Newsletter ISSUE N°3 Fall Newsletter ISSUE N°2 March/April ...
Telesom Newsletter Issue 22
-
Upload
telesom-company -
Category
Documents
-
view
366 -
download
0
Transcript of Telesom Newsletter Issue 22
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
1/32
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
2/322 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
TUSMADA WARGEYSKA
4
5
6
7
8
9
11
15
15
16
18
20
21
21
24
25
26
28
29
30
31
Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Guddida
Waddada Alaybade
Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Daladda
Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO
Telesom oo Casho-sharaf Soo Dhawyan ah u Samaysay
Hogaanka Sare ee SOLJA
Qaarka Mid ah Shaqaalaha Telesom oo La Siiyey
Tababar Gaar ah
Telesom Gabiley oo Gudoonsiisay $6,000 maamulka
Dawladda Hoose ee Gabiley
Shirkadda Telesom oo Si mugle uga qaybqaadatay
Bandhiga Carwadda ganacsiga
Telesom oo Qabatay Xafladda Abaal-marinta 12-aad
ee Shaqaale Weynaha Shirkadda
Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Daladda
Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO
Telesom oo $10,500 Ugu Tabarucday Wadooyin ku yaala
magaalada Hargeysa
Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Mashruuca
Caruurta La Nool Cudurka Macaanka
Wargeyska Caalamiga ah ee New York Time oo Wax
ka Qoray Kaalinta uu Adeega ZAAD kaga jiro kobaca
dhaqaalaha
Telesom oo Si weyn uga Qayb qaadatay OlolahaNadaafada Dalka
Telesom oo Maal-galisay Tartanka Quraanka Kariimka
ee Televisionka Universal
Telesom oo Qalab Koombuutaro ah Ugu Deeqday Ururka
Suxufiyiinta Somaliland SOLJA
Telesom oo Siisay Qaybka mid ah Sakadda Shirkadda Dad
Danyar ah oo Ku Nool magaalada Hargeysa
Gabayga Hiddo-san
Maxaa Hooyada Uurka leh ku keena Dhiigka?
Maqaalka Adeega Facebook-ga
Maqaalka Adeega ZAAD-ka
Baro Mid ka mid ah Shaaqaalaha Shirkadda Telesom
Shaqaalaha La Siiyey Rubuc-sanadka 2015
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
3/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 3
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
WEEDHA TIFATIRAHA
M
arka hore waxaa Mahad balaadhan iskaleh Illaaha weyn ee ina siiyey nimcooyinbadan oo aan la soo koobin karin. Nax-
ariis iyo Nabad-galyo korkiisa ha ahaatoRasuulkeenii Muxamed ahaa ee inoo kala caddeeyey xaqqaiyo baadilka.
Intaaska dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinlawaddaagno cadadkii 22-aad ee Wargayska ShirkaddaTelesom. Waa Wargays soo baxa Afartii bilood bahal mar.Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan doonaa war-bixino ku saabsan waxyaalihii ugu dambeeyey ee shirkaddu
qabatay, Barnaamijyo caafimaad, sugaan iyo adeegyadiiugu dambeeyey ee shirkadu soo kordhiso sanaadkan.Kalkaaliyayaasha
GUDDIDA TIFATIRKA
Maxamed Ibrahim AbdilahiTifatiraha Guud
Yaasin Nuur Moge
La Taliye
Cabdisamad YasinNashqadaynta Boga Hore
Eng. Faarax Sugaal Cabdiwahaam Maax Cabdisalaan Ismaacil
Cadnaan DaahirMaxamed Cabdi Darbo
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
4/324 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Hargeysa
(Telesom-03.03.2015)-
Shirkadda Isgaadhsiinta
casriga ah ee Telesom
ayaa gudoonsiisay guddida
dhismaha waddada Alaybadey
deeq lacageed oo ay kaga qayb-qaadatay dhismaha waddada
Alaybadey ilaa iyo Arabsiyo.
Munaasibadan gudoonsiinta
lacagta ayaa ka dhacday Xarunta
guud ee Telesom waxaaanay
shirkaddu $20,000 oo dollar
gudoonsiisay Guddida Waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo.
Waddadan oo cabirkeedu dhanyahay 50 km. Wajiga koowaad ee
waddadan ayaa ilaa hadda caro-
tuul la dhigay sideed kilo-mir.
Maamule ku-xigeenka Waaxda
Suuq-gaynta iyo xidhiidhka
Dadweynaha ee Shirkadda
Telesom Maxamed Cabdi Darbo
ayaa ugu horayn ka hadlay
deeqdan shirkadda Telesom
kaga qayb-qaadatay wajiga
hore ee Waddada Alaybadey
ilaa Arabisyo, isagoo arintaasi ka
hadlaya waxa uu yidhi, Waxay
shirkaddu had iyo jeer u heelan
tahay inay ka qayb-qaadato
horumarka dalka iyo qaybaha lagu
horumarinaayo dalka. Gobol kasta
oo wax qabsanaaya oo horumar
ka muuqda shirkadu qaybteeda
way ka qaadataa iyadoo faaiidadiiay ka heshay dadka ay dib wax ugu
celiso. Shirkaduna qayb laxaadle
ayey ka qaadataa horumarka
dalka waana arimaha shirkaddu u
aasaasan tahay ee laf-dhabartada
u ah. Shirkadda oo ah shirkad ay
ummadda Somaliland oo dhan
wadda leeyihiin cid walbaana ay
ku jirto
Maxamed Cabdi darbo oo ku
hadlaayey aa shirkadda ayaa
gudoonsiiyey guddida waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo lacag
dhan $20,000 lacagtaasi oo qayb
ka noqon doonta wajiga kowaad
ee dhismaha waddadan.
Ibraahin Xuseen oo ah
Gudoomiyaha Guddida Waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo ayaashirkadda Telesom ka gudoomay
lacagtan deeqda ah mahadnaqna
u soo jeediyey shirkadda waxaanu
yidhi, Waanu ka gudoonay
shirkadda lacagtaa $20,000
ee dollar ah oo aad kaga
qayb qaadanaysaa waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo oo
muhiimad weyn dalka ugu
fadhida. Waddadani waa waddoummadda Somaliland oo dhami
wadda leedahay aad baan idiinka
mahadnaqaynaa Sidaasi waxaa
yidhi Ibraahim Xuseen.
Waxaa sidoo kale munaasibadan
ka hadlay Muuse Yusuf
Muxmumed oo ka mid ah
xubnaha Guddida Waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo
waxaanu yidhi, Shirkadda
Telesom waa halbowlaha dalka
waa halbowlaha ummadda waa
udubadda waaweyn ee ay ku
taagan tahay. Horumarka dalka
qayb weyn bay ka qaadataa meel
kasta oo laga waddo wadooyinka
dalkoo dhan iyo horumarka
kaloo dhan. Umadduna abaalka
shirkadda way celisay shirkaddu
abaalka umadda way celisay
Shirkadda Telesom Oo Deeq Lacageed GudoonsiisayGuddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
5/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 5
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
Telesom Oo $20,000 GudoonsiisayDaladda Dhalinyaradda Heer
Qaran ee SONYO
Hargeysa
( T e l e s o m - 0 3 . 0 3 . 2 0 1 5 ) -
Shirkadda Isgaadhsiinta
casriga ah ee Telesom ayaa
gudoonsiisay Daladda dhalinyaradda
ee SONYO deeq lacageed oo ay
shirkaddu kaga qayb qaadatay
dhismaha loo sameeyey daladan ee
magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ka dhacday
xarunta dalada SONYO. Ugu horayn
waxaa munaasibadaasi ka hadlay
Maamule ku-xigeenka Waaxda
Suuq-gaynta iyo xidhiidhka
Dadweynaha ee Shirkadda Telesom
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu
sheegay doorka ay shirkadda Telesom
ka qaadato horumarka dalka waxaanu
yidhi, Horta marka hore waxaa mahad
gaar ah u dirayaa boodhka todobaad ee
SONYO run ahaantii sidii ay u xaliyeen
khilaafkii. Telesom iyo SONYO xidhiidh
weyn baa ka dhexeeya. Maadaama
shaqaalaha TELESOM 85% ay yihiin
dhalinyaro annaga muhiimad gaar ah
ayey SONYO noo leedahay
Maxamed Darbo oo hadalkiisa sii
wata ayaa yidhi, Waxaanu kaloon
dareensan nahay qiimaha ay SONYO
dalka ugu fadhido maadaama ay
tahay dalad heer qaran ah oo magacii
dhalinyaradda ay huwan tahay
Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka waramay
dhibaatooyinka dhalinyaradda
Somaliland haystaa, kaalinta ay
shirkadda Telesom ka qaadato
shaqaalaysiinta dhalinyaradda,
waxaanu ugu dambayn gudoonsiiyey
maamulka SONYO lacag dhan $20,000.
Kulanka waxaa isaguna ka hadlay
Agaasimaha fulinta daladda SONYO
Siciid Maxamed Axmed waxaanu
mahadnaq u soo jeediyey shirkadda
Telesom waxaanu ka hadlay sida
shirkadda Telesom u garab joogto
dhalinyaradda Somaliland waxaanu
yidhi, Waxaa mahad aan la soo koobi
karin leh shirkadda Telesom oo runtiiaad iyo aad qayb laxaadle uga qaadata
dhismaha iyo kobcinta dhalinyaradda
iyo ta qarankaba. Telesom waxaanu
ku hambalyeynayaa in baahidii
aanu dhalinyaro ahaan u qabnay
ee dhismahan iyo qalabayntiisa,
quruxintiisa iyo dhaqaajintiisaba ay
ka jawaabeen Sidaasi waxaa yidhi
Agaasime Siciid.
Ugu dambayntii waxaa isaguna
kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha
Dalada Dhalinyaradda SONYO
Siyaad Cumar Cali waxanu yidhi,
Farxad bay noo tahay in anaga
oo ah boodhkii todobaad ee
SONYO inaanu ka gudoono soo
dhawayno hambalyeyna shirkaddaa
Telesom. Aad iyo aad baanu ugu
mahadnaqaynaa. Markastoy ururada
SONYO ku jiraa ay shaqadoodu
balaadhato dhalinyaro bay camal u
abuurayaan. Markastoon dadaalno
markastoon shaqo abuur samayno
macmiil baa u soo kordhaya. Markaa
aad iyo aad baad u mahadsan tihiin,
siyaabo kala duwan baanu idiinku soo
celinaynaa waxaad nagu taageertaan.
