xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u...

12
[email protected] | www.xaqiiqatimes.com Shan iyo Toban Maalinle Madaxbannaan | Caddadka 27-aad | Sanadka 2-aad | 15 ilaa 31 Juun 2016 XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA Maxaa Macno Tiray Maqaamka Muqdisho? Xubno ka socda QM oo Muqdisho booqday Madaxweyne Xasan oo arrimaha dhallinyarada ka hadlay BOGGA 3AAD BOGGA 1AAD BOGGA 4AAD Ma og tahay Madaxweyne in Xerada Xalane gudaheeda ay deggan yihiin in ka badan 20 shirkadood oo shisheeye ah oo qaata qandaraasyo fara badan, kuwaas oo dhaqaalaha ka soo xarooda la geeyo dalal kale. Ustaadoow lataliyeyaashaada dhanka amniga makuu sheegeen in Shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin Supreme, Bancroft, RI International, SKA, iyo kuwa kale oo badan in ay dalka dibadiisa ka keenaan shaqaale xoogsato ah, kuwaas oo ku shaqeeya xirfado ay ka mid yihiin Nadiifiye, Cunto Kariye, Adeege iyo waardiye. Dhammaan hawlahaas waxaa qaban kara dadka Soomaaliyeed, balse bedelkooda waxaa ka shaqeystaan shaqaale laga keenay dibadda.Ma og tahay madax- weyne haddii shirkadahaas iyo shaqaalahoo- da mushaarkooda canshuur laga qaado in ay bishii ka soo xaroon karto lacag mushaar ugu filan ciidanka Boosliiska Soomaaliyeed, mase la socotaa in shaqaalahaas aysan wax lacag ah dalka soo gelin oo ay jiiftaan teend- hooyin ay gudaha ka dhisteen.Madaxweyne sow ma ogid in shaqaalaha Soomaaliyeed oo baahan in shaqaale dibadda laga keeno ay tahay xadgudub dastuuri ah, mase og tahay in shirkadaha shaqaalaha dibadda ka keeno aysan qaarkood dalka xitaa si sharci ah uga diiwaan gashanayn taas oo ah xadgudub qaran iyaduna. MA OG TAHAY MADAXWEYNE?

Transcript of xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u...

Page 1: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

[email protected] | www.xaqiiqatimes.com

Shan iyo Toban Maalinle Madaxbannaan | Caddadka 27-aad | Sanadka 2-aad | 15 ilaa 31 Juun 2016

XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

Maxaa Macno Tiray Maqaamka Muqdisho?

Xubno ka socda QM oo Muqdisho booqday

Madaxweyne Xasan oo arrimaha dhallinyarada ka hadlay

BOGGA 3AAD

BOGGA 1AAD

BOGGA 4AAD

Ma og tahay Madaxweyne in Xerada Xalane gudaheeda ay deggan yihiin in ka badan 20 shirkadood oo shisheeye ah oo qaata qandaraasyo fara badan, kuwaas oo dhaqaalaha ka soo xarooda la geeyo dalal kale. Ustaadoow lataliyeyaashaada dhanka amniga makuu sheegeen in Shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin Supreme, Bancroft, RI International, SKA, iyo kuwa kale oo badan in ay dalka dibadiisa ka keenaan shaqaale xoogsato ah, kuwaas oo ku shaqeeya xirfado ay ka mid yihiin Nadiifiye, Cunto Kariye, Adeege iyo waardiye. Dhammaan hawlahaas waxaa qaban kara dadka Soomaaliyeed, balse bedelkooda waxaa ka shaqeystaan shaqaale laga keenay dibadda.Ma og tahay madax-weyne haddii shirkadahaas iyo shaqaalahoo-da mushaarkooda canshuur laga qaado in ay bishii ka soo xaroon karto lacag mushaar ugu filan ciidanka Boosliiska Soomaaliyeed, mase la socotaa in shaqaalahaas aysan wax lacag ah dalka soo gelin oo ay jiiftaan teend-hooyin ay gudaha ka dhisteen.Madaxweyne sow ma ogid in shaqaalaha Soomaaliyeed oo baahan in shaqaale dibadda laga keeno ay tahay xadgudub dastuuri ah, mase og tahay in shirkadaha shaqaalaha dibadda ka keeno aysan qaarkood dalka xitaa si sharci ah uga diiwaan gashanayn taas oo ah xadgudub qaran iyaduna.

MA OG TAHAY MADAXWEYNE?

Page 2: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

FALLANQEYN 15 illaa 31 Juun 2016XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

2

Maxaa Macno Tiray Maqaamka Muqdisho?

Muqdisho (XT): Waxaa la yaab leh, walina ay dad badan is waydiinayaan magaalada Muqdisho oo ah caasimadii Soomaaliya sababta aysan dadka deggan xuquuq siyaas-adeed uga helin aqalka sare ee Barlamaaka. In ka badan laba Milyan ayaa lagu qiyaasaa dadka deggan Muqdisho ku-waasoo u baahan in ay helaan matalaad siyaasadeed oo ay ku badashaan canshuuraha ay bixiyaan oo inteeda badan lagu kabo dowladda dhexe.Dowladda Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada dhisan haatan bil walba ku kabto miisaaniyadooda lacago kor u dhaafaya 250 Kun oo Dool-lar mid walba sida ay noo xaqiijiyee ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xukuumadda. Ma xuma in la kabo maamullada dekadaha u shaqeeyaan sida Puntland iyo Jubaland iyo kuwa aysan dekadahooda shaqeyn sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed balse in magaaladii dadkeedu cans-hurta ay bixiyaan lagu kabayay gobollada kale in matalaad siyaasadeed loo diido yaa ka masuul ah? Masuuliyiin kala duwan ee kasoo jeeda gobolka

Banaadir oo isugu jira dh-aqan, ganacsato iyo siyaas-iyiin ayaa Xaqiiqa Times u sheegay in madaxda dowladda ugu sarreeysa , gaar ahaan madaxweyaha iyo maamulka Gobolka Banaadir ay qeyb ka yihiin xaqiraadda loo geystay bulshada Muqdisho. Hase yeeshee Madaxweynaha ayaad moodaa inuu isku khaldayo masuuliyaddii uu Soomaali-ya uu u hayay iyo xuquuqda gaarka ah ee reer Muqdisho. Sidaa darteed, waxaa muuqata in dadka reer Muqdisho ay bilaabeen in ay ka dhiidhiyaan qorshahan iyaga oo muda-haraadyo ka dhigay fagaaraha daljirka Dahsoon dabaayaqa-dii usbuucii tagay. Waxaa xus-id muda madaxda gobollada iyo kuwa dowladda dhexeba ee duudsiiyay Muqdisho xaqeedii dhammaan waa reer Muqdisho. Waxay waqtiyo kala duwan ku noolaayeen, waxna ku barteen caasimadda. Waa Ayaan darro in dadkii caasimadda ku barbaaray ee wax ku bartay in ay qariyaan xuquuqdii ay lahayd.Sidoo kale Muqdisho oo ah meesha kaliya ee si fudud doorasha looga qaban karo

