Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan...

28
1 Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan fasakhmin oo fiiro dheeraa “…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada- hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo- aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.” Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya, Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, [email protected] , www.dharaaro.com Waa maalin Salaasa ah. Bisha Jeeniweri waa kow iyo soddon. Sannadkuna waa 2011ka. Magaaladu waa Hargeysa, waxaanan ku sugnaa xafiiskayga Akaademiga. Saacaddu waxa ay ku beegnayd oo caga-cagaynaysay tobankii subaxnimo goortii tilifoon igu soo dhacay aan qabtay aniga oo shaashadda eegaya magaca ama lambarka uu yahay. Waa Amiin Cabdillaahi Xaashi, wiilka aan soddogga u ahay oo Maansoor ka soo hadlayay. Bariido dabadeed, Amiin wuxu ii sheegay in la soo tebiyay geerida Ibraahin Meygaag Samatar. Si uu iigu caddeeyo wuxu intaa iigu daray in ay warkan dhiillada leh ka heleen wiil uu adeer u yahay oo ka shaqeeya Hudheelka Maansoor. Naxdin aanan malayn karayn ayaa igu habsatay. Ma ay ahayn geeridii iigu horreysay ee aan maqlo bal se sida ay u dhacday iyo maalmahan warakii agabka warbaahinta ku xardhanaa ee socdaalkiisa Hargeysa ka sheekaynayay. Tuducyadii Qaraamiga ayaa waxa ku jirtay: “Markaan is-idhaa wax taransaba, Sow tii Alle meel ma sii taal,”

Transcript of Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan...

Page 1: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

1

Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar:

Fan-halgameed aan fasakhmin oo fiiro dheeraa

“…Haddii ay isku-fillaanshaha,

dimuqraaddiyadda gudaha iyo

maareynta xiisadaha ee wada-

hadalka iyo qaababka nabadeed

loo adeegsanayaa yihiin waxa

Somaliland ka duwaya ama ka

soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu

waxa ay tahay in hababkani ay

yihiin qaar lagu soo bartay waayo-

aragnimana lagaga kasbaday

xanaftii iyo xanuunkii halgankii

hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran

ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka

danbeeya,

Ibraahin Meygaag Samatar,

1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, [email protected], www.dharaaro.com

Waa maalin Salaasa ah. Bisha Jeeniweri waa kow iyo soddon. Sannadkuna waa

2011ka. Magaaladu waa Hargeysa, waxaanan ku sugnaa xafiiskayga Akaademiga.

Saacaddu waxa ay ku beegnayd oo caga-cagaynaysay tobankii subaxnimo goortii

tilifoon igu soo dhacay aan qabtay aniga oo shaashadda eegaya magaca ama lambarka

uu yahay. Waa Amiin Cabdillaahi Xaashi, wiilka aan soddogga u ahay oo Maansoor ka

soo hadlayay. Bariido dabadeed, Amiin wuxu ii sheegay in la soo tebiyay geerida

Ibraahin Meygaag Samatar. Si uu iigu caddeeyo wuxu intaa iigu daray in ay warkan

dhiillada leh ka heleen wiil uu adeer u yahay oo ka shaqeeya Hudheelka Maansoor.

Naxdin aanan malayn karayn ayaa igu habsatay. Ma ay ahayn geeridii iigu horreysay

ee aan maqlo bal se sida ay u dhacday iyo maalmahan warakii agabka warbaahinta ku

xardhanaa ee socdaalkiisa Hargeysa ka sheekaynayay. Tuducyadii Qaraamiga ayaa

waxa ku jirtay:

“Markaan is-idhaa wax taransaba, Sow tii Alle meel ma sii taal,”

Page 2: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

2

Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay oo ay kaga ekeyd 31kii Jeeniweri 2011ka. Waa maalintii uu go‟ay ee nolol ugu danbeysay. In kasta oo ay geeridu xaq tahay oo loo wada dhashay, haddana waxa aan is-idhi bal war intan ka sii badan raadso. Waxa aan garaacay Muuse Cabdi Cilmi oo aanu arday ka wada ahaan jirnay Dugsiga Dhexe ee Axmed Gurey isla markaana ah Guddoomiyaha Jaamicadda Hargeysa oo Ibraahin Meygaag Samatar adeer u yahay. Wuxu ii sheegay in uu la joogo Xasan Meygaag Samatar oo u xaqiijiyay geerida walaalkii Ibraahin Meygaag. La ye: “Ibraahin Meygaag Samatar wuxu ku go‟ay gurigiisii oo ku yaallay magaalada Tokoyo ee dalka Jabbaan oo uu kelidii deggenaa intii uu joogay halkaas ee uu Jaamicadda ka dhigayay dhaqaalaha.” Taas ayaa naxdin labaad igu noqotay. Haddana taasi la-yaab kuma ay lahayn ciddii si fiican u taqaannay Reer Ibraahin Meygaag Samatar. Waa qoys aan sidaa u ballaadhnayn ama u tiro badnaynba. Wuxu qoysku ka koobnaa: Ibraahin, Marwo Aamina Cadhoole, wiil iyo laba hablood. Raage aabbihii ayuu kula noolaa Tokoyo intii aanu la aqal-gelin gabadh ajnebi ah oo ay guri u gaar ah wada degeen. Tan iyo xilliyo hore oo Muqdishaba lagu noolaa Aammina Cadhoole iyo reerkuba waxa ay la tacaali jireen gabadh labadooda gabdhood ka mid ah oo xanuunsanaysay. Sidaas ayay Marwo Aamina Cadhoole gabadhaa ugu baxnaaninaysay dalka Kanada oo ay iyada iyo labada hablood ku wada noolaayeen. Xusuus iyo goortii iigu danbaysay Ibraahin Meygaag Samatar oo aan aqaannay ama aanu is-naqaannayba tan iyo 1976kii. Waa muddo ku siman 35 sannadood. Waxa aan isku dayay bal in aan xusuusto markii iigu danbaysay araggiisa. Waxa ay ahayd 2006dii mar uu booqasho Hargeysa ku yimid markii uu ka maqnaa 13 sannadood oo calaa xaali ah ama gow ah. Bal ka warrama. Wuxu ku soo degay guri ku yaalla Gol-janno. Maalin ayaan ku booqday goor barqo ahayd oo ku beegnayd ilaa tobannadii iyo badhkii. Nin iska dad badan ayuu ahaa oo meel walba waa la fadhiyay rag iyo dumarba. Laakiin Ibraahin iyo Aamina iskuma aanu cusbaynoo iska ciyaala xaafa ayaan iska ahaa. Waxa aan xusuustaa in aanu laba kursi qaadannay oo aanu madbakhii isla gallay oo aanu halkaa cabbaar ku sheekaysanaynay. Wax tegay, wax yaallay iyo timaaddaba faraha ayaanu gelinnay. Maalmo yar ka dibna waa uu ambo-baxay oo Jabbaan ayuu ku noqday. Maxaa aragtida maalintaa ii xigay? Waa markii uu ka ambo-baxay dalka ee ugu danbaysay tan iyo 1993kii. Ibraahin Meygaag Samatar isaga oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii SNM, wuxu isku dayay in uu isu sharraxo xilka Madaxweynenimo markii Shirweynuhu uu ka socday Boorame 1993kii. Taasi ma ay suurtoobin oo Ibraahin markii uu xaaladda indhoindheeyay waa uu ka noqday. Khudbad ayuu ka jeediyay Shirweynahaas uu ku sagootiyay ergooyinka isaga oo ka dardaarmay in aan SNM iyo taariikhdeedii la qiimo-tirin. Waxa aan xusuustaa in aanu bishii Noofambar badhtamaheedii iska raacnay madaarka Hargeysa oo Jabuuti u ambo-baxnay. Maalmo yar haddii aanu halkaa wada joognay,

Page 3: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

3

waxaanu u boqoollay magaalada Worcester (Boston) ee dalka Maraykanka oo aanu kaga wada qayb gelaynay Shirweynihii Cilmi-baadhista Soomaaliyeed oo halkaa ka furmayay. Waa goobta uu ka akhriyay maqaalka aan ku ballaysimay Qormadan baroor-diiqda iyo qiimayntaba isugu jirta ee aan maamuuska iyo muquunadaba uga dhigayo saaxiib-halgameed dalkan iyo dadkanba u soo dhaamiyay. Qalin-taraarku ma fiicna e‟, kuma ayuu ahaa Ibraahin Meygaag Samatar? Bal wax aan badnayn aan dib ugu noqdo taariikh-nololeedkiisii. Aabbihii magac miskiin kama ahayn e‟ wuxu ahaa Meygaag Samatar Furre oo dalka iyo dibaddaba laga yaqaannay. Hooyadii waxa ay ahayd Cibaado Cigaal Geelle. Waxa ay isku Bah ahaayeen Ibraahin Meygaag: Cali, Cabdillaahi iyo Shamis. Bal hadda aan eegno sida uu Ibraahin Meygaag Samatar isu qaddimi lahaa, haddii aynu ku odhan lahayn: “Mujaahid bal is-kaaya bar”. Muxuu tolow odhan lahaa ama sidee ayuu u dhigi lahaa. Arrintan jawaabteeda waxaan u soo xiganayaa qoraalladiisii qaar ka mid ah. Waxaan soo xiganayaa e-mail uu u diray Sayid Axmed oo reer Is-widhan ah oo ay xidhiidh saaxiibtinnimo lahaayeen.

Prof Ibrahim Meygaag Samatar e-mail uu Sayid Axmed ugu soo jawaabayay wuxu ku

yidhi:

"Waxa aan ku dhashay miyiga waqti dayreed oo markaa ku beegneyd Oktoobar. ama

Noofambar.1941kii meel la yidhaa Qollad oo Awaare woxoogaa geesta woqooy-i

galbeed ka xigta. Dugsiga Quraanka waxaan ka galay Hargeisa 1950kii. Sannad

dabadiina waxaan u wareegay Elementary school Hargeisa, ka maanta loo yaqaan

Sheekh Bashiir. Dugsiga Dhexe, Camuud waxaan u gudbay 1953kii, kana

dhammeeyey 1957kii. Dugsiga Sare, oo Camuud ah waxaan galay isla saannadkaa.

1959kii waxa loo raray Dugsigii Sare magaalada Sheekh, waxaanu ii dhammaday

1961kii. Sannadkaa laftiisa ayaan u soo baxay dalka USA. Jaamacadda aan galay

waxa la yidhaa Yale University oo aan ka qaatay B.A. iyo M.A., cilmiga dhaqaalaha.

