KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan...

15
KU SOO DHAWAAW FEIRINGKLINIKKEN(DHAKHTAR) Wakhtiga booqasshada: Marka ay adiga kugu haboon tahayba dadka waad qaabili kartaa. Taa macneheedu yahay in ay adiga kugu xidhantahay goorta iyo mudada aad rabtid booqashada. Halkan adiga owgaa ayaan ujoognaa: Qolka bukaanka ee sariirta agteeda iyo baadkaba waxa ku xidhan xadhig la soo jiidaayo. Marka aad rabtid in aad u yeedhid dhakhtaradda soo jiid xadhigaa. Qolka ilaalada ee qaybta qallinka waxa aad ka waci kartaa lambarkan gudaha ee: 4200 ama 4275. Qolka ilaalada ee qaybta xanuunada wadnaha waxa aad ka waci kartaa lambarkan gudaha ee: 4100 ama 4175 Cuntooyinka Sariirta: Cuntooyinkahuteelka: Quraac saacad 08.00-09.30 Quraac sacaad 07.00-09.30 Cunto fudud saacad 12.00-13.30 Cunto fudud: saacad 12.00-13.30 Qado saacad 17.00-18.30 Qado: saacad 17.00-18.30 Haddii aad huteelka deggan tahay cuntooyinku waxa ay ku jiraan qiimaha aad huteelka ka bixinaysid. Haddii aad booqasho maalmeed ku timidna, waa in aad cuntooyinka maqalka qaabilidda ka bixisid. Telefoon: Haddii aad rabtid in aad dhakhtarka ka soo hadashid, waa in aad ku bilaabataa 0 si aad layn u heshid. Hadalkaa xarunta dhexe ayaa laga diwaangelinayaa maqalka guud, halkaas oo hadhaaw marka aad sii socotidna laga bixin doono. Telefoonka qolka yaala waxa lookala isticmaali karaa qolalka huteelka iyo sariiraha. Garaac lambar 4 ka hor intaanad garaacin qolka aad rabtid in aad wacdo. Telefoonka moobilka: Badanaa baa dhakhtarka gudihiisa waad ku itsicmaali kartaa. Laga soo reebo qaybta degdegga, saalada ilaalada iyo qolka sugidda ee shaybaarka wadnaha. Dadka xanuusanaaya ee uu ku rakiban yahay qalabka daawayntu, moobil ma isticmaali karaan iyada oo uu markaa moobilku tashwiishin karo qalabka farsamada. Internett: Haddii aad rabtid in aad internettga gashid, kala xidhiidh wixii warbixin ah maqalka qaabilidda. Nadaafadda gacmaha: Nadaafadda gacmaha oo aan wanaagsanayni waxa ay sabab u tahay kala qaadista caadiiga ah ee dhakhaatiirta. Nadaafadda gacmaha ee wanaagsani dhamaanteen markaa wanaagsanaanaysaa. Qolalka bukaanka oo idil waxa yaala ”boks yar” oo spiriit ku jirto oo loogu talo galay faroxalka. Isticmaal kuwan! Waxa aan kuu rajaynaynaa/idiin rajaynaynaa inta nala joogtaan, joogitaan wanaagsan! Salaan ka timid dhamaan shaqaalahaa Feiringklinikken

Transcript of KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan...

Page 1: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

KU SOO DHAWAAW FEIRINGKLINIKKEN(DHAKHTAR)

Wakhtiga booqasshada:Marka ay adiga kugu haboon tahayba dadka waad qaabili kartaa. Taa macneheedu yahay in ay adiga kugu xidhantahay goorta iyo mudada aad rabtid booqashada.

Halkan adiga owgaa ayaan ujoognaa:Qolka bukaanka ee sariirta agteeda iyo baadkaba waxa ku xidhan xadhig la soo jiidaayo. Marka aad rabtid in aad u yeedhid dhakhtaradda soo jiid xadhigaa. Qolka ilaalada ee qaybta qallinka waxa aad ka waci kartaa lambarkan gudaha ee: 4200 ama 4275. Qolka ilaalada ee qaybta xanuunada wadnaha waxa aad ka waci kartaa lambarkan gudaha ee: 4100 ama 4175

Cuntooyinka Sariirta: Cuntooyinkahuteelka: Quraac saacad 08.00-09.30 Quraac sacaad 07.00-09.30 Cunto fudud saacad 12.00-13.30 Cunto fudud: saacad 12.00-13.30 Qado saacad 17.00-18.30 Qado: saacad 17.00-18.30 Haddii aad huteelka deggan tahay cuntooyinku waxa ay ku jiraan qiimaha aad huteelka ka bixinaysid. Haddii aad booqasho maalmeed ku timidna, waa in aad cuntooyinka maqalka qaabilidda ka bixisid.