ayaan ilaa iyo hadda aan helin gole deegaan oo matala degmooyinka kala duwan ee gobolka, waxaan taas eedeeda leh xukuumadda oo aan wax masuuliyad ah iska saarin sidii loo daadajin lahaa maamulka gobolka. Madaxdii go’aama-dan gorfeeyay waa in ay ka fikiraan khaladaadka siyaas-adeed ee laga galay dadka reer Muqdisho, mana aqbali karaan reer Muqdisho in takrifal noocaas ah lagula dh-aqmo. Xal ma aha, tanaasulna ma aha in cadaalad darro laga dhigo caddaalad oo lagu fuli-yo dadka gobolka Banaadir oo ah wadnihii dalka iyo meeshii dakhliga dowladdu ka imaanayay. Haddii arrinkaas la fuliyo waxaa msuuliyaddee-da qaadayo madaxdii go’aa-misay oo ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu horreeyaan.Inkastoo oo uu Guddoom-iyaha Gobolka Banaadir ku dhaqaaqay tallaabo wana-agsan oo uu ku hananayo dadka Muqdisho, haddana waxay timid xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo lagu heshiiyay in la qadiyo caasimadda. Haddii la rabo

in Soomaaliya ay wado sax ah qaado waxaa lagama maar-maan in xuquuqaha ay dal-banayaan shacabka Muqdisho oo caddaalad ku dhisan in ay helaan.

Waa maxay xuquuqaha ay dalbanayaan?Xuquuqaha ay dalbanayaa ayaa ah in mataalad dhab ah ay ku yeeshaan labada aqal ee Barlamaanka, matalaad siyaasadeedna ay helaan. Waxaa kale oo ay rabaan in ay doortaan maamulkooda dawladda hoose iyo golaha deegaanka. Waxaa kale oo ay u baahanyihiin in ay helaan adeeg u dhigma canshuuraha ay bixiyaan. Waxaa nasiib darro ah in tuulooyin iyo degmooyin aan shilin ku bixin maamulka Federaalka ah iyo dib usoocelinta hay’adihii dowladda in la siiyo xuquuq-dii ay lahaayeen iyo wax ka badanba, Banaadirna aan lasoo hadal qaadin oo dhinac la isaga riixo kiiskeeda.Ku xadgudubka dadka reer Muqdisho ee dhinac walba ah waxay calaamad u tahay fash-ilka siyaasadeed ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyad-aba. Sidoo kale waxay daliil u tahay aragti gaabnida reer Muqdisho oo aan hadda kahor ka hadlin xuquuqdooda shacab iyo maamulba.Maxaa dhici kara haddii xuquuq la’aan ay dhacdo?Waxaa dhici kara in magaa-ladu noqoto meel fowdadu ku fogaato waayo Muqdisho waa maskaxdii dalka, cadd-aalad darraduna waa cudur wata dhibaatooyin aad u fara badan. Haddii ay maskaxdu xumaatana jirka intiisa kale ma fiicnaan karo. Sidaa dart-eed fiyoobida Muqdisho waa fiicnaanta Soomaaliya.

Page 3: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

FALLANQEYN 15 illaa 31 Juun 2016XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

3

Muqdisho (XT): Safiirrada Xubanaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo booqasho ku yimid magaala-da Muqdisho ayaa la kulmay masuuliyiinta ugu sarreysa dal-ka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya si ay ugala hadlaan doora-shooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadkan. Safiirra-dan ayaa kulamdooda keddib sheegay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay madaxda ugala hadli lahaayeen darda-rgelinta nidaamka doorashada oo ay Barlamaanka Federaalka ah ku guuldarreysteen in ay ansixiyaan balse Madaxweyne Xasan Sheekh uu dikreeto ku ansixiyay. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa leh in tallaa bada Madaxweynaha ay timid kaddib cadaadis is daba joog ah oo ay beesha caalamka saartay dowladda Soomaaliya si aan muddo kororsi u imaan. Balse buuq siyaasadeed oo dhanka Bar-

lamaanka ah ayaa ka dhalan karo go’aanka Madaxweynaha uu ku sharciyeeyay hannaanla doorashada. Safiirka Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoo-bay Mudane Matthew Rycroft ayaa sheegay in sidoo kale kala hadleen madaxda sare sidii loo heli lahaa ciidan Soomaa-liyeed oo shaqadiisa hanan kara. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay shirka ayaa yiri “Waxaan sameyney horumar la taaban karo. Waxaa guusha horumarka aanu gaarney uu mira dhal noqon doonaa mar-ka aan la imaano tanaasul, isla markaasna aan meel marino doorashooyinka taariikhiga ah ee loo ballansan yahay. Waa inaan ku dadaalnaa intaan kari karno in hannaanka siyaasadda dalka ay cid walba iska dhex aragto, lagana dhigo barnaamij loo wada dhan yahay.’’ Mada-sha wadatashiga oo ka kooban masuuliyiinta sare ee dowladda iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa bishii hore

ku heshiiyay qaabka doora-shada. Taasi waxay walaac ku abuurtay beesha calaamka oo faragelin muuqata ku leh siyaasadda dalka. Dow-ladda Mareykanka oo war kasoo saartay ayaa walwal ka muujisay sida ay wax u socdaan, waxayna codsatay in qorshaha doorashada sidiisa loo fuliyo. Booqasha-da Safiirradan ayaa cadeyn u ah in xaaladaha amni ee dalka uu isbadal weyn ka jiro, inkasta oo shirkan lagu qabtay gudaha Xarunta Xa-lane oo ah magaalo kale oo ku dhex taallo caasimadda oo ay maamulaan ciidamada AMISOM oo wax kasoo dega iyo waxa ka baxa aysan dowladda Soomaaliya warba u haynin. Booqasha Golaha Amaanka ayaa muujiney-sa walwalka ay ka qabaan dalalka Soomaaliya taageera marxaladdan kala guurka ah ee loogu diyaargaroobayo in doorasho laga hirgeliyo dalka.

Xubanahan ka socday Golaha Amaanka ayaa wadahadal la yeeshay madaxda sare ee Xafiiska Hawlgalka Qarama-

da Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaa-liya (AMISOM) iyo xubno ka socday bulshada rayidka. Wafdiga ayaa booqashadoo-da Somaaliya keddib kusii

hakaday dalka Kenya iyaga oo kala xaajooday xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya. Safiirradan ayaa

Kenya u sheegay in barakicin-ta khasabka ah ee qaxootiga lagu sameynayo ay tahay mid kasoo horjeeda sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah, loona baahanyahay in ay Kenya ixti-raamto heshiisyada ay saxiix-day ee caalamiga ah.