Dabadeed markaan 15 sannadood shaqeynayay ayaan haddana dib ugu noqday

tacliintii 1981kii. Waxan ka qaatay Ph.D. cilmiga dhaqaalaha Jaamacadda University of

California, Riverside 1985kii.” Isaga oo ilaa shan jir ah ayay hooyadii dhimatay. Ibraahin Meygaag isaga oo yar oo miyi jooga ayuu ku joogsaday awr qoodh ahaa oo ay lahaayeen oo Suqulle (Sugulle) la odhan jiray. Waxa la ii sheegay in Meygaag Samatar geelaa ka soo iibsaday Ceeri-gaabo oo uu soo kaxeeyay Cumar Meygaag Samatar. Waxa intaa la ii raaciyay in geelaasi ka mid ahaa geelii Ismiidh (Smith) ka soo celiyay Baandadii Majeerteenka. Nabarkii ayaa Hargeysa loo keenay si loogu daweeyo, ka dibna aabbihii Meygaag Samatar ayaa yidhi: “Dib miyigii loogu celin mayo e‟ halkan ayaan tacliinta kaga darayaa.” Ibraahin Meygaag awrka ayaa Ilaahay sabab uga soo dhigay in uu Hargeysa soo dego. Intii aanu Ibraahin Meygaag ku dhalan Calaydh odeyga iyo xaaskuba reer

Page 4: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

4

Ceeri-gaabo ayay ahaayeen oo awrkani wuxu ka mid ahaa geel odeyga Meygaag halkaa ka soo iibsaday. Tacliintii hoose wuxu ku qaatay Sheekh iyo Hargeysa oo wuxu la noolaan jiray walaalkii Cali Meygaag samatar oo ka weynaa macallinna ahaa oo hadba meel loo beddeli jiray. Cali Meygaag Samatar markii danbe wuxu noqonayaa tifaf-tirihii guud ee wargeyskii carabiga toddobaadlaha ahaa ee „Qarni Ifriiqiya‟ eek u hadli jiray afka xisbigii SNL ee gobannimadii 1960kii horseedka u ahaa. 1957kii ayuu tacliintiisii Dugsiga Dhexe ka bilaabay Cammuud, waxaanu ku dhammaystay Dugsiga Sare ee Sheekh oo uu ka baxay 1961kii. Markiiba wuxu u ambo-baxay dalkaa Maraykanka oo uu aqoontiisii Jaamicadeed ku soo qaatay isaga oo culuunta dhaqaalaha ku soo bartay kagana soo qalin-jebiyay Jaamicadaha Yale iyo Harvard ee ugu caansan uguna magaca weyn xarumaha aqoonta ee dalka Maraykanka. 1966kii ayuu dib ugu soo laabtay magaalo-madaxdii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee Muqdisho isaga oo ka hawl-galay safaaraddii Maraykanka oo aanu ku raagin ee uu ka

shaqeeyay lix bilood oo keliya. Lacag wanaagsan oo aan dalkaba oollin ayaa mushahar loo siin jiray, bal se Ibraahin Meygaag wuxu ka door-biday in uu shaqadii Maraykanka iskaga tago. Waxa la ii sheegay in odyaal reer Samatar Furre ahi weydiiyeen waxa uu uga tegay shaqadaa mushaharka shishleyd, waxaanu Ibraahin ugu jawaabay: “Dalka ayaanay jeclayn.” Intaa ka dib wuxu bilaabay in uu ka hawl-galo xarumihii dawladdii Soomaaliyeed, waxaanu ka bilaabay Wasaaraddii Maaliyadda oo uu ka noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Miisaaniyadda sannadihii 1966kii ilaa 1967kii. Waxa loo dallacsiiyay Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaraddii Maaliyadda xilkaas oo uu hayay sannadihii 1967-1969kii, berigaas oo uu nidaamkii bahalka ahaa ee

Page 5: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

5

Siyaad Barred dal iyo dadba ku habsaday, xukunkana qori caaradii ku haystay muddo 21 sannadood ahayd. Sannadkii 1969kii-1970kii ayaa Ibraahin Meygaag Samatar loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddii Maaliyadda ee Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliyeed. 1970kii-1971kii, waxa uu Ibraahin Meygaag ahaa wasiirkii Maaliyadda ee dalka. 1971kii-1972kii waxa uu hayay xilka Wasiirkii wershedaha. Ilaa 1975kii Ibraahin Meygaag waxa uu ahaa Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dawladdii Siyaad Barre Madaxweynaha ka ahaa. 1975kii-1976kii wuxu La-taliye u noqday Maxamed Siyaad Barre. Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre wuxu iska ahaa nidaam riwaayad iyo dhalanteed iskaga jiray oo wixiisuba iska yeel-yeel ahaayeen. Tusaale aan fogeyn haddii aan idiin ka soo qaado wuxu iska jeclaa in uu maalmaha taariikhda ku leh dalka iyo adduunkaba is-mar-mariyo sidii wuxu ku noqonayay waddani ama shakhsiyad caalami ah. Markii ugu horreysayba 15kii nin ee Xisbigii SYL aasaasay ayuu xagga danbe iskaga sawiray oo yidhi: “Anigaa ka danbeeyay.” 1da Meey oo maalinta shaqaalaha adduunka ah, wuxu ku suntay oo yidhi waa maalinta shaqaalaha Soomaaliyeed. 8da Maarj oo maalinta hooyada ah, wuxu ku suntay maalinta haweenka Soomaaliyeed. 15kii Meeyna oo maalinta SYL ahayd wuxu shaabbadeeyay maalinta dhallinyarada. Ka dibna intaas oo dhan ayuu ururro u samaystay xoojiya Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee uu dalka ku haystay. Maxamed Siyaad Barre oo naanayso badan lahaa, waxa ka mid ahaa in uu ahaa ama lagu odhan jiray „Macallinka‟. Run ahaantii magacaa wax baa ka jiray oo in badan oo ka aflaxday ayaa adduunyada ku filiqsan. Sow tii uu Hadraawi lahaa: “Dacawooyinkaa badan, Boqol baa ku daba jira,” Macallinku beryihii danbe inta uu ka sii daray ayuu ku dhawaaqay in 1da Juulay oo ku suntanaan jirtay maalintii midnimada Soomaaliyeed ee ay gobolladii koonfureedna Talyaanigii ka xoroobeen in lagu beego maalintii la aasaasayay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee uu dal iyo dadba ku gumeystay. Sheekooyin mahadho reebay oo dhaadheer aan idiin soo gaabiyo e‟, Xisbigaas ayaa meel la odhan jiray Guriga Ummadda xarun looga dhigay. Waa goobtan goobta uu Ibraaahin Meygaag Samatar ka hawl-gelayaa isaga oo ahaa Hoggaankii Arrimaha Xisbiga. Hoggaaammadaa waxa kale oo ka mid ahaa beryahaa Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo loo magacaabay Hoggaanka Ganacsiga. Guriga Ummadda oo ahaa xaruntii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, waxa isaguna madax ka ahaa Ismaaciil Cali Abokor oo ahaa Madaxweyne-ku-xigeen iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee XHKS oo ahaa Maxamed Siyaad Barre. Axmed Maxamuud Faarax oo „Lax-was‟ loo yaqaannay ayaa isaguna ahaa Hoggaanka Arrimaha Bulshada..

Page 6: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

6

Ibraahin Meygaag Samatar halkaa waxa uu ka shaqaynayay ilaa 1979kii, markii la qabtay doorasho-ku-sheeggii Barlamaanka ee ugu horreysay. Ibraahin Meygaag si aan la malayn karin ayuu u nacay nidaamkii Siyaad Barre iyo la-sii-jooggiisaba. Intii uu hoos ula sheekaysanayay waa ay ogaayeen inta dareen lihi`na wejigiisa ayay ka garanaysay. Ibraahin Meygaag xafiis ahaan waa aanu iska soo hor jeednay oo inta badan waa aanu is-arki jirnay. Guriga qudhiisa inta badan waa aan ugu tegi jiray, hoosna waa aan u ogaa dareenkiisa. Halkan kuma soo wada gudbin karayo e‟, bal hadda aan wax idiin ka taabto midh iyo laba waxyaabihii nagu soo maray Gurigii Ummadda ee aanu ka wada hawl-geli jirnay. Waxa dhaqan ahaan jirtay in marka ay soo dhawaato 21ka Oktoobar la diyaar-garoobi jiray si loogu dabbaal-dego. Hawlaha badan ee la qaban jiray waxa ka mid ahaa qoraalka khudbadda munaasabadda ee uu akhriyi jiray Siyaad Barre. Khudbaddaa waxa lagu diyaarin jiray Guriga Ummadda oo guddii Hoggaammo, wasiirro iyo hawla-wadeennada Xisbiga isugu jirta ayaa loo saari jiray. Mar mar ayaan guddidaa ka mid noqon jiray aniga oo wax u qori jiray. Mararka qaarkood belaayo ayaa naga raaci jirtay. Waa 1978kii, bil baastii Oktoobarna waa ay soo dhawaatay. Ibraahin Meygaag ayay garab-daartiisii u sheegtay in guddida qoraalka khudbadda lagu soo dari doono. Intaa ka dib wuxu go‟aansaday in uu ka muquurto oo bal doorkan ka dhuunto. Si uu yeelo ayuu garan waayay. Ka dib Ibraahin Meygaag inta uu dhaqaaqay ayuu cisbitaalkii Madiina ee Booliska tegay oo yidhi: “Bes ayaan ahay ee dhakhtarka ha la I dhigo.” Sidii ayaa lagu seexiyay. Maalin iyo laba ka dib, ayuu magaciisii guddidii qoraalka khudabadda ku soo baxay. Nuqul ayaa cisbitaalkii loogu geeyay, ka dibna wuxu soo sheegay in uu xanuunsanayo oo aanu waxba tahli karayn. Ibraahin Meygaag markii uu ka war helay in khudbaddii la dhammeeyay oo la daabacay ayuu cisbitaalkii iskaga soo baxay. Halkan kaga sheekeyn kari maayo e‟ waa inoo mar kale khudabadahaas macallinka iyo mahadhooyinkii naga soo maray. Waxa kale oo aan xusuustaa oo Ibraahin Meygaag beryahaa iiga sheekeeyay maalin uu Siyaad Barre u tegay isaga uga cabanayay gaadiidkii Hoggaammadu kaga hawl-geli jireen Gurigii Ummadda oo u badnaa baabuur yar yar oo Ruush ahayd oo ay ka mid ahaayeen UU-aaska oo ciidammaduna kaxaysan jireen iyo baabuur yar oo la odhan jiray „Moskovitch‟. Baabuurkan danbe inta badan waxa la arki jiray isaga oo kululaaday oo meelahaa fadhiya. Waa sheeko aan Ibraahin Meygaag ka guntay. Ibraahin Meygaag ayaa Siyaad Barre u tegay oo uga cawday baabuurtan iyo dhibta ay hawl-wadeennada ku hayaan. Waxa maamulka iyo maaliyadda uga mas‟uul ahaa sarkaal SRC-dii ka tirsanaa oo la odhan jiray Cismaan Maxamed Jeelle. Wuxu ahaa Hoggaanka Maamulka iyo Maaliyadda ee xarunta XHKS. Nin badraan ah oo aan agtiisa xataa sigaarka lagu cabbi karin ayuu ahaa. Wuxu wadan jiray baabuur yar oo „Golf‟ (Volkswagen) Jarmal ah iyo baabuur yar oo 131 FIAT ah oo la odhan jiray „Mira Fiori‟. Guriga Ummadda xataa albaabka weyn kama uu soo gelin jirin ee mid yar oo danbe ayuu ka soo geli jiray kelidii. Cismaan Maxamed Jeelle qof ahaan anigu saaxiib ayaanu

