todobada dawladood ee kale oo isku mawqif ah) ayaa markii uu xalin kari waayey khilaafkii, waxa uu ku dhawaaqayaa shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadaan wasiirada biyaha ee dalalka Niilku oo lagu qabanayo Kinshasa kaas oo uu Masar uga qayb galay wasiirkii cusbaa Maxamed Nasruldiin. Shirkii aan caadiga ahayn ee Kinshasa ayaa todobada dawladeed ee Ethiopia/Uganda/Kenya/Tanzania/Congo/Burundi/Rwanda waxay kaga dhawaaqayaan heshiis dhaabadaysan (framework agreement) oo cusub oo ku saabsan biyaha wabiga Niilka, iyagoo sababta kaliftay heshiiskan aanay Masar iyo Sudan midkoodna ku jirin ku tilmaamayaan mid la xidhiidha wadahadalada mudada tobanka sanadood iyo dheeraadka ah socday een wax natiijo ahna laga gaadhin. Wasiirkii Arimaha Dibada ee Masar oo arintaas ka sheekaynaya: Waxa Kinshasa igala soo hadlay wasiirkii cusbaa Nasrudiin wuxuu ii sheegay in todobadii dawladood ay heshiis kaligood ah saxeexayaan oo aanay sugayn Masar iyo Sudan toona iyo in waftigii dalka Sudan shirkii ka baxay. Waxaan wasiirka biyaha Masar u sheegay in shirka oo laga baxaa aanay xall ahayn ilaa iyo inta arinta si fiican loo darsayo loogana fiirsanayo balse aan kula talinayo in si degan Uu shirka uga dhex sheego oo qoraal la galiyo mawqifka Masar een ogolayn dhamaan ujeedooyinka iyo kajeedooyinka dawladaha kalee dooxada Niilku ka leeyihiin arintan iyo

  • sida qaraarkan ay todobada dawladood heshiiska ku gaadheen u baalmarsan yahay xeer hoosaadkii gudida wadahadalada ee heerka wasiirada biyaha ahayd kaas oo dhigaya in goaamada gudidu ay ansax ku noqonayaan markay xubnuhu isku raacsan yihiin ee ay wadajir ahaan u gaadhaan Bishii July 2009 ayaa gudidii wasiiradu ay hadana shir ku qabsanayaan magaalada Alexandria ee dalka Masar, waxaana la isla gartay in la dardar galiyo gudidii farsamada ee wadahadalada taas oo loo xil saaray inay mudo lix bilood gudahood ah ay ku soo afjarto khilaafka qodobada lagu muransan yahay. Hase yeeshee waxay mudadii loo qabtay dhamaanaysaa iyadoo aanay wali wax xal ah gaadhin. Dabadeed waxa loo balamayaa shir kale oo la isugu yimaado oo lagu qaban doono magaalada ku taala bada cas ee Sharamul-sheekh bisha February 2010. Wasiirka Arimaha Dibada Masar Axmed Abul Qeyd ayaa waxa soo gaadhaya warbixino ay soo direen safaaradaha ay Masar ku leedahay dalalka dooxada oo lagu sheegayo in dawladaha dalkaasi ay si xoog leh uga cabanayaan wasiirka Biyaha ee cusub Nasrudiin kaas oo ay ku sifaynayaan qof aad u cadho dhaw oo markastoo miiska wadaxaajoodka la yimaado kacsan, Waxaan dareemay in wasiirka cusubi uu ka dhisan yahay dhinaca aqoonta kuna adadag yahay xuquuqda Masar ee ku aadan biyaha Niilka balse ay ka dhiman tahay waayo-aragnimadii siyaasadeed ee xaga la macaamilka shakhsiga ah ee dadka Afrikaanka taas oo ahayd mid ku cusub. Waxaan arintaa kala xidhiidhay wasiirkii iyo raysal wasaarihiiba waxaanay iyagu u sibir saareen wadahadalada adkaaday iyo duruufaha ku xeeran. Hase yeeshee markii aan arkay isku dhici Masar iyo dhinacyadii kale uu dibada usoo baxay saxaafadana aan ku arkayey hadalada kulkulul ee kolba ay wasiirka ka soo xiganayaan ayaa waxay iigula muuqatay in qadiyadayada aanay dani ugu jirin muranka iyo yooyootanku inuu cirka isku sii shareero. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 12aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Hase yeeshee markii aan arkay isku dhicii Masar iyo dhinacyadii kale inuu dibada usoo baxay saxaafadana aan ku arkayey hadalada kulkulul ee kolba ay wasiirka ka soo xiganayaan ayaa waxay iigula muuqatay in qadiyadayada aanay dani ugu jirin muranka iyo yooyootanku inuu cirka isku sii shareero. Sidaas darteed waxaan ka maarmi waayey inaan madaxweynaha la hadlo oon arintii u sheego taas oo intuu aad uga diiqadooday uu wasiirkii iyo raysal wasaarihiiba kala hadlay. Markii uu soo dhawaaday shir madaxeedkii hogaamiyeyaasha dawladaha Afrika isugu imanayeen oo ay qorshaysnayd in lagu qabto magaalada Sharamul-Sheekh badhtamaha