Gudoomiyaha Daladda SONYO Siyaad
Cumar Cali ayaa sheegay in daladdaSONYO ay u aqoonsatay shirkadda
Telesom in ay tahay Wehelka
dhalinyaradda Somaliland
Wehelka dhalinyaraddaSomaliland
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
6/326 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Telesom oo Casho-sharaf Soo Dhawayn ah u Samaysay
Hogaanka Sare ee SOLJA
H
argeysa (Telesom-
0 5 . 0 2 . 2 0 1 5 )
Shirkadda
TELESOM ayaa
casho-sharaf ku maamustay
hogaanka cusub ee dhawaan
loo doortay ururka suxufiyiinta
Somaliland ee SOLJA. Xafladan
ayaa ka dhacday hoteel Maansoor
ee magaalada Hargeysa.
Casho-sharaftan waxaa ka qayb-
galay maamulka iyo masuuliyiinta
Qaybta Suuq-gaynta iyo
Xidhiidhka Dadweynahaee Shirkadda TELESOM,
maamulaha Qaybta Iibka
TELESOM, Hogaanka cusub ee
SOLJA, Gudoomiyaha SONSAF,
saxafiga rugg cadaaga ee Yoonis
Cali Nuur, iyo Aadan Xaaji Cali
oo ka Mid ah Garyaqaanadda sida
dhow ula shaqeeya saxaafadda
Somaliland iyo shirkadda
Telesom-ba.Shirkadda Telesom, hogaanka
cusub ee SOLJA iyo saaxibadda
kale ee ka soo qayb-galay
kulankan ayaa halkaasi isku
dhaafsaday hadalo ku saabsan
xaaladda Saxaafadda Somaliland
sida ay tahay, dhibaatooyinka
haysta saxaafadda Somaliland iyo
sidii loo tayeyn lahaa saaxaafadda
Somaliland.
Cabdisalaan Ismaaciil Nuur,
Cabdiwahaab Muxumed Maax,
Maxamed Cabdi Darbo oo
ku hadlaayey afka shirkadda
TELESOM ayaa ka hadlay
xidhiidhka Shirkaddu la leedahay
saxaafadda Somaliland waxanay
sheegeen in shirkadda Telesom
ay ururka SOLJA ka caawin
doonto xaga dhismaha xafiiskaiyo tababaradda Saxaafadda si kor
loogu qaado aqoonta saxaafada,
sidoo kale masuuliyiinta
TELESOM ayaa sheegay in loo
baahan yahay in saxaafaddu ay
noqoto mid bulshadda wax ku
soo kordhisa loogana faaiidooyo
dhismaha qaranka.
Yoonis Cali Nuur oo ah saxafi
rug cadaaya oo muddo dheer kashaqaynaayey Idaacadda BBC-da
tababaro badan siiyey saxafiyiin
badanna oo Somaliland ah ayaa
sheegay in saxaafadu tahay awood
samayn badan leh loona baahan
yahay in looga faaiidaysan karo
inay bulshadda wax weyn ku soo
kordhiso. Wariye Yoonis Cali
Nuur ayaa sidoo kale sheegay in
haddii saxaafadda si khaldan loo
adeegsado in ay keento burbur
baaxad leh. Waxaanu soo jeediyey
in loo baahan yahay in la sameeyo
Komishan Saxaafadeed oo madax-
banaan kaasi oo ilaalinaaya
xoriyadda saxafiga sidoo kalena
saxafiga ka ilaalinaysa inuu si
khaladan u adeegsado mihnada
Saxaafadda.
Gudoomiyaha cusub ee SOLJAMaxamed Cabdi Xuuto, Xoghaya
SOLJA Xuseen Kurdi, Saynab
Maxamed Cabdi oo ah xubin
SOLJA ah, Gudoomiyaha
SONSAF Mustafe Sacad iyo Aadan
Xaaji Cali ayaa dhamaantood
soo dhaweeyey taageeradda
TELESOM u hayso saxaafadda
Somaliland waxay sheegeen in
saxaafadda Somaliland ay u baahantahay in la dhiso aqoontooda,
sidoo kale ay shirkadda wadda
yeeshaan wadda-shaqayn
maadama Tiknoolajiyadii noqotay
udub dhexaadka saxaafadda.
Masuuliyiinta ayaa shirkadda
Telesom u soo jeediyey in
masuuliyiinta goboladu ay si gaar
ah ula shaqeeyaa wariyayaasha
ka hawl-gala goboladda dalka
maadama ay ka duruufo iyobaahi badan yihiin kuwo ku nool
caasimadda Somaliland.
Kulankan dhex maray shirkadda
Telesom iyo hogaanka sare ee
SOLJA ayaa ku dhamaaday waji
farxadi ku dheehan tahay waxaana
kulankani uu ogogol xaadh u
noqon doonaa in la sii dardar-
galiyo xidhiidhka iskaashi iyowada-shaqayneed ee u dhexeeya
shirkadda Telesom iyo Saxaafadda
Somaliland oo ay ku midaysan
yihiin ururkan SOLJA.
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
7/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 7
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
Jaamacadda Badar oo Tababar Siisay Shaqaalaha
Telesom
H
argeysa (Telesom-11.02.2015)
Jaamacadda Badar ayaa u soo gabo-
gabaysay 18 shaqaalaha shirkadda
Telesom oo muddo saddex maalmood
ah ku tababaraysay hogaaminta iyo maamulka.
Munaasibadda gabo-gabada tababarkan waxaan
ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Beder
waxaanu si mug leh uga hadlay faaiidada
ku duugan tababaradda noocan oo kale ah.
Gudoomiye Mubaarik Aar ayaa
yidhi, Waxaan maanta halkan uga
mahad naqayaa dhamaan shaqaalaha
shirkadaha, kolay ka Jaamacadaahaan markasta waanu raadinaa
dadka aanu aqoonta bidayno kuwaas
oo aanu ku soo casuuno Jaamacadda,
nin shaqaale ah ayaa la waydiiyay
imisa sano ayaad shaqadan waday,
markaas ayaa uu ku jawaabay
labaatan sano, markaas Labtaankaas sanaba waxa uu
ku cel-celinayay hal Shaqo oo kaliya, markaas hadduu
tababaro heli lahaa uu aqoonto ku korodhsado shaqo
badan ayuu u qaban lahaa shirkadaas uu la Joogo.
Intaas waxa uu ku dary Guddoomiyaha Jaamacadda
Beder Mubaarig Ibraahin Aar waxaana uu yidhi,
Markaas shirkadaha waxaan ku dhiiri galin lahaa
in ay bixiyaan aqoon korodhsiyo shaqaalaha ay
Tayadooda kor ugu qaadayaan.
Shirkad Kasta hadda waxa ay
ka kiraysaa, dhaqaalaha kagabaxaya Aqoon-korodhsigaas ay
u dirayso shaqaalaheeda lakiin
taas ayaa uga munaafaac badan
oo wax badan ayuu u qabanayaa.
Aqoon-korodhsiga badan ee la siiyo shaqaalahu
waxa uu ku lmaamay aqoonyahan Mubarik
Ibraahim Aar in tahay Muhiimada ugu wanaagsan
ee shirkadahu ku helaan kobacooda dhaqaale.
Shirkadba Shirkada ay ka tababar badan tahay
way ka wax soo saar badan tahay. Sanadkasta
haddii uu qou qaato shahaado gaar ah waata
sahlaysa inaanu qoa shaqaalaha ahi ka tagin
shirkada uu leeyahay, madaama waxa uu ogyahay
dhaqaalaha ay ku bixisay, sidaasi waxaa yidhi
gudoomiyaha Jaamacada Badar Mubaarik Aar.
Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee
Beder Mubarik Ibraahim Aar ayaa shahaadooyin
gudoonsiiyey shaqaalaha shirkadda Telesom eedhamaystay tababarkan saddexda maalmood u
socday oo ay ku barteen hogaaminta iyo maamulka.
Mubaarik Aar
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
8/328 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Telesom oo ugu Deeqday
$6000 Guri Laba Dabaq ah
oo Loo Dhisayo Dawladda
Hoose ee Gabiley
Gabiley (Telesom-04Feb, 2015) Kulankooban oo ka dhacayxafiska Maayarka
Gabiley ayaa lagu kala gudoomaylacagta tabarucaad ah oo
shirkadda Telesom ugu deeqday
dawladda Hoose ee Gabiley.
Kulankan oo ay ka qayb-galeen
maayarkii hore ee magaalada
Gabiley Shucayb Maxamed
Muuse, Xildhibaanka Golaha
deegaanka ka tirsan XildhibaanCabdi Xabeeb, maamulaha
Telesom Gabiley Sheekh Maxamed
Muumin iyo Madaxa Iib-gaynta
Telesom Gabiley Maxamed Dayid.
Maamulaha Telesom Gabiley
Sheekh Maxamed Muumin
ayaa gudoonsiiyey $6,000Maayarka Gabiley lacagta noo
shirkadda Telesom kaga qayb
qaadanayso dhimse laba dabaq
ah oo loo dhisi doono DawladdaHoose ee magaaladda Gabiley.
Maamulaha Xarunta Telesom
Gabiley oo ka hadlay kulankaasi
ayaa sheegay in shirkadda
Telesom ay ka qayb qaadatohorumarinta gobolka, waxaanu
xusay in shirkaddu ay
taageero ka gaysato xarumaha
waxbarashadda sida dugsiyadda
ka jira magalaada Gabiley
iyo Jaamacadda Tima-cadde.
Ugu dambayntii waxaa uu sheegaymaamule Maxamed Muumin in
shirkadda Telesom ay ka qayb
galays0 tabarucaadka dhisme loo
waddo dawladda Hoose ee Gabiley.
Maayarkii hore ee magaalada
Gabiley Shucayb Maxamed
Muuse oo ka hadlay kulankan
ayaa shirkadda Telesom uga
mahadnaqay deeqdan ay kaga
qayb gashay dhismaha loo waddao
Dawladda Hoose ee Gabiley
waxaanu yihdi, Shirkadda
Telesom ee Gabiley waxaanuka gudoonay deeq lacageed
oo ay kaga qayb qaadanayaan
horumarka ka socda degmadooda.
Runtii waxanu leenahaywaad ku mahadsan tihiin.
Burco - (Telesom-11.04.15)- Shirkadda isgadhsiintaTelesom ayaa Toban Neefoo adhiya ugu deeqday
Maxabiista ku Jirta Jeelka waynee Burco. Munaasiban wareejintadeeqdan xoolaha ah ayaa ka dhacay
isla jeelka.
Maamule Ku-xigeenka XaruntaBurco ee shirkadda TelesomMd. Kayse Maxamed Cabdi oomatalaayey shirkadda Telesom ayaaku wareejiyey deeqdan xoolahaah Taliyaha ciidamada AsluubtaGobolka Togdheer GaashaanleJaamac Baadi Cawad. Taliyaha
ayaa shirkadda Telesom ugamahad-celiyey deeqdan xoolahaee ay shirkaddu ugu talo gashaymaxaabiista ku jira jeelka Burco.