Page 7: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

7

ahayn, oo waxaan ka mabsuudi jiray sidii uu ula dhaqmi jiray niman kibir badnaa oo uu ka mid ahaa Cabdilqaadir Xaaji Masalle oo Siyaad Barre adeer u ahaa, hoggaammadana ka mid ahaa. Ilaahay uun baa ogaa inta jeer ee uu Cabdilqaadir Xaaji Masalle isa soo taagay albaabka xafiiskii Cismaan Maxamed Jeelle ee lagu yidhi odeygu waa mashquul. Bal ka warrama haddii aanu Cismaan ninkaa mararka qaarkood albaabkaba ka furi jirin. Macallinkii kacaanka ee Siyaad Barre ayaa u yeedhay Cismaan Maxamed Jeelle. Arrintii gaadiid-xumada Hoggaammada ayuu kala hadlay, ninkiina waxa uu ku yidhi: “Soomaaliya oo idil ayaad waxa aad doonta ka samaysaa ee ma waxa aad igu haysataa Hoggaankan yar ee kooban ee Guriga Ummadda ku eg.” Odeygu sidaa doqon iyo dabbaal uma ahayn e‟, Cismaan Maxamed Jeelle sidii ayuu ugu sii xadhig daayay. 1979kii waxa loo dabbaal-degayay 10-Guuradii kacaan-ku-sheeggii Siyaad Barre. Waxa kale oo sannadkaa la qabtay doorasho-ku-sheeggii Barlamaanka. Hoolkii weynaa ee Guriga Ummadda ayaa lagu qabtay xafladdii dhaarinta iyo furitaanka Barlamaankii cusbaa. Waxa Guddoomiye ka noqday Ismaaciil Cali Abokor. Galabtaa Siyaad Barre talo ayaa ku caddaatay. Saddex kursi ayaa loo dhigay Guddoomiyihii iyo labadii Ku-xigeen oo weliba ka Guddoomiyuhu labada kale ka dheeraa. Siyaad Barre marka uu hoolka soo galo waxa ay ahayd in uu safka ugu horreeya soo fadhiisto illeyn Golaha cusub madaxdiisa kuma uu jirine. Malahayga waxa ay ahayd markii ugu horreysay noloshiisa intii uu xilka hayay ee uu soo fadhiisto meel laga sarreeyo. Inta uu xanaaqay Siyaad Barre ayuu kursigii Guddoomiyaha ku fadhiistay. Ismaaciil Cali Abokor shiddo iyo dhibaato midna uma qaadanne, meel kale ayaa uu iska fadhiistay isaga oo ahaa Guddoomiyihii Golahan cusub. Ibraahin Meygaag Samatar waxa beryahaaba ka go‟nayd in uu shaqada iskaga tago. Wuxu ka fekerayay sidii isaga oo bed qaba uu uga bixi lahaa hawlaha xisbiga, haddii ay u suurtowdana dalkaba iskaga tegi lahaa. Fursaddaas iyo sidii uu u dhigi lahaa ayuu sannadahan danbeba ka fekerayay. Xafladdaa goob-joog ayaan ka ahaa oo wixii ka dhacay maalinta qiyaamaha waa la ii soo fadhiisiyaa. Ibraahin Meygaag Samatar, nasiib wanaag wuxu ka mid noqday dadkii lagu marti-qaaday in uu madashaa ka hadlo. Markii uu cabbaar ka sheekeeyay madasha iyo sida loo bilay, ayuu shaqo-ka-tegis halkaa kaga dhawaaqay isaga oo Siyaad Barrena ka codsaday in uu ka oggolaado. Ibraahin Meygaag wuxu madashaa il-yartu is-qabatay ka sheegay in uu baylah badan oo qoys uu leeyahay, jecel yahayna in uu u ambo-baxo. Macallinkii Siyaad Barre ahaa oo Ibraahin Meygaag hadalka uga danbeeyay sidii iyo halkii ayuu Ibraahin shaqo-ka-tegistii kaga oggolaaday. Nasiib wanaag maalmo yar ka dibna waxa loo magacaabay safiirkii Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliyeed ee dalkii Jarmalka Galbeed oo xaruntiisu ahayd magaalada Bonn.

Page 8: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

8

Siyaad Barre ayay tiradu ka gadmataye, Ibraahin Meygaag markii qorshihiisii hore u fulay ayuu markiiba qaxooti ka dalbaday dalka Maraykanka isaga oo aan sannad joogin magaaladii Bonn ee safiirka looga dhigay. Markiiba wuxu ku biiray safafkii dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahyd isaga oo noqday Guddoomiyihii SNM ee woqooyiga Ameerika oo ka koobnaa dal-weynaha Maraykanka iyo Kanada. Ibraahin Meygaag intaas oo keliya kuma koobnayne, maa daama uu ahaa nin mufakir ah oo qoraa ah wuxu ka mid noqday maqaal-diiqdii wargeyskii lix-biloodlaha ahaa ee afka Ingiriisiga ku soo bixi jiray ee „Somali Horizon‟. Qormooyinkii xiisaha dheeraadka ah lahaa ee Ibraahin Meygaag wargeyskaa ku qoray waxaan ka sii xusuustii maqaalkii ku suntanaa: “Siyaad Barre: Style of management.” Af-Soomaali haddii loo tarjumo wuxu noqonayaa: “Habka maareyneed ee Siyaad Barre ama hannaanka Siyaad Barre wax u maamulo.” Maqaal wax lagu sheego ma ahayne, gantaal ayuu ahaa Siyaad Barre bogga iyo beerka ka cuskaday. Nin nidaamkiisa ku dhex jiray oo obocdiisa ku soo noolaa waqti dheer ayaa ka sheekeeyay hannaanka iyo habka uu Digtaatoorku wax u maamulo. Ibraahin Meygaag Samatar, meel kasta oo uu joogaba halganka ayaa u calan-walaynayay, markii uu is-hayn waayayna si toos ah ayuu ugu soo ambo-baxay jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa ka socday. Markanna waa bishii Ogos 1984kii. Weliba

waa bisha 6dii iyo waqti ku beegnaa 4tii galabnimo oo uu furmayay Shirweynihii 4aad ee SNM. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ibraahin Meygaag Samatarba waxa ay ka mid ahaayeen wejiyadii ku cusbaa madasha. Markiiba Ibraahin Meygaag ayaa loo doortay Guddoomiyihii Shirweynaha. Waa xilkii ugu horreeyay ee uu ka qabto xarumihii SNM ee halgankii dibuxoreynta qaran sida tooska ah uga socday.

Page 9: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

9

Dabcan Mareykan ayuu dib ugu noqday, bal se si joogto ah ayuu u soo noq-noqon jiray oo inta bandanna ugu sugnaa jiidaha hore ee dagaalka. Bal aan xusuustaydii dib ugu noqdo iyo maalmihii iyo goobihii Ibraahin Meygaag nala joogay. Markanna waa 1985kii iyo weliba bishii Meey. Shirweynihii 4aad ee SNM oo ku qabsoomay Jigjiga 6dii Ogos 1984kii markii aanu ka darrernay ee Siilaanyo la doortay, Laan-qayrta Doonbiraley waxa ka bilaabmay Shirweynihii aasaaska Golaha Guurtida. Wuxu ahaa Shirweynihii 1aad iyada oo isla markaana goobtaa lagu maareynayay khilaaf ururka soo kala dhex galay oo ka dhashay Shirweynihii 4aad. Sidii lagu ballamay Shirweynihii 2aad ee Guurtida ayaa ku qabsoomay Dooxada Daahir-maadhiin ee galbeed kaga toosan magaalada Rabaso. Waa barwaaqo dhulku oo roobabkii gu‟ga ayaa maansheeyay. Waxa aan ka mid ahaa wefdi SNM ah oo uu madax ka ahaa Ibraahin Meygaag Samatar oo Shirweynahaa 2aad goob-jooge ahaan uga qayb-galay. Goobtaana Ibraahin Meygaag Samatar maalmo ayaanu wada joognay ilaa intii Shirweynahaa 2aad ee Guurtidu ka dhammaanayay. 1986kii iyo 1987kii ma ay dhicin Shirar Guurti, waxaana ku xigay Shirweynihii Caddaroosh ee 1988kii, bishii Ogos oo aad dalka looga soo baxay. Waa Shirweynihii lagu doortay Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Axmed Nuux iyo. Dabcan Ibraahin Meygaag Samatar hadba waa uu yar noqon jiray. Waxaan aad u jeclahay markaa uu noo yimid 1985kii in uu watay wiilkiisa Raage oo isaga qudhiisu muddo ku qaatay jiidaha hore ee dagaalkii dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahyd. Ibraahin Meygaag Samatar waxa uu haddana nagu soo noqday 1986kii. Markan waxa aanu ku sugnayn Awaare oo ahayd xarunta tababarka ciidammada ee SNM, oo beryihii Damal Cabdilqaadir Koosaar SNM Guddoomiyaha u ahaana ahaan jirtay Xarunta ururka SNM. Bishu waa Juun 1986kii. Waa beryihii uu shilka baabuur ku dhaawacmay Siyaad Barre ee loo qaaday dalka Sucuudiga. Awaare ayaanu ku sugnayn. Marka la raaco Dastuurka SNM waxa nagu soo fool lahaa Shirweynihii 5aad ee SNM oo ay ahayd in uu qabsoomo Sebtember 1986kii, maa daama shirweynihii 4aad Jigjiga ku qabsoomay Ogos 1984kii. Waxa la qabtay shir wada-tashi ahaa oo ay xubnihii SNM ee Awaare joogay intooda badani ka qayb-gashay, dadkaas oo uu ka mid ahaa Ibraahin Meygaag Samatar oo maalmahaa Mareykan ka yimid. Wada-tashigii waxa la isla gartay in Shirweynahaa 5aad dib loo riixo muddo lix bilood, taas oo u baahnayd soo-jeedin Guddida Fulinta ah iyo ansixin Golaha Dhexe taas oo mar danbe la qabanqaabiyay. Maalmahaa aanu Awaare joognay ayaa Ibraahin Meygaag Samatar loo magacaabay Xubin Guddida Fulinta ah oo aan xil lahayn (without portofolio). Mar danbe ayaanu Ibraahin Meygaag Samatar isugu imanaynaa Diri-dhabe bilowgii bishii Noofambar 1986kii. Markaa waxaanu ka soo noqonnay kormeer aanu ku maraynay Jiidda woqooyi iyo ta Dhexe (Mustaxiil) aniga oo ka mid ahaa wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii SNM oo ahaa Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo. Diri-dhabe ayaa laga qabanqaabiyay wefdi SNM ah oo boqasho ku taga Jiiddii Koonfureed ee SNM,

Page 10: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

10

wefdigaas oo madax looga dhigay ama uu hoggaaminayay Ibraahin Meygaag Samatar. Waxaan ka sii xusuustaa wefdigaa dadkii ku jiray: Ibraahin Meygaag, Qayir, Shakiib Cabdilqaadir, Cabdilxakiim (Qaaddi Sumuni). Waxaanu wadannay hal Toyota ah oo ‟fife leh‟ ahaa oo uu waday Mujaahid la odhan jiray Fu‟aad. Annaga oo sii marnay Awasa xarunta Gobolka Sidamo ee Itoobiya, waxa aanu ku danbeynay Ginnir oo ka mid ah gobolka Bale. Dayuurad iyo baabuurba waanu ku safarnay annaga oo ku horreynay saldhiggii Baarrey ee qaybtaa laga xukumi jiray. Kormeer ayaanu ku soo gala-bixinnay saldhigyadii kale ee SNM eek ala ahaa: Gambadh, Garba-gurraaje iyo Bengool oo kaaha magaalada Luuq-ganaane habeennadii ka muuqday. Waxa xusuus gaar ah safarkaa nagu lahayd soo-noqodkii oo aanu is-taagnay meel la yidhaahdo Seere oo malahayga haddii aanan qaldanayn u dhexeysay Nageyle iyo Awasa. Waa derged keliya. Qof dumar ah oo weyn iyo gabadh yar oo gashaantiya ayaa

nagu soo baxay. Waa aanu is-taagnay si aanu biyo uga cabno. Intii ayaa la is-wareystay. Waa gobolka Sidamo. Waa la is-toyday. Islaantu SNM ma ay garanayne waxa aanu u sheegnay in aanu Isaaq nahay. Iyaduna waxay noo sheegtay in ay Ogaadeen tahay, gabadheeduna Isaaq. Waxay intaa noogu dartay in ay nin Isaaq oo halkan marayay laba hablood u dhashay oo inantii kale sarkaal Itoobiyaan ahi guursaday mar ay tartan oroddada ah ka gashay magaalada Awaasa. Waxa kale oo ay intaa noogu dartay in ninkeedii sidii uu Kiiniya u tegay aanu soo noqon. Mujaahidkii Fu‟aad ee baabuurka noo waday ayaa markiiba la soo booday: “Dee inantanna aniga ayaa kaa guursanaya e‟ I sii.” Islaantiina: “Guddoon tidhi.” Inantii inta ay carartay ayay alaabteedii markiiba soo qaadatay. Mujaahid Fu‟aad ayaa inta uu ila faqay igu yidhi aroosadda dusha ma saari karayo e‟, bal odayaasha mid dusha ku qanciya. Shidhka Toyotaha waxa saarnaa Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qayir. Odeygii Qayir ayaanu is-na dhegta wax u saarnay si aroosadda