  • 2009 ayaa wasiirkii khaarajiga Axmed Abul Qeyd waxa hadana mar kale maskaxdiisa ku soo dhacday oo ka bixi wayday warwarka uu ka qabo Maaxweyne Mubarak oo noqday nin Ayni ah oo xogtu ka kala lunto hadiiba ay dhacdo in la yidhaahdo madaxda dawladuhu iyagu intay isku kaliyaystaan goonidooda ha uga wadahadlaan arinta biyaha Niilka, sida taas oo kale loo waajahayo?. Inkastoo Abul Qeyd kalsooni badan ku qabay in Raysal Wasaaraha laftiisu uu hawshaa ka soo bixi karo hadana waxa dhici karaysay in laga fursan waayo madaxda dawladaha oo gaar ahaan iskaga arka arintan biyaha oo hadii Masar lagu shirayo waxa adkaanaysa in Madaxweyne Mubarak shir uu dalkiisu martigaliyey ka maqnaado, hadii ay mid ka mid ah dawladaha dooxada Niilku gogosha fidisana waa sidaas oo kale oo ka qaybgal laaanta Mubarak ee shir madaxeedkaasi oo kale waxay dawladii martiqaadka lahayd u qaadanaysaa quudhsi ama qadarin laaan. Waxaan madaxweynaha usoo jeediyey inuu qaar ka mid ah madaxda dawladaha dooxada ee ka qaybgalaya shirka madasha Afrika iyo Shiinaha bisha November 2009 ku martiqaado kulano gooni-gooni ah oo intuu shirku socdo ay kaga wadahadlaan arinta biyaha Niilka taas oo aanu uga dan lahayn sidii aanu dawlad walba goonideeda ugu qancin lahayn inay wax ka badasho mawqifkeeda naga dhanka ah ama adcaful iimaan sidii ay noogu suuroobi lahayd in aanu kala jabino isbahaysiga naga soo horjeeda. Waxa kale oo aanu mid-ba goonidiisa ugu martiqaadnay in ay Masar soo Booqdaan madaxweyneyaasha Kenya, Tanzania iyo Rwanda Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.Waxa soo ajiibay oo Qaahira noogu yimid Madaxweyneyaasha Tanzania iyo Rwanda oo labadooduba noo muujiyeen mawqif ka dabacsan koodii hore kaas oo aanu kaga jawaabnay mucaawinadii aanu labada dal siin jirnay oo aanu kordhino. Anaga oo ka faaiidaysanayna shirka madaxda Afrika iyo Shiinuhu sanadkiiba mar isugu yimaadaan ayaa waxa uu Raysal Wasaaraha Masar kulamo gaar ah mid walba goonidiisa ugula yeeshay Madaxweynaha Uganda iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia oo isagu si cad noogu sheegay in Ethiopia ay wali halkeedii hore ka taagan tahay heshiisyadii qadiimiga ahaa ee saami-qaybsiga iyo isticmaalka biyaha oo aanay aqoonsanayn sharciyadooda. Madaxweyne Mubarak isagu kamuu qayb gali karayn kulamada gaar-gaarka ah maadaama uu ka mid ahaa xubnaha shirgudoonka madasha. Waxa la goaansaday in markay dhamaato mudadii lixda bilood ahayd ee loo qabtay xalinta khilaafka biyaha ay hadana shir isugu yimaadaan gudidii wasiirada dawladaha dooxada si ay goaan kamadambays ah uga gaadhaan arintaa walow todobada dawladood ee isku mawqifka ahi ku hanjabeen inay ku dhawaaqi doonaan heshiis cusub. Waxaan la xidhiidhay masuuliyiin ka tirsan dawladaha khaliijka oo ay ka mid yihiin wasiirada arimaha dibada ee dalalkaasi waxaanan ku dhiirigaliyey in maalgashiga balaadhan ee ay ku leeyihiin ganacsiga ka jira dalalka dooxada Niilka ay uga faaiideeyaan dalka Masar oo ay dawladahaas culays ku saaraan inay dabciyaan mawqifkooda wadaxaajoodka biyaha Niilka ee ka dhanka ah Masar taas oo qaar badan oo ka mid ah masuuliyiintii Khaliijka ee aan la xidhiidhay ay ku balan-qaadeen inay wax ka qaban doonaan.

  • Qaar ka mid ah dawladaha dooxada ayaa si cadaan ah u sheegay inay xataa ka soo horjeedaan fikrad ay Masar soo jeedisay oo ahayd in heshiiska cusub lagu daro qodob dhigaya in dawlad walba xaq u leedahay biyo sugan (water-security) taas oo macnaheedu yahay in heshiis kasta oo la gaadhaa aanu hadeer iyo mustaqbalka toona wax u dhimi doonin Qusumkii uu dal walba biyaha ka heli jiray iyo siyaabuhuu u isticmaali jirayba. Uganda oo si saraaxad leh u hadashay waxay sheegtay oo ay tidhi walow ay garawsan yihiin in Masar iyo Sudan uu dhulkoodu oomane u badan yahay oo baahi weyn oo xaga biyaha ahi labadaba ka jirto hadana waxa lagama maarmaan ah in dawladaha ka-soo-gororku ay biyaha Niilka u adeegsadaan horumarinta dalalkooda taas oo marka lagu daro isbadalada ku soo kordhay cimilada aduunka, wax u dhimi karta intay Masar iyo Sudan biyaha ka heli jireen balse loo baahan yahay in hoos-u-dhac kasta oo yimaadaa aanu gaadhin heer qirinqiir galiya sugnaanshaha biyahii ay labada dal u baahnaayeen. La Soco... Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011. (Qaybta 13aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Qaar ka mid ah dawladaha dooxada ayaa si cadaan ah u sheegay inay xataa ka soo horjeedaan fikrad ay Masar soo jeedisay oo ahayd in heshiiska cusub lagu daro qodob dhigaya in dawlad walba xaq u leedahay biyo sugan (water-security) taas oo macnaheedu yahay in heshiis kasta oo la gaadhaa aanu hadeer iyo mustaqbalka toona wax u dhimi doonin qusumkii uu dal walba biyaha ka heli jiray iyo siyaabuhuu u isticmaali jirayba. Uganda oo si saraaxad leh u hadashay waxay sheegtay oo ay tidhi walow ay garawsan yihiin in Masar iyo Sudan uu dhulkoodu oomane u badan yahay oo baahi weyn oo xaga biyaha ahi labadaba ka jirto hadana waxa lagama maarmaan ah in dawladaha ka-soo-gororku ay biyaha Niilka u adeegsadaan horumarinta dalalkooda taas oo marka lagu daro isbadalada ku soo kordhay cimilada aduunka, wax u dhimi karta intay Masar iyo Sudan biyaha ka heli jireen balse loo baahan yahay in hoos-u-dhac kasta oo yimaadaa aanu gaadhin heer qirinqiir galiya sugnaanshaha biyahii ay labada dal u baahnaayeen. Masuuliyiinta Uganda waxa kale oo ay sheegeen inay qabaan in si cadaalad ah oon dawladna dhib usoo jiidayn loo isticmaalo biyaha wabiga. Masuulyiiinta Uganda waxay soo jeediyeen in la sameeyo komishan masuul ka noqda fulinta wixii heshiis guud ah ee biyaha laga gaadho taas oo ay u arkayeen inay tahay qaabka ugu haboon ee iskaashi ku dhex mari karo dawladaha dooxada isla markaana lagu hubin karo u-hogaasanaanta qodobada heshiiska la gaadho. Aniga oo sii amba qaadaya goaankii ahaa in mucaawinooyin shilis la siiyo dawladaha dooxada Niilka si ay wax uga badalaan mawqifyadooda ka dhanka ah Masar, ayaa waxaan