Telesom Xoolo
Ugu Deeqday
Maxabiista
Jeelka WaynBurco
Kayse Maxamed Cabdi
maaule Ku-xgeenka Telesom Burco
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
9/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 9
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
Shirkadda Telesom oo Si
Mugle Uga Qayb-qaadatay
Bandhiga Carwadda
Ganacsiga Boorama
B
oorama -(Telesom-07.02.15)-Shirkada Isgaadhsiinta
casriga ee TELESOMqaybteeda goboladaAwdal iyo Selel ayaawacdaro ku soobandhigtay carwadaganacsi oo kadhacday magaaladaBoorama waxaanaay soo bandhigeenadeegyo casri ahoo ay dadweynihiika soo qayb galayay ka mabsuudeen.
Maamule ku-xigeenka TelesomBoorama Md. CabdiraxmaanMaxamuud Jaamac Iyo
Madaxa iibgaynta xaruntaTelesom Borama Sheekh DeeqCabdi Xasan ayaa ka hadlay
adeegyadda casriga ah ee ay kusoo bandhigeen adeegyadayonoocyadiisa kala duwan yihiinsida adeegga Internet Wireless-
ka ah, flashyadda Internetxambaraara iyo SemicardsBilaashah, sidoo kale waxa ay
masuuliyiintan sheegeen inadeega Zaadka oo bilaashah la iska diiwaan galinayointa carwadani socoto iyoadeegyo kale oo casri ahoo noocyo kala duwan ah.
Masuuliyiintan ayaaugu baaqay bulshadaGobolka iyo gaar ahaandegmada in ay kafaaiidaystaan maalmahanay carwadu socoto iyagaoo sheegay in ay ku soo
kordhindoonaan adeegyo kaleoo raaligalin doono bulshada.
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
10/32
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
11/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 11
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
12-aad U Qabatay ShaqaalaheedaCabdiqaadir Sahal.
Maamulaha hawl-galinta Shirka
Md. Ciise Maxamud Faarax ayaa
mahad balaadhan u jeediyey
shaqalaha shirkadda Telesom ee
hawl-karinimada iyo dadaalka
dheer muujiyey sanaddii 2014.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale
ka waramay adeegyadii ugu
muhiimsanaa ee shirkadda
Telesom soo kordhisay sanadkii la
soo dhaafay waxaanu ku amaanay
guud ahaan shaqaalihii adeegyada
sida hufnaanta ah uga shaqeeyey,
hadaladkiina waxaa ka midahaa, Waxan jecelahay in aan u
mahadceliyo shaqaale weynaha
shirkadda Telesom madax iyo
mijaba meel kastow joogaanba
waajibaadkii iyo shaqadii loo
igmaday iyagoo quudka iyo
risiqooda Ilaahay subxaanahu
watacaala u qadaray ka doonanaya,
haddana si hufnaana, karnimo
ah, wadda shaqayna walaalnimo
ah, kalkacaltooyo ah u wadda
shaqeeyey uga wadda dhabeeyey
ujeedooyinkii shirkaddu lahayd
inay wadda xaqiijiyaan , Sidaasi
waxaa yidhi Md. Ciise Faarax.
Gudoomiye Ku-xigeenka Guud ee
shirkadda TELESOM Md. Maxamud
Xaaji Aadan (Xadeed) ayaa kahadlay sida shirkadda Telesom
u tahay markasta shirkadda
Koowaad waxaanu tafaasiil dheer
ka bixiyey adeegyadii ugu horeeyey
ee shirkadda Telesom dalka ku
soo kordhisay isagoo arimahaasi
sharxayanna waxaa uu yidhi,
Shirkaddu waxay lahayd halku
dhag ah Telesom is rst, waxaynuahayn shirkaddii ugu horaysay
ee moobayl waddanka keena,
waxaynu ahayn shirkaddii ugu
horaysay ee internet waddanka
keena, waxaynu ahayn shirkaddii
ugu horaysay ee EVC dalka keena,
iyadoo scratch kaadh la xoqo baynu
keenin in EVC-ga lacagta lagaga
shubto, waxaynu ahayn, waxaynu
ahayn, waxaynu ahayn way ro
badan yihiin runi, waxaynu
ahayn shirkaddii ugu horaysay ee
ZAAD keenta, haddana waxaynu
keenay inay xawaaladu ZAAD-
ka ku soo dhacdo Sidaasi waxa
yidhi Gudoomiye Ku-xigeenka
Shirkadda Maxamud Xaaji Aadan.
Gudoomiyaha Baanka DAARA
SALAAM Md. Maxamed Ibraahimoo ka mid ah mar-sharaii
xaadan kaga soo qayb-galay
TELESOM GROUP ayaa sheegay
in Baanka DAARA SALAAM uu
yahay Baan ay shirkadda TELESOM
leedahay waxaanu ka hadlay
adeegyada baanku bixiyey iyo
fursadaha qaaliga ah ee Baanka
Salaam uu siiyo shaqaalaha
shirkadda Telesom. Gudoomiyuhuoo ka hadlaya arimaas waxaa
uu yidhi, Shirkaddu shirkadaha
ay dhashay waxaa ka mid ah
Bangiga Daarasalaam Baank.
Bangiga Daarasalaam waa bangi
ay leedahay shirkadda TELESOM
oo laga yaabo inaan dad badan
hore u ogayn ama maqalkiisa uunmaqlayeen. Haddii aanu dib ugu
noqon Bangigu labaatan cisho ka
dib uu shan jir sanayaa, waxaa
laga yabaa inaan shantaa sano
malaha dad badani ay caawa uun
ugu horayso magaciisa iyo in loo
sheego in shirkaddu shirkaddaha
ay leedahay uu ka mid yahay
bangigu Sidaasi waxaa yidhi Md.
Maxamed Ibraahim
Waxaa isaguna munaasibadan ka
hadlay Gudoomiyaha Shirkada
SOMGAS Cabdikarin Xaaji Muuse
(Muruq-liqe) oo sharaxaad
ka bixiyey adeega shirkadda
SOMGAS bixiso. Gudoomiyaha oo
la dhacsay shaqaala radda badan
ee ka soo qayb-galay xaadan
ayaa shaqaalaha TELESOM ugu
baaqay in ay wadda Iscmaalaanshoolada cuntada lagu karsad ee
shirkadda SOMGAS iibiso.
Ciise Maxamud Faarax
Maamulaha Hawl-galinta
Maxamud Xaaji Aadan
Gudoomiye Ku-xigeenka Telesom
Maxamed Ibrahim
Gudoomiyaha Daarasalaam Bank
Cabdikarin Xaaji Muuse
Gudoomiyaha SOMGAS
Eeg Bogga 12-aad
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
12/3212 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Gudoomiyaha Guud ee Shirkadda
TELESOM Md. Cabdikariin
Maxamed Iid oo soo gunaabaday
qudbadihii laga jeediyey madasha
ayaa hadalo badan oo isku jira
mahadnaq, dhiiri-galin, amaan iyodardaaran u jeediyey guud ahaan
maamulaha iyo Shaqaale weynaha
TELESOM, waxaanu sidoo kale
ku booriyey shaqaalaha inay la
yimaadaan hal-abuurnimo iyo
currin wax weyn ku soo kordhisa
horumarka shirkadda. Gudoomiye
Cabdikariin ayaa yidhi, Maxaynu
hiigsanaynaa maxaynu doonaynaa
inaynu gaadhno.W a y n u
ognahay
h a l k i i
a y n u
k a
s o o
bilaabnay
ee ahayd
inaynu moobayl
iyo xed line shirkadd ahaan
shaqadeena ku bilownay,
maantana halkaynu joogno waa
dareensanahay.Cloude service
oo ah inaynu adeeg dhamaysran
u qabano bulshadeena waa mid
qorshaheena inoogu jirta sanadkan
insha Allaah oo dhismihii, Waaxdii
iyo shaqaalihii hawshaa hananlahaa ay u dhamaysran yihiin iyo
qalabkiiba Insha Allaahna aynu
gaadhi doono Haddii uu Allah
yidhaahdo. Waxaanu kaloon ku
talo jirnaa inaynu moobaylka
horumar fara badan ku samayno
iyadoo dhinacyadda caamaadka,
waxbarashadda, dhaqaalaha iyo
saxaafada aynu uga faaiidaysan
doono biidni laahi tacaalaa. Waxaakale oo aynu iyana horumar ku
samayn doonaa sidaynu u qaybin
lahayn adeegyadda kala gadisan
ee aynu koox ahaan leenahay in
aynu meel iskugu keeno oo aynu
midayno insha Allaahu haddii
Ilaahay yidhaahdo Sidaasi waxaa
yidhi gudoomiyaha ShirkaddaTelesom.
Xaadan Abaal-marinta
Shaqaalaha ayaa si habsami ah
mar qudha uga wadda dhacday
gobolada dalka oo dhan waxaanu
maamulayaasha shirkadda
ee gobolada dalku ay iyaguna
dhinacooda si toos ah ugala
socdeen qudbadihiikala gadisanaa ee
masuuliyiintu
ka jeediyeen
x a f l a d d i i
A b a a l -
m a r i n t a
Shaqaalah
ee ka
s o c o t a y
H o t e e l
Ambaassador ee
magaalada Hargeysa.
Maamulka Waaxda Shaqaada iyo
Shaqaalaha iyo Qaybta Maamulka
ayaa si wadda jir ah Abaal-marino u
gudoonsiiyey shaqaalihii kaalmaha
hore ka galay Qaybaha iyo Waaxa
Shirkadda. Hadyadahaasi oo isku
jiray lacago, laptop-yo casri ah,
tablets, moobaylo Smartphoneah, Shahaadooyin iyo hadyado
kale waxaana la gudoonsiiyey
dhamaan shaqaalihii kaalmaha
sare ka galay qiimayni shaqaalaha
ee ka kala rsanaa xarunta guud
ee magaalada Hargeysa iyo
xarumaha guud ee shirkaddu ku
leedahay gobolada dalka oo dhan.
Telesom Xafladdii Abaal-marin
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
13/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 13
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
12-aad U Qabatay Shaqaalaheeda
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
14/3214 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
15/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 15
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
Telesom oo $10,500 Ku Bixisay Tabarucaad Wadooyin Ku Yaala
Magaalada Hargeisa Ka Tirsan
Hargeysa - (Telesom-27.03.2015) - Shirkadda
Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM ayaa
$10,500 oo Dollar ugu deeqday saddex waddo
oo ku kala yaala degmadda Axmed Dhagax,
Degmadda Ibraahin Kood-buur iyo Degmadda Gacan Libaax.
Shirkadda TELESOM ayaa ugu horayn gudoonsiisay Guddida
Dhismaha Wadda Xaafadda Aw-aadan lacag dhan $4000 oo
dollar. Munaasibada lacag bixinta waxaa ka hadlay Madaxa
Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md.