Page 11: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

11

nala kulantay ugu maamuuso shidhka oo ay raacdo. Sidii ayay isu guursadeen Fu‟aad iyo gabadhii oo ay carruur ku dhaleen. Ibraahin iyo wefdigii uu hoggaaminayay dhammaadkii 1986kii ayaanu ku soo noqonnay xaruntii maamulka SNM ee Diri-dhabe oo „Raamaale‟ loo yaqannay. Ka dibna waxa bilaabantay qabanqaabadii Shirweynihii 5aad oo ku qabsoomay magaalada Harar

bilowgii 1987kii. Ibraahin Meygaag Samatar waxa kale oo aan xusuustaa in aanu badhtamihii 1989kii ka wada ambo-baxnay xaruntii SNM ee Balli-gubadle oo aanu u dhaqaaqnay xaggaa iyo Guutadii 99aad ee xeebta galbeed deggenayd. Waxaanu ahayn wefdi aad u ballaadhan oo uu hoggaaminayay Ibraahin Meygaag Samatar. Goor barqo ah ayaanu ka dhaqaaqnay oo cidhi barako leh kaga dhufannay Balli-gubadle. Waxaanu ahayn haddii aanan qaldanayn ama xusuustayduba I dagayn: Baabuur Land cruiser ah, Xaajiyad 4w ah oo laba shidhley ahayd, baabuur weyn oo xamuul ah oo UD ahaa, baabuur N3 ah oo FIAT ahaa, Booyad shidaal noo sidday iyo baabuur Toyota „pick-up‟ ahaa. Sallexlay ayaanu sii marnay barqo dheer oo dhulka ceeryaamo qarisay, dadkuna lahaayeen dayax-madoobaad ayaa soo socda. Haro-sheekh ayaanu ka sii qadaynay, ka dib meel aan is-leeyahay Dhubbato kama ay fogeyn ayaanu laamida casar ka tallownay. Land cruiser-kii ayaa laamida badhtankeedii nagaga banjaray. Bartii ayaa taayirkii lagaga beddelay

annaga oo yaabban oo Mujaahidiintii ku kari weynay, bal in ay laamida ka yar dejiyaan si aanu cadowgu noogu soo gaadhin. Hal-hays waxay u lahaayeen: “faqashtu maxay sheegaysaa.” Dowga Hanjeera ayaanu ka daaddegnay, wadno-gaw ayaanu marnay annaga oo kaga baxnay dawga markii aanu ku dhaadhacnay Booddaale. Markii aanu ka dhammaanaynay dawga ee aanu Booddaale wax yar u jirnay, waxa dariiqii ku soo dhacay dhagax weynaa oo ay nagu qaadatay in aanu ku burburinno saacado badan annaga oo u qaadannay dubbayaal iyo shiineyaal. Habeenkaa nin Mujaahid ahaa oo

Page 12: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

12

Sheekh Isaxaaq la odhan jiray ayaa halkaa nagaga lumay, maa daama aan la isa sugin ee intii dhagaxaa la burburinayay Mujaahidiin badani iska sii lugaysay oo tiradii joogtay iyo intii tagtay naga gedmatay. Waxaan u malaynayaa mar danbe oo aanu Gargaara joognay in la ogaaday maqnaanshihiisa, dibna Mujaahidkaa looma arag. Habeennimadii waxaanu ku hoyannay Bildhaaley. Waxaan xusuustay carruurnimadaydii oo walaashay Basra yuusuf Ducaale nooga sheekayn jirtay Biji iyo Bildhaalay. Bildhaaley markaa aanu joognay waxa lagu hayay maxaabiis badnayd oo dagaal oo lagu qabsaday dagaallo ka dhacay Lughaya iyo ag-agaarkeeda. Ibraahin Meygaag halkaa ayuu kula hadlay maxaabiistii oo uu ugu sheegay in aanay iyaga iyo SNM waxba ka dhexaynin, bal se waxa lala daallamayaa yahay nidaamka Siyaad Barre ee dal iyo dadba aafeeyay. Ibraahin Meygaag amarro cad cad ayuu ka bixiyay daryeelka maxaabiista iyo ilaalinta xuquuqdooda, ugu danbeynna waxa uu faray ciidammadii gacanta ku hayay in loo gudbiyo xaruntii SNM ee Balli-gubadle si ay reerahoodii ugu noqdaan. Sidiina waa loo fuliyay amarkii oo inta Diri-dhabe laga soo wareejiyay ayaa maxaabiistii oo dhan Balli-gubadle la keenay, ka dibna sahay la sii siiyay si ay reerahoodii u tagaan. Bil ammaara waxa ay maxaabiistaa dagaalku ka degganaayeen Balli-gubadle meel bari kaga beegnaynd Taliskii Guud ee ciidammadii SNM oo aan sidaa uga sii fogayn. Badhtamihii bishii June ayaanu joognay tuulada Ceel-gaal oo duhur cad ciidammadii SNM ka furteen faqashtii. Xaggaa iyo Seylac ayaanu uga gudubnay, galabnimadiina Lowcaddo ayaanu ku hoyannay annaga oo ku sii meydhannay ceelka Bariisle oo Tokhoshi iyo Lowyacaddo u dhexeeya. Waxaan xusuustaa wefdigaa Ibraahin Meygaag hoggaaminayay annaga oo ahayn in aanu meel badhtamaha Geeriyaad ku taal ku booqannay Maqaamka Sheekh Xuseen oo halkaa xoolo naloogu qalay maalintii oo dhanna aanu ku dikriyaynay. Carraabe ayaanu ku gallay Lowyacaddo. Saraakiishii Jabuuti ayaa maalintii danbe maqashay joogitaankayaga Lowyacaddo. Qayilaad ayay nagu marti-qaadeen oo xeradii Jaan-daaranka ayaa nala geeyay. Ilaa saqdii dhexe ayaanu wada joognay iyaga oo ka yaabban awoodda SNM-ta iyo sida ay dalka uga taliso. Lowcaddo dhinacii Soomaalida ayaanu ku soo noqonnay habeen badhkii. War dhiillo leh ayaa naloo sheegay oo ahaa in ciidammadii Siyaad Barre dib u qabsadeen Ceel-gaal kuna soo jeedaan Lowyacaddo. Ciidan aan badnayn oo nala socday xaggaa iyo Seylac ayay cidhib barako leh ugu dhufteen si ay u haybsadaan ciidammadoodii xaggaa iyo Lughaya ku sugnaa si ay weeerar rogaal-celin ah u qaadaan. Saraakiishii Jabuuti ayaa galabnimadii noo timid, waxaanay intayadii mas‟uuliinta ahayd noo kaxeeyeen xagga Jabuuti oo aanu laba habeen u hoyannay ka dibna, waxaanu u tallownay Itoobiya annaga oo laba maalmood ku sugnayn Dawanle. Wax aan badnayn markii uu Diri-dhabe joogay ayuu Ibraahin Meygaag Samatar ku soo laabtay xaruntii SNM ee Balli-gubadle halkaas oo beryahaa looga diyaar-gharoobayay Shirweynihii 6aad ee SNM oo halkaa ku qabsoomay 31kii Maarj 90kii, socdayna ilaa

Page 13: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

13

28kii Abriil 1990kii. Run ahaantii shirweynahaasi wuxu socday 14 maalmood, bal se inta kale waxa lagu hawlanaa xulashadii xubnihii Golaha Dhexe oo markii ugu horreysay taariikhda ururka SNM gaadhay 99 xubnood maa daama dalkii aad looga soo baxay wixii 1988kii ka danbeeyay. Shirweynahaa 6aad ayuu Ibraahin Meygaag Samatar isu sharraxay jagadii Guddoomiyaha ururka SNM, taas oo aanu ku guuleysan. Intaa ka dib ayuu Shirweynihii 6aad u doortay Ibraahin Meygaag Samatar jagadii Guddoonshaha Golaha Dhexe oo markii ugu horreysay cid gaar ah loo magacaabay. Dhaqankii SNM-ta marka la raaco Guddoomiyaha SNM waxa kale oo uu isku hayn jiray xilalka kala ah: Guddoomiyaha SNM, Guddoomiyaha Golaha Dhrexe, Guddoomiyaha Guddida Fulinta iyo mararka qaarkood oo weliba loogu dari jiray Xoghayaha ciidammada xoreynta ee SNM. Dhaqankaasi ma ahayn mid fudeyd, qof-jeclaysi iyo lab-la-kac ku yimid, bal se wuxu ahaa mid aad looga fiirsaday oo lagu go‟aansaday Shirweynayaashii ururka, gaar ahaan Shirweynihii 4aad ee 1984kii oo arrintaasi ajende noqotay, cod aqlabiyad ahna lagu guddoonsaday in ay xilalkaasi mideysnaadaan. Sidaas waxa loo yeelay si aanay midnimada SNM u wiiqmin isla markaana aanay u samaysmin dhowr xarumood oo lagu kala feylaa. Shirweynahan 6aad ayay SNM aqoonsanaysaa in awoodaha la qaybiyo, maa daama lagu soo dhawaaday xoreyntii dalka. Ibraahin Meygaag Samatar wuxu guddoominayay kal-fadhigii Golaha Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay magaalada Burco bishii Meey 1991kii, halkaas oo lagu go‟aansaday la-soo-noqoshadii madaxbannaanidii Somaliland isla markaana lagu soo dhisay Xukuumaddii ugu horreysay ee Somaliland oo uu Madaxweyne ka noqday Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e‟, Madaxweyne-ku-xigeenna uu ka noqday Xasan Ciise Jaamac. Waxa la soo dhigay talooyinkii ama soo-jeedintii 7da Qodob ahayd ee ka soo baxay Shirweynihii walaalaynta beelaha woqooyi ee Guurtidu isugu timid.

Shirweynihii Guurtida ee Boorame wuxu furmay bishii Maarj 1993kii iyada oo uu Ibraahin Meygaag ahaa Guddoonshihii Golaha Dhexe ee SNM. Ibraahin Meygaag Shirweynihii oo socda ayuu Boorame ka yimid waxaanu Hargeysa uga ambo-baxay dalka Mareykanka bishii Noofambar 1993kii oo aanu is-raacnay.

Page 14: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

14

Intaa haddii aan kaga baxo taariikhdii Ibraahin Meygaag Samatar oo kooban, bal hadda aynu cabbaar ku nasanno oo ku raasukhno qoraalladiisii taariikhiga ahaa.

Bal immikana aan daalacanno sida uu Ibraahin Meygaag Samatar isugu qaddimayo

qoraal uu bishii Ogos 2010kii oo ah maalmihii uu isu diyaarinayay in uu dalka ku soo

noqdo oo ku suntanaa: “Halka aan taagnahay,” waxaanu qoray Mujaahid Ibraahin

isaga oo magaalada Tokoyo ee dalka jabbaan ka soo dawinaya qoray:

“Waxa aan ahay anigu Ibraahin Meygaag Samatar. Sagaal sannadood ayaan Wasiir u

ahaa nidaamkii Siyaad Barre, markii danbena sannad ayaan Safiir uga ahaa dalkii

Jarmalka aniga oo fadhigaygu ahaa magaalada Boon. 1981kii ayaan ka goostay

nidaamkii Siyaad Barre oo aan magan-gelyo siyaasadeed ku degay dalka Maraykanka.

Dhowr sannadood ka dib ayaan xubin fir-fircoon ka noqday dhaqdhaqaaqii gobannimo-

doonka ahaa ee lagaga soo hor-jeeday nidaamkii digtatooriga ahaa, aniga oo ka mid

noqday hoggaamiyayaashii ururka SNM. In kasta oo ay hawshayda rasmiga ahi ahayd

wakiilnimada SNM ee woqooyiga Maraykanka, haddana waqtigaygii intii badnayd

waxaan ku qaatay jiidaha hore ee dagaalka aniga oo la joogay Mujaahidiintii

dagaallamaysay iyo odayaashii arriminayay. Intii halgankii hubeysnaa lagu jiray,

ammintii aan ugu farxadda iyo reyn-reynta badnaa waxa ay ahayd 18kii Meey 1991kii

iyo magaalada Burco markii aniga oo ahaa Guddoonshihii Golihii Dhexe ee SNM, aan si

rasmiya ugu dhawaaqay go’aankii taariikhiga ahaa ee shacbiga Somaliland kula soo

noqdeen madax-bannaanidoodi, laguna dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland.”

Malahayga halkani hakad ayay u baahan tahay. Sida Ibraahinba sheegay magaaladu

waa Burco iyo 18kii Meey. Ammintu waa gelin danbe oo salaaddii casar la soo tukaday.