  • gudoomiyaha golaha wasiirada u diray liis iyo talooyin ku saabsan baahiyaha ka jira dalalkaasi iyo qaabka loo gudagalayo arinta mucaawinooyinka loo fidinayo. Waxa se jirtay marar badan oon raysal wasaaraha iyo xubnaha gudida sare ee biyahaba aan u muujiyey dareen aan ka qabay dawladahaas inay nagula baayactamaan kolba mawqifkay iska taagayaan arinta biyaha Niilka ee wadaxaajoodku ka socdo oo markay mucaawino dalbadaanba hadii la siin waayo ay dhinac kaa noqonayaan iyadoo haynta Masar-na intay leegtahay la og yahay, mucaawimo la bixiyona waxaan kaga kalsoonaa abuuritaanka waxyaalo shuraako lagu yahay oo labada dhinacba maslaxad ku leeyihiin sida xidhiidho iyo mashaariic ganacsi oo la wada yeesho. Wasiirka arimaha dibada Maser ayaa waxa uu war ku helayaa in Baankii Aduunku iyo deeq-bixiyeyaal kale degdegsanayaan heshiiskii dhaabadaysnaa ee Niilka (framework agreement) oo ay jeclaan lahaayeen in wadahadalada cakirmay looga wareego dhinac kaloo ka fudud kana dhakhso badan walow ay degdega laftiisa ay markii dambe ka dayriyeen iyagoo ka baqo-qaba khatar ka badan oo keenta in wadahadalada biyaha Niilkaba burbur ku yimaado qodobada xasaasiga ah ee la isku hayo awgeed. waana sida ay wax u dhaceen ee aynu ogaan doono. Wadahadaladii bilihii ugu dambeeyey ee 2009 ayaan wixii iiga iftiimay qoraal ahaan ugu gudbiyey raysal Wasaaraha ahna gudoomiyaha gudida qaranka ee biyaha iyo xubnaha gudidaa iyo waliba gaashaandhiga, sirdoonka, wasaarada biyaha iyo wasaarada iskaashiga caalamiga ah waxaanan uga waramay in xiligan ay Masar is hayaan isbahaysi ka kooban todoba dawladood oo ay ka goan tahay inay Masar iyo Sudan oon ku jirin saxeexaan hindisihii heshiiska dhaabadaysan (framework agreement) ee biyaha Niilka iyadoo waliba aanu ku xusnayn qodobkii dhigayey in dal walba xaq u leeyahay biyo sugan (water-security), kaas oo qodobadii heshiiska biyaha ee laga wadaxaajoonayey ahaa kii ugu muhiimsanaa xaga Masar, siday wareegyadii u dambeeyey ee wadahadaladu u socdeen marka la eegana ay muuqato inay adagtahay in wax laga badalo mawqifyada dawladahaasi oo marba marka ka dambaysa sii fogaanaya, oo aanay suurtagal ahayn inay Masar ogolaato siday wax u wadaan xataa yaanay khatar dhawi kaga soo fool lahaane. Waxaan warbixintii aan u diray guddida sare ee biyaha ku xusay digniin ah in hadii todobada dawladood saxeexaan heshiiska Niilka iyadoo aanay Masar iyo Sudan ku jirin ay suurtagal tahay inay marka dambe isaga sii tashadaan saami-qaybsi cusub oo biyaha Niilka ah inay ku dhaqaaqaan. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 14aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Waxaan warbixintii aan u diray guddida sare ee biyaha ku xusay digniin ah in hadii todobada dawladood saxeexaan heshiiska Niilka iyadoo aanay Masar iyo Sudan ku jirin ay

  • suurtagal tahay inay marka dambe isaga sii tashadaan saami-qaybsi cusub oo biyaha Niilka ah inay ku dhaqaaqaan. Waxaanse intaas raaciyey in diblamaasiyadda Masar ay karti u leedahay inay deeq-bixiyeyaasha wax ka dhaadhiciso si aanay [dawladaha kale ee dooxada] mashaariicda ay ka filayaan maalgalintooda waxba uga suurta galin. Waxaan soo jeediyey saddex fikradood oo isbarbar yaala oo la kala dooranayo ta ugu haboon ee noqon karta wadiiqo kale oo looga wareego muranka hadheeyey wadahadaladii Niilka oo ta ugu horaysayn ahayd in la kala saxeexdo heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding) oo dawladaha dooxadu iskula qaadanayaan mashaariic lagu horumarinayo dooxada Niilka mudo u dhaxaysa 10-25 sanadood oo beesha caalamkuna maalgalintooda bixinayso, ta labaadna ahayd fikrad uu Baanka Aduunku hore u soo jeediyey oo dawladaha dooxadu isla gaadhayaan heshiis fudud oo lagu samaynayo Komishan matalaya dawladaha dooxada oo masuul ka noqda isku xidhka dawladaha iyo hirgalinta mashaariic lagu horumarinayo wabiga Niilka. Fikradda saddexaad oo iyadu ahayd mid isku dhafaysa labada fikradood ee kor ku xusan isla markaana