Telefoon:Haddii aad rabtid in aad dhakhtarka ka soo hadashid, waa in aad ku bilaabataa 0 si aad layn u heshid. Hadalkaa xarunta dhexe ayaa laga diwaangelinayaa maqalka guud, halkaas oo hadhaaw marka aad sii socotidna laga bixin doono. Telefoonka qolka yaala waxa lookala isticmaali karaa qolalka huteelka iyo sariiraha. Garaac lambar 4 ka hor intaanad garaacin qolka aad rabtid in aad wacdo.

Telefoonka moobilka:Badanaa baa dhakhtarka gudihiisa waad ku itsicmaali kartaa. Laga soo reebo qaybta degdegga, saalada ilaalada iyo qolka sugidda ee shaybaarka wadnaha. Dadka xanuusanaaya ee uu ku rakiban yahay qalabka daawayntu, moobil ma isticmaali karaan iyada oo uu markaa moobilku tashwiishin karo qalabka farsamada.

Internett:Haddii aad rabtid in aad internettga gashid, kala xidhiidh wixii warbixin ah maqalka qaabilidda.

Nadaafadda gacmaha:Nadaafadda gacmaha oo aan wanaagsanayni waxa ay sabab u tahay kala qaadista caadiiga ah ee dhakhaatiirta. Nadaafadda gacmaha ee wanaagsani dhamaanteen markaa wanaagsanaanaysaa. Qolalka bukaanka oo idil waxa yaala ”boks yar” oo spiriit ku jirto oo loogu talo galay faroxalka. Isticmaal kuwan!

Waxa aan kuu rajaynaynaa/idiin rajaynaynaa inta nala joogtaan, joogitaan wanaagsan!

Salaan ka timid dhamaan shaqaalahaa Feiringklinikken

Page 2: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

DAAWAYNTA MAREVAN (Dhiig khafiifinta)

Kadib marka lagugu xidho khaanadaha wadnaha, waa waajib in aad isticmaashid MAREVAN. Tano waa daawo aad isticmaalaysid nolosha oo dhan si aad isaga ilaalisid dhiig qalalka.

Qaabka ay MAREVAN u shaqaynayso:Marevan waxa ku jira maadada Warfarin. Jirku waa in uu helo K-fitamiin si uu dhiigu u aad kaado. Tani sida caadiga ah waxa ay inaga soo gashaa khudaarta. Waxna waxa sameeya bakteeriyada xiidmaheena ku jirta. Marevan waxa ay masaxdaa shaqada K-fitamiinka, hoosna sidaa owgeed ugu dhigtaa in uu dhiigu adkaado.

Daawaynta:Saamaynta Marevan way ku kala duwantahay qof ilaa qof. Inta uu qofku marevan ka qaadanaayo maalin kasta, waa in qof walba lagu qiyaaso. Tani waa ta sababaysa in aad tijaabo dhiig had iyo jeer dkakhtar kaagu kaa qaado si loo eego in lagaa bedelo qiyaasta Mareven iyo in kale.

Qiyaasta Marevan ee maalintii mar baa la qaadanayaa, wakhti isku mid ah maalin kasta, caadiyaan galabtii.

INR- cabiraha qalalka dhiiga (INR waa cabirid caalami ah).

Qiyaastaada-INR-waa in ay ahaato 2,5-3,5.

Qiyaasta-INR ee ka badan 5,0 macnaheedu waxa weeyaan khatarta dhiig-bixidda oo korodhay.