Madasha Shirku ma ay furnayn oo qedo iyo nasasho ayaa lagu jiray. Baabuur tekniko

ah oo baabuurka cas ee dab-demiska madaarka Berbera hor kacayo ayaa nagaga

yimid xaggaa Berbera. Magaaladii oo dhan ayay dhex qaadeen oo dadkii oo dhan soo

kaxaysteen. Wixii dad iyo gaadiid Burco joogay iyaga oo wata ayay goobtii ama

madashii shirka yimaaddeen. Buuqa iyo sawaxnka waad yaabtaa. Madashii ayaa la

isku xeeray oo qoryihii teknikada iyo taangiyada daaqadaha laga soo geliyay.

Ibraahin Meygaag Samatar ayaa dadkii dibadda ugu soo baxay si uu ula hadlo. Bal

haddaba yaa aammusiin. Buuqii iy qayladii ayaa demi waayay. Chief Caaqil Maxamed

Daahir oo goobta joogay ayaa makrifoonkan yar ee gacanta qaatay oo baabuur

„Cresida‟ ah oo meesha taagnaa dusha ka fuulay. Saddex jeer ayuu ku celiyay

ballaysinkii SNM ee shirarka iyo kulammada ee ahaa: “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar,

Allaahu Akbar.” Dadkii qamaamayayna waa ay ka daba yidhaahdeen. Saddex jeer

markii ay ku celiyeen ayaa sanqadhii oo dhami joogsatay. Ka dib Ibraahin Meygaag

Page 15: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

15

Samatar ayuu makrifoonkii u dhiibay, annaga oo Ibraahin ku badhi-taageernay in

uubaabuurkii “Cresidada” ahaa dusha uga baxo. Sidii ayuu yeelay Ibraahin Meygaag

Samatar, dadkiina wuxu ugu ballan-qaaday in Kal-fadhiga Golaha Dhexe hadda

fadhiisanayo arrinta madax-bannaanida gobollada woqooyina go‟aan dhaxal-gal ah ka

gaadhayo.

Sidii ayaa lagu galay madashii Kal-fadhigii taariikhiga ahaa ee SNM ka socday oo

Somaliland lagu go‟aamiyay.

Ibraahin Meygaag Samatar, naxariistii janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo e‟, wuxu dadka kaga duwanaa in uu ahaa caalim mufakir ah oo aragtii ka lahaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran, la-soo-noqoshadii madax-bannaanidii Somaliland iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeedba. Waxa aan jeclahay in aan qormooyinkan danbe wax kaga taabto laba qoraal oo uu ka tegay oo

laba waqti oo kala fog soo kala baxay. Qoraalka hore wuxu soo baxay 1993kii halka qoraalka labaad ee aan halkan ku soo qaadanayaa ka soo baxay bishii Ogos 2010kii. Waa qoraal (paper) Ibraahin Meygaag Samatar ka jeediyay Shirweynihii Cilmi-baadhista Soomaaliyeed ee lagu qabtay Worcester (Boston) oo dalkaa Maraykanka ku taalla. Aniga oo aan maanta u ambo-bixin in aan idiin wada tarjumo warqaddaasi sidii ay u dhammayd bal haddana aan godollo ka soo qaato si aad ula socotaan fikirkii iyo

Page 16: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

16

aragtidii Ibraahin Meygaag Samatar oo aan gole-ka-fuul iyo male-awaal midna ahayn, bal se ahayd cilmi-baadhis qotonkeeda iyo qaradeedaba leh oo uu kaga duwanaa hoggaamiyaashii qaran iyo kuwii xarakadeed ee ummaddan soo marayba. Bal hadda hordhaca qoraalkan kooban aan ku horreynno oo uu qoray 1993kii oo lagu daabacay buugga la yidhaahdo: “Mending rips on the sky”. “Cir-ku-baanashada biixiyaha jabay.” Ibraahin Meygaag Samatar maqaalkiisan ama qoraalkiisan wuxu ku suntanayaa: Light at the end of the tunnel: Reflections on the struggle of the Somali National Movement. Haddii aan is-idhaahdo af-Soomaali u beddel, sidan ayaan u dhigi lahaa: Mugdiga iftiin baa ka danbeeya: Milicsiga halgankii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Haddii aan ku hees is-idhaahdo waxaan soo qaadan lahaa: Gabbal dahacaba, waa guduutaa ku xiga. Ibraahin Meygaag Samatar hor-dhiciisa maqaalkan waxa uu ku yidhi, aniga oo af-Ingiriisi idiin ka soo tarjumay: “Waxan soo socda ama qoraalkani ma aha ka-sheekaynta hawl-galladii SNM tan iyo maalintii ay bilowday halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay kaga soo hor jeedday nidaamkii Siyaad Barre. Qoraalkani haddana ma aha qiimayn cilmiyeed oo aan dhinacna u janjeedhin oo ku saabsan hawl-galladeedii SNM iyo saamayntii ay ku yeesheen siyaasadda Soomaaliyeed. Qoraalkani ma aha oo kale qeexid iyo kala-dhanbalid nidaamkii Siyaad Barre ah ama qiimaynta doorarkii ay jilayaasha dibadeed (caalamiga ahi) ka ciyaareen qalalaasaha Soomaaliyeed. Intaas oo dhan midna ma aha, haddana qoraalkani waa intaas oo isku wada jirta oo isku dhafan. Haddana intaas oo dhan midna ma aha, maxaa yeelay mowduucyadaas oo dhan midna waqtigii iyo diraasaddii loo baahnaa ee lagu qeexi lahaa ma siinayo. Geesta kale marka aad iska taagto, qoraalku intaas oo dhanba waa uu yahay maxaa yeelay qalalaasaha Soomaaliyeed si uu u taabtaba waa uu taabanayaa ama wax ayuu uga odhanayaa.” Ibraaahin Meygaag Samatar intaas hoos ayuu uga sii daddegay, waxaanu yidhi isaga oo qaddimaya qoraalkiisa: “Qoraalkani sida cinwaankiisu sheegayo, waa milicsi (Refelections). Milicsiyaduna sida dabcigooda ama sawracooduba yahay waa wax aan isku xidhnayn oo aan si is-raacsan oo taxane ah u rasaysnayn. Waa wax hore iyo gadaalba u socda oo dhex qaada ama dhex-roor u noqda mowduucyo faro badan oo aan si habaysan looga hadlayn. Sidaa awgeed arrimo badan oo qalalaasaha Soomaaliyeed la xidhiidha ayaa laga hadlayaa. Qardo-jeexyada siyaasadaha caalamiga ah ee Soomaaliya ku wajahan oo ay ku lammaanaayeen bilowyo habowsani ayaa la sharxayaa. Waayo-aragnimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida muuqata ee ay uga duwan tahay

Page 17: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

17

Soomaaliya ayaa la gorfaynayaa. Marka aan ka beydho ama ka leexdo dhibaatooyinka dhaqaale-siyaasadeed ee Afrika ka aloosan, qiimayn dhab ah ayaan ugu noqonayaa halgankii hubeysnaa ee SNM.” Ibraahin Meygaag Samatar wuu ka sii durkayaa mowduucyadii uu ku gorfaynayay qoraalkiisan taariikhiga ah ee aan hortii cidina ku dhiirran in ay qalinka u qaaddo. Wuxu intaa hore ku kabayaa: “Bal se waalli ayaa ku jirta hab-raaca ama hab-dhaqanka (method). Si mowduucyada loo qiimeeyo ama dib loogu eego, dunta isku xidhaa waxay noqonaysaa helitaanka arrimihii mar-soo-dhaca ahaa (casual) ee sababta u ahaa burburkii dawladdii Soomaaliyeed iyo saamayntii burburkaasi ku yeeshay bulshada rayidka ah. Baadi-doonka ama goobidda arrimahan mar-soo-dhaca ah laftooda ayaa ah helitaanka siyaabaha dib loogu ambo-qaadi karo nolosha. Baadi-goobka arrimahan mar-soo-dhaca ah ayaa qasbaya in iftiinka lagu shido oo la bayaamiyo lammanayaal door ah: Ku-tiirsanaanta cid kale iyo isku-tiirsanaantaada ama isku-talo-galkaaga, awood dawladeed oo urursan iyo dimuqraadiyadda talo-wadaagga ah, iyo dhismayaasha dhaqan iyo dhismayaasha casriga ah. In kasta oo ay dhammaan lammanayaashaasi isku xidhan yihiin haddana is-diiddo ayaa ka dhexeysa – lammaane kastaa wuu is-buuxinayaa ama is-kaabayaa: si kale haddii aan u dhigana waa loollan taariikhiya oo ka dhexeeya duugga iyo cusaybka.” Ibraahin Meygaag Samatar isaga oo qormadiisan hore ugu sii socday waxa uu intaa ku daray: “Doodda iyo falanqaynta arrimahan lagu dhex gorfaynayo qoraalkani waxa ay u socotaa iyada oo si gaar ah oo camaliya loogu xidhiidhinaayo ama loogu taxayo halgankii hubeysnaa ee SNM iyo aragtidii halgankaa laga lahaaba. Sidaa darteed qoraalkani ma noqonayo qiimeyn aragtiyeed ama dhigaalka dhacdooyinkii la soo maray. Mid kasta wax baa kaga jira, bal se waxa looga gol leeyahay in la soo ururiyo waayo-aragnimadii la kasbaday oo qoraalkan lagu hormeeyo.” Intaa kooban haddii uu Ibraahin Meygaag Samatar qoraalkiisan hor-dhac iyo hormaynba uga dhigay, si dhumuc leh oo muuqata ayuu u dhex gelayaa obocda qoraalkiisa. Qoraalkan intiisa badan Ibraahin Meygaag Samatar wuxu u hurayaa SNM oo uu qayb adkayd oo noloshiisa ka mid ahayd ku soo qaatay. Bal hadda aan yar daalacanno sida uu dhaqankii iyo halgankii hubeysnaa ee SNM ugu xidhayo ama taxayoba horumarka Somaliland ka jira, waxaanu qoray: “…..Waxaanu aamminsan nahay in guusha la arki karo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo tamar-darradeeduba ay ka soo jeedaan ama ka soo maaxanayaan oo ay sabab u tahay waayo-aragnimada halgankii SNM ee lagaga soo hor jeeday digtaatooriyaddii

Page 18: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

18

Siyaad Barre. Sidii ay SNM u maareysay ama u maareyn kari weyday arrimihii la soo gudboonaaday, sidii ay SNM uga faa’iidaysatay ama uga faa’iidaysan kari weyday fursadihii soo maray iyo sidii ay hantaaqooyinkii SNM soo maray u tanaadiyeen ama u weydeeyeen waay-aragnimadaa, ayaa dhammaantood ah dhaxal aan guurayn oo wixii la kasbaday ah ama midhihii laga goostay halgankaa hubeysnaa. Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee

wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka

duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin

qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii

halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Inta aanu obocda qoraalkiisa gelin, afeef yar oo kooban ayaa weli u hadhsan Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar, waxaanu odhanayaa: “Ugu danbayn anigu qof dhex ah ma ahi. Aniga oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii SNM dhex kama noqon karo. Aniga oo aan ka hadlayn in SNM gefaf samaysay iyo in kale, xaqiiqadu waxa ay tahay in aanan dhex ka noqon karayn qaddiyadda xoreyneed ee lagaga hor tegayay nidaam xuquuqdii dadka duudsiyay. Hadda tan macnaheedu ma aha in aanan qaadanayn wixii run ah. Qof xornimo u dagaallamayaa kama baaqsan karo in uu runta u maro daw kasta oo adag. Dhex-dhexaadnimada waxa looga baahan yahay qof garsoore ah oo dacwad maxkamadeed qaadaya. Laakiin, qaddiyadaha taariikhiga ahi waxa ay u baahan yihiin taageero iyo u-hiilin xaqiiqadu ku ladhan tahay ama aan runta ka tagganayn.” Intaa kooban ka dib Ibraahin Meygaag Samatar wuxu u ambo-baxayaa qoraalkiisa isaga oo hadba rabac qaadaa-dhigaya. Wuxu ku bilaabayaa kaalinta dawladda Maraykanka oo noqotay cududda ugu xoog weyn adduunka wixii ka danbeeyay dagaalkii qaboobaa ee bariga iyo galbeedka, ka dib markii uu burbureen Midowgii Soofiyetiga iyo bahdiisii Warsaw. Wuxu ku xiigsiinayaa Qarammada Midoobay oo uu ku tilmaamayo Ibraahin Meygaag Samatar in tahay wakiilka beesha caalamka xagga aqoonta, cilmiga, garaadka iyo wax-qabadkaba. Bal hadda wax yar oo aan sidaa u sii badnayn aan ka soo qaadanno inta Ibraahin Meygaag Samatar ka yidhi: “….Maalintii Siyaad Barre la jebiyay, Hay’adihii Qarammada Midoobay iyo shaqaalihiiba waa ay baxsadeen sidii wax ay ka tirsanaayeen nidaamkiisa, halkii ay ka ahayd in ay gutaan xilalkii kaga beegnaa ummadda Soomaaliyeed ee ay u adeegayeen. Haddii bixidda iyo baxsiga hawl-wadeenna QM loo cuskaday badbaadadooda, oo ah wax aan la qaadan karin, waxa ay ahayd in la dejiyo qorshe ay ku soo noqdaan oo ay ku hawl galaan.”