saamaxaysa in masalooyinka qaanuuniga ah suryo kale looga wareego iyadoo laga qaadanayo labadaa fikradood samaynta komishanka iyo heshiiska is-afgarad (Memorandum of Understanding) ee lagu fulinayo mashaariicda horumarineed si kulamadii wadaxaajoodkuna halkoodii uga sii socdaan oon dawladaha ka-soo-gororku u arag in la tacab khasaarinayo dedaalkii tobanka sanadood ee wadahadalada kaga baxay. Fikradahaas oon soo jeediyey in markay gudida sare ee biyaha Masar isla qaataan Sudanna lagala xaajoodo ayaa waxa soo ifbaxay waxyaabo Masar iyo Sudan laftoodu isku seeggan yihiin oo u baahan in la sii gorfeeyo. Dabayaaqadii December 2009 ayaa Raysal Wasaarihii Masar booqasho ku tagayaa Ethiopia isagoo hogaaminaya wefti weyn oo ka kooban ganacsato Masaari ah. Wasiirka Arimaha dibada Mr Abul Qeyd oo ka hadlaya booqashadaas iyo arimo la xidhiidha wadahadalada biyaha ayaa wuxuu yidhi Aadbaan ula socday booqashadaasi waayo Ethiopia waa muftaaxa fura arinta Niilka, waxaanay eexaynaysaa dano u gaar ah iyadoon wali ka dhaqaaqin halkii ay ka taagnayd mawduuca wadaxaajoodka Niilka oo ay mawqifkeedii hore ku adkaysanayso, waana sababta uu Meles Zenawi markay Raysal Wasaaraha Masar wada kulmeen u leeyahay ha la kala saaro arinta xidhiidhka labada dal iyo mawduuca wadahadalada biyaha Niilka, waxaanse ka digay in iyada [Ethiopia] iyo dawladaha kale ee dooxadu ay arinta biyaha baadd nagaga doonaan oo laga ogolaado inay nagu dirqiyaan (blackmail-gareeyaan) wax awoodayada ka baxsan. Waxa kale oon raysal wasaaraha iyo hayadaha kale ee dawlada mar labaad uga digay in goaanka ay todobadii dawladood meel wada dhigteen yahay inay heshiiskii laga wada xaajoonayey saxeexa ku duugaan iyadoon Masar iyo Sudan ku jirin, anigoo iftiiminaya in heshiiska ay doonayaan yahay kii ay nuqulkiisa ku soo dhigeen shirkii Sharamul-Sheekh ee February 2009 kaas oo u qornaa qaab jidaynaya saami-qaybsi cusub oo biyaha Niilka ah.

  • Waxa kale oon soo jeediyey talaabooyin dhawr ah oo arintan lagu waajahayo oo ay ugu horayso sidii kolba culays loo saari lahaa dawladaha dooxada si ay ugu hor kashifmaan deeq-bixiyeyaasha iyadoo la qaadayo olole lagaga dhaadhicinayo dawladaha iyo hayadaha caalamiga ah ee deeqda bixiya oo Maraykanku kow ka yahay inay taageeraan soo jeedintii ahayd in la isla qaato heshiis fudud oo lagu samaynayo komishan u xil-saaran isku xidhka dawladaha dooxada iyo hirgalinta hindisayaasha lagu horumarinayo dooxada wabiga isla markaana aanu sii amba-qaadno dedaalkii hore ee ay Masar ugu jirtay xoojinta xidhiidhadii gaargaarka ahaa ee ay la lahayd dawladaha dooxada laftooda iyadoo loo eegayo siday u kala muhiimsan yihiin lagana digtoonaanayo in baadd wax lagu bixiyo. Waxa kale oo aanu soo jeedinay in la diyaariyo qawaaniintii iyo doodihii sharci ee lagu badhi-taari lahaa mawqifka Masar iyadoo aanu hoos ahaan u shaqaalaysiinay khabiir caalami ah oo xaga shuruucda aduunka naga caawiya iyo in fariinta warbaahinta la marinayaa noqoto mid degan oo la iska ilaaliyo in loo muuqdo dawlad fartu gaadhayso oo salbabakhsan. La Soco... Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 15aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Waxa kale oo aanu soo jeedinay in la diyaariyo qawaaniintii iyo doodihii sharci ee lagu badhi-taari lahaa mawqifka Masar iyadoo aanu hoos ahaan u shaqaalaysiinay khabiir caalami ah oo xaga shuruucda aduunka naga caawiya iyo in fariinta warbaahinta la marinayaa noqoto mid degan oo la iska ilaaliyo in loo muuqdo dawlad fartu gaadhayso oo salbabakhsan. Ugu dambayn waxaan soo jeediyey in wefti balaadhan oo ka kooban hayadaha kala duwan ee dawlada oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadu safar ku tago dalka Maraykanka si ay masuuliyiinta xukuumada iyo Baanka Aduunkaba ugala hadlaan hindisihii ahaa in la isla qaato heshiis fudud lana sameeyo komishan iyo in aanu sharax waafiya ka bixino aragtida Masar ee ku waajahan geedi-socodkii heshiiska dhaabadaysan [the Nile basin cooperative framework agreement negotiations] ee mudada laga wadaxaajoonayey iyo halkay Masar hada arintaa ka taagan tahay, masuuliyiintii Maraykanka ahayd ee aanu la kulanayna waxaanu ka helnay jawaabo na raaligaliyey. Waxay noo sheegeen inay iyaguba arkayaan in aanay sahlanayn sidii heshiis looga gaadhi lahaa arinta biyaha Niilka oo hada ay lagama maarmaan tahay in la hirgaliyo fikradii ahayd heshiis is-afgarad oo fudud (Memorandum of Understanding) oo dawladaha dooxadu isla qaataan kaas oo qodobadiisa ka ugu muhiimsani dhigayo in dawladuhu samaystaan komishan u dhex ah oo maamula mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashan doonaan.