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sharaxaad kooban ka bixiyey
kaalinta shirkadda TELESOM kaga jirto horumarka dalka waxaanu
yidhi, Sidaad la wadda socotaan shirkadda TELESOM waxay
xoogga saartaa xagga horumarinta, waxbarashada, wadooyinka,
tababarucaadka kale, Jaamacadaha, madarasadaha,
masaajidada wax Alla wixii khayr ah., Sidaasi waxaa yidhi
Maxamed Darbo, isagoo hadlkiisa sii wata waxa uu intaasi
raaciyey, Shirkadda TELESOM waxay ka qayb qaadanaysaawajiga koowaad ee waddadan la bilaabaayo, waxanay ugu
talo gashay inay $4,000 ay ku wareejiso dhismaha waddadaas,
wadadaas oo ay baahi weyn u qabaaan bulshadu qiimo
badanna ugu fadhida magaalada isku socodka dadweynaha.
Gudoomiyaha Guddida Waddada Xaafada Aw-aadan oo
ka hadlay munaasibadaas ayaa yidhi, Aniga oo ku hadlaya
magacayga iyo magaca Guddida Dhismaha xaafadda Aw-
aadan iyo Guddida xaafadda waxaan halkan kaga gudoomay
shirkadda Telesom oo uu hormood ka yahay Maxamed
Darbo $4,000 oo ay ugu tabaruceen waddo hal kiiloomir
iyo badh ah (1.5km) oo ka socota xaafadda Aw-aadan.
Shirkadda Telesom ayaa sidoo bixisay deeq tabarucaad oo
dhamayd $3,000 waxaanay gudoonsiiyey maamulka iyo
masuuliyiinta dugsiga sare ee Ilays. Lacagtaasi oo lagu dhisi
doono waddada soo hor marta Hoteel Mount Royal soona gasha
Dugsiga sare ee Ilays. Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha
ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo oo ku
hadlayaa aa shirkadda Telesom ayaa sheegay in shirkadda
Telesom ay goorkasta u heelan tahay inay qayb ka noqotohorumarka dalka waxaanu sharaxaad ka bixiyey sida shirkadda
Telesom uga qayb qaadato tabarucaadka waxbarashadda.
Dhanka kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay maamulaha
Dugsiga sare ee Ilays Sh.Cabdiraxmaan Axmed Sh. Cabdi
waxaanu shirkadda Telesom uga mahad-celiyey sida ay uga qayb
qaadato barnaamijyadda khayriga ah waxaanu yidhi, Aad iyo
aad waxaanu ugu mahadnaqaynaa una ducaynaynaa shirkadda
balaadhan ee qiimaha badan ee waddaniga ah ee dalku iyo
dadku runi wadda leeyahay sidaa uu sheegay Maxamed. Aad
baanu ugu faraxsanahay aad baanu ugu ducaynaynaa Ilaahay
inuu u barakeeyo, Sidaasi waxaa yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.
Shirkadda TELESOM ayaa ugu dambayni waxay deeq lacageed
oo dhan $3,500 ugu deeqday Dhismaha Buuntada xaafada
Maandeeq ama Ex-Libaaxyadda halkaasi oo ay ku ooli jirtay
Buundo la dhisay labaatan sanno ka hore dhibaato badanna ku
haysay dadka degan xaafadaasi gaar ahaanna xiliyadda roobabka.
Goobta lacagta lagu kala gudoomaayey waxaa ka hadlay Madaxa
Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md.
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay in shirkadda Telesom
ay biirashkan kaga qayb qadan doono lacag dhan $3,500.
Gaashaanle Dayib Cismaan Caalin oo ahaa Taliyihii hore ee
Laanta Socdaalka Somaliland oo ka mid ah Guddida dhismaha
waddadan ayaa
shirkadda Telesom
uga mahad-naqay
t a b a r u c a a d k a n
ay kaga qayb-
q a a d a n a y s o
d h i s m a h a
b u u n d a d a n ,
waxanu ka waramay
d h i b a a t a d d a
ay xaafada
Maandeeq kuqabtay ini uu burbursanaa biriijkani. Gaanshaale Dayib
ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay ugu soo dheeraysay
dalabaadkii ay guddidu u gudbiyeen meelaha kale.
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
16/3216 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Ma
Hargeysa (Telesom-06.04.15) Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga
ah ee Telesom ayaa daah-furtay
wajiga labaad ee Mashruuca
Caruurta la nool Cudurka Macaanka.
Mashruucan oo ay fulinayso Xarunta
Daryeelka Caruurta Macaanka Qabta ee
Global Polyclinic ee magaalada Hargeysa.
Shirkadda Telesom waxay Mashruucan
bixin doontaa daawooyinka la siin doono
120 caruur ah muddo hal sanno ah.
Xaadan Daah-furka wajiga labaadee mashruucan oo ka dhacay huteel
Summer Time ee magaalada Hargeysa
ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiir
Ku-xigeenka Warfaanta Somaliland
Marwo. Shukri Xariir, Gudoomiyaha
Guddida Dhakhaairta Somaliland Dr.
Cabdirashiid Axmed Xaashi, Agaasimaha
Daladda Dhalinyaradda SONYO
Siciid Maxamed Axmed, Maamulka
Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda
Telesom, Maamulka Cusbitaalka Global
Polyclinic iyo qaar ka mid ah Waalidiinta
caruurta la nool cudurka Macaanka.
Ugu horayn xaadan waxaa ka hadlay
Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka
Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf
Cabdilaahi Axdar waxaanu ka hadlay
mashruucan taakulaynta caruurta la nool
xanuunka Macaanka waxaanu sidoo kale
mahadnaq u jeediyey Shirkada Telesom,
hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa, In
muddo ah waxaanu wadney hawshan in
la taakuleeyo Caruurta qabta cudurka
macaanka ee ka soo jeeda qoysaska aantahli kareen in ay helaan dawooyinka iyo
waxii ay u baahan yahiin. Waxaa aanu ku
bilowney 50 caruur ah maantana waxaa
aanu diwaan galinay oo aynu gacanta ku
haynaa 120 caruur ah markaa waxaanodhan karaa waa arin aad u weyn
waana rkir anaga naga yimid anaga oo
halkan aad iyo aad ugu mahadnaqeyna
Shirkada Telesom oo naga haqab rtey
dhamaan wixii daawooyin iyo wixii kale
ay u baahneyeen caruurtani, waxaa
kale oo iyaduna farxad leh in maanta
ay Shirkada Telesom ay mar kale noo
disey in mar labaad muddo sanad ah
ay hawshaasi halkeedi ka sii socoto
sidaai waxaa yidhi Agaasimaha Guud
Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf.
Madax Waaxda Xidhiidhka
Dadweynaha Shirkadda TELESOM
Maxamed Cabdi Darbo waxaana ayaa ka
hadlay kaalinta shirkadda ku leedahay
mashruucan samafalka waxaanu yidhi,
Waxaan odhan lahaa bulshadeenu waa
qaar baahiyo badan qaba arintan caruurtayaryar ee maacanka qabtaana waa mid
anaga haddii aanu nahay Telesom aad
noo damaqdey markii uu noo yimid
Dr. Cabdirisaaq maamulaha Cusbitalka
Global nagana codsadey in arintaasi wax
kala qabano ayaanu hadii aanu nahay
Shirkada Telesom goaansaney in aanu
wax ka qabano waxaan halkan aan maanta
ka cadeynaaya in mar labaad Shirkada
Telesom iyada oo rabta shacbigeeda in
ay wax ku soo celiso in ay mar labaad
bilaabeyso Wajiga labaad ee dawo siintaiyo kaafalo qaadashada caruurtaas
yaryar ee macaanka la nool, Sidaasi
waxaa yidhi Md. Maxamed Cabdi Darbo.
Md. Darbo ayaa intaasi raaciyey in
shirkadda Telesom ay markastaba u
heelan tahaay bulshadeeda waxaanu
shirkaddu kharashaka waxbarashadda
ka bixiso sanad kasta 10 arday oo wax
ka dhigta Jaamacadda Hargeysa iyo 10
arday oo wax ka barta dugsiga Sare ee
SOS oo ka soo jeeda dadka dhaqaalaha
qoyskoodu hooseeyo. Waxa kale oo
uu sheegay in Shirkadda Telesom ay
sidoo kale kafaalo qaaday 35 caruur ah
oo aan lahayn aabaha iyo hooyadda
kuwaasi oo ay shirkaddu guri uga iibisay
xaafadda Xawaadle ee Degmadda
Kood-buur. Shirkadda Telesom ayaa
caruurtan wax kasta oo ay baahdaan
noloshooda siin doonta ilaa inta ay ka
gaadhayaan 18 jir noloshooda ku lan.
Agaasimaha Daladda Dhalinyaradda
Somaliland ee SONYO Md. Sicii MaxamedAxmed ayaa lmaamay in daladda SONYO
ay ka qayb-qaadan doonto caawimadda
caruurta qabta macaanka waxaanu
yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya,
Dr. C.risaaq Yuusuf C.laahi
Agaasimaha Global Polyclinic
Maxamed Cabdi Darbo
Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynah
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
17/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 17
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
hruuca Caruurta La Nool Cudurka MacaankaShirkadda Telesom waxaan isleeyahay
waxay ku suntan tahay halgankaa dib
u dhiska dalka Ilaahayna waxaan ka
baryahaa inuu shirkaddaasi ka dhigo
mid runi jirta oo waarta, sidaa ay imika
ugu mashquulsan tahay` horumarinta
bulshadeedana runi joogtaysa aad iyo
aad bay shirkadda Telesom ugu mahadsantahay. Cabdirisaaq iyo saaxibkay Dr.
Bashiir iyo dhakhaairtaasina waxay
geesteen wax weyn oo aan Ilaahay
uga baryaaho inuu ka jasaaI siiyo.
Sidaas waxaa yidh Agaasimaha SONYO
Siciid Maxamed waxaanu intaasi
ku daray in Daladdda SONYO ay
garab joogsan doono cusbitaalka
samayna doonaan shirar hawleedyo
ay ku taageeri doonaan cusbitaalkan.
Dhinca kale munaasibadan ayaa waxaa
ka hadley Gudoomiyaha Dhakhairta
Somaliland Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi
ayaa shirkadda Telesom iyo maamulka
cusbitaalka Global Polyclinic uga mahad
celiyey kaalinta ay u istaageen waxaanu
xukuumadda ugu baaqay in sida
shirkadda Telesom oo kale ay sanadkii ay
miisaaniyadda ugu daraan sidii caruurta
macaanka qabta loogu heli lahaa in
daawo ku lan loo helo. Waxa uu sidoo
kale ugu baaqay bulshadda qaybaheeda
kale in ay u istaagaan sidii ay dadkooda
xanuunsanaya u gacan siin laayeen.