Page 19: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

19

Ibraahin Meygaag Samatar, waxyaabaha kale ee uu qoraalkiisan daabacmay ku soo qaadanayo waxa ka mid ah dhalliilo SNM loogu soo jeediyo in aanay aragti sugan lahayn, waxaanu kaga jawaabayaa weedhahan soo socda: “….Qaar idin ka mid ah ayaa aad ugu fogaada eedeynta SNM ay ku eedenayaan in ay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq aan aragti lahayn, aan barnaamaj-siyaasadeed lahayn, aan Mujaahidiin anshax (dishiplined) leh lahayn oo intaa ka dib aan abaabuli karin ama dhisi karinba maamul suubban oo hadhow marka nidaamka la rido buuxin kara madhnaanshaha soo baxa ama xilalka bannaanaada. Kuwa sidaa u naqdiyaya SNM malahayga waxa fiicnaan lahayd in ay sugaan in ay xilka qabato. 1991kii iyo 1993kii intii u dhexeysay curyaamintii iyo dagaalladii sokeeye ee ku lammaanaa ayaa dadka baday in ay lumiyaan dulqaadkii. Waxay ku guuleysteen in ay beddelaan nidaamkii SNM bilowgii 1993kii, iyada oo aanay sidaa raalli ka ahayn qaybo ka mid ah dadkii SNM hoggaaminayay. Waxaanu aamminsannahay in naqdiga iyo doodda caynkan ahi yihiin qaar sar-ka-xaadis ah oo aan sidaa u sii qodnayn. Waa dad isku qaldaya shakhsiyaad ka tirsanaa hoggaanka SNM iyo dabciga dhabta ah ee xarakadda ama dhaqdhaqaaqa SNM. Annagu wax sidaa ka duwan ayaanu u aragnaa, waxaanu ku doodaynaana waxa weeyaan in weynaanta iyo qiimaha SNM ku jirayba waxyaabahan ama sifooyinkan aad sida taban u aragtaan ee dhalliisha idiin la muuqda. SNM iyada oo ahayd dhaqdhaqaaq taageeradiisa ka hela beel aad u koobnayd, haddana waxay ku guulaysatay in ay jilbaha u dhigto digtaatoriyad millateri oo tamar iyo taag laxaad leh lahayd. SNM, mabda’-la’aantii lagu eedeynayay waxay siisay ama ay ka dhaxashayba madax-bannaani, debecsanaan iyo fur-furnaanba. Maqnaansha ama madhnaanshaha ay SNM ka madhnayd hoggaan ama madax soo-jidasho iyo gole-joogba leh, madhnaanshaha ay SNM ka madhnayd ciidan ama Mujaahidiin dishibliin leh, waxaanu aamminsan nahay in ay intaasiba tahay sababihii ay kaga baxsatay ama kaga badbaadday in ay dhexdeeda ka dhismaan maamullo digtaatooriyi”. Si fiican oo xarrago iyo xishmadba leh oo runtu ku dheehan tahay oo mowduuciya ayuu Ibraahin Meygaag Samatar qaybo badan oo qoraalkiisan ka mid ah SNM iyo halgankii hubeysnaa ee ay horseedka ka ahayd ku soo qaadanayaa. Bal hadda qormadan kooban ee aan ka soo xiganayana ila eega, waxaanu yidhi: “Kuwa ku andacoonaya ama ku doodaya ee SNM ku naqdiyaya in aanay ku bilaabmin ama ku hawl-gelinba saldhig ballaadhan oo beeleed, waa qaar marka ugu horreysaba arrintan lafteeda qiimo tiraya ama yaraysanayaba. Malahayga halkan loogama baahna in aan si qoto dheer u taxo ama uga sheekeeyo marinnadii xanuunka lahaa ee ay SNM u martay arrintaa xaqiijinteeda. Tallaabooyinkani ma ay noqon qaar si wax-ku-ool ah loogu guuleysto bilowgii halgankii hubeysnaa, waxaanay marag cad u yihiin dhumucda

Page 20: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

20

iyo baaxadda uu lahaa burburkii ku dhacay mujtamaca Soomaaliyeed ee nidaamkii Siyaad Barre sababta u ahaa. Dhowr tallaabo oo la qaadayba wax-ka-soo-qaad ayay leeyihiin:

1. Saldhigyadii SNM ee ka furmay gobollada Dhexe (Mustaxiil) iyo gobollada Koonfureed (Baarrey),

2. Wada-noolaanshihii ururkii SSDF-ta intii aanu khuurin ee aanu hawl-gabka noqonn,

3. Wada-shaqayntii fir-fircoonayd iyo is-bahaysigii xigay ee USC iyo SPM ay SNM la yeelatay,

4. Ugu danbaynna geeddi-socodkii dibuheshiisiineed ee dhex maray beelihii deggenaa gobolladii woqooyi ka dib markii uu guuleystay halgankii hubeysnaa ee SNM,

Intaas iyo in badan oo kale ayaa muujinaysa dedaalkii dheeraa ee SNM u gashay sidii ay saldhiggeeda taageero u ballaadhin lahayd ka-sokow dhibaatooyinkii badnaa ee ka hor yimid.” Bal hadda markanna Ibraahin Meygaag Samatar, waxa uu isku deyayaa in ka hadlo aragtidii halgankii hubeysnaa, waxaanu qoray: “….SNM iyo halgankii hubeysnaa ee ay horseedka ka ahaydba ma ay aragti la’ayn. Aragti la’aanteed waxba ma socdaan ama ma hirgalaanba. Maxaa yeelay, haddii aanay aragtiyi jirin, suurt-gal ma aha in la dhaqaajiyo ama la hawl-geliyo tiro badan oo dadweyne ah. Dhibaatooyinkii laxaadka lahaa ee SNM soo wajahay intii ay dagaallamaysay iyo naf-hurkii la yaabka lahaa ee ay uga baahatay taageerayaasheeda muddadii dheereyd ee ay dagaallamaysay, waxa keliya ee lagu hanan karayay aragti laga lahaa mustaqbalka oo la wadaagayay lana wada aamminsanaa. Qaar war-xumo-tashiil ah ayaa laga yaabaa in ay ku doodaan in nacaybkuba tirooyin badan oo dadweynaha ka mid ah dagaal gelin karo ama ku qasbi karo in ay dagaal galaan. Waxay farta ku fiiqaan oo ay tusaale u soo qaataan Naasiyiintii (Nazis) Jarmalka oo nolosha aadanaha adduunka halis geliyay. Waxa kale oo ay tusaale iyo tilmaanba u soo qaatan dagaallada isir-tirka ah ee beryahan danbe adduunyada meelo badan oo ka mid ah ka dhaca ama ka dhacayba. Laakiin dooddan xumo-taliska iyo war-xumo-tashiilka looma qaadan karo wax wax-ka-soo-qaad leh. Marka hore wax salleelo ah oo mar-soo-dhac ah laguma dhererin karo halgannada hubeysan ee la hanto ee ujeeddooyinka laga leeyahay. Docda kale marka aad iska taagto arrintan, halgammada dhabta ahi hawl-galladooda iyo ficilladooda ayay ku muujiyaan naca iyo nacayb hadba ay cokan yihiin ama dhaamiyayba. Xaqiiqadu waxa ay tahay in ay SNM imtixaankaa ka gudubtay.” Intaasi haddii ay ina kala gaadhay, innaga oo weli maalaynna gaaxdii iyo fekerkii Ibraahin Meygaag Samatar ee ku beegnaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran

Page 21: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

21

ee SNM, bal hadda aan ku yar hakanno sidii uu u arkayay dhismihii SNM iyo dimuqraadiyaddii dhex taallay ee dad iyo dalba lagu caano-maalay. Waa kan Ibraahin Meygaag Samatar oo mar kale soo rogaal-celiyay. Ku-ye: “…..Marka aynu ka hadlayno halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM, dimuqraadiyadda ururka ka dhex jirtay laba siyaabood ama laba heer ayay isu muujin jirtay: Heerka sare: Waa heerarka sare ee hoggaaminta: Guddoomiyaha, Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Xubnaha Golaha Dhexe oo lagu soo dooran jiray Shirweyne ergooyinka ka qayb gelaya si sharciya oo hufan looga soo dooran jiray xarumaha, laamaha iyo saldhigyada SNM oo ay sidaa wakiil kaga ahaayeen, Heerka Hoose: Waa heerarka hoose ee ay laamaha dibadda iyo saldhigyada ciidammada ee SNM hoggaankooda ku samaysan jireen, Halkan waxa ugu muhiimsan ama mudnaanta koowaad lihi waxa weeyaan xidhiidhka ka dhexeeya xarunta iyo saldhigyada ama laamahaba. Is-maan-dhaafka dhex yaalla Xukun-urursiga iyo xukun-daaddejintu waa waxyaabaha madax-wareerka ku rida dawladaha dunida saddexaad intooda badan, marka aad iska illowdo siyaabaha ay u khalkhaliso Jabhadaha xoreynta. Xukun dhexe ama dawlad dhexe waa lama-huraan haddii la doonayo in ay ummadi tis-qaaddo iyada oo mideysan. Laakiin, awood intee le’eg ayaa loo daaddejiyaa hay’adaha hoose, gobollada iyo qaybta gaarka ah (private sector), awood intee le’eg ayaa se u hadhaysa dawladda dhexe ama xaruntaba, si loo ilaaliyo isku-dheelli-tirka dimuqraadiyadda iyo midnimadu waa arrin ay adag tahay sida loo maareeyaa. Marka aynu tusaale u soo qaadanno halgankii hubeysnaa ee SNM, degaannadii kala fogaa ee laga hawl-gelayay, laamihii dibadda ee adduunyada ku filiqsanaa iyo ku-tiirsanaanshihii SNM ee waxa ay haysato ama hidin karaysay ayaa yeedhinayay hawl-galladeedii iyo go’aan-qaadashadeedii xorta ahaa. Sidaa darteed xaruntii dhexe ee SNM, waxa u yaallay hawlaha ay ka midka ahaayeen: dejinta siyaasadaha hoggaamineed, isku-dubba-ridka iyo isku-xidhka hawlaha socday, ka-war-haynta hirgelintooda iyo sidii loola xidhiidhayay dalalka dibadeed.” Ibraahin Meygaag Samatar waxyaabaha kale ee uu qoraalkiisa kaga hadlayo waxa ka mid ah: Jabhadihii xoreynta Soomaaliyeed ee ay ugu mudnaayeen: SNM, USC iyo SPM. Waxa kale oo uu si qoto dheer u qaadaa-dhigayaa hawl-galladii UNISOM ee lagu hoobtay, Soomaaliyina ay eedday ee dagaashay. Aniga oo mar danbe fursad intan ka badan u heli doona si aan qoraalka oo dhan u tarjumo, bal hadda aan u leexanno qormooyinkiisii ugu danbeeyay oo aynu odhan karno waa dardaarankii uu inooga tegay. Waa bishii Ogos ee 2010kii. Qoraalkan