  • American-ku waxay ku balan-qaadeen in hirgalinta arinta heshiiska fudud iyo komishanka ay gacan ka gaysan doonaan siiba xaga qancinta dawladaha ay dhulkooda biyuhu ka yimaadaan. Waxa kale oo ay balanqaadeen inay ka shaqayn doonaan isku soo dhaweynta Masar iyo Ethiopia oo ay u arkaan laba dal oo ahmiyad u leh danaha Maraykanka, ugu dambayntiina waxa ay ku taliyeen in Masar iyo Ethiopia ay wadajir u soo saaraan bayaan ay ku taageerayaan samaynta komishanka dooxada. Mawqifkan Maraykanka ayaa ididiilo galiyey inay wax dhaqaaqi doonaan. Intii uu socday murankii u dhexeeyay dawladaha ka-soo-gororka wabiga (manbac) iyo kuwa ku-sii-gororka (masab) ayaa waxaan akhiriyey warbixin uu qoray khabiir ajnabi ah oo nala shaqaynayey kaas oo ka digay in Masar saxeexdo heshiiska dhaabadaysan ilaa iyo inta la isla ogolaanayo in lagu daro qodobo aqoonsanaya heshiisyadii hore usoo jiray iyo xuquuqdii ay u kafaalo qaadayeen dawladaha masab-ka (Sudan iyo Masar). Markii uu soo dhawaaday shirkii wasiirada dooxada ee lagu qabanayey Sharamul-Sheekh kaas oo laga cabsi qabay in dawladaha manbacu (ka-soo-gororku) ay kaga dhawaaqaan heshiis aanay Masar ku jirin ayaa si arintaas looga hortago waxaan diyaariyey qoraalo ka socda Madaxweynaha oo loo kala dirayo madaxda dawladaha dooxada kuwaas oo uu ugu baaqayo in aan lagu degdegin xiligan saxeexida heshiishkii dhaabadaysnaa balse la isla qaato hindisihii ahaa in la sameeyo komishanka dooxada, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay habka ugu haboon ee carqaladaha jira lagaga gudbi karo. Wasiirka waraabka ayaa isna soo jeediyey in qoraalka Madaxweynaha lagu ladho mucaawimo boqol milyan oo dollar ah oon shuruudi ku xidhnayn oo la siinayo dawladaha dooxada taas oo aan aad uga soo horjeedsaday iyadoo aan sheegay inay noqon doonto wado la inoo soo maro oo mar kasta la inagu bajiyo oo baad la inagaga doono oo habdhaqankaas durtaba laga arkay qaar ka mid ah dawladaha dooxada oo ay Burundi ka mid tahay kuwaasoo ay hada boqolaal milyan ay Masar kaga maqan yihiin. Ergay wasiiro ah ayaa loo xilsaaray inay qoraalka Madaxweynaha gaadhsiiyaan madaxda dalalka dooxada. Wasiirka iskaashiga caalamiga iyo aniga oo ah wasiirka arimaha dibada ayaa waxaanu booqasho ku tagnay Addis-Ababa si aanu madaxda Ethiopia ugala munaaqashoono fikradihii uu Madaxweyne Mubarak soo jeediyey ee qoraalkiisu xambaarsanaa iyo sidii loo fulin lahaa taas oo ay Ethiopian-ku kaga jawaabeen in jawaabtooda ay mar dambe soo bixin doonaan. Dr Nabiil Al-Carabi oo ah khabiir ku takhasusay qaanuunka mararka qaarkoodna aanu ka faaiidaysan jirnay aqoontiisa ayaa wuxuu ii soo diray qoraal uu ku soo jeedinayo in heshiiska dhaabadaysan ee qabyada ah wax lagaga daro qodobada ku jira heshiiska caalamiga ah ee Helsinki 97 kaas oo ah xeer nidaamiya isticmaalka wabiyada isla markaana ay ku jiraan nusuus qaanuuni ah oo dhigaya in la ixtiraamo heshiisyadii hore ee laga gaadhay wabiyada iyo in la isku wargaliyo wixii mashaariic ah ee wabiyada laga qabanayo ka hor intaan la fulin iyo iyadoo waliba heshiiska Helsinki 97 leeyahay hab

  • qaanuuni ah oo loo adeegsan karo kala saarista dawladaha heshiiska wadagalay hadii uu muran wabiga khuseeyaa dhexmaro. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 16aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Dr Nabiil Al-Carabi oo ah khabiir ku takhasusay qaanuunka mararka qaarkoodna aanu ka faaiidaysan jirnay aqoontiisa ayaa wuxuu ii soo diray qoraal uu ku soo jeedinayo in heshiiska dhaabadaysan ee qabyada ah wax lagaga daro qodobada ku jira heshiiska caalamiga ah ee Helsinki 97 kaas oo ah xeer nidaamiya isticmaalka wabiyada isla markaana ay ku jiraan nusuus qaanuuni ah oo dhigaya in la ixtiraamo heshiisyadii hore ee laga gaadhay wabiyada iyo in la isku wargaliyo wixii mashaariic ah ee wabiyada laga qabanayo ka hor intaan la fulin iyo iyadoo waliba heshiiska Helsinki 97 leeyahay hab qaanuuni ah oo loo adeegsan karo kala saarista dawladaha heshiiska wadagalay hadii uu muran wabiga khuseeyaa dhexmaro. Waxaan soo jeedintii Dr Nabiil Al-Carabi u gudbiyey gudoomiyaha gudida sare ee biyaha ee Masar (guddida qaran) si loo darso inkastoo aan ogaa in Ethiopia markii heshiiska Helsinki lagu falanqaynayey Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa horteeda sanadkii 1997 ay sheegtay in aanay u hogaansami doonin heshiiskaa. Tiim khubaro ah oo ku takhasusay Qaanuunka Aduunka (international law) oo taabacsan wasaarada arimaha dibada ee Masar ayaan iyagana u xilsaaray inay ka soo baaraandagaan kabista qaanuuniga ah ee uu soo jeediyey Nabil Al-Carabi soona waafajiyaan qodobada heshiiska dhaabadaysan ee wali laga wadaxaajoonayo, waxaanay keeneen nusuus loo cuskan karo xuquuqda iyo habka isticmaalka wabiga ee ay kafaalo qaadeen heshiisyadii hore taas oo ay diidan yihiin dawladaha ka-soo-gororku. Waxa isa soo taray cadaadis Sudan lagu hayey si ay Masar uga hadho oo dawladaha kale ee dooxada ay dhankeeda ka raacdo. Anaguna waxaanu Sudan ku qancinaynay inaanay garabkooda nagu banayn oo ay hiilkooda Masar wax ku goosanayso. Laakiin xaalada arimaha gudaha Sudan oo Daafuur iyo Koonfurta Sudan-ba saamayn ku leeyihiin ayaa iyaga iyo anagaba culays nagu wada haysay. Jawaabihii aanu ka helay dawladaha dooxada intooda badan oo ay Ethiopia ka mid tahay waxay ku jihaysnaayeen in la sameeyo komishankii balse wadaxaajoodkii heshiiska dhaabadaysani uu halkiisii ka sii socdo taas oo aanu u aragnay inaanu ahyan xalkii aanu ku kala badbaadi lahayn. Xaalada oo sidaas ah ayaa la gaadhay shirkii Sharamul-Sheekh kaas oo furmay 13-kii April 2010 iyadoo ay Masar gudoominayso. Dawladaha ka-soo-gororka ayaa iyagu isla qaatay in laga bilaabo 14-ka May 2010 la furo saxeexida heshiiskii dhaabadaysnaa (framework agreement) taas oo ay Masar ka bixisay