Dr. Cabdirashiid Xaashi ayaa tusaale u
soo qaatay in dad gaalo ahi oo maal-
qabeen ahi ay dadka ku nool waddama
dunidda saddexaad ay ugu deeqaan
xoolahooda. Dhakhtarka ayaa bulshadda
ugu baaqay in xoolaha ay uruurinayaa
iska daayaan oo ay bulshadooda kuwa
baahan wax ugu qabtaan, maadaama
xabaal laga wadda galaayo oo qoa
xoolihiisu aanay qabriga u raacayn.
Dhanka kale waxaa iyaguna madasha
ka hadlay qaar ka mid ah
waalidiin caruurtoodu
qabaan cudurka macaanka
waxaanay si wayn ugu
mahadnaqeen shirkadda
Telesom iyo maamulka
Cusbitaalka Polyclinic.
Waalidiinta ayaa qaarkood
sheegeen in caruur ay
dhaleen ay hore ugu dhinteen
cudurkan macaanka taasioo ay ugu wacnayd aqoon
laaan ka haysatay cudurkan
iyo sida loola tacaalo. Waalidiinta ayaa
ka sheegeeyey muddadii lixda bilood
ahayd ee cusbitaalka Global Polyclinic
ay ku xidhnaayeen inay wax badan ka
barteen sidoo kalena ay awoodeen in ay
xakameeyaan joogtaynta heerka la ogol
yahay in heerka dhiiga
macaanka Ilmuhu joogo.
Ugu danbeyni
waxaa madasha ka
hadashay wasiir ku
xigeenka wasaarada
Warfaanta Dhaqanka
iyo Waciyi Galinta
Somaliland Shugri
Xariir Ismaciil waxaana
ay laamantey in
arintani ay tahay mid ku
dayasho muddan looga
baahan yahay shirkadaha waaweyn ee
Somaliland ka jira in ay arintan gacan ka
geystaan waxaanay dhi, Waxaan layaakulakan maanta in uu yahay kulankii
labaad ee aynu iskugu nimaadno aad iyo
aadna waxaa aynu ugu mahad naqeynaa
cida iska xil saartey arintan iyada ah ee
ay ugu horeeyaan Dr. Cabdirisaaq Iyo Dr.
Dr. Cabdirashiid XaashiGudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta
Shukri Xariir IsmaaciilWasiir ku-xigeenka Warfaafinta
Siciid Axmed Maxamed
Agaasimaha SONYO
Bashiir oo ka socda Cusbitaalka Global
waxaa kale oo iyaduna aanu aad ugu
mahad celineynaa Shirkada Telesom
oo iyadu markasta ka dhex muuqata
sidii loo dabooli laha baahiyaha ay
qabaan bulshadeen Jicilcsan. Waxaan
idin leeyahay wax kasta oo bulshadiinau qabteen waa wax idinka horeeya
Ilaahayna ajar iyo xasanaad ha idinka
siiyo. Barnaamijkani waa mid ah sidii
loo tageeri lahaa waxna looga qaban
lahaa cudurkaas bulshadeena aafeeyey
ee macaanka. Cusbitaalka Global Ilahay
khayr ha ka siiye waxaa ay iska xil saareen
sidii ay arintaasi ina wada taabatey wax
looga qaban lahaa Sidaa waxaa dhi
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada WarFaanta Dhaqanka Iyo Waci-galinta
Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaciil.
Dr. Bashiir
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
18/3218 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Wargayska Caalamiga Ah ee New York Times Oo Wax Ka Qoray
Kaalinta Uu Adeegga ZAAD Kaga Jiro Koboca Dhaqaalaha
H
aweenku waxay udub
dhexaad u yihiin maamulka
dhaqaalaha qoyska, waxaanay
kaalin laxaadle kaga jiraan
dhaqaalaha bulshooyinka guud ahaanmarka laga eego dhinacyada qorshaynta
iyo maamulidda dhaqaalaha qoyska, ka
qaybqaadashada kobcinta dhigaalka
qoyska.
Kaalintaasi ay haweenku ku jiraan waxa
dhiirigelin weyn siiyay, una noqday
hanaan xisaabeed oo ay dhaqaalahooda
ku maamulaan adeegyada maaliyadeed ee
electrniga ah ee moobilka, waxana tusaale
ican loo soo qaatay Adeegga ShirkaddaTelesom ee ZAAD Services, sida lagu
sheegay Maqaal ay 1-dii April, 2015Wargeyska New York Times ku qortay
Melinda Gates oo ah xaaska maalqabeenka,
mulkiilaha shirkadda Microsoft ee Bill
Gates, maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa:
Cellphones for Women in Developing
Nations Aid Asent from Poverty Iyadoo
horena uu Bill Gates adeegga ZAAD ee
Somaliland ka amaanay shir caalami ah.
Maqaalku waxa uu sawir ican kabixinayaa muuqaalka nolosha dhaqaale
ee haweenka dunida soo koraysa ku
nool ee aan lahayn Bangiyada, kuwaas
oo lacagtooda ku kaydsada barkimada
hoosteeda ama meelo aan aamin ahayn,
warwar badan ayaa xilli kasta ka haysta
in uu tuug ka qaato ama xitaa cid kamid
ah qoyskeeda oo aan masuul ahayn.
Arrintaasi waxay muujinaysa cid kasta ooaan adeeg maaliyadeed lahayn inay nolol
adag ku nool yihiin, maadaama aanay si
hufan u maamulan karayn dhaqaalohooda,
mustaqbalka noloshoodana aanay kayd u
samaysan karin.
Maqaalku waxa uu sheegay in adeegyada
maaliyadeed ee mobile-ka ku dhisani ay
suurta galiyeen in dad 2 bilyan oo qof oodunida soo koraysa ku nooli inay Baan
yeeshaan, malaayiin qoys oo faqri ku
noolaa inay ka baxaan iyo in dhaqaalaha
dalalkaasi uu horumar la taaban karosameeyo maadaama adeegyada maaliyadeed
ee Moobilka, sida ZAAD-ka oo kale, ay si
isku mid ah u taabanayaan qaybaha kala
duwan ee bulshada dhaqaalaha doorka
wayn ka ciyaara, gaar ahaan Haweenka.
Melinda Gates waxay xustay in
teknoolajiyadda Mobile-ka lacagta loo
adeegsadaa in uu si wayn u korayo,
waxaanay tusaale u soo qaadatay
adeegyada ZAAD ee Somaliland Iyo
BKASH ee Bangladesh.
Adeegga ZAAD ee shirkadda Telesomwaxa uu kamid yahay tusaalayaasha
dunida ee dhinaca horumarka adeegyada
Mobile-ka lagu isticmaalo lacagta, sida
in la isu diro, wax lagu iibsado ama lagu
kaydsado; iyada oo bulshada Somaliland eeuu ka dhex shaqeeyaa ay in badani yihiin
qaar aan waxba qorin waxna akhriyin isla
markaana aanay hore uga jirin adeegyo
maaliyadeed oo bulshadu ku tiirsan tahay.
Kaalinta uu ZAAD ka qaatay u fududaynta
Haweenka Somaliland inay helaan adeegyomaaliyadeed iyo qaababka ay shirkadda
Telesom ugu bixisay fekerka habka
haweenka loogu fudadayn karo ayaa ah mid
dunida si wayn uga dhex muuqatay, taas
oo saamayn toos ah ku leh koboca dhaqaale
ee dalka waana sababta ay Melinda Gates
ugu soo qaaday maqaalkeedan NY Times
ay ku qortay. Adeegga ZAAD waxafursad u siiyay haweenka Somaliland inayyeeshaan Baan oo Mobile-koodu u noqdo si
ay dhaqaalahooda ugu maamulan karaan
si hufan, ugu kaydsan karaan lacagtooda
islamarkaana si hawl yari iyo kharash ah
ay danahooda dhaqaale u fushan karaan.
Faaiidooyinka ZAAD uu Bulshada u sookordhiyay waxa ka mid ah in uu yareeyay
kharashaad badan oo kaga bixi jiray in ay
dadku u safraan si ay lacag isugu tebiyaan.
Waxa kale oo uu bulshada miyiga &
magaaladaba u suurtogeliyay in uu ka
qaaday werwerkii ka haystay ilaalintalacagta, waxana uu u noqday aalad u
keentay in ay ka gamaan lacag ka lunta
ama laga xado. Waxa kale oo uu shirkadaha
& ganacsiyada u suurtogeliyay in uu ka
dhigo nidaamyadooda xisaabeed mid hufan
oo leh qoraal sugan oo ay tixraacaan.
Adeegga ZAAD uu wax weyn ka beddelay
nidaamkii xawaaladaha Dibadda, iyada oo
qofka leh ZAAD uu si fudud moobilkiisaugu helayo lacagaha looga soo diro daafaha
Dunida.
Ugu dambayntii, maqaalku waxa uu
qeexayaa mustaqbalka dhaw in dhaqaalaha
dunida soo koraysaa uu si wayn ugu
xidhnaan doono adeegyada maaliyadeed
ee electronig-ga ah (Digital Financial
Services) bulshooyin-kuna ay ku kalatagi doonaan sida ay u maalgashadaan
adeegyadaas ugana faaiideeyaan
adeegyadaasi maaliyadeed qayabaha kala
duwan ee bulshada ee kaalinta wayn ku lehkoboca dhaqaalaha oo ay haweenku kamid
yihiin.
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
19/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 19
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
20/3220 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Shirkadda Telesom oo Si Weyn uga Qayb qaaday Ololaha
Nadaafada Dalkaoo muruq maala isla markaan
xashiish badan leh inay shirkadda
Telesom ka qayb qaadato uguna
deeqdo qalabkii Sidaasi waxaa
yidhi Maxamed Cabdi Darbo
M a d a x a
X i d h i i d h
D a w l a d d a
ee Shirkadda
Telesom Cali
M a x a m e d
Saalax (cajab)
oo isna ka
hadlay kaalinta
ay shirkadda
T e l e s o m
ku lahayd
o l o l a h a n
n a d a a f a d a
Qaranka ayaa
sheegay in shirkadda Telesom
ay olole nadaafadeed ka fulisay
xaafada State House oo u baahnayd
in aad looga shaqeeyo. Muddane
Cajab ayaa u mahadnaqay
dhamaan dadka ka qayb-qaatay
ololahan nadaafada ee dalka.
Guddidda Haweenka ee
xaafadda State House-ka ayaa
si weyn uga mahad-celiyey
shirkadda Telesom qalabka ay ku
caawisay ee lagu nadeenaayo.
Hargeysa (Telesom-
07.04.2015) Shirkadda
Isgaadhsiinta Casriga
ah ee Telesom waxay
si weyn uga qayb qaadatayololaha nadaafadda qaranka
waxaanay dhamaan
shirkaddu ka fulisay
ololahan goboladda
dalka oo dhan.