Page 22: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

22

kooban Ibraahin Meygaag Samatar wuxu ku suntanayaa: “Halka aan taagnahay” ama “Sida ay ila tahayba.” Si kooban marka uu uga sheekeeyo taariikh-nololeedkiisii oo aanu xagga hore wax yar kaga taabannay, wuxu gelayaa aragtiyaha uu nolosha ka leeyahay isaga oo hadba mowduuc ama arrin soo qaadanaya. Bal hadda aan sida hillaaca u dul marro qaybo ka mid ah dareennada iyo aragtiyaha uu Ibraahin Meygaag Samatar ka lahaa nolosha. Aan si sar-ka-xaadis ah idiinku soo hormeeyo. Waxa xiga qayb yar oo kooban oo uu Ibraahin Meygaag samatar isku qaddimayo ama isugu keen sheegayo qofka uu yahay oo aan xagga hore idiin ku soo tarjumay. Wuxu intaa ku daray oo uu Ibraahin Meygaag Samatar yidhi isaga oo weli iska sii sheekaynaya is-na barraxaya: “Shirweynihii Boorame ku qabsoomay ka dib waxa la ii doortay xubin Golihii wakiillada ah. Bal se markiiba istiqaalad ayaan ka bixiyay si aan isugu keen-keeno ama u soo ururiyo dacalladii iyo faraqyadii noloshayda eek ala tegay intii aan ku hawlanaa halgankii hubeysnaa ee SNM oo aan waqti iyo nololba u sadqeeyay. Wixii intaa ka danbeeyay inta waa aan ka aammusna dhacdooyinka siyaasadeed. Beyr iyo cabsi ayaan ka qabay in hadalladayda si gurracan oo aanan u jeedin loo fasiro ama looga faa‟iidaystaba. Ma damacsani in aan dadkayg u abuuro dhibaatooyin. Marka aad daacadda tahay ayaad wax badan huri kartaa. Hadda oo aan in badan maqnaa isla markaana aanan ku jirin wax tartan siyaasadeed ah ayaa laga yaabaa in ay tahay waqtigii ku habboonaa in aan hadlo. Immika oo aan u holladay in aan hadlo ugama gol lihi in aan si shakhsiya cid u weeraro ama u canbaareeyo. Waxa aan jeclahay in dhowro oo ku dheggenaado mabaadiida dhowrsoon iyo akhlaaqiyaadka sare ee aadamaha. Halkan waxa aan doonayaa in aan ku soo bandhigo qoraal muujinaya aragtiyaha iyo mabaadiida aan qabo. Waa qoraal ku wajahan da‟-yarta mustaqbalka dadkan iyo dalkanba iska leh. Waa ereyo dardaaran ah oo odey hawl-gab noqonayaa soo gudbinayo. Qoraalkan koobani waa mid aan uga gol leeyahay in aan si fudud muwaaddiniinta Somaliland ugu gudbiyo ama ugu iftiimiyo halka ay geediga ku yihiin iyo mustaqbalkooda, waa mid aan doonayo in aan ugu iftiimiyo halkan ay taagan yihiin halka ay uga gudbayaan. Mustaqbalka iyo go‟aammada saameeyaba iyaga ayaa iska leh. Immika inta aan doonayaa in aan yeelo waa mabaadiidaas oo aan si kooban u qeexo una sheego aniga oo mawaaqiiftayda iyo sida aan wax u arkayaba caddaynaya. Waxa aan halkan ama qoraalkan ku qeexayaa oo ku caddaynayaa arrimo door ah oo ay tahay in shacbi-weynuhu ka ogaado siyaasi kasta oo ay tahay si muuqata u soo bandhgo aragtidiisa ku beegan arrimaha kala duwan ee dalka. Aniga oo aan waxba ku

Page 23: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

23

sii tiigaalin aratayda, bal aan hore ugu baxo arrimaha aan u arko in mawaaqiif cad laga qaato.” Waxa uu ku bilaabayaa oo uu Ibraahin Meygaag Samatar mawaaqiif cad cad ka

qaadanayaa arrimo door ah oo ay mudan tahay in cid kasta oo hoggaan is-bidaysaa

meel cad ka joogsato. Bal hadda aan u soo bandhigo sida uu Ibraahin Meygaag

Samatar u raseeyay.

1. Midnimada Soomaalaiyeed:

Ibraahin Meygaag Samatar, muxuu ka yidhi midnimada Soomaaliyeed, bal hadda aan

daalacanno qormadan kooban:

“Arrintani waxa ay ahayd mid qiimo weyn oo aan la qiyaasi karin ugu fadhiday ama ku

lahaydba qof kasta oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogayba, intii lagu jiray

halgankii gobannimo-doonka. Dulucda iyo ujeeddaduba waxa ay ahaayeen in la

mideeyo oo meel la isugu keeno gobolladii Soomaaliyeed ee gumeystuhu kala qaybiyay

Beryahaas oo aan ahaa arday ku jiray ama dhiganayay Dugsiga Sare, waxa aan ka mid

ahaa dadkii ay aragtida mideynta Soomaaliyeed ku beerreyd ee ay ka dhex biqishay.

Arday ahaan iyo aniga oo markii danbe xilal qarameed qabtayba, waxa aan ka mid

ahaa dadkii xaqiijinta aragtidaas mideynta Soomaaliyeed u dagaallamay ee dedaalka

dheer u galay. Waa sheeko aynu ka wada dheregsan nahay.”

Beryihii aanu Ibraahin Meygaag Samatar ka wada hawl-geli jirnay Gurigii Ummadda ee

Muqdisho ee xarunta u ahaa Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, waxa

xusuustaa isaga oo heeso waddaniya ka tiriyay dagaalkii 1977kii Itoobiya lala galay,

heesahaas oo ay ku luuqayn jireen kooxdii Heegan ee Boolisku.

Aan ku noqdo xigashadii Ibraahin Meygaag Samatar ee arrintiiu saabsanayd

Midnimada Soomaaliyeed iyo aragtidii uu ka lahaa, waxaanu intaa hore ku daray:

“Arrintii mideynta gobolladii Soomaaliyeed waxa ay noqotay mid ka suuro-geli weyday

fagaarayaashii caalamiga ahaa – malahayga uma baahnin in aynu arrintan ku sii

dheeraanno oo waa la wada ogsoon yahay.

Maanta Jabuuti waa dal madax-bannaan. Soomaalida Kiiniya iyo Soomaalida

Itoobiyaba waxa ay dedaal ugu jiraan sidii ay xuquuqdooda iyo nasiibkoodaba uga heli

lahaayeen dalalka iyo dadyowga ay ku dhex nool yihiin. Markaa waxa hadhsani waa

midowgii Somaliland iyo Soomaaliya oo keliya. In kasta oo ay Somaliland 1960kii ka hor

xidhiidho ganacsi la lahayd Jabuuti iyo Itoobiyaba, haddana waxay ka door-bidday in ay

la midowdo Muqdisho si ay u xaqiijiso midnimo intaa ka sii ballaadhan. Midowgii

Hargeysa iyo Muqdisho waxa uu noqday mid aan la mahadin, mana ay ahayn in uu

sidaa noqdo ama loogu hungoobo. Midnimada waxa la xaqiijiyay iyada oo aan si fiican

Page 24: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

24

looga wada hadlin, isla markaana laguma salayn oo laguma qotomin dhidibbo si adag u

taagan. Eeddaa waxa iska lahaa dadkii iyo hoggaankii Somaliland ee hawshaa galay.

Midnimadaasi waxay ku bilaabantay sinnaan-la’aan Somaliland loola dhaqmay gobol

mus-danbeed ah tan iyo bilowgii, iyada oo aan marna loo arkin ama aan loo qaddarinba

dal ku darsamay dal kale oo madax-bannaanidiisii u sadqeeyay midnimo Soomaaliyeed

oo intaa ka mug weyneyd.

“Maa daama nidaam dimuqaadiya lagu dhaqmayay dadku waxay aamminsanaayeen in

maalin uun sida roon ama toganba wax isu beddeli doonaan. Bal se markii ay

millaterigii taladii dalka qori ku maroorsadeen, waxa markiiba bilaabantay marxalad

ahayd dib-u-gumeysiga Somaliland tan intii jilbaha loo dhigayay nidaamkii keli-taliska

ahaa marxaladdaas oo ku qasabtay nidaamkii dalka ka talinayay in uu ku tallaabsado:

cadaadis, cabbudhin, burburin iyo xasuuq aan cidna loo aabo-yeelin.

Markii ay xaaladihii halkaa gaadheen waxa lama-huraan noqotay in nidaamkii Siyaad

Barre lagaga hor tago xabbad caaradeed. Babac-dhiggii iyo kacdoonkii dadweynuhu

wuxu guuleystay 1991kii oo nidaamkii Siyaad Barre la burburiyay. Sidaas ayay

Somaliland kula soo noqotay madax-bannaanideedii iyada oo dib isu dhisaysa,

Soomaaliyana gunta u gashay fowdad iyo qalalaase hubeysan, kooxaysan oo aan talo

iyo maaro midna loo hayn.

Waxa loo baahan yahay in la qabtaa ama la yeelaa waa:

Somaliland waa in ay ku adkaysataa mowqifkeeda iyo go’aankeedaba,

Soomaaliya dariiq kale oo u furani ma jiro oo aan ahayn in ay madax-bannaanida

Somaliland aqbalaan oo ay aqoonsadaan,

Marka ay Soomaaliya halkaa soo gaadho, labada dawladood waa in ay saaxiib

noqdaan oo ay si walaalnimo ah uga wada tashadaan aayahooda iyo xidhiidhada

ay yeelanayaan. Intaa ka dib labada dal waa in ay ka wada shaqeeyaan sidii is-

kaashi wax-ku-ool ah looga hirgelin lahaa gobolkan Geeska Afrika.

2. Arrinta aqoonsi-raadinta: Ibraahin Meygaag Samatar, haddii uu intaa yidhi, isaga oo aanu weli qalinkiisii engegin ayuu u dhaqaaqay xaggan iyo aqoonsi-raadintii Somaliland oo ah mowduuc aynu ku wada hadaaqno. Run ahaan tii qayb gaar ah kgama dhigin dhigaalkiisa taariikhiga ah bal se markii uu qodobkaa hore dhammeeyay ayuu kanna dareeriyay. Ibraahin Meygaag Samatar si deggen oo dhumuc iyo qotonba leh ayuu mowduucan u abbaarayaa, waxaanu qoray:

Page 25: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

25

“Xukuumadihii u kala danbeeyay maamulka Somaliland intii tamartooda ahayd aad ayay ugu dedaaleen in ay aqoonsi ka helaan beesha caalamka. Dadweynaha qudhiisu dedaalkaa taxanaha ahaa kama maqnayn. Arrintan aqoonsi-raadinta ee aynu heshiiska ku wada nahay si aynu uga ilaalinno in ay noqoto wax ay ku murmaan iskuna seegaan inta loollanka siyaasadeed ku jirtaa, waxaynu u baahan nahay in aynu innaga oo gacmaha is-haysanna u wada guntanno haddii aynu nahay: Fulinta, xeer-dejinta, xisbiyada siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah dhammaanteed. Waa geeddi-socod hore u bilaabmay oo mudan ama u baahan oo keliya in aynu rasmiyayno oo dhisno. Geeddi-socodkan oo ay tahay in fulinta ama xukuumaddu hagto oo hoggaamisaa, inoo suurto-gelin maayo oo keliya in aynu qorshayaal ka yeelanno dalalka aynu u aragno muhiimka ama ahmiyadda inoo leh; bal se waxa uu inoo oggolanayaa in aynu goob-joog ka noqonno madal kasta oo caalamiya ama goboleed oo lagu gorfeynayo arrimaha Soomaaliyeed, innaga oo aan qayb ka noqonayn ama ka ahaynba dhinacyada isku haya Soomaaliya. Ilaa maantadaa aynu joogno dadku shaki iyo bayrba waxay ka qabeen in madaxdeennu wax aan lala ogeyn ay galaan, taas oo wiiqaysa madax-bannaanida Somaliland. Sidaa darteed ayay xukuumadihii talada dalka u kala danbeeyay uga dhowrsadeen ama uga gaabsadeen in ay codadkeenna iyo dareemmadeenna geeyaan fagaarayaasha caalamiga ah. Qaabkan cusub ee wadaagga ah ee loo dhan yahay ee aan kor ku soo jeediyay, ee wada-jirka lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland, waa in uu noqdaa hab lagaga xoroobayo shakigan ina curyaamiyay. Waxa kale oo uu qaabkan cusubi inoo oggolaanayaa in aynu Soomaaliya gudaheeda ku yeelanno saaxiibbo qadiyaddeena taageera. Goorta iyo haddii ay fursaddu timaaddaba, waxa aynu gacan ka geysan karnaa dibuheshiisiintooda. Waxa kale oo ay tani soo deddejinaysaa aqoonsigeenna. Waxaan amminsanahay in ay Somaliland soo gaadhay heerkii ay cabsida iyo saskaba kaga xoroobi lahayd.”

3. Dimuqraadiyadda: Bal hadda immikana aan ku yar hakanno aragtida Ibraahin Meygaag Samatar ee ku saabsan dimuqraadiyadda, wsaxanu qoray: “Adduunyadan aynu ku nool nahay, dimuqraadiyaddu waxay ka mid tahay ereyada loogu fahmada daran yahay, loogu tarjumadda daran yahay, looguna adeegsiga daran yahay. Doc kale haddii aan ka eego, ereyadani ma aha qaar lagaga heshiiyay culuunta siyaasadda, sidaa darteed diyar uma ihi in aan halkan ku galo qeexid iyo macnayn aan waxba laga dheefayn. Bal se marka aad dhugato ee aad u dhabbo-gasho waayaha Somaliland ka taagan, waxa lama-huraan ah in dhowr arrimood la iftiimiyo ama wax laga yidhaahdaba.

Page 26: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

26

Obocda iyo murtida dimuqraadiyaddu waa xukunka siyaasadeed oo saldhig looga dhigo dooca iyo dareenka la-xukumaha ama dadweynaha. Tani waxay ku iman kartaa qaabab badan oo kala duwan, oo qaabba qaabka kale ka fiican yahay ama door-roon yahayba. Siyaabo badan ayaa tijaabo loo geliyay hirgelinta ama adeegsiga dimuqraadiyadda intii ay soo taxneyd taariikhda aadamaha adduunyadan ku nool. Innagu muslin ahaan waa aynu naqaannaa dimuqraadiyadda. Waxa la soo adeegsanayay tan maalmihii uu islaamku ka tis-qaaday adduunyadan. Mabaadiida ma-guuraanka ahi waxay ku xardhan tahay Quraanka. Intiinna arrintan daahu ka saran yahay, waxaan ka codsanayaa in ay akhriyaan Suuradda “Aala-Cimraan.” Ma aamminsani in qaabka inoo degsan ee dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan iyo qof iyo hal cod, uu wax xun oo la eedo ama dagaalaba. Waa uun mid ka mid qaababka dimuqraadiyadeed ee aadanuhu soo adeegsaday intii uu dhaqnaa ama soo jirayba. Waxbana kuma jabna haddii aynu hore u sii marinno oo sii qabyo-tirno. Intaa haddii aan qaaday oo dhigay, anigu ma rumeysni in xisbiyada badani dawo u yihiin dhibaatooyinka iyo caqabadaha ina hor taagan dhammaantood. Waxaynu ku qasban nahay in aynu ku kabno dhaqankeenna iyo diinteenna. Haddii kale xisbiyadan aynu ka hadlaynaa waxay iska noqonayaan laf aan dhuux ku jirin ama geed xar galayba. Sidaa haddii ay wax u dhacaan xisbiyadan aynu ka hadlaynaa waxay gabbaad u noqonayaan qaab cusub oo keli-talisnimo oo xubnaha xisbiga lagaga hor joogsado in fursad u helaan ay waxa ay doonayaan ku doortaan. Qaabab fudud oo dhiilladan lagaga baxsan karo ama lagaga badbaadi karo ayaa jira. Dimuqraadiyaddeennu waa in ay noqotaa wadaag aan qof iyo koox ku xidhnayn, halkii ay ka ahaan lahayd wax dhalanteed ah oo aan noolayn.” Mowduucan dimuqraadiyadda Ibraahin Meygaag Samatar wuxu ku soo gunaanadayaa: “Arrintan waxa lagu xaqiijin karaa laba qaab: Hor iyo horraanba xisbiyada siyaasadeed waa in ay noqdaan qaar dimuqraadiya laftoodu. Marka laga dhaqaaqo unugyada iyo dhismayaasha hoose waa in ay jiraan qaadhaan-bixiyayaal diiwaan-gashani. Xubnahan rasmiga ah ee xisbiga u diiwaan-gashani waa in ay xaq iyo awoodba u yeeshaan in ay doortaan guddiyadooda iyo wakiilladooda heer kasta ah ilaa hoggaanka sare. Tan macnaheedu waxa weeye in xubnaha xisbi ku wada jiraa ay yeeshaan barnaamaj siyaasadeed oo la wada aamminsan yahay loona diyaar yahay in si wadajir ah loo hirgeliyo. Waa in uu jiraa hoggaan lagu kalsoon yahay oo la aamminsan yahay halkii looga iilan lahaa eex iyo qabyaalad. Haddii sidan aan soo taxay loo hawl-geli waayo, xisbiyada siyaasadeed ee aynu kaga dayanay dalalka reer galbeedku, waxay u digo-rogan doonaan ururro qolo oo xanbaarsan inta muran iyo xasarad qolannimmadu leedahay.

Page 27: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

27

Tallabada labaad waa xukun-daaddejinta maamulka. Arrintani ma aha in ay noqoto wax afka baarkiisa ah. Waa in ay ahaataa wax sharci iyo xeerba jidaynayaan oo si sharciya lagaga dhaqmo tuulooyinka, degmooyinka iyo gobolladaba. Hay’adahani waa in aanay noqon qaar madaxdooda oo keliya doorta, bal se waa in ay ahaadaan qaar horumarkooda iyo hawlahoodaba si xor ah u maamusha. Dawladda Dhexe ama xarunta waxa u soo hadhayaa wuxu noqonayaa: Isku-xidhka, qorshaynta iyo hanashada hawlaha nabadgelyada ee dalka guud ahaantiisa.” Ibraahin Meygaag Samatar waxyaabaha ama mowduucyada kale ee uu qoraalkiisan wax kaga odhanayo waxa kale oo ka mid ah: dhaqaalaha, Islaamka iyo is-maamulka wanaagsan oo aynu waqtiyo danbe Ilaahay idamkii wax ka soo qaadan doonno. Aynu u gudubno gunaanadka iy gebegebeda qoraalka dhaxal-galka ah ee Ibraahin Meygaag Samatar.

4. Gunaanadkayga iyo gebegebada: Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e‟, wuxu Ibraahin Meygaag Samatar, dardaarankiisan Eebbe waafajiyay ku soo gunaanadayaa: “Waa aynu hubnaa in aynu nahay dad sabool ah. Laakiin, looma baahna in ay saboolnimadu habaar inagu noqoto. Dalal ciiddaa ka badan oo inaga saboolsanaa oo hodmay ayaa badan. Horumarinta, korinta iyo abaabulka dadka ayaa kuu beddeli kara kheyraadka dabiica ah oo aad nolol iyo horumarba ku higsan kartaa. Wax aan la malayn karin oo aanay cidina suurayn karin ayaad samayn kartaa marka aad ummaddaada koriso ee aad abaabusho. Ka-sokow in aad maal-gelin ku samayso caafimaadka iyo tacliinta, horumarka bulshada ama korinta dadka waxa kale oo ku jira in aad maskaxda ummaddaada ku beerto dadka oo is-aammina, yuhuun iyo towfiiq yeesha, samaysta mustaqbal iyo aayo ay ka mideysan yihiin oo saameeya dhammaan bulshada iyo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin. Ganacsiga iyo siyaasadda oo bulshadu ku tartantaa waa ay noqon karaan wax caafimaad qaba iyo wax sadhaysan oo buka labadaba. Haddii aan muuqaalka fantaysan ee buka lala dagaallamin, wixii ku xigaaba waa xasuuq. Bal hadda u fiirsada waxa Soomaaliya ka taagan. Waxyabaha ugu mudan ee qoraalkan igu kellifay waxa ka mid ah aniga oo meel fog ka arkay ama ka dareemay in tartankii dhinacyada badnaa u soo ekaanayo mid fool xun oo dhiillo iyo dhabar-jabba abuuri kara. Waxa jira arrimo fud-fudud oo dhinacyada ay khuseeyaan ku dhammaysan karaan dood iyo wada-hadal saaxiibtinnimo ama nabadeed oo la wadaago. Waxa sidaa fudud ku dhammaan kara ayaa mararka qaarkood isu beddela ama u digo-rogta muranno iyo xiisado qaran oo tamar iyo taag laxaad lihi ku baxdo sidii loo maareyn lahaa.

Page 28: Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar: Fan-halgameed aan ...somalilandhorta.com/download/fan-halgamee.pdf · 2 Waxa la ii sheegay in Ibraahin Meygaag Samatar shaqadii Jaamicadda ka tegay

28

Aynu ambo-qaadkeenna hubinno inta aanu waqtigu inaga tegin. Weli inagama ay lumin niyad-wanaaggii aynu u haynay dood-wadaagga dimuqraadiyadeed ee aynu ka dhaxalnay halgankii hubeysnaa ee SNM oo saldhig u ah sababaha Somaliland u guulaysatay. Waxa aynu u baahan nahay in aynu dib u soo noolaynno qiyamkeennii akhlaaqeed ee mid-ahaanshaha, is-kaashiga, isa-saamaxa iyo walaalnimadii dadkeenna dhex taallay. Iyada oo ay soo-noolayntani tahay waajib qof walba saran, haddana xilkani marka ugu horreysa waa mid guudka ka saran hoggaanka, haddii uu yahay mid siyaasadeed (mid xil haya iyo mid u soo hanqal-taagayaba), culimaa’-u-diinka, hoggaammada bulshada iyo indheer-garatadaba. Waxaynu u baahan nahay in aynu ka korno waxyaabaha aanay sakaaradu ka biirsan ee aan macnaha lahayn. Waxaynu u baahan nahay in aynu u korno meelo sare oo qiyam iyo akhlaaq suubbani ku dheehan tahay. Qaybo idin ka mid ah ayaa laga yaabaa in ay igu sheegaan qof riyoonaya ama aan xog-ogaalba ahayn. Aniga sidaa ilama aha. Waxa aan amminsanahay waxa aan halkan ku qoray ee aan idin soo hor dhigay in ay yihiin wax fudud oo la hirgelin karo ama camaliya. Anigu qof mustaqbalka samo-filasho ka qaba ayaan ahay. Weligayba sidaas ayaan ahaa, xataa marxaladihii ugu khatarta badnaa ee noloshayda soo maray. Haddii aad ereyadan u qaadataan dhalanteed iyo waxaan la xaqiijin karin, sidaaba ha iska ahaato. Wax kasta oo kaleba marka aad iska illowdo, waa higsiga mustaqbalka waxa dadka iyo aragtidoodaba kaxeeyaa ee u suuro-geliya in ay bulshadu si togan oo horumar leh isu habeyso. Horaa loo yidhi dadka aan taariikhda wax ka baranini waxay ku qasbanaadaan in ay qaladkii dib ugu noqdaan. Waxa aan aamminsanahay isla markaana rajaynayaa in aynu wax inagu filan barannay taasina ina farayso in aynu horumar ku tallaabsanno oo aynaan halkii taagnaanin ama dibba u noqon.”

Dhamaad