In kastoo Marevan yaraynayso adayga dhiiga, haddana dhiig bixiddu way iman kartaa. Khatarta dhiig bixiddu way sii badanaysaa markasta oo ay qiyaasta INRku sareeyaba. Haddii aad dareentid in uu dhiig imanaayo marka uu dhaco dhaawac yar, gadh-xiiridda, cadayashada, dhiig sanka ka yimid, jidhka hoostiisa (baro waaweyn oo buluug ah adiga oo aan is dhaawicin), waa in aad dhakhtar la xidhiidhid, si aad u qaadatid qiyaas cusub oo ah INR. Dhiigagaa imanaaya waxa ay digniin u yihiin in ay daaweynta Marevanku culus tahay, khatarna waxa loogu jiraa in dhiigbax gudaha ahi uu jiro. Tani waa dhif, laakiin waxa ay noqon kartaa khatar. Had iyo jeer dhiig bax gudaha ah waxa lagu gartaa kaadida oo dhiig ku dhex jiro ama saxarada oo madoobaata.

Page 3: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Koontaroolidda INR:Ka dib wiigaga ugu horeeya oo ay koontaroolo badani socdaan si loo ogaado qiyaasta saxda ah ee Marevan, waa waajib in la baadho qiyaasta INR ee dhiiga ilaa 4 wiigba mar, haddii loo baahdo laga soo yareeyo mudada, haddii uu cabirada INR farqi badani u dhexeeyo.

Waa in aad ilaalisid waxa aad cunaysid iyo cabaysid marka aad isticmaalaysid Marevan:Cunto kala duwan oo ay ku jirto cunitaan khudradeed oo maalin walba ahi wuu wanaagsan yahay si loo helo daawayn wax tar leh oo isu dheelitiran. Cuntooyinka qaar, ugu horeyn khudradda cagaaran fiitamin K aad buu ugu hodan yahay. K-fitamiin badan waxa uu ka horetegi kara Marevan. Ta ugu wanaagsani markaa waxa weeyaan in khudradda si caadi ah loo cuno iyo in aad iska ilaalisid in aad cuntid-khudradaha ku hodanka ah fiitamiin K, maalin ka hor cabirka INR, si uu markaa cabirku mid hooseeya uu u noqdo.

Glass khamra ah ama labo glass wiigii dhawr goo waa OK, laakiin khamro farabadan waxa ay kordhinaysaa qiyaasta INR, keenaysaana khatarta dhiigbixineed.

Sharciyada inta aan ilig la saarin iyo qaliimada yar-yar:Wargeli dhakhtarka/dhakhtarka ilkaha in aad isticmaashid Marewan. Ka wadashaqeeya isticmaalka Marewan idinka oo xidhiidhsiinaaya daawaynta/qalliinka qorshaysan.

Daawooyinka wax u keeni kara daaweynta Marevan:Daawooyin kale ha isticmaalin adiga oo aan dhakhtarkaaga kala tashan maahee. Daawooyinka qaar shaqada Marevan sare waa u qaadi karaan hoosna waa u dhigi karaan.

Daawooyinka wax yeelayn kara shaqada Marevan waxa ka mid ah: •Daawooyinka ay ku jirto acetylsalisylsyre ( Albyl- E, Dispril, Globoid)•Daawooyinka xummad jebinta, lafo xanuunka iyo ”xanuunka murqaha iyo laabotooyinka xubnaha” ( Alpoxen, Confortid, Brexidol, Ibumetin, Indocid, Naproxen, Pirox, Ibux iwm)

Daawooyinka xummad jebinta ee ah paracetamol, sida Pamol, Panodil, Paracet iyo Pinex waa la isticmaali karaa, laakiin 14 kiniin wax ka badn ma qaadan kartid wiigiiba. Haddii aad intaa in ka badan qaadatid , waxa ay keeni kartaa dhiig bixid.