Page 4: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

FALLANQEYN 15 illaa 31 Juun 2016XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

4

Madaxweyne Xasan oo Madasha MAAN kaga hadlay Arrimaha Dhallinyarada

Muqdisho (XT): Madaxwey-naha Jamhuuriyadda Feder-aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay dood ay soo qabanqaabisay Madasha Aqoonyahanka Aragtida Nool (MAAN) oo ku saabsaneyd kaalinta dhallinyarada ee dowlad dhiska, dhibaatooyin-ka iyo caqabadaha waqtigaan haysta iyo qaabka wax looga qaban karo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed laga doonayo in ay is abaabu-laan si ay uga qeyb qaataan siyaasadda. Madasha oo ay ka soo qeybgaleen dhallinyaro u badan aqoonyahanno, kuwo u dhaqdhaqaaqa arrima-ha dhallinyarada, wasiirro iyo marti sharaf kale ayaa diiradda lagu saaray qoddobo badan oo ay ka mid yihiin, Siysaadda iyo Dhallinyarada, Qoondada Dhallinyarada ee Siyaasada Qaranka, Shaqa la’aanta dhallinta haysta, tahriibka iyo arrimo kale oo badan oo taabanayay arrimaha dhallinyarada. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u

badan yihiin dhallinyaro, ayna yihiin raasumalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay ka dhigantahay in hoggaanka iyo talada dalka ay waxa ku yeeshaan si buu yiri ay isbadelka ay doonayaan qeyb uga noqdaan, talada dal-kana saamayn ay ku yeeshaan. Madaxweynaha oo ka jawaa-bayay, mar wax laga weydiiyay ka qeyb galkan dhallinyarada ee siyaasadda iyo doorka ay ku leeyihiin go’aamada siyaasiga

ah ee dalka lagu jahaynayo ayuu sheegay in dhallinyarada ay ku jiraan dowladda, ayna aad uga dhex muuqdaan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in arri-maha dhallinyarada iyo caqa-badaha haysta ay dowladda ka war haysto, ayna markasta qorshaha ugu jirto inay wax qabato inta karaankeeda ah. “ Toddobaadkaan waxaa kulan la yeelanay 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qara-mada Midoobay waxyabaha aan hordhignay oo aan kala hadlanay waxaa ka mid ah barnaamijyo iyo mashaariic lagu maalgalinayo dhal-linyarada in ay dowladda ka gacansiiyaan ‘’. Madaxweyna-ha ayaa xusay sidoo kale mar la waydiiyay arrimo la xiriira musuq maasuqa iyo eexda ka jirta Wasaaradaha Dowladda ayaa sheegay in markii uu talada la wareegayay shaqa-alaha Dowladda ay ahayeen 1,200 ( Kun iyo Laba boqol), maantana ay gaarayaan 4,000 (affar kun) oo shaqaale dowladeed ah oo soo maray nidaamka shaqaalaysiinta Dowladda. Waxa uu sheegay

in ay adagtahay in shaqaale inta Wasaaradda laga eryo kuwa cusub la qoro, shaqaale kasta oo nidaamka shaqaa-laysiinta soo marayna uu ku jiro Habraaca shaqaalaha ee Bangiga Dhexe ee Dowladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in arrimaha la xiriira wax isdaba marinta shaqaalaha iyo in mushhaarkooda la qaato aysan jirin, haddii ay jirta-na aysan siddii hore ahayn. “Shaqaalaha dowladda markii la shaqaalaysiiyo waxaa laga qaadaa macluumaad xogtiisu dhamaystiran tahay oo Ban-giga dhexe ku jirta, qofkasta oo shaqaale dowladeed oo sharciyaysan ah meeshaas ayuu tagaa kaddib markii la hubiyo ayuu mushaarkiisa soo qaataa, sidaa darteed uma sahlana Wasiir inuu qofkii uu rabo eryo oo shaqale kale ku soo badelo’’. ayuu raaciyay Madaxweynaha hadalkiisa.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ka ah 70% shacabka Soomaaliyeed, iyadoo caqa-badaha iyo duruufaha ugu badan ay haystaan marka ay timaaddo fursadaha shaqo,

ka qaybgalka Siyaasadda iyo ka dhex muuqasha hay’adaha dowladda iyo fagaarayaasha lagu gaaro go’aamada masiiri-ga ah ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Ma-dasha MAAN Cadiraxiim Cabdicasiis Aadan ayaa Xaqiiqa Times u sheegay in muhiimadda ay uga gol leey-ihiin kulamadan noocan ah ay tahay inay dhisaan buundada u dhaxeysa dhallinyarada iyo madaxda, si loo helo jiil carbisan oo dhallinyaro ah, kuwaas oo xog ogaalnimo laga dheehan karo aragtiyadooda. “Madasha mar walba waxay ka shaqeyn doontaa isku xirka labada dhinac, waa qeybaha bulshada iyo madaxda qaran-ka. Hore waxaa nagala qeyb galay Wasiirrada Qorsheyn-ta, Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka. Waan sii wadi doonnaa kulamada noocan oo kale ah si wacyiga bulshada ee dowladnimada sare loogu qaado.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Mudae Cabdiraxiim.

Page 5: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

FALLANQEYN 15 illaa 31 Juun 2016XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

5

CABDINUUR MAXAMED

AXMED CIISE GUUTAALE

Garoowe (XT): Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland lagu qabtay madal lagu lafa gurayay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ay ka qeyb qaateen dhallinya-ro, Haween, Qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah iyo Odayaasha Dhaqanka. Qorshaha ayaa qeyb ka ah hawlo ay dhawaanahan waday Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaal-ka Soomaaliya kaasoo lagu doonayo in la helo qorshe horumarineed oo dhameysti-ran oo lagu saleeynayo baa-hiyaha ay qabaan dhammaan deegaannada kala duwan ee dalka. Wasiir Ku Xigeenka Qorsheynta ee Puntland Mudane Saciid Faarax iyo Prof Maxamed Saciid Sa-matar oo ah dhaqaalyahan Soomaaliyeed ayaa marti ku ahaa dooddan, waxayna siyaabo kala duwan u sheegeen muhiimadda uu qorshaha qaranka u leeyahay dalka iyo sida Puntland ay kaalinteeda uga gaysanayso sidii loo heli lahaa wax u qalma Umadda Soomaaliyeed.“Puntland waxa ay leedahay qorshe qaran oo 5 sano oo ay 3 sano ka harsantahay. Waxaa hubaal ah in aysan Puntland kaligeed wax qabsan karin haddii qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan dibu dhac iyo amni xumo. Waxaan ku rajo weynahay in dalku yeesho qorshe qaran oo mid ah. Sidoo kale waxaan rajeynayaa in ay Puntland hormuud u noqoto wax walba oo umadda Soomaaliyeed isu keenaya”

Ayuu yiri Wasiir Ku Xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah e Puntland. Qaar kamid ah dadkii kasoo qeybgalay madasha ayaa muu-jiyay in Puntland ay haysatay xasillooni iyo amni muddo 18 sano ah, loona baahanyahay in qorshahan loogu daro keeda u gaarka ah maadaama qeybo kamid ah dalka aysan wali gaarsiisneyn heerka Punt-land ay maanta joogto. Prof Maxamed Saciid Samatar oo ka jawaabayay su’aashan ayaa sheegay in hadda uusan jirin qorshe qaran balse la wado sidii loo sameyn lahaa taasoo talooyin iyo tusaaleyaal laga doonayo dadka deggan Punt-land. Prof Samatar ayaa intaa ku daray in qorshaha qaranka sameyntiisa la waafajin doono baahiyaha ay qabaan shacabka Puntland oo aan dusha sare waxba looga keeni doonin. Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa kulamo wa-datashi ah oo ku saabsan Qor-shaha Horumarinta Qaranka ku qabatay magaalooyinka Garoowe, Kismaayo, Cadaado, Baydhaba iyo Muqdisho si xog uruurin iyo talo wadaag loola yeesho dadka deegaannadaas.