Shirkadda Telesom
ayaa dadweynaha
magalaada Hargeysa
kala qayb qaadatay
nadiinta xaafada
State House oo ah
xaafada isku raran ah
oo ay ku nool yihiin
dadka danyarta ah.
Shirkadda Telesom
ayaa dadweynaha
xaafada State House ugu
deeqday Kaaryoonayaal,
majarafado iyo faralay waxaanay
si fudud oo dhakhso badan uganadiiyeen xaafada State House.
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha
ee shirkadda Telesom Maxamed
Cabdi Darbo ayaa ka hadlay hawl-
galkan shirkadda Telesom kaga
q a y b -
qa a da t a y
m a a l i n t a
o l o l a h anadaafada,
w a x a a n u
s h e e g a y
i n a y
m u h i i m
tahay in
shirkadda
Telesom ay
bulshadeeda kala qayb qaadato
dhamaan dhinacayada horumarka
dalka, waxaanu ku lmaamay
hawsha ololaha nadaafadda ee
xukuumaddu ku dhawaaqday inuu
yahay wax weyn oo saxafadda iyo
bilicda magaalada wax weyn ka
tari kara, waxaanu ku baaqay in la
joogteeyo arimaha sidan oo kale
ah ee bulshaddu ay sida wadda
jir ah uga qayb-qaadanayso.
Waxaan u mahadnaqayaa
madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Axmed
Maxamed Maxamuud
Siilaanyo oo runi arkay
baahida nadaafadu iyo
qiimaha ay dalka ugu
fadhido oo maanta
iclaamiyey in laga
wadda qayb qaato oo aan loo
kala hadhin, Shirkadda Telesom
iyadoo ka jawaabaysa dareenkaa
madaxweynaha waxay olole ka
qaaday xaafadda Statehouse
oo dad danyar ahi dagan yihiin
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
21/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 21
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
Telesom oo Maal-galisayTartanka Quraanka Kariimka
ee Telafishanka Universal
Hargeysa - (Telesom-
23.03.2015) - Shirkadda
Isgaadhsiinta Casriga
ah ee TELESOM ayaa
ka qayb qaadatay maal-galinta
tartanka Quraanka kariimka ah ooka socda Telashanka Caalamiga
ah ee UNIVERSAL. Tartankan oo
ay ka qayb galeen dhalinyaro ka
socday madarasadaha magaalada
Hargeysa.
Tartankan ayaa todobaadkii laba
maalmood lagu qabtaan xarunta
Telashanka Caalamiga ah ee
UNIVERSAL waxaana iska kaashadaTalashka Universal, Shirkadda
Telesom iyo Wasaaradda Diinta
iyo Awqaaa Somaliland.
Hargeysa - (Telesom-0 1 . 0 4 . 2 0 1 5 )
- Shirkadda
Isgaadhsiinta Casriga
ah ee Telesom ayaa ugu
deeqday Ururka Suxuyiinta
Somaliland SOLJA qalabka
koombuyuutaro ah oo
dhamaysran. Qalabkan ayaa
ka koobnaa toban koombutar
oo ay la socdaan miisaskoodiiiyo kuraastoodo.
Telesom oo Qalab Koombuyutaro ah Ugu Deeqday
Ururka Suxufyiinta Somaliland SOLJA
Qalabkan waxaa si rasmi ugu
wareejiyey gudoomiyaha
SOLJA Maxamud Cabdi
Jaamac (Xuuto), Xidhiidhiya
warbaahinta Shirkadda
Telesom Yaasiin Nuur Mooge
iyo madaxa Warbaahinta
Telesom Maxamed Ibraahin
uu shirkadda Telesom uga
wakiil ahaa gudoonsiintaqalabka ururka SOLJA.
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
22/3222 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
23/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 23
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
24/3224 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Hayadda Geeska Afrika oo Dadweynaha DegmooyinkaMagaalada Hargeysa u Qaybisay Sakadda Shirkadda Telesom
Hargeysa -
(Telesom-09.04.2015) -
Hayadda Geeska Afrikaayaa u qaybisay 605
danyar ah oo ka soo kala jeeda
shanta degmo ee caasimadda
Hargeysa ka
kooban tahay
lacagta Sakadda
ah ee shirkadda
Telesom ay
sanadkii dadka
danyarta dibugu celiso.
M u n a s i b a d a n
lacagta lagu
gudoonsiinaayey
dadka danyarta
ah ayaa ka
d h a c d a y
dusiga Xamdaan ee magaalada
Hargeysa. Waxaana ka soo qayb-
galay madaxa Waaxda Xidhiidhka
Dadweynaha ee shirkadda
Telesom Maxamed Cabdi Darbo,
Gudoomiyaha Hayadda Geeska
Afrika ee Sh. Maxamed Cali
Geedi iyo masuuliyiin kale.
Gudoomiyaha Hayadda Geeska
Afrika ee Sh. Maxamed Cali Geedi
ayaa sheegay in Haydda Geeska
Afrika ay lacagta sakadda ee
shirkadda TELESOM ay gudoonsiin
605 qof oo dan yar ah kuwaasi
oo iskugu jira dumar caruur
agoona haysta iyo rag waayeel
iyo dhalinyaro ah oo dan yar ah.
Sh. Maxamed Cali Geedi ayaa
shirkadda Telesom uga mahad-
celiyeday lacagtan sakadda ah eeay ugu deeqday dadka danyarta ah.
Dhanka kale waxaa isagua
madasha ka hadlay
Madaxa Xidhiidhka
dadweynaha ee
shirkadda Teleosm Md.
Maxamed Cabdi darbo
waxaanu si kooban
uga hadlay kaalintashirkadda Telesom ka
ciyaarto horumarka
dalka iyo taakulaynta
dadka danyarta ah.
Waxaa uu xusay in
shirkadda TELESOM
ay ka caawiso dadka
iyo dalka dhinacyadda
waxbarashadda, caamaadka,
dhismaha wadooyinka, dhismaha
Jaamacada iyo barnaamijyadda
danta guud ah ee bulshadda
iyo dawladdu ay shirkadda
sida gaarka ah uga codsadaan.
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
25/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 25
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
Maxaa Hooyada Uurka leh ku keena Dhiigkarka?Waxaa maanta
adduunku isku
raacsan yahay
in xanuunka
D h i i g k a r k u
13% ku dhaco
h o o y o o y i n k a
uurka leh taasi
oo xaaladeedaa
caafimaad ku
keeni karta
halis ama dhimasho ama ilmaha uurka ku jira oo
koriinkiisu gaabiyo ama uurka ku bakhtiya. Lama
yaqaano sababa keena in hooyooyinka badhna
uu ku dhaco badhna aanu ku dhicin. Waxaase
la tilmaama in ilmaha uu dheecaano sii daayokuwaasi oo bedela habsami u shaqaynta jidhka
hooyada gaar ahaan wadnaha iyo xididada dhiiga
kuwaas oo ay ku timaado iney cidhiidhi geliyaan
ama ay yareyaan dhiigi marayaayey dabadeeda ay
timaado calaamadaha ama xanuuno ku yimaado
xubno kala duwan oo jidhka ah.
Si loola socdo iney khatartani timaado waxaa
muhiima hooyo kastoo uur leh in la cabiro heerka
uu taagan yahay isla marka la xaqiijiyo inuuuur jiro. Hooyooyinka aan hore u lahaan jirin
dhiigkarka waxaa uu bilaabma kala badh uurka oo
ah 20 week halka ay muddada uurku ku dhamaado
40 todobaatanaad.
Xubnaha ay dhibaatadu ku timaado waxaa ka mida1. Maskaxda oo uu ku yimaado faalik (Stroke)
kaasi oo keeni kara inay kala dhantaalanto
laxaadkii hooyada
2. Indhaha oo daciifa ama indho beel
3. Beer xanuun iyo calool xanuun.
4. Kelyo Xanuun iyo kaadida oo la waayo.
5. Wadno xanuun iyo laabta oo cuslaata.
Calaamada lagu garan karo waxaa ka mida ee
marka ugu horeysa ay hooyadu dareento:1. Barar jidhkoo dhanna aadna uga muuqda
lugaha.
2. Haddii la cabiro dhiiga oo ka sarreeya 140/90
haddii aanay hooyadu dhiigkar u lahayn.
3. Kaadida oo haddii la baadho ay protein la socdo.
Haddii xalaada hooyada lala socdo la xakameeyo
waxay sahashaa in xanuunka laga badbaadiyo
khatarihii ku iman lahaa.
Haddiise taasi ay dhici weydo waxay keentaa
in xaaladu kasii darto 5 calaamadoodna ay soo
ifbaxaan.1. Madax xanuun daran oo hooyada yeelato oo
kiniinada madax xanuunka lagu daweeya aanay
waxba ka tarin.
2. Indhaha ama araga oo daciifa ama hooyadu
waxna arki weydo.
3. Labxada oo xanuunta
4. Kalyaha oo istaaga iyo kaadida oo lawaayo.
5. Yalaalugo iyo matag badan.
Xaaladaasi waxaa la yidhaahda xaalada dhiigkarka
khatarta ah haddii aan talaabooyin oo degdeg ah
xaalada dhiiga hoos loo dhigayana aan la qaadin
waxay keeni karta in hooyada ay gariir yeelato
ama xiskeeda oo luma waxaanay u baahan tahaymaarayn degdega.
Maareeynta degdega ah ee dhiigkarka.1. Haddii heerka dhiigkarku uu yar yahay
ama meel dhexaad yahay waxaa ku filan in
xaaladeeda lala socdo iyadoo la sameynayo
Cabiraad joogto ah.
2. Haddii ay xaaladu aad u adag tahay waxaa
xalku yahay in ilmaha sida ugu dhakhso badan
looga umuliyo ee suurtogalka inuu dhiigkarkasareeyaa dego ama yaraado waxay ku xidhan
tahay in lmaha ka soo baxo uurka hooyada.
3. Waana in hooyada ay muddo 6-8 saacadood ah
lagu dhameeyo in ay hooyadaasi dhasho.
4. ka dib markay hooyadu dhasho waxay weli halis
ku sii jirtaa xaalad khatar ah 48 saacadood oo
loo baahan yahay in cusbitaalka lagu sii hayo.
5. Muddadaa ka bacdina waa iney weli sii
qaadataa dawadii dhiigkarka ilaa inta xaaladaku soo noqoneyso halkeedii.
Dr, Cabdirisaaq Yuusuf Axdar
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
26/3226 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
Ammin-khayri ayaan dhaayaha furay
waxaan hoohaamiyey qorraxdii oo hal
fadhigeed dhulka ka goday ood moodo
gaari indho-kuulatay, cabbaar baan kudhaygayay saa qorraxdiiba maahee
waa Hiddo-san oo muusooneysa!