Page 4: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Talo si aad sigaarka isaga joojisid:– Isticmaal wakhti fiican si aad isu qancisid..– Qorshayso in aad maalin go´aan iska joojisid.– Cid la jooji.– Qor waxa wanaagsan iyo kuma xun ee ay sigaar joojintu keenayso.– Yaree inta xabe ee sigaar ee aad cabaysid ilaa laga gaadho maalinta joojinta.– Beddel caadooyinkaagii sigarcabidda, wakhtiyo kale iyo meelo kale ku cab..– Qorshe diyaarso ah waxa aad samayn lahayd marka uu sigaarku ku qabto .– Ka kasbo taageero qoyska, saaxiibada iyo dadka aad wada shaqaysaan.– Maalinba mar qaad. Xasuuso in aad is abaalisid!– Farmasiga iyo dukaanadaba waxa aad ka iibsan kartaa waxyaabaha Nikotinka lagu bedelo. Waxa jira iyaga oo ah xanjo, balaster, kiniin iyo waxyaabo la nuugaba.– Dadka intooda badan dhaktarka rasmiga ah ayaa u nuqonaaya caawiyaha ugu muhiimsan. Isaga ama iyadu waxa ay hayaan waxyaabo caawineed iyo daawooyin dejinaaya madax-xanuunka sigaarka, sababaayana in ay fududaatoin sigaarka la joojiyaa.– Is qor joojinta sigaarka/koorsada caawinada sigaar joojinta. Waxa kale oo jira caawimooyin logula soconaayo oo netka la xidhiidha.– Wax lambarka-sigaarka, telefoon 800 400 85. Halkaas bay talooyin fiican kaa siin doonaan khubaradu si aad sigaarka u joojisid.

SHARCIYADA NOLOSHA WANAAGSAN EE Wadnaha ku haboon

Daawaynti waxa aad ku hagaajisay dhaawacii oo xanuunku geystey, lakiin daawayntu waxba kama ay bedelin sababta wadno xanuunkaaga. Hiddaha waxba kama qaban kartid, laakiin haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin, adigaaga raba in aad bilowdid.

Iska daa sigaarka– Sigaarku waxa uu ka mid yahay khatarada ugu waa weyn ee xanuunda wadnaha sababa. Dadka sigaarka caba 2-3 jeer ayey ka saraysaa khatarta ah in uu ku dhaco wadna-xanuunku marka loo eego dadka aan sigaarka cabin.– Sigaarku waxa uu sababaa iskuxidhka baruurta ee dhiigaa oo xumaada waaxaanuu yareeyaa soo jeedka “kolesteroolka wanaagsan” kordhinayaana ”kolesteroolka xun”. – Iskuxidhka baruurta ee dhiiga oo xumaada waxa ay sababtaa in ay korodho xaydha oo xididada-dhiiga ku adkaada waaxanay dedejisaa xididqalalka.– Toobakada waxa kale oo ku jira maadooyin xidida dhiiga dhaawac gaadhsiin kara, adkayna kara xidid-qalalka. – Toobakada oo la cabaa waxa ay dbaqadaha dhiiga ka dhigaysaa mid isjiidanaaya og waaxanay kordhinaysaa in dabaqaduhu buur buur yeeshaan, taas oo keensanaysa khatarta ah in dhiigu buurbuur yeesho korodho..– Haddii aad sigaarka iska daysid “kolesteroolka wanaagsan” wuxuu ku korayaa muddo yar gudahood, khatarta ah in uu kugu dhaco xanuunada wadnuhuna 50% is dhimaysaa sannad ka dib. 5 sano ka dib khatarta ah in uu qofku wadno xanuun u dhinto waxa la mid tahay ta qofka aan sigarka cabin.

Page 5: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Cunto caafimaad leh oo wadnahana u wanaagsan:

LHL lixdooda talo ee cuntada khuseeya:– Cuntooyin yar yar oo wakhti go´an ah.– Tamarta oo aad isu dheeli tirtid– Ujeedo u cun– Cun cunto kala jaad-jaad ah– Biyo kugu filan cab– Isticmaal milix aan badnayn

Cuntooyin yar yar oo wakhti go´an ahWxa aan ku talinaynaa shan ilaa lix cunto maalintii, iyaga oo u qaybsan 4 cunto oo waaweyn iyo hal laba dhexdhexaad ah. Iska ilaali in aanad cuntooyinka wax u dhaxaysiin.

Qaab cunteedka noocaas ahi waa mid mateetka dheelitiraaya, kaydka cuntada gubaaya keenaayana in aanad cunto badan cunin. Waxa intaa dheer, cuntooyinka yar yari ee dhakhsaha ahi waxa ay ku siinayaan cunnooyin kala duwan, taas oo iyana keenaysa in uu jidhku si fiican ugula soo baxo nafaqada uu u baahan yahay iyo dheefshiid wanaagsan.