Qorshaha Qaranka ayaa badali doona kan ‘New Deal’ loo yaqaano oo ay beesha caa-lamku ku taageerto hay’ada-ha dowladda Soomaaliya. Nidaamkan Cahdiga Cusub ayaa lagu tilmaamay daruur xagaa maadaama uusan wax la taaban karo kusoo kordhin dalka. Qorshaha Horumarin-ta Qaranka ayaa xooga saari doona saddex qeybood oo kala ah dowlad wanaaga, koboca dhaqaalaha iyo horumarka arrimaha bulshada. Sidoo kale tiirarka lagu dhisayo qorsha-han ayaa waxa alaf dhabar u ah sidii loo horumarin lahaa Xoolaha, Beeraha, Kalluumey-siga, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Awoodda Korontada.Soomaaliya ma yeelan wax qorshe Qaran ah taniyo burburkii dowladdii dhexe ee kacaanka, waxaana la filayaa in qorshahan cusub uu wax weyn ka tari doono dib u yagleelidda qaran xooggan oo isku filan. Haddii lagu guuleysto dhameystirka qor-shahan, waxaa dhaqagelintiisu bilaaban doontaa 1da Janaayo, 2017 wuxuuna socon doonaa muddo 3 sano ah oo ku eg dabayaaqada 2019.

Hindisaha ah, ku hoos noolaanshaha hannaan la is xukumo, iyo sameysanka dad wax xukuma iyo kuwo la xukumo, waxa uu soo maray u fiirsi iyo ka baaraan deg uu qaarkii weli socdo, hayeeshee illaa hadda aragtida ku hoos noolaashaha hay’ad dow-ladeed mid ka fiican lama he-lin. Waxa ay tahay dowladi iyo sida ay u ekaan lahayd haddii la sawiro, illaa xad heshiis ayaa lagu yahay, waase maangal in baaritaanada socdaa ay dabool qaadaan aragti-dowladeed cusub. Dowladi waa dad iyo deegaan mideysan oo leh nidaam haga, dareen u gaar ah, islamarkaana haysta aragti cad oo yooleysan, sidaas waxaa qabay Friedrich Ratzel oo ahaa aqoon yahan Jarmal ah, oo noolaa intii u dhexeysay 1844-1904 Dowladi waa dhul, shacab iyo nidaam-maamuleed ,xukuma dhulkiisa iyo dadkii-sa, sidaasna waxaa qabay cilmi baare Norman Bowandaz. Dowladii waa koox dad ah, ku sugan deegaan gaar ah, una dhisan illaalinta nabadda iyo garsoorka, iyada oo loo marayo hannaan awood miisaaman, cilmi baare Salmond ayaa isna sidaas qabay. Maxamed Ibnu Khulduum oo ahaa aqoon yahan Islaam ah, ayaa isna qabay in dhisamaha dowladdu uu lagama maarmaan u yahay nolosha iyo jiritaanka ba-ni’aadamka Haddaba adigu is weydii waxa ay dowladi tahay, erey ahaan iyo Af ahaan, waxa loola jeedo iyo waxa looga baahan yahay dowlad. Sababta uu bani’aadamku ugu baahday dowlad una hindisay aragtiga jiritaanka hay’ad dowladeed mar walb, kadibna u dhisay dowlad, waa in aan qofku u hoggaansanaan qof isaga oo kale ah, markaas dowladi waa hummaag awoodeed, kaas oo ka dhigaya hoggaansanaan-

ta mid qiimo iyo sharaf leh. Halkii uu muwaadinku ka cabsan lahaa muwaadin kale, ama uu ku qasbanaan lahaa in uu u hoggaansanaado qof la mid ah, waxa uu u hog-gaansanaanayaa hay’ad madax bannaan, oo loo sameeyey si ay ugu adeegto isaga, waana taas sababta ay jiritanka hay’ad dowladeed u tahay lama huraan, dhammaan diimaha xagga samada ka yimid iyo qawaaniinta dad sameega ah. Tusaale, Marka aad seeri-ga ciidanka nabadgelyada waddooyinka u istaageyso, macnuhu ma aha in aad ka cabsaneyso, ee waa xushmey-nta shaqsiyad aan loo jeedin, taas oo ah aragtida dowlad. Sameysanka dowladaha tala-wadaagga ah, iyo casriy-eynta aragtida dowladnimada oo ku dhisan, in madaxdu yihiin adeegayaal qaran, oo qaata mushaar, meelaha ay ka soo fuftay waxaa kamid ah, dhismaha dowladdii Islaamka ee ka dhisantay Madiina, taas oo ay wada lahaayeen Islaam, Yuhuud iyo dad dhagxaanta caabuda, Dastuurka lagu dhi-sayna waxa uu ahaa, xaashidii loo aqoonsaday Xaashidii Madiina, taas oo ka dhignayd in Magaalada barakeysan ee Madiina ay ahayd meel ay ji-raan tiirarka waaweyn ee hors-eedka u ah dhismaha hay’ad dowladeed, sida shacab, dhul iyo dhaqan ama dano isku xira dadka iyada oo nidaamkuna yahay kan kala haya, iskuna haya dadka iyo dowladdaXaashidaas oo kadhignayd dastuurkii ugu horreeyey ee muujiya hannaan dowadnimo oo caadyaal ah, waxa la qoray sanadkii koowaad ee Hijrada oo ku beegnaa 623 M. Kala qaybinta awoodaha ayaa iyana noqotay siyaasad fiican oo ka illaalisa in awooddu gasho gacan qura, taas oo

Dood ku saabsan Qorshaha Qaranka oo lagu qabtay Garoowe

Hay’adaha Fulinta Maxaa Haga?

Page 6: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

FALLANQEYN 15 illaa 31 Juun 2016XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

6

sababta in muwaadiniinta ka cabsadaan muwaadiniin kale oo haysta qayb kamid ah awooddii ay ahayd in ay ku jirto gacan dowladeed oo keli ah. Awooddu marka lajoogo ismaamulka waa mid keli ah, taas oo aan ogoleyn in lala tartamo, awoodda habkaas u taal ayay dadwey-nuhu ku aaminaan hay’ad dowladeed, kadibna xeerka ayaa adeegayaasha dowladeed u qaybiya awooddaas, sidaas awgeed dowladda dhexdeeda waxaa taal awood ay haystaan shaqsiyaadka dowladdu, taas oo ay tahay in ay u adeeg-sadaan sida nidaamku qabo. Muwaadin walba oo dareema in awood dowladeed lagu dulminayo, waxa ku dhaca cuqdadda dowlad nacaybka, waana taas sababta ay aqoon yahan yar, ula muuqato in dowladda iyo dhismaheeduba aanay muhiim ahayn, mar haddii aanay dadka taagta daran, kuwa saboolka ah iyo masaakiintu aanay heli Karin, ama aanay kamid noqon Karin, mararka qaarkoodna ay noqoto awood ay dadka leh xoogga dhaqaale, kan cilmi iyo caqliba, ay ku muquuni-yaan kuwa taagta daran. In awooddu gasho gacanta dow-ladda, shaqsiyaadka hay’adda dowladeed metelayaana ay yaqaanaan waxa ay u yihiin hoggaamiyeyaal, ayaa kamid ah sababaha keena ka run sheegidda qeexitaanka dow-ladnimada. Dhanka Islaamka iyo qaanuunka ay dadku dejistaan, Marna suurtagal ma aha in dowlad keli ah ay ka dhex jiraan awoodo tartama oo isgarab yaal, taasi haddii ay dhacdana, waxa ay ka dhigan tahay, in awooddii dowladeed ay u kala qaybsan tahay muwaadiniin is haya, waana marka ay dhacdo in muwaadiniintu kala baqa-an, oo nabaddu geedaha ku

laalanto, Awoodda oo dhami, waa in ay gasho gacanta hay’ad dowladeed oo dadka iyo dalkuba u siman yihiin, dadka haya awoodda dow-ladeedna waa in ay leeyihiin shaqo iyo waajib tirsan, taasna waxaa miisaamaya sida ay u kala soocan yihiin hay’ada-ha ay dowladdu leedahay oo mar ismiisaama marna is xisaabiya. Tusaale dhanka hantida dowladda, oo kamid ah waxyaabaha ugu daran ee adeegayaasha qaranku is le-heysiiyaan, marka aanay arkin cid ka xisaabisa, ayuu Cumar Bin Al khaddaab (Allaha ka raalli noqdee) ka sameeyey xeer, kaas oo uu madaxda dowladda uga qaado wixii hanti dheeri ah, oo ka badan intii lagu yiqiin, Sidaas oo kalana haddii ay tagaan boo-qasho, oo wax loo hadiyeeyo ama la siiyo, waxa ay ahayd in ay hadiyaddaas, dhigaan guriga dhaqaalaha ama baytu maalka, kaas oo ka dhignaa bangiyada dhexe ee maanta ay dowladuhu dhigtaan dhaqaa-lahooda islamarkaana ay iyagu maamulaan. Ciidda keli ah ee loo ogol yahay si muran la’aan ah in ay u haysato awoodda jiheynta iyo adeegsi-geeda marka loo baahdo waa dowladda. Haddii dowladdu weyso, in awooddu keligeed gacanta ugu jirto, ee ay qayb ka qaataan shaqsiyaad, qayb kalana ay qaataan ururo iyo shirkado, ama ay jiraan xisbi-yo leh awood ay muwaadini-inta wax uga reebaan, waxna ku amraan, dowladdu waxa ay noqotaa markaas hummaag aan macmo lahayn, sababta oo ah awooddii ay hay’ad dowladeed ku noqon lahayd ayaa qaarkeed ku jiraa gacmo kale, tanina waxa ay ku dhac-daa dowladaha yabyabka ah, ee aan ishii awooddu ka iman lahayd ka soo bixin, awoodda waxaa leh dadka la xuku-

mayo, oo ah in ay ogolaansho siiyaan cidda xukumeysa, marka ay codkooda qof sii-yaan, oo ay u doortaan in uu huggaamiyo, si aan tuugeysi iyo xeelad lahayn, waxa uu qofkaasi haystaa awooddii iyo ogolaanshihii la xukumayaas-ha. Xukuumadaha ku dhasha cod-wakaaladeed, ay bixiyaan muwaadiniin kooban, oo lagayaabo in qaarkood aanay aqoon dareenka iyo baahida dadka ay codkooda u bix-inayaan si wakiilnmo ah, waxa ay la kulmaan in awoodda lala wadaago, la wadaaga awood-duna waxa uu ka iman karaa, xukuumadda dhexdeeda, sida in qof hayta dhowrsanaan siyaasadeed ama Xasaanad siyaasadeed, uu gacan siiyo cid xukuumadda kula jirto tartan awoodeed. Taasi waxa ay keentaa in awoodda dowladdu noqoto, mid dowladda laftee-da lagu qalqaliyo, waana taas sababta loogu baahan yahay in dadka metelaya awoodda hay’ad dowladeed, ay noqdaan dadka ugu fariidsan ummadda dhanka caqliga, ugu deeqsisan dhanka bixinta, ugu dulqaad-ka bada dhanka dabeecadda, ugu geesisan dhanka dhan-ka go’aan-qaadashada, ugu dhowrsan dhanka dhaqanka, isku kalsoon naf ahaan, uguna han weyn dhanka odoroska nolosha.Marka ay xilka iyo hoggaanka yimaadaan, dad garasho ahaan hooseeya, sabool ah oo ka welwelaya noloshooda dambe ama dey-mo lagu leeyahay, dulqaadku ku yar yahay, aan lahayn u adkeysiga culeyska hoggaam-ineed, ka cabsanaya sidii ay u fulin lahaayeen wixii ay ballan qaadeen,muwaadiniintana aan runta u sheegi Karin, ama ababkoodi hore lagu yiqiin dhaqan xumo, han yar, oo ujeedkoodu ku kooban yahay in ay ku darsadaan sooyaala-dooda in ay xil hebel qabteen,

waxaa dhisma dowlado lamid ah meyd magac leh. Awoodda dowladdu ma aha mid shaqsi, ee waa mid hay’adeed, taas macnaheedu waa in awoodda hay’adda dowladeed ay tahay mid joogto ah, islamrkaana socota, haddii madaxa dow-laddu xijaabto, ama geeriy-oodo, waa in dowladdu sii jirtaa, kaalinta bannaanna ay cid kale buuxisaa, dowladaha dhinta ama burbura marka ay dhintaan dadkii hayey, waxa loo yaqaan dowladaha ashqa-asta, waxtar malaha dowla-daha caynkaas ah, soomaali ahaanna waayo-aragnimo fiican ayaan u leenahay dow-ladaha shaqsiyaadka.Ciidamada xoogga dalka iyo hay’adaha nabad sugiddu, oo leh waaxyo muuqda iyo kuwa aan muuqan, waddamada iyo dowladaha haysta xailoonida siyaasadeed, iyo hufnaanta dowladeed, inta badan kama muuqdaan hab siyaasadeed, sababta oo ah ma aha dad siyaasadeed oo u baahan in ay is bandhigaan, ma aha siyaa-siyiin ee waa adeegayaal ka fog siyaasadda, kuna shaqeeya qorshaha ay dejiyaan dadka siyaasaddu, taasna waxaa la qaba hay’ad walba oo ciidan, haddii lagu ogyahay in aad tahay nabad sugid, ma tihid nabad sugid.

Taasina waa sabbata ay ciidamadu u jiraan, iyada oo xukuumadihii dumeen ama tageen, marka ay ciidamadu ku lugyeeshaan siyaasada, waxaa dhacda dhib weyn oo xalkiisu qaato muddo dheer, ciidamaduna waxa ay ra-caan xukuumadaha burbura sida xukuumaddii kacaana oo ay ciidanku maamulay-een, Markii ay ogaadeen in siyaasadda ku dhisan xooggu, ay shaqeyneyso, waxa ay diideen in ay xukuumad rayid ah ku celiyaan talada. Dhib-

kii dhacay waxa uu sababay in ummaddii Soomaaliyeed kala dhimato, oo qabiilba isu arko in uu noolaan karo isaga oo dowlad ah, maskaxdana ku haya in haddii sharaf iyo xarago jiraan, aanay Soomaa-liya ool, ee waddamada deriska laga raadiyo, waana taas sababta ay madaxdeena qaarkeed maanka ugu hayaan in ay kaalmo iyo gacan wey-diistaan, hoggaamiyeyaasha waddamo kale oo lagayaabo in ay ku wiirsanayaan sida aan u naal iyo indhaha aan maanta leenahay. Hay’adaha fulineed ama xukuumadaha dowladaha talo-waddaagga ku dhisan, ee xeerku yahay halka lagu kala baxo, golaha shacab-kuna yahay meesha miisaanta awoodaha, waxaa haga, hadba waxa ay doonayaan dadweynahoodu, waxa ay isu arkaan hoggaamiyeyaasha xukuumadahaasi adeegayaal ka shaqeeya maqaayad ay dadweynuhu leeyihiin, oo muwaadin kastaa awoodo in uu wax ka cuno, isaga oo dhankiisa ka bixinaya ta-ageerada sidii ay maqaayaddu u sii shaqeyn lahayd.Haddaba aan isweydiino hay’addeena fulinta maxaa haga