  • jawaab ay gabi-ahaanba ku diidan tahay goaanka dawladaha dooxada isla markaana ku sharxayso asbaabaha qaynuuniga ah ee ay u cuskanayso mawqifkeedaa. Waxaan Raysal Wasaaraha u soo jeediyey in Masar ay caalamka gaar ahaan cidaha deeqda bixiya sharciyan u cadayso inay ka soo horjeedo wax mashaariic ah oo dawladaha masabka ama ku-sii-gororka wax u dhimaya oo dawladaha manbacu ka fuliyaan wabiga haba yaraatee maadaama la dhinac maray heshiisyadii hore ee jiray isla markaana aanay Masar ictiraafsanayn heshiiska dhaabadaysan ee ay dawladaha manbacu kalidood iska gaadheen. Wasaarad khaaraji ahaan waxaanu shirar u qabanay safiiradii iyo wakiiladii Masar u fadhiyey dawladaha iyo hayadaha deeqaha bixiya iyadoo aanu uga waranay wixii dhacay (saxeexidii heshiiska dhaabadaysan ee afarta dawladood) iyo sababta aanu uga soo horjeedno. Waxa kale oo aan fariin qoraal ah u diray Agaasimaha Baanka Aduunka iyo masuuliyiinta dawladaha iyo wakaaladaha deeqda-bixiya (donors), anigoo u akidaya mawqifka Masar ee rasmiga ah sida uu yahay isla markaana kula talinaya inay si taxadar leh ula socdaan arimaha jira oo ay isku dayaan sidii ay dawladaha ka-soo-gororka uga dhaadhicin lahaayeen inay ilaaliyaan hindisihii dooxada Niilka [Nile basin initiative] oo aanay ku tacab khasaarinin saxeexan [heshiiskii dhaabadaysnaa ee la waday]. Waxa kale oo aan mawqifka Masar ka diiwaangaliyey Qaramada Midoobay iyadoo aan kula socodsiiyey qoraal aan u diray xoghayaha guud ee ururkaa. Waxaanu jawaab ila qumanaatay aanu ka helnay Baanka Aduunka (World Bank) oo safiirka Masar kulan ku dhexmaray Washington ugu sheegay in siyaasada baanka ee ku saabsan wabiyaasha aduunku ay si cad u qeexayso in baanku aanu maalgalin wixii mashaariic ah ee saamayn xun ku yeelanaysa dalka/dalalka kale iyadoo uu baanku ku xidhayo in ka hor intaan mashaariicda la fulin la sii wargaliyo ogolaanshana laga haysto dawladaha mudaradu ka soo gaadhayso. La Soco.. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 17aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Waxa kale oo aan mawqifka Masar ka diiwaangaliyey Qaramada Midoobay iyadoo aan kula socodsiiyey qoraal aan u diray xoghayaha guud ee ururkaa. Waxaanu jawaab ila qumanaatay aanu ka helnay Baanka Aduunka (World Bank) oo safiirka Masar kulan ku dhexmaray Washington ugu sheegay in siyaasada baanka ee ku saabsan wabiyaasha aduunku ay si cad u qeexayso in baanku aanu maalgalin wixii mashaariic ah ee saamayn xun ku yeelanaysa dalka/dalalka kale iyadoo uu baanku ku xidhayo in ka hor intaan mashaariicda la fulin la sii wargaliyo ogolaanshana laga haysto dawladaha mudaradu ka soo gaadhayso.

  • Bil markii laga joogay maalintii dawladaha ka-soo-gororku ku dhawaaqeen in saxeexida heshiiskii dhaabadaysnaa ay furan-tahay ayaa afarta dawladood ee Uganda, Ethiopia, Tanzania iyo Rwanda ay kaga dhabeeyeen oo ay 14-kii May Entebbe ku saxeexeen heshiiskaa. Qiyaastayda wakhti badani nagamuu xigin markay afarta dawladood ku guulaysanayaan hadafkoodii ahaa inay tirada saxeexayaasha gaadhsiiyaan lix dawladood si taariikhdaa marka laga bilaabo ay u sheegan karaan in la dhamaystiray sharciyadii heshiiska oo uu noqday mid dhaqangalay iyagoo iska indhatiraya shuruudihii xeer-hoosaadkii ay gudida wadahadaladu dhigteen ee ahaa in saxeexida heshiiska la furayo markay sagaalka dawladood isku raacaan, heshiiskuna dhaqangal noqonayo markay sagaalka dawladood wada-saxeexaan oo kaliya. Waxaan madaxweynaha usoo jeediyey in Masar ku dhawaaqdo inay joojisay ka qaybgalka hawlihii hindisihii dooxada Niilka dhamaantood si aanu dawladahan wax saxeexay iyo dawladaha caalamka ee danayn jiray hindisahan ugu muujino siday arintani Masar u taabatay iyo siday uga xuntahayba. Waxa kale oon soo jeediyey in Masar shir isugu yeedho dawladaha dooxada iyo dawladaha iyo hayadaha deeqaha bixiya si xal loo wada-dhan yahay looga gaadho xaalada taagan ee soo korodhay. Waxaan hoosta ka xariiqay in joojinta ka qaybgalka hawlaha la xidhiidha hindisihii dooxada Niilka ee aan soo jeediyey loo qaadan sidii oo ay Masar boqolkiiba boqol ka baxayso hindisahaasi oo kale ama ay saaxada u banaynayso dawladaha kale ee dooxada inay siday doonaan ugu tasarufaan hindisihii la wada lahaa. Madaxweynuhu wuxuu se doorbiday in aan la isku dhicin oo halkii laga sii wado dedaalkii lagu doonayey in dhinacyada oo dhan la is afgaradsiiyo taas oo marka la eego heerka ay taagnaayeen masuuliyiinta dawladaha dooxada ee aan la kulmay, iigula muuqatay in aan la isu keenayn balse haatan loo baahan yahay in lagu waajaho talaabooyin diblomaasiyadeed oo adag oo ka dhan ah. Waxaanu isku daynay in dawladaha dooxada ee hadhay aanu ka baajino inay saxeexaan heshiiskii dhaabadaysnaa laakiin Kenya ayaa naga fara-muruxsatay oo heshiiskii saxeexday iyadoo ay hadheen Burundi iyo Congo labadaas oo arinkoodu u muuqday inay laaluush nagaga madhsanayaan marka la eego malaayiinta aanu u dirnay ee nagaga baxday. Waxaan qoraal u diray Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay si aan ula socodsiiyo dawladaha heshiiska saxeexay inay jabiyeen xeerkii wadahadalada hindisaha dooxada Niilka. Shir ay isugu yimaadeen xubnihii gudida qaran ee biyuhu ayaa iyadoo la raacayo talooyinkii Madaxweynaha waxa la goaansaday in xidhiidhkii iyo wadahadalkii la sii wado oo laga qaybgalo shirarka dawladaha dooxada isla markaana la isku dayo in heshiiskii ay saxeexeen aanu shaqaynin lagana curyaamiyo inay Komishankii dhisaan.