Cuntooyin yar yar oo wakhti go´an ahi waxa ay ku siinayaan :– Tamar kasbasho joogto ah– Sonkorta dhiiga oo dheeli tiran– Dareenka gaajada oo aad yaraysid– Gubidda kaydka oo badata– Ka hortagid cuntooyinka yar yar oo badta Sidee baad u kari:Waxa ugu wanaagsan in aad wakhti go´an maalin kasta cuntid. Tusaale ahaan qaabka cuntadu waxa uu noqonayaa:QuraacCunto dhexeNaso-saaceCunto dhexeQadoCasho

Page 6: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Talo ku saabsan qorshaynta:– Jadwal u samayso wakhtiga cuntada, marka aad adeega soo iibinaysidna iyaga soo iibi.– Waxyaabaa cuntada laga sameeyo diyaar ha kuu ahaadaan marka aad guriga timaadid.– Adeeg haa iibin marka aad gaajaysan tahay.– Biyo cab cunto dhexena cun marka aad shaqada dhamaysid ee aad guriga ku sii socotid.

Ku camal fal joogtayn kugu haboon. Xasuus fiicani waxa ay noqonaysaa in aanay u dhaxayn saddex ilaa afar saacadood labadii cuntoba. Cashada iyo qadada waa in aanay u dhaxayn 12 saacadood wax ka badan.

Dheelitiridda tamartaMarka uu jidhku ku jiro dheelitiridda tamarta, macneheedu waxa weeyaan tamarta jidhka soo gelaysa iyo ta jidhku isticmaalaayo ayaa is leeg. Tamarta ka timaada cuntada aan cunayno iyo cabitaanka maalin gudaheed waa in uu la mid noqdo tamarta jidhku isticmaalaayo maalin gudaheed. Qof ku socda jira dheelitirid tamareed, furasad fiican oo uu ku gaadho misaan fadhiyaa ayuu helayaa.

Misaan hoos u dhigidHaddii aad rabtid in miisanka aad hoos u dhigtid, waa in tamarta jidhka gelaysa ay ka yaraato ta jidhka ka baxaysa . Taa waxa aad ku gaadhi karta adiga oo masalaan, nooca cuntada bedela, jimicsigana badiya.

Xaydhu laba nooc bay leedahay: mid culus iyo mid fududXaydha culusi waxa ay ka timid xayawaanka, waana mid ay tahay in aan cunisteeda aan yarayno. Xaydha culus waxa aad ka helaysaa Caanaha Hda(helmelk), jiisaska xaydho ku badan tahay, subagga adag, subagga dubitaanka, caanaha kiriimka wata iyo waxyaabihii kuwan laga sameeyo, iyo hilbaha isku dhexjira ee xaydha leh.

Xaydha fudud waxa laga helaa subagyada laga sameeyo dhirta, saliidaha dhirta (raps,oliven, solsikke) qamadiga iyo qamadiga culus, midhaha, kalluunka shilish iyo waxyaabihii kuwan laga sameeyo, sida sild(kalluun), makrell(kalluun), sardiner(kalluun), ørret(kalluun), laks(kalluun) iyo ål(kalluun).

Talo:Sideedaba xaydha aad cunaysid yaree, gaar ahaan xaydha culus.Wax xaydha culus ka mid ah ku beddel xaydha fudud.Si aad xaydha waxyaabaha roodhida la dul saarto u yaraysid, cun jeex roodhi ah oo jiis leh iyo jeex roodhi ah oo kalluun leh, halkii aad ka cuni lahayd laba jeex oo jiis leh.

Page 7: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Ujeedo u cunYeel in ay maskaxdu cuntada doorato ee aanu dareenku dooran. Ku raaxayso cantuugo kasta. Jooji cuntada marka aad dareentid in aad dheregtay. Waa muhiim in wakhti la siiyo cunninada.

Cunto badan miyaad cuntaa, degdegse ma u cuntaa? Dareenka dhereggu muddo ka dib ayuu yimaadaa. Khatarta ah in qofku dhereg dhaafaa way badan tahay, haddii qofku degdeg wax u cuno. Tartiib wax u cun. Daqiiqado dhawr ah sug intaanad ku ceshan cuntada. Cuