SHIRKII BURCO 1991

6
Ku dhawaaqista Madaxbanaanida Soomaaliland waxa ay ka dambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulaystay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare ka dib markii uu halgan dheer u soo galay, waxaanu ururkii S.N.M islamarkiiba abaabulay Shirar ay isugu yimaadeen beelaha Soomaaliland si ay u soo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhex dhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay Madaxbanaanida Somaliland. Maalintii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland oo ay ansixiyeen golihii dhexe ee SNM kalfadhigoodii 2aad ee ka socoday burco iyagoo tixraacay go’aanadii ka soo baxay shir-weynihii beelahaSomaliland waxa radio hargeysa laga sii daayey khudbadihii ay ka jeediyeen munasabadaasi gudoomiyihii ururkii SNM C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) gudoomiyihii golihii dhexe ee SNM Ibraahim meygaag Samatar waxaana hordhaca u sameeyey Boobe Yuusuf Ducaale oo markaa ahaa xoghayihii warfaafinta ee SNM, waxanu hadalkiisa ku bilaabey “waxa halkan ila jooga gudoomiyaha ururka SNM iyo gudoomiyaha golaha dhex si ay erayo kooban uga yidhaahdaan go’aan Taariikhi ah oo raad ku yeelan doona guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka gobolada waqooyi waxana hadalka ku horeynaya gudoomiyaha golaha dhex Ibraahim Meygaag Samatar” ka dib waxa hadalka qaatay Ibraahim Maygaag waxanu yidhi: “Galabta golaha dhex ee SNM waxa uu go’aansaday inuu taloyinkii ka soo baxay shirweynihii beelaha waqooyi inuu dhamaantood sidooda ku aqbalo waxaanay arintasi ku saabsantahay markii la eegay taariikh dheer oo soo maray gobolada waqooyi, markii

description

othman shiine

Transcript of SHIRKII BURCO 1991

Page 1: SHIRKII BURCO 1991

Ku dhawaaqista Madaxbanaanida Soomaaliland waxa ay ka dambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulaystay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare ka dib markii uu halgan dheer u soo galay, waxaanu ururkii S.N.M islamarkiiba abaabulay Shirar ay isugu yimaadeen beelaha Soomaaliland si ay u soo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhex dhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay Madaxbanaanida Somaliland.

 

Maalintii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland oo ay ansixiyeen golihii dhexe ee SNM kalfadhigoodii 2aad ee ka socoday burco iyagoo tixraacay go’aanadii ka soo baxay shir-weynihii beelahaSomaliland waxa radio hargeysa laga sii daayey khudbadihii ay ka jeediyeen munasabadaasi gudoomiyihii ururkii SNM C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) gudoomiyihii golihii dhexe ee SNM Ibraahim meygaag Samatar waxaana hordhaca u sameeyey Boobe Yuusuf Ducaale oo markaa ahaa xoghayihii warfaafinta ee SNM, waxanu hadalkiisa ku bilaabey “waxa halkan ila jooga gudoomiyaha ururka SNM iyo gudoomiyaha golaha dhex si ay erayo kooban uga yidhaahdaan go’aan Taariikhi ah oo raad ku yeelan doona guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka gobolada waqooyi waxana hadalka ku horeynaya gudoomiyaha golaha dhex Ibraahim Meygaag Samatar” ka dib waxa hadalka qaatay Ibraahim Maygaag waxanu yidhi: “Galabta golaha dhex ee SNM waxa uu go’aansaday inuu taloyinkii ka soo baxay shirweynihii beelaha waqooyi inuu dhamaantood sidooda ku aqbalo waxaanay arintasi ku saabsantahay markii la eegay taariikh dheer oo soo maray gobolada waqooyi, markii la eegay halgankii dheeraa ee ay u soo galeen gobanimadooda inay helaan oo calankooda taagaan kana xoroobaan gumaysigii shisheeyaha, markii la eegay hilawgii ay u hiloobeen inay la midoobaan walaalahoodii kale ee iyagana uu gumaysigu haystay oo ay la wadaagaan gobanimadooda, markii la eegay taariikhdii dheerayd ee la soo maray iyo hungawgii arintaa ka raacay, markii la eegay in waqooyigu waligii dulmanaa hadana marna aanu raali ka noqon dulmigaa, markii la eegay dadku markuu si yidhi xaq ku dhawaaq oo ay yidhaahdeen ummaddu ha sinaatoo waqooyi iyo meel walba ee la maqli waayey iyada oo arinta uu sii dhooqeeyey melatarigii xukunka qabsaday iyada oo la ogyahay halka arintu gaadhay magaalooyin dumay 150 sanno wixii ay ummaddu dhisaysay ay baaba’een diyaarada magaaladii ay ka kacday duqaysay xoolo la boobay dad la xasuuqay dumar la kufsaday dhiidhigii ay dadku ka dhiidhiyeen ee ay halgameen gobanimadoodiina dib u soo ceshadeen.

 

Page 2: SHIRKII BURCO 1991

Waxaas oo dhan markii la isku soo duuduubey dadweynaha waqooyiga ku dhaqani waxay garteed inay xaqtahay oo ay mudantahay in dawladooda gaarka ah dhistaan iyada oo uu ku raacay golaha dhex ee snnm taasi waa mid ay xaq u lahaayeen oo ay markii horeba ay dhashadeen markii ay gumaysigii eryeen, israaci ay keeneena mid gabi ahaanba aan sharci lagu xaqiijin buu ahaa mid aan dadka afti laga qaadin buu ahaa markiii afti laga qaadayna sannad dabadii 90% dadka gobolada waqooyi raali ka may noqon wixii ka danbeeyeyna af-duub ayaa lagu haystay, shacbiga halgamay xaqbay u leeyihiin inay dawladooda gaarka ah dhistaan, koonfurna dad Soomaaliyeed oo taliskii faashiga ahaa ee Siyaad barre uu dulmaayey baa jira iygana lidi kuma aha dawlada gaarka ah ee waqooyigu dhistay dad jaar ah oo walaalo ah oo is aqoonsada inaanu noqono ayaanu ugu baaqaynaa”.

 

Ka dib waxa hadalka qaatay Gudoomihii ururka SNM Marxuum C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) waxaanu hadlkiisii ku bilaabay “Sidaa uu idiin sheegay mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar galabta oo Burco la joogo waxa uu golaha dhexe ee SNM go’aansaday in waqooyigu gooni isku taago oo uu samaysto dawlada madax banana, taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu ka turjaumayaa dareenka dadka ku nool waqooyiga waana la socteen shirarkii u socoday dadka waqooyiga, ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen talooyin waaweyn golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in waqooyigu gooni isu taago taasi macnaheedu maha in colaad cadaadaw iyo colaad xuma ay jirayso koonfur iyo waqooyi.

 

Waxaanu anagu diyaar u nahay maamulka golaha dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool in wallaalahayaga koonfureed inaanu la yeelano cilaaqaad wanaagsan oo walaaltinimo oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed ka wada hadli kara, anaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaan yihiin, iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana wax dhibaato ah u lahayn, waxaan ilahay ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara” ayuu yidhi gudoomiyihii SNM.  

Maalmo yar ka dibna waxa la doortay dawladii ugu horeysay ee ay Somaaliland yeelato iyada oo Madxweyne loo doortay C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan tuur) Madaxwene ku xigeenna waxa loo doortay Xasan Ciise

Page 3: SHIRKII BURCO 1991

Jaamac iyadoo uu madaxweynuhu soo dhisay dawladiisi u horeysay oo ay ansixiyeen golhii dhexe ee SNM, waxaanay kala ahaayeen:  

1. Saleebaan Maxamuud Aaadan (Saleebaan Gaal) Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dawaladaha Hoose.

2. Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar, Wasiirka Arrimaha Dibada. 3. Ismaaciil Maxamed Hurre (Buubaa), Wasiirka Maaliyadda. 4. Xasan Aadan Wadaad-diid, Wasiirka Dib u Dijinta iyo Dib u

Dhiska. 5. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gaashaan Dhiga. 6. Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi), Wasiirka Diinta iyo

Cadaaladda. 7. Daahir Maxamed Yuusuf, Wasiirka Warshadaha iyo

Ganacsiga. 8. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo Cad), Wasiirka Caafimaadka

iyo Shaqaalaha. 9. C/raxmaan Aw Cali Faarax, Wasiirka Waxbarashada

Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. 10. Cumar Ciise, Wasiirka Kaluumaysiga Horumarinta

xeebaha iyo Dekdaha. 11. Siciid Maxamed Nuur, Wasiirka Beeraha iyo

Deegaanka. 12. Jaamac Raabile Good, Wasiirka Qorshaynta iyo

Horumarka. 13. Maxamed Cali Caateey, Wasiirka Macdanta iyo

Biyaha. 14. Mahdi Cabdi Amarre, Wasiirka Hawlaha guud iyo

Guryaynta. 15. Dool(quulle), Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska. 16. Yaasiin Axmed Cabdi Nuur, Wasiirka Gaadiidka io

War isgaadhsiinta.

Maalinta lagu dhawaaqay waxa warka ka akhriyey Rodia Hargeysa Weriye Xuseen C/laahi Deeqsi waxaanu nooga waramay sanadkii hore sida uu maalinta dareenkiisu ahaa iyo jawigii guud ee dalka ka jiray waxaanu yidhi: “Waxay ahayd markii ugu horeysay ee anigoo war Idaacadda toos (live) uga akhriyay aan helo jawaabta (feedback) ay ka bixiyeen isla wakhtigaa shacbigu waxaanay ahayd markii ugu horaysay ee lagu dhawaaqo in waqooyi gooni isutaago samaystay dawlad madax banana, taas oo shir ay isgu yimaadeen beelaha Somaliland magaalada Burco ee gobolka Togdheer lagu go’aamiyey 7:30 fiidnimo ayaa warka idaacadda habeenimo aanu baahinay anigoo

Page 4: SHIRKII BURCO 1991

Makarafoonka fadhiya ka dib markii aan ku dhawaaqay madax banaanida Somaliland oo aha qodobka koowaad ee warka waxa isla markiiba aan maqlay dhawaaqa xoogan ee rasaasta qoryaha kala duwan oo isaga dayaamaya ubucda iyo daafaha magaalada Hargeysa, waxa aan isweydiiyey anigoo weli qodobadii kale ee warka sii wada waxa dhacay ee rasaasta ahi u dhacayso, markii aan dibada u soo baxay studio ga ayaan ogaaday in damaashaadkii loogu riday rasaasta badan madaxbanaanida dalka inay waxyeelo dhimasho iyo dhawacba leh ay geystay, habeenkaas.  

Waxyaabaha aan sida aadka ah u xusuusto waxa ka mid ah Idaacada xiligaas hadleysay oo ahayd mid xoogan (Powerful Transmitter), kaasoo awoodiisu ahayd 10 kilowat, isla markaana saarneyd gaadhi guudkii, waxana ahayd mid ciidamada SNM ay dalka ku qabsadeen, waxaana laga maqli jiray gobo aanay hore u gaadhin idaacda Hargeysa ka hadasha haatanse waxay u fadhidaa dayactirkeeda,oo adduunka laga waayey, laba jeer oo aan kal duwan ayaa la kala sheegay, oo kala ahayd madax bananida woqooyiga iyo magaca uu yeelanayo dalku.  

Sidaas awgeed inta aan magacan Somaliland lagu dhawaaqin waxa idaacadda aanu ku xidhiiidhin jirnay “Halkani waa Hargeysa Radio Somali” hase yeeshee maalintii warka aan ku akhriyey in dalkan magaciisu yahay Somaliland ayaa hl ku dhegii magic saldhiga Idaacadda ee Hargeisa waxa uu isbedelay kala badhka warka ama dhextaalka arka oo la magacaabo Idaacdaha Soomaalida, Saldhiga aad ka hadlaysaa ka uu yahay waxaana halkii ahayd “Hargeysa Radio Somali” ay noqotay “Halkani waa Radio Hargeysa Jamhuuriyadda Somaliland

PREPARED BY CISMAAN SHIINE FARAH