Xigashada: Meelaha aan ka soo qaatay macluumaadka qaarki• Dastuurka KMG ah, Ogosto-2012• The Politics of Political Geography-Friedrich Ratzel, 1897• Geopolitics and the Measurement of National Power Friedrich Ratzelاااااااااااااا•

اااااااااااااا•

Page 7: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

FALLANQEYN 15 illaa 31 Juun 2016XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

7

xiriirsan yihiin doodaha ka socda Daraasaadka Culuun-ta Afrika ee ay horkacayaan Mamdani iyo Mbembe. Doodda buuggu waxay tahay in hoggaamiyeyaashii militari-ga ee uu gumeysigu u carbiyey inay dadka u cabburiyaan ay u isticmaaleen xirfaddii loo tababaray inay dadkooda ku gumaadaan. Tusaalaha buuggu farta ku fiiqayo waxaa ka mid ah Mobutu Sese Seko iyo Maxamed Siyaad Barre. Cutubka koowaad ee buugga wuxuu isku dayayaa inuu qaab cusub u jeexo doodda oranaysa wixii Afrika ka qaldamay xor-riyaddii kaddib, waxaa gund-hig u ahaa qaab-dhismeedkii qarannimo ee uu ka tagay gumeysiga iyo doodda kale ee oranaysa wixii qaldamay waxaa qaldamay hoggaamiy-eyaashii Afrika. Si kale haddii loo dhigo, doodda buuggu waxay tahay shaki inuusan ku jirin in gumeysigu musiibo ku ahaa Afrika, laakiin dhaxalkii uu ka tagay gumeysiga mid ka sii weyn waxaa ka tagay hoggaamiyeyaashii militari ee qaaradda Afrika inqilaab-ka qoriga caaradiis ah ku qabsaday 1960-maadkii, sidii ka dhacday Soomaaliya 21 Oktoobar 1969. Qaab-u-da-raaseyn ka duwan sidii hore iyo xirfad cilmi-baaris oo cusub oo wax loo baaro ayaa sal u ah buugga maadaama xukunkii militarigu uu diiday in taariikh xornimo-doon ah oo iyaga ka horreysay aysan jirin. Haddii aad dhegeysatid heesihii ammaanta ahaa ee loo tiriyey taliska, waxaa ku jirtay ‘ambadkeedi lumay isu ururinteed, onkod iyo hilaac u darafideed, ileyskii xornimo ugu baaqideed adigaa lahaa, Oktoobareey adigaa lahaa’. Haddaba, yaa dilay Cab-dirashiid Cali Sharmaarke? Maxaa loo dilay? Maxaa lagu dilay? Sidee loo abaabulay loona fuliyey inqilaabkii 21-kii Oktoobar 1969? Sidee

u dhacday maxkamaddii ma-qaarsaarka ahayd ee dilka ku xukuntay Jeneraal Maxamed Caynaanshe Guuleed, Jeneraal Salaad Gabeyre Kediye iyo Gaashaanle Dhexe Cabdul-qaadir Cabdulle Dheel? Yaa ku marqaati-furay Salaad Gabeyre intii ay maxkamadd-aasi socotay? Muxuu ahaa dhaqdhaqaaqa iyo dareenka Salaad Gabeyre intaan la toogan ka hor? Qaabkee loo xiray, loo xukumay, loona laayey culumadii Soomaa-liyeed ee tobanka ahayd ee ka dhiidhisay khudbaddii uu Maxamed Siyaad Barre ku nasaqay jiritaanka suuratu Nisaa? Maxaa dareen ah oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ku muujiyeen dhacdadaas? Sidee ayuu u dhacay dagaalkii 1977? Sidee loo qorsheeyey inqilaabkii 1978, maxaase fashiliyey? Maxaa u sabab u ahaa soo if-bixii jabhadihii ka dhiidhiyey xukunkii mili-tariga? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayuu buuggu u helayaa jawaabo cusub. Inkasta oo aad u adag tahay in saddex waxyaabood – caqli, cilmi iyo xikmad – la isugu keeno hal buug, haddana waxaan ku dadaalay inaan saddexdaba ku kulmiyo buuggaan. Buuggu wuxuu ka billaabayaa caaqilkii weynaa ee xikmadda badnaa Faarax Maxamed Cali (Faarax Gogoleey) oo hadlaya sannad-kii 1959-kii, isagoo oranaya ‘Soomaaliyey, indhihiina ayaan arkaa, mar ay noqoto tuugo waa idiin talee’. Dhextaalka buugga waa cilmibaaristii aan soo ururiyey, wuxuuna ku dhammaanayaa caqligii abwaaniin Soomaaliyeed ay ku saadaaliyeen burburka iyo baa ba’a ku habsan doona Soomaaliya oo ay adkaan doonto in laga baxo. Cutubka u dambeeya ayaa jiho cusub u jiheynaya Soomaaliya oo ay kaga bixi karto dhibaatada, taasoo ah in dib loo qaabeeyo qaab-dhismeedka qarann-

imo ee Soomaaliya, lagana ilaaliyo in la raaco jidkii markii hore ay ku burburtay dowladnimadii Soomaaliya. Buuggu wuxuu ku saleysan wareysiyo aan la kala yeeshay madax sare oo ka tirsanayd taliskii militariga (ha noqoto wasiirro hore, diblomaasi-yiin iyo madax militari iyo boolis isugu jira), dokumen-tiyadii dowladda (kuwii sirta ahaa iyo kuwii lagu daabici jiray Bollettino Ufficiale della Repubblica Democratica Somalo), qaar ka mid ah fay-lashadii CIA-da iyo KGB-da ee ku saabsanaa Soomaaliya xorriyadda kaddib iyo fay-lal ku kaydsan aarkiifiyada Ingiriiska (the UK National Archives). Xog-soo-ururin-ta buugga (data gathering) waxay qaadatay muddo shan sannadood ah, laakiin qoris-tiisu waxay ahayd sagaal bilood (laga soo billaabo bishii Disembar 2013 illaa iyo bishii Siteembar 2014). Muddadii intaas ka dambeysay buuggu wuxuu ku jiray qiimeyntii lagu daabici lahaa (publication review). Marba waxaa eegayey mutacallimiin ay tahay inay oggolaadaan in la daabaco ama diidaan. Ilaahey xamdigii, ugu yaraan shan mutacallim oo waaweyn ayaa ku taliyey in la daabaco buugga maadaama ay isku raaceen inuu soo band-higayo cilmi cusub, xog cusub iyo daraasad cusub. Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu shahaa-dada PhD ee Daraasaadka Afrika (Siyaasaddeeda iyo Taariikhdeeda) ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford ee wadd-anka Ingiriiska. Waxaa kale oo macallin (associate fellow) dhawaan looga magacaabay jaamacadda King’s College London.

Waxaa dhawaan soo baxay buug cusub oo aan ka qoray siyaasaddii, dhaqdhaqaaqii iyo qaab-u-howlgalkii xukunkii militariga ahaa ee uu hog-gaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Buugga oo ku qoran af-Ingiriisi, waxaa cinwaanki-isu yahay The Suicidal State in Somalia: The Rise and Fall of the Siad Barre Regime, 1969-1991 oo macnaheedu yahay Qarankii Is-Qoorgooy-ey: Soo If-bixii iyo Dhiciddii Taliskii Siyaad Barre, 1969-1991. Waxaa buugga oo ka kooban 382 bog daabacay Madbacadda Jaamacadda Mareykanka ee fadhigeedu yahay gobolka Maryland ee dalka Mareykanka (Univer-sity Press of America). Waa buuggii labaad oo ku saabsan Soomaaliya ee madbacaddaasi daabacdo illaa sannadkii 1997 oo ay soo saareen buug ka hadlaya burburkii Soomaali-ya oo ay qortay Alice Bettis Hashim. Buuggeyga cusub, wuxuu si cilmi ah u darsayaa dhaawicii Dagaalkii Qaboobaa uu gaarsiiyey dimoqraadi-yaddii curdanka ahayd ee Soomaaliya 1960 illaa 1969-kii iyo cawaaqibka ay taasu ku keentay burburkii qarannima-dii Soomaaliya. Waxaa buugga u ah ka-baraandeg cilmiy-eed xukunkii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Illaa iyo hadda, daraasadda keliya ee laga sameeyey xukunkii militariga waa PhD thesis-ka ku qoran af-Faransiiska ee uu qoray Daniel Compagnon oo cinwaankeedu yahay Ressou-rces Politiques, Régulation Autoritaire et Domination Personnelle en Somalie: Le Régime Siyyad Barre (1969-1991) oo macnaheedu yahay

MAXAMEDXAAJI INGIRIIS

Kheyraadka Siyaasadeed, Xukunka Keli-Taliska iyo Is-Qabsashada Shaqsiga ah ee Soomaaliya: Taliskii Siyaad Baarre (1969-1991). Dhowr sano ka hor ayaa mutacal-limiinta waaweyn ee Daraas-aadka Culuunta Afrika waxay billaabeen inay ka doodaan sababta wadammada Afrika ee badankood ay xorriyadda hanteen 1960-kii ka reebay wadammadii kale ee dhiggoo-da ahaa ee qaaradaha Eeshiya iyo Koonfur Ameerika. Mar allaale markuu gumeysiga ka baxo qaaradda, waxaa saadaas-hu ahayd in ummadaha Afrika ay dhex maquuran doonaan barwaaqo iyo bashbash. Max-aa u sabab u ah in wadam-mada Afrika qaarkood, sida Soomaaliya, Liberia, Cote d’Ivoire, Chad, Congo, Sierra Leone, Angola, Mozambique iyo Sudan ay dhex maquurtaan dhiig, dhac iyo halaag. Iyadoo su’aalahaa laga ambaqaadayo, mutacallimiinta waaweyn sida Mahmood Mamdani waxay yiraahdeen waxaa ugu wacan gumeysigii ka kacay oo abuuray qaab-dhismeed qarameed u horseeday colaa-do. Mutacallimiin kale ayaa soo baxay oo uu ugu horreeyo Achile Mbembe, waxayna ku doodeen dhibaatadu ma ahan gumeysiga ee waa hoggaami-yeyaasha Afrika. Buuggu wuxuu dhex-dhexaadinayaa labadaas mowqif, wuxuuna soo bandhigayaa dooddaas mid u dhow, balse ka yara duwan, oo ah in gumeysigu mas’uuli-yaddii maamulka Afrika ku wareejiyey hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ay ahayd inay iyagu daryeelaan ummaddoo-da, balse ka doorbiday inay ku dhaqmaan siyaasaddii uu mutacallimka Faransiiska ee daraaseeya Afrika, Jean-Fran-cois Bayart, ku tilmaamay siyaasaddii caloosha (the politics of the belly). Afkaar-ta iyo fekradaha uu buuggu xambaarsan yahay waxay ku

TH

E SU

ICID

AL ST

AT

E IN

SOM

ALIA

ING

IRIIS

University Press of America®, Inc.

publishing across academic disciplines since 1975

This book is a critical reposition of the study of military regimes in Africa. Documenting and delving deep into the reign and rule of General Mohamed Siad Barre regime in Somalia from 1969 to 1991, the book puts emphasis on African agencies—ostensibly shaped by external beneficiaries and patrons—over what went wrong with Africa after the much-awaited post-colonial period. It does so by critically engaging with the wider theoretical and conceptual frameworks in African Studies which more often than not tend to attribute the post-colonial African State raptures to colonialism. The main thesis of the book is that colonial-ism left Africa on its own space wherein African leaders could have made a differ-ence. By putting discrete perspectives into historical context, the book navigates through comparative and comprehensive holistic approach to the Siad Barre regime to reveal how colonialism did not produce less than what criminalisation of the State resulted in Somalia. This empirical analysis is crucial to understanding the contemporary conundrum facing the Somali world today. The argument is that the contemporary conf licts are not only attributable to—but also because of—the past plunders of the post-colonial leaders trained by the departed colonial authorities. Employing nuanced analytic concepts and categories, the aim of the book is to refine the past to recapture the present and envision the future. Framing new ways of analyzing military regimes in Africa begins with (re)assessment of how the Siad Barre regime was previously approached. Marshalling extensive and extraordinary amount of sources, the book unveils the intricacies and contradictions of the dic-tatorship and its impact on the Somali psyche. The book locates the evolution of the regime within the wider context of the Cold War political contestation between the East and the West. Unparalleled in-depth and analysis, this book is the first full-length scholarly study of the Siad Barre regime systematically explaining the politics and process of the dictatorial rule. The historicity of exploring Somali State trajectory entails employing a Braudelian longue durée approach. Thus, three inter-related sets of contexts/questions inform the study: how Siad Barre himself came into power, how he ruled and maintained his authoritarian reign over the Somalis,

and who had assisted him from inside and outside the Somali world.

MOHAMED HAJI INGIRIIS is a Somali scholar specializing in the field of

African Studies. He is now completing his doctorate at the University of Oxford.

THE SUICIDALSTATE IN SOMALIA

The Rise and Fall of the Siad Barre Regime, 1969–1991

MOHAMED HAJI INGIRIISUNIVERSITY PRESS OF AMERICA®, INC.800-462-6420 • www.rowman.com

Page 8: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

WARBIXIN GAAR AH 15 illaa 31 Juun 2016XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

8

Ololaha La Dagaallanka Qaadka Muqdisho dib uga bilowdayMuqdisho (XT): Abuukar Jaamac Cawaale (Qaad Diid) oo ah nin u olaleeya joojinta isticmaalka darooga Qaadka ayaa soo gaaray Muqdisho sanad keddib markii uu ololahan ka bilaabay wa-jigiisa koowaad magaala-da Muqdisho. Abukar oo Xaqiiqa Times la hadlay ayaa sheegay inuu ku han weyn-yahay sidii Qaadka looga mamnuuci lahaa dalka ama ugu yaraan loo xakameyn lahaa oo cashuur adag loo dul dhigi lahaa si loo yareeyo marka hore isticmaalkiisa.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii ugu horreesay toddobaadkaan ku dhawaaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorshaynayso inay gabi ahaanba ka joojiso dalka ka ganacsiga Qaadka, balse waxa uu Madaxweynaha garawsaday in marka hore wa-cyigelin xooggan la sameeyo si ganacsatada Qaadka u raad-sadaan meherado kale oo ay noloshooda ku maareeyaan. “Qaadka dhibaatooyin mujta-mac iyo mid dhaaqaalaba waa nagu hayaa , Boqolal Doolar ayaa maalinkii nooga baxda Qaadka.’’ Ayuu yiri Madax-

weynaha oo ka haddlayay madadha MAAN oo lagu falanqeynayay arrimaha dhallinyarada iyo caqabada-ha haysta. Abuukar Awaale ayaa bogaadiyay hadalka Madaxweynaha, isaga oo ka codsaday in uu sugayo sidii hadalkaa looga dhabeyn lahaa oo Qaadka looga suulin lahaa dalka oo dhan. Wuxuu intaa raaciyay inuu kaalmeysan doono culimada, dhallinyara-da, haweenka, ganacsata iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada si

loo dabar gooyo Qaadka. “Tallaabada Madaxweynaha waxaan ku tilmaami karaa tallaabo dhiiragellin mu-dan oo lagu badbaadinayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaasna lagu xakamaynayo miisaan-iyada tirada badan ee nooga baxday ka nagasciga Qaadka’’. Ayuu yir Qaad Diid. Olo-laha la dagaallanka Qaadka ayaa toddobaadka si xoogan uga bilowday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana mudaharaad xoog-

gan oo ka dhacay Degmada Cabdicasiis lagu taageeray hadalka Madaxweynaha. Inkastoo kumanaan qoysas Soomaaliyeed ah ay nolal ahaan ku tiirsan yihiin ka ga-nacsiga Qaadka ayaa haddana dhanka kale marka laga eego waxaa uu ku hayaa bulshada Soomaaliyeed dhibaatooyin caafimaad iyo mid bulsho intaba. Soomaaliya ayaa Qa-adka loo soo dhaafiyo waxaa uga baxa sanadkii boqollaal Milyan oo Doollar sidda ay sheegeen xeeldheerayasha

dhanka dhaqaallaha ah.Xogo dheeri ah oo laga helay garoonka Aadan Cabdulle ayaa xaqiijinaya in maalin walba a halkaasi laga soo dajiyo 800 oo jawaan oo Qaad ah oo kiiba la iibiyo $450. Haddii bil walba la xisaabiyo wadarta lacagteed ee Muqdisho kaliya ay Qaad ku badalato bil walba waa $10,800,000 (Toban Milyan iyo Sideed Boqol oo Kun oo Doollar).

Page 9: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

Implementation and Analysis in Action of Accountability

Programme (IAAAP) in Somalia

Vacancies Open Government Initiative Somalia’ BMB Mott MacDonald is seeking to recruit a ‘CS liaison officer’ and ‘Project Manager’ on a full-time basis who will report to the project manager of the OGI. The desired candidates must be willing and able to work in Somalia. Background The central aim of the Open Government Initiative is the vision that by 2020, Somalia is a leading country in Africa for transparency. To this end, the Open Government Initiative is a strategic plan developed to fight corruption in the Somali national context. The initiative demonstrates a clear commitment to fight corruption and increase transparency and accountability at all levels, and is a crucial element in the broader process of democratization, state building, and development. The initiative would modernize information dissemination; thus effectively paving the way for a collaborative, inclusive, effective, transparent and accountable government, critical for sustainable development, democratization, and the fight against corruption.

We are also recruiting a ‘Technical Expert’ on a full-time basis who will report to the Min of Finance of the Federal Republic of Somalia.

Background The FGS is developing and implementing a payroll reform project in the security sector to bring automation and greater accountability to the payroll process. The core of the project will be a reformed payroll process that is more transparent and strengthened fiduciary controls as well as address the strengthening of non-salary payments. The project will also be closely linked to the larger PFM reforms supported by the World Bank. There will be 3 distinct objectives of the project: i. Reform the Police payroll process and put in place a mechanism for coordinating salary and stipend

payments. Successful completion of the project will be one of the conditions for graduating to a greater use of country systems for some internationally supported Federal Police stipends programmes;

ii. Reform the SNA payroll process and put in place mechanism coordinating salary and stipend payments;

iii. Strengthen budget execution process and expenditure controls for non-salary recurrent costs.

All functions remuneration The salary and benefits will be in accordance with the ‘Capacity Injection Mechanism’ for the Federal Government in Somalia guideline.

Application

Further information and detailed Terms of Reference can be obtained on www.hiiraan.com. Interested candidates are invited to send the following documents: 1. Cover letter; 2. CV in EU-format (http://europa.eu/rapid/press-release_DOC-02-9_en.doc.)

Send your application letter and recent resume before 1st of June 2016 to: www.mottmac.com/careers and indicate the job application number. BMB Mott MacDonald Att. Mr. H. van Boxmeer (CEO of the IAAAP)

Page 10: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

Benadir Regional Administration (BRA)

Mogadishu --------------------------------------------------------------------------------------

REQUEST FOR EXPRESSIONS OF INTEREST/APPLICATIONS Country: Somalia Project: Somalia Urban Investment Planning Project ((P150374) Assignment Title: Project Implementation Unit to support Garowe Municipality Type of Appointment: Individual Consultants Duration: 1 year (with possibility of extension) Duty Station: Benadir Regional Administration (BRA), Mogadishu Expected Start Date: June 2016

The Federal Government of Somalia has received a Grant funded from a Multi Partner Fund (MPF), to finance the cost of the Somali Urban Investment Planning Project (SUIPP) which will support feasibility, assessment and preliminary design studies for urban investment activities, in the municipalities of Mogadishu, Hargeisa and Garowe. The SUIPP comprises a “project to prepare a project”. The main project – to be prepared by SUIPP -, called the Somali Urban Development Project (SUDP), has an estimated budget envelope of US$86.11m intended for support by the MPF. Benadir Regional Administration shall be responsible for the day-to-day implementation of the Project including financial management, procurement and monitoring and evaluation and the Recipient shall take all necessary steps to ensure that the BRA project coordination unit is maintained throughout Project implementation with institutional structure, functions and powers, and resources adequate to carry out its responsibilities under the Project. The activities to be undertaken by the recipient under SUIPP comprise of the enhancement of project preparation and implementation capacity through the hiring, training and equipping core specialists who will be charged with managing the implementation of the SUDP. BRA will implement these activities with procurement and financial management support of the EAFS and in accordance with the Grant Agreement between the Federal Government of Somalia and the International Development Association (acting as administrator of the Somalia Multi-Partner Fund), and the Implementation Agreement between the Federal Government of Somalia and the BRA.

Page 11: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay

In ka badan

32 MILYAN goobood oo dunida ah,ayaa laga isticmaalaa MASTERCARD.

Nidaamka SWIFTee bankiyada caalamka.. waa fursad kale ooGANACSIGADALKA kor u qaadaya.

Nidaamka SWIFTNidaamka SWIFT

Bakara Branch: 920247 | 600247KM4 Branch: 930247 | 850247

+252 61 7771000, +252 69 7771000

[email protected]

Page 12: xaqiiqadeskgmail.com Maxaa Macno ...€¦ · Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto waddamada aduun-ka ugu dhallinyarada badan taasina ay