Cagahaan boorimeystey, waxaan ku
badey kobtey iiga gacan haadisay,
mase helin! Bogox baan u jeestey
mise waa gabadhii oo bil noqotey oo
hoggeedii madaxa la gashay, saw talo
igagama ururin inaan baadi-goobo oo
buuraha dhaadheer dhaladooda koro!!
Talaa la haloosiyaaHanaayaa la hojiyaa
Haraa lagu oon baxaa
Hoobaan baa laga dhergaa
Horweyn baa lagu tabcaa
Hantaa weel loo cushaa
Sengaa lagu hawl galaa
Hootaa lagu aarsadaa
Hor-fule waa lagu hirtaa
Hilbaa aqal lagu ridhaa
Hurgumo waa loo dhintaa
Hirwaa gaaf loo tumaa
Hubsiimo halbay jartaaHoo iyo deeq baa macaan
Markay hor illaahay tahay
Haween iyo geel dirkaba
Hiddaa lagu soo xushaa
Adduunyadu waa hillaac
Hadhkaa labadiisa gelin
Hashii gelgelmaysayo
Habeen iyo waa dharaar
Waayuhu ways daba hayaan
Naana hammi baa ku ladhan
Jacaylkuna waa hawoo
Marbuu kugu hoorayaaHaamaha cishqigeen gudhayn
Dharaarba ninbay habaan
Siduu boodheri u helay
Ayuu anna ii hayaa
Sidii hayinkuu i raray
Hoggaan buu ii dcaday
Hayaan buu ii lalabay
Heeryuu igu qaaday culus
Sidii heemaasha lalay
Sidii habasta u gabaday
Sidii fulaha u habraday
Sidii geesiga hammiyey
Sidii heeraa cartamay
Sidii hunufaa gurxamay
Sidii heeshiga bulxamay
Sidii mawjadaha hirdamay
Hoobaan baan jirinayaa
Indhuhu laacay hayaan
Midhaha heegada ku yaal
Ayaan u halaan halaaInaan duulaa habboon
Daaloo hamashawdayoo
Intuu mayey soo hirdiyey
Hanjalas googoosa iyo
Daruuruhu hoganayaan
Cadceed haaneeday iyo
Libdhay gacan haadisoo
Hummaageedaan arkaa
Haddana way dhuumataa
Hareerteydey fadhiday
Haddana way iga maqneyd
Hadalkay iga gurtaaJawaabteedana ma helo
Hadhkeedaan iriyaa
Bidhaanteedana ma hedo
Hadhuubay ila dhantaa
Rugtana soomay hadhgelin
Horteydey taagan tahay
Indhuhu kuma hawl-baxaan
Haloosey ila wadaa
Hawraarsana lagama helo
Heshiis baa noo xidhnaa
Haddana himiladi ma fulin
Hilbiyo gacal baanu nahayMisana waan kala hulleeley
Hiraabtay ila faqdaa
Hiiri bay iga gudaa
Danteyday hoga tustaa
Hormood bay ii ahayd
Guushay ila haybisaa
Hiyiga waan kala socdaa
Dushaasaan kala hayaa
Riyaan kala haadiyaa
Cidlaan ka halaan-halaa
Hillaacaa biliglahiyo
Habkii gaaraa bidhaankaAyey hadba meel ka baaqday
Maqaar bay i horsidaaye
Talaabaan daba hashleeyey.
Inaan helo waan jecla
Hayeeshee huban maaha
Haddaan hiddo-samo bilcamo
Hurdada waan bogan lahaa.
Daauusoow halalacdaada
Markaad heegada mushaaxdo
Indhuhu way kugu haaane
Maruun maad soo hilowdid
Waxaan harareemayaa
Amaba aan iga hadheyn
Bishaan hoomaayayee
Hagaag anigoon u bogan
Hogeedii iga daf dhi
Habeenkaa iga qarshaye
Buuri Harawiyo Gurays
Haddaan Himalaayo koroMalaa waan heli lahaa
Waxaan la hudeecayaa
Kalgacal ay igu habtoo
Cishqaan la hidhaan hidhaa
Hingaar lama naawilee
Hanaankeediyo hubqaadka
Gashaandan heemanaysa
Markaan helmiyeen hubsaday
Anaa soo haabo idhi
Maxaa helay heego qurux
Hibaaq sawtaan ku idhi
Habdhabo oo hawl ha sheegan
Illeyn gorgor haad ka weyn
Hareerina geed ka dheer
Gamaan kala heenso wacan
Haldhaa kacay baan qarsoomin
Haddaan asaraar la haynin
Horyaal weeyaan Gobaad
Salaan hambalyaan u diray
Hiddiyo waa gabadh qoxdiiya
Falaadkii hooyadeed
Jidkii bay haysataa
Huluulaha kuma caweysoHabeen-qurux kuma habsaanto
Hugii dhaqankaw xideysan
Hagoog bay caan ku tahay
Magaan iyo hooto maaha
Haraayuubaan nirguhu
Hadduu aahaar holodo
Haraada way taqaan.
Marbaan sida haatuii
Daruuraha halabsadaa
Marbaan hindisaha tagaa
Hulkii dayaxiyo mariikhMarbaan hudiyaa badweyn
Marbaan hoonbaro dirtaa
Marbaan haada u faraa
Inaanaan kala hadhayen
Hiddo
Abwaan: Axmed Awgeeddi
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
27/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 27
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
Marbaan halo iga maqnaa
Ka doonaa hawd guni
Marbaan geel soo horaa
Uqaadaa hees walwaal
Marbaan hoobali bilaashHirwiyo dhaanto u tumaa
Marbaan haasaawiyaa
Hanaankey gobi lahayd
Shaxdiyo hindisaha degnaa
Illey hawo beenahiyo
Marbaan hinjiyaa aroos
Halqigu ii soo shiraa
Marbaan ku hawaawiyaa
Inaan telefoon ku heley
Marbaan hoosaha magaalo
Ka badhaa dul iyo hoos
Marbaan reer soo hayaamayWareystaa hiimse hiimse
Marbaan bahalaha hunduda
Dhammaantood habar dugaag
Marbaan heel kula shiraa
Marbaan harimacad boqraa
Marbaan hoy daya idhaa
Haddaad hebla soo heshaan
Halbaan qalayaa dubaaxa
Halawdaye meedey Haybis
Halkay jirto way ogyiine
Dadkaan ii hagar baxayn.
Darbaa igu yidhi haddeyn
Dedaal waa lagu hodmaaye
Darbaa igu yidhi hidiid
Inay habratana u dhawe
Darbaa igu yidhi hafsii
Haween waa dhabar garaace
Darbaa i yidhi lama huraan
Hotmaylada kala xidhiidh
Darbaa igu yidhii ka hoyo
Ma hayside hays haleyn
Darbaa yidhi hays hawirin
Hankaagaa buur koraye
Darbaa yidhi lama hadree
Ka toos hurdo yoomal kahaf
Darbaa yidhi kuma habanid
Wadaadoow hoodo-badan
Darbaa yidhi hadal nacoo
Waxaad maal hidin karyo
Aduun iyo halabo keen
Darbaa igu yidhi ku hiil
Midii hoos uga yarayd
Habaar waa debed ku idhi.
Habluhu way badan yihiine
Tolow inantaan holodo
Maxaa loo hadal hayaa
Darteed qaar baa hengelen
Darbuu habayaa wadnuhu
Darbaa hononoay saq dhexe
Darbaa hoorsaday gacmaha
Darbaa hililiqey ilmada
Darbaa hanaq goay jarmaadDarbaa halabsaday fardaha
Dabaa u habsoobay ciil
Darbaa hindiwaasayoo
Darbaa habarwacasho yimi
Darbaa halacsaday bidhaan
Darbaa hadrayoo dhadhabay
Naooda darbaa hawirey
Darbaa haahida sunsumay
Darbaa hoohlaha dhunbahay
Hadey darbaa dhanqalan
Hacoo bay ii qabaane
Marbaan heegmaa difaac
Marbaan hootada rogtaa
Marbaan hankakoobsadaa
Mageyno raga igu haysta
Marbaan hadateediyaa
Marbaan haansaab idhaa
Marbaan huudha u qoraa.
Hibayo uur-guluuluc
Hinfaadhay kugu dilaan
Hilaab oy waxa lahaa
Ninkii libin laga hayaa
Hanuun waa laga qarshaa
Ninkii hilin waaq ka luma
Malaa hadimooy nin falay
Hoobaaq kama baaqsan karo
Hagaas baan moodey faras
Hayeys baan moodey roob
Haadaan baan moodey daw
Hawaan dabaq moodey dheer
Halaanjaan moodey warac
Gabnana maxaan moodey horey
Illeyn dhalanteedku hogol
Humaaguu uga egyahay
Sidee baan hagal abaar
Hirdoogleh u moodayaa
Wixii mar la halacsadaa
Hubsiimo u baahanaa
Waxaan halka uga socdaa
Raggii ii hiilin laa
Ayaa igu gabay halkooda
Badhbey hoosaasinaayaBadhbaa i habaabinaaya
Badhbaa haaheey igu saba
Badhbaan ila hayn wadaanta
Badhbaa hagarbiga iska jecel
Badhbaa i hal gaadayoo
Hinaase badhbaa ku maqan
Haweenba midaan suntaday
Badhbaa heensaha u xidhan
Badhbaa hindisahaba moogCiyaayir inaan u heesay
Badhbaa huuhaa u qaba
Halyeeyadii ila safnaa
Hoheey saaxiibaday
Sidee baan ugu hungoobay!
Darbaa xididkood hagrada
Darbaa hiifoo dagaala
Huroow gabadhay qabaane
Haddii hibo lay nikaaxo
Hilaan furi laa amaana
Xariir baan huwin lahaaHaleeley maali leyd
Hansaan ka ilaalin laa
Hadh-qoodaarkiyo duleedka
Ayey hooshaari leyd
Habkii wiil curad sidii
Haboo soo daadah baro
Ha dhicin baan odhan lahaa
Naaan u hibeyn lahaa
Xajkaan u hawalin lahaa
Hafriin iyo harag shabeel
Huf iyo been kuma qabeen
Qalbiga may ka halwateen
Hinaasana may dudeen
Hanfade waa xilo bilaale
Huudh iyo qaariyo budh weyn
Hangoolada lama dhaceen
Huq iyo ciil lama derseen
Asaageed kama hadheen
Cadaawana muu holeen
Haydaarana may qabteen
Wadeecana may hesheen
Holoobana muu jireen
Warkaba aan kala hufee
Wuxuu ku hakaday goaan
Hadday hanadadi janteen
Amaba lagu wada hirdamay
Bilaash baa loo huqdaye
Hoobaan waa gumaradey
Haddeer iyo shalay haddaa
Illaa meeshiyo habi
Intaan haabiilba dhiman
Caynaanka anoow hayoo
Foolaad mugga waan hanyi
Hibada eebaa baxsheeNinkii hungureynayoow
Hannee lama jaariyee.
san
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
28/3228 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
TECHNOLOGY-YADA IYO
XAWAALADA CASRIGA AH
(Adeegga ZAAD Ee Shirkadda Telesom Iyo Kaalintisa Xawaaladda Dibadda)
Qore: Cabdisamad Xasan Hirad
Daraasad uu sameeyey Baanka
Aduunku ayaa waxay hoosta ka
xariiqday mugga xawaaladda
bulshada aduunka iyagoo ku
qiyaasay 582 billion inay gaadhay
sanadkii 2014. Bulshooyin-ka
lacagta ugu badan isu diraa
waxa ka mida Afrikaanka ka
shaqaysta wadamada horumarayoo soomalidu qayb muhiima ka
tahay.
Hadaba, qaabka ay dadku
lacagta isugu gudbiyaan oo ah
qaabkii hore
traditional
ayaa waxaa
in badan laga
fakaray sidee
ugu fududugu dhakhso
badan uguna
aaminsan ee
lacagta loo
g a a d h s i i n
k a r a a
m a c m i i l k i i
l a h a a
(Benefciary)?
Suaashaas in
la iswaydiiyo
waxa qayb muhiima ka
qaadatay Technology-ga casriga
ah ee maanta aduunku haysto
iyadoo kolba loo isticmaalo
baahida taagan ee muhiimka ah
oo ay ka mid tahay adeegyada
lacag isu-dirista maadaama
xawaalada traditional-ka ah
dadka dhib badani ka haysatay
dhanka u doonashada meel ka
fog oo lacagtii loo soo diray ayu doontaan, kuyuu dheer oo ay
galaan iyo wakhti badan oo kaga
luma.
Hadaba, dalkeena waxa ka hana
qaaday adeegyada dunida soo
koraysaa sida wayn ugu nasatay
dhinacyada dhaqaalaha oo loo
yaqaano ZAAD Services kaas
oo casriyeeyay qaabka ehelka
isjeceli ay isugu diri karaan
lacagta xawaalada dibada.
Adeegga ZAAD ee Xawaaladda
dibaddu waa nidaam casri ah oolacagta xawaaladaadu ay kuugu
imanayso goobkasta oo aad ku
sugan tahay iyadoo kuugu soo
dhacaysa MOBILE kaaga.
Hadaba macmiil ka faaiidayso
oo hadii aanad ZAAD lahayn furo
hadii aad leedahayna u sheeg
ehelkaaga dibada in kuyuugii
laga raystay oo Mobile ka lagu soo
diri karo lacagta laguu soo dirayo
arintan waxay xataa faaiido
u tahay dadka dibada jooga
oo lacagta markay dirayaan
ka warwar laaanaya oo si ayhubaan u gaadhaysa ehelkoodii
ay u wadeen lacagta sidoo kale
waxaa jira shuraakooyin ku
shaqaysta nidaamkan oo ay ka
mid yihiin xawaaladaha TAAJ
Express, TAWAKAL, World Remit
iyo BAKAAL.
Sidoo kale waxaad Mobile-kaaga
ka diri kartaa lacag xawaaladeed
oo dalka iyo dibadaba ah
adigoo isticmaalaya adeega
ZAAD waxay faaiido u tahay
dhamaan waalidiinta ardaydalacagta u dira oo muddo badan
ay qaadato inay gaadho ardaygii
iyo ganacsatada wadamada
dibada wax ka iibsada dhamaan
shaqadan waxaad qabsanaysaa
a d i g o o
gurigaaga iyo
xafiiskaaga
jooga marka
ZAAD-kaaga
lacagi kuugu
jirto adeegani
w u x u u
amaan ka
yahay khatar
kasta oo
l a c a g e e d
maadaama
q o f k a
lacagtu ku
soo dhacayso
aqoon fican
loo leeyahaymaadaama
uu ZAAD leeyahay.
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
29/32Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 29
Caddadka 22-aad | Jan - April 2015
Xaiska Shaqadda iyo Shaqaalaha
oo heegan ugu jira kor u
qaadidda aqoonta shaqaalaha
ayaa tababaro kala duwan siiyey
54 shaqaale ah. Tababaraddan oo ahaa
shan tababar waxaana la bixiyey ini u
dhexaysay bishii January ilaa April 2015.
Qaybahan hoose waxaanu ku soo
qaadan doonaa tababar kasta oo la
siiyey shaqaalaha kala duwan iyo nooca
tababaradda la siiyey waxaana ka mid ah
tababaran:
1. Tababarka CISCO
Tababarkan waxaa loo qabtay shaqaale
ka rsan xarumaha Boorama iyo Burco;
gaar ahaan qaybaha IT-ga. Tababarkani
waxaa uu socday ilaa 10 maalmood
waxaana la soo gabageeyey 11 February
2015 waxaana lagu qaatay Duruus ay ka
mid yihiin: Sida looga shaqaysiiyo qalabka
CISCO, Sida loo rakibo, Sidaa loo cilad
saaro loona dayacro.
2. Tababarka Xadhkaha Laydhka iyoLandline-ka
Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka
rsan Waaxda Landline-ka. Tababarku
waxa uu socday
muddo 5 maalmood.
Waxaana ka qayb
galay shaqaale
radoodu dhan
tahay 7 shaqaale
ah. Tababarkan
waxa lagu qaatay
casharo la xidhiidha
H o r u m a r i n t a
Xadhkaha landline-
ka sida: Xadhka
Landline la iskugu
xidhxidho si
heersare ah iyadoo la adeegsanaayo
qalab cusub waxaa sidoo kale lagu
tababaray shaqaalahan qalab casri ah
oo lagu ogaanayo halka uu ka ciladaysan
yahay Xadhiga Landline-ka.
3. Tababakra Hogaaminta
Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka
rsan Waaxaha Sahaysiinta , Shaqadda
iyo Shaqaalaha, Xisaabaadka, TNI,
C/W, Iibka, ZAAD-ka, Suuqgaynta iyo
Xidhiidhka Dadwenaha, Xidhiidhka
Caalamiga ah, Internet-ka & Horumarinta
Ganacsiga. Tababarku waxa uu socday
muddo saddex maalmood ah waxaana
la soo gabogabeeyey 11 February 2015.
Tababarkan waxaana ka qayb galay
shaqaale radoodu dhan tahay 19
shaqaale ah. Waxaa lagu qaatay duruus
la xidhiidha Aragdda Hogaaminta,
Maamulka iyo Hogaaminta, Astaamaha
Hogaaminta toosan iyo noocyadda
Hogaaminta.
4. Barnaamijka Lagu Sameeyo Odoraska(SPSS):
T a b a b a r k a n
waxa lagu
qabtay xarunta
H a r g e y s a
waxa ka qayb
galey shaqaale
t i r a d o o d u
dhan tahay 27
Xubnood oo
dhammaantoodka rsan xarunta
H a r g i e s a .
Tababarkani waxa uu soconayaa mudo
todoba maalmood waxaanu bilaabmay
31 March, 2015 ilaa 07 April 2015.
Waxaana ka qayb qaatay Shaqaal ka
socday Waaxaha kala ah Xidhiidhka
Dadweynaha, Suuq-gaynta, Iibka,
Zaad-ka, Xisaabaadka, Shaqadda iyo
Shaqaalaha, Xidhiidhka Caalamiga
ah, C/W, Sahaysiinta iyo Horumarinta
Ganacsiga.
5. Qaababka Ugu Wanaagsan ee Wax Loo
Suuq-geeyo iyo Isbadaladda Maamaulka
Tababarkan waxa lagu qabtay
xarunta Hargeysa waxa ka qayb galey
shaqaale radoodu dhan tahay 23
Xubnood oo dhammaantood ka rsanmaamulayaasha xarunta Hargeysa.
Tababarkani waxa uu soconayaa mudo
laba maalmood (17 March 2015 ilaa
18 March 2015). Waaxaha kala ah
Xidhiidhka Dadweynaha, Suuq-gaynta,
vvIibka, Zaad-ka, Xisaabaadka, Shaqadda
iyo Shaqaalaha, Xidhiidhka Caalamiga
ah, C/W, Sahaysiinta, Ilaaladda, Internet-
ka, Han-dhawrka, Landline-ka, TNI iyo
Horumarinta Ganacsiga.
Tababaradda Shaqaalaha Shirkadda
Telesom La siiyey
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
30/3230 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015
ddadka 22-aad | Jan - April 2015
BARO MID KA MID AH SHAQAALAHA TELESOM
Deeq Cabdisamad Xasan Waaberi waamid ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee
xarunta Telesom Boorama. Md. Deeqwaa madaxa Iibgaynta iyo ZAAD ee
xarunta shirkadda Telesom ku leedahay magaaladamadaxda gobolka Awdal ee Boorama.
Waxbarashadda
Sh. Deeq Cabdisamad waxaauu Degree kowaad ka qaatayShareecadda Islaamka
Jaamacad ku taalo magaalomadaxda Pakistaan eeIslamabad sanaddii 2002.Sidoo kale Deeq waxaa uuDegree culuunta Koombuyuurta
ka qaatay JaamacaddaEelo ee magaalada Boorama
waxaanu ka qalin-jabiyey sanaddii 2011. Sh. DeeqCabdisamad waxaa uu sidoo kale PostgraduateQorshaynta iyo maamulida mashaariicda ka qaatay
Jaamacadda Camuuud.
Shaqadda
Sh. Deeq Cabdisamad Xasan Waaberi waxaa intii
u dhaxaysay 1985 ilaa 1999-kii ka soo shaqeeyeyganacsiyo kala gadisan oo isku jiray meherado uulahaa iyo kuwo uu shaqaale ka ahaa. Sh. Deeqwaxaa uu shirkadda Telesom ku soo biiray 2002-diiwaxaanu noqday Lacag haye iyo Lacag uruuriye.
2005-tii waxaa uu madax qaybeed kanoqday GSM-ka xarunta Boorama.2009-kii waxaa loo magacaabay
khasnajiga guud ee xarunta Boorama.
Sanaddii 2012-kii ilaa hadda waxaauu yahay Madaxa Iibka iyo ZAAD-ka ee xarunta Boorama.
Sh. Deeq Cabdisamad XasanWaaberi waa shakhsi dadaal iyo
daacanimo badan, sidoo kale waashaqsi hawl-karino leh, sidaasi daraadeed waxaau sanaddii 2011 ku guulaystay shaqaalaha uguwax qabadka badan xarunta shirkadda Telesom ku
leedahay magaalada Boorama, waxaan Sh. DeeqCabdisamad Xasan Waaberi la gudoonsiiyey shahaadosharafta shirkaddu ku maamuusto shaqaalaha ugudadaalka badan shirkadda.
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
31/32
-
7/25/2019 Telesom Newsletter Issue 22
32/32