  • La soco... Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011. (Qaybta 18aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Shir ay isugu yimaadeen xubnihii gudida qaran ee biyuhu ayaa iyadoo la raacayo talooyinkii Madaxweynaha waxa la goaansaday in xidhiidhkii iyo wadahadalkii la sii wado oo laga qaybgalo shirarka dawladaha dooxada isla markaana la isku dayo in heshiiskii ay saxeexeen aanu shaqaynin lagana curyaamiyo inay Komishankii dhisaan. Waxa kaloo la isla qaatay in Ethiopian-ka si gaar ah loola sii amba-qaado fikradii ahayd in la iska kaashado [Masar, Sudan iyo Ethiopia] horumarinta dooxada Niilka bari (Niilka Buluuga ah) taas oo ay Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa Arimaha Dibadu ay kulan hore nagula soo hadal-qaadeen. Si aanaan u lumin xidhiidhkii labada dhinac (bilateral relations) ee aanu la lahayn dawladaha dooxada mid walba gaarkeed ayaa waxaanu talo ku gaadhnay inay si caadi ah usii socdaan mashaariicdii aanu dawladahaa ka wadnay Uganda iyo Tanzania mooyaane. Koonfurta Sudan oo aanu arkaynay inay cagta saartay wadadii ay mustaqbalka dhaw kaga goaysay Sudan inteeda kale ayaa waxay noola muuqatay in aanu balaadhino mashaariicdii aanu halkaas ka wadnay. Maadaama heshiiskii dhaabadaysnaa ay kooramkii ansixinta uga hadhay dawlad qudha oo saxeexda, waxaanu culayska saarnay sidii Burundi iyo Congo DRC looga ilaalin lahaa in midkoodna saxeexo heshiiskaa oo ama Masar iyo Sudan taageeraan ama dhex aan dhinacna raacsanayn noqdaan, iyadoo aanu u qoondaynay labadaas dal kaalmo intii hore aad uga badan oo sanadkii midkoodba la siinayo konton milyan oo dollar mudo shan sanadood oo xidhiidh ah. Inkastoo aan dareemayey in nala baadayo hadana Burundi iyadu kuwa kale way ka sii xagjirtay. Martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Mubarak u diray kadib waxa Qaahira noogu yimid Madaxweynaha Congo ee [Joseph] Kabila kaas oo kulamadii aanu wada-yeelanay noogu muujiyey inuu Masar taageersan yahay. Kabila waxa uu la yimid codsiyo kala jaadjaad ah oo uu kaalmo nagaga doonayey. Markii aanu isweydiinay gacanta ay Masar ka geysan karto baahida horumarineed ee dalka Congo iyadoo lagu xisaabtamayo khayraadka macdanta ee ay Congo qaniga ku tahay, waxaan soo jeediyey in aan la is kalifin ee lagu caawiyo wixii la awoodi karayo een ka baxsanayn xadiga ku talagalkii qorshaysnaa oo waliba wax laga taro meelaha ay Masar ku wanaagsan tahay sida tababarka milatariga iyo ciidamada amaanka, beeraha iyo caafimaadka (dhakhaatiirta) iyo iwm. Booqashada Kabila waxa ay ahayd mid muhiim ah madaxweynuhuna wuxuu usoo dhaweeyey si diiran isagoo siinaya tixgalin dheeraad ah oon looga baran.

  • Mar ay labada madaxweyne si gaar ah u sheekaysanayeen ayaa Kabila wuxuu Mubarak u sheegay inuu ka helo kaxaynta baaskiiladaha Dhugdhuglayda (motorbike/mooto), kolkaasuu Mubarak hadyad u siiyey Dhugdhuglay noocyadii hore ah oo madaxtooyadu soo iibsatay cahdigii Jamaal Cabdi Naasir taas oo Kabila uu aad uga mabsuuday. Burundi tan iyo maalintii afarta dawladood heshiiska saxeexeen May 14-keedii 2010 ilaa iyo markay iyada lafteedu heshiiska saxeexi doonto February 2011 marna nagamay food qaadin oo sideedaa bilood oo dhan iyadoo naga daldalanaysay mucaawinooyin malaayiin lacag ah nagu joogta ayaanay hadana mar qudha naga fulin. Safiirka noo fadhiya Paris ayaan hawlgaliyey si uu Faransiiska ugala hadlo inay naga wasteeyaan Burundi oo ay la leeyihiin xidhiidh fiican ahna meel Faransiiska aad looga qadariyo si aanay u saxeexin heshiiska dhaabadaysan (framework agreement). Aniga laftaydu waxaan arintan kala hadlay wasiirka arimaha dibada ee Faransiiska kaas oo iiga balan qaaday inuu wax ka qaban doono. Waxayse markasta iigula muuqatay in Masar mucaawino ay bixiso intay doonto ha leekaatee aanay danaheedu si buuxda ugu qabsoomayn waayo mucaawimo waxay shaqaysaa waa mudo gaaban kadibna xaaladu halkeedii ayay ku soo noqotaa waxay ahayd in la abuuro masaalix (dano) joogta ah oo u dhexeeya Masar iyo mujtamacyadaa (bulshooyinkaa) taas oo lagu xaqiijin karo dano ganacsi iyo dhaqaale oo dadyawga dawladahaasi ku nooli ay si dhab ah uga munaafacaadsadaan inaguna aan danaheena ku qabsano iyadoo waliba waxna inaga soo galayaan. Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011 . (Qaybta 19aad) Waxa Turjumay Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Garas Oo Isku Dubariday Biyaha Wabiga Niilka Waxayse markasta iigula muuqatay in Masar mucaawino ay bixiso intay doonto ha leekaatee aanay danaheedu si buuxda ugu qabsoomayn waayo mucaawimo waxay shaqaysaa waa mudo gaaban kadibna xaaladu halkeedii ayay ku soo noqotaa waxay ahayd in la abuuro masaalix (dano) joogta ah oo u dhexeeya Masar iyo mujtamacyadaa (bulshooyinkaa) taas oo lagu xaqiijin karo dano ganacsi iyo dhaqaale oo dadyawga dawladahaasi ku nooli ay si dhab ah uga munaafacaadsadaan inaguna aan danaheena ku qabsano iyadoo waliba waxna inaga soo galayaan. Dawladahaasi qaar ka mid ah sida Ethiopia, Uganda, Kenya, Tanzania iyo Koonfurta Sudan in badan ayay la soo taagnaayeen in Masar iyo dawladaha carabtee kale ay xoolahooda ka iibsadaan oo anaguna aanu ka hoos-qaadi weynay oo balanqaadyo afka baarkiisa ah uun kula hadlaynay. Si aanu ganacsatada ugu dhiirigalino ayaanu kulano joogto ah bishiiba mar ugu qaban jirnay shirkadaha reer Masar kuwaasoo aanu uga warami jirnay xaaladaha shuruucda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalalka Afrika.

  • Madaxda dawladaha Afrika markay Masar safar ku yimaadaan ayaa barnaamijka booqashada waxaanu u raacin jirnay wakhti ay kula kulmaan shirkadaha ganacsiga iyo inay soo indha-indheeyaan warshadaha wax-soo-saarka ee ay Masar leedahay. Waxaan ahayn balanqaadyo aan bartii laga qaadin mooyaane ma jirin wax ka suurtoobay dedaalkii aanu rabnay in ganacsatada Masar ku tiibadaan suuqyada Afrikaanka. Waxa hadalhaynteedu aad noogu badnayd shirkadii Al-Nasar ee Afrika ka shaqayn jirtay sanadihii lixdamaadkii ee ay socdeen halgamadii gobanimadoonka dalalka Afrika taas oo loo badinayey in dib loo jadiidiyo kaalinteedii. Waxaase dadka ka dadnaa in shirkadaasi ay wali jirto oo iyadoo aad u itaal-daran ay wali ka sii shaqayso meelo Afrika ku yaala oon badnayn. Shirkadan ayaa dawlada Masar waxay u aasaastay si sirdoonka Masaaridu foodsaaro uga dhigto inta ay wadaan hawlihii ay ku taageerayeen kacdoonadii gobanimadoonkii dalalka Afrika taas oo imika dantii laga lahaa lixdamaadkii aanay xiligan jirin. Kadib markii afarta dawladood ee kala ah Ethiopia, Uganda, Tanzania iyo Rwanda ay saxeexeen heshiiskii dhaabadaysnaa ee biyaha Niilka (framework agreement) May 2010 ayaa Wasiirka Arimaha Dibada ee Masar Axmed Abul Qeyd waxa uu ka sheekaynayaa mawqifyadii ay arintaasi ka qaateen Midawga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykanku. Abul Qeyd waxa uu sheegayaa in Midawga Yurub inkastoo ay qireen in carqalad culisi soo waajahday wadaxaajoodkii biyaha kol hadii ay dawladihii dooxadu ay ku kala jabeen heshiikii dhaabadaysnaa, aanay Yurub ahaan ka hadhi doonin hindisahaasi. Abul Qeyd waxa kale oo uu Yurubiyanka kasoo wariyey xogo uu leeyahay iyaga ayaa sheegay oo odhanaya in lixda dawladood ee ku yaala harooyinka ee dhul-badhuhu maro (Equator) aanay farsamo ahaan wax saamayn ah ku yeelan karin qusumkii ay Masar ka heli jirtay biyaha wabiga oo waliba aanay Ugandi biyaha ku joojin karin bartay ka soo burqamaan ee ku taala dacalka waqooyi ee harada Lake Victoria, sidoo kale aan biyaha la joojin karayn markay soo gaadhaan meesha dhaamka la yidhaahdo ee ku taala Koonfurta Sudan, Ethiopia qudhideeduna aanay saamayn caynkaas ah ku yeelan doonin saamiga Masar ee biyaha marka lagu xisaabtamo roobabka badan ee ka daa Ethiopia awgeed iyo iyada oo la ogyahay danta ugu weyn ee Ethiopia ka leedahay biyuhu ay tahay biyo xidheenada tamarta dhaliya oo ay ka hirgaliso dalkeeda taas oo aan saamayn ku yeelanayn xadiga ay Masar ka heli jirtay biyaha Niilka. Qaar ka mid ah Yurubiyaanka gaar ahaan Britishka oo iyagu aqoon dheeraad ah u leh arimahan ayaa waxay soo jeediyeen in dooxada Niilka laga dhigo laba qaybood oo ta hore noqonayso dawladaha uu maro dhul-badhuhu (Equatorial) oo dhinac la isku raacinayo deeqbixiyeyaashuna ay maalgalinayaan mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyo oon samaayn ku yeelan doonin biyaha u qulqula dhinaca Sudan iyo Masar, halka qaybta labaadna noqonayso mid ka kooban Masar, Sudan iyo Ethiopia oo yeelanaya nidaam u gaar ah oo mashaariic horumarineed lagaga hirgalinayo dooxada Niilka bari taas oo ay Ethiopia hore u sheegtay inay danaynayso.

  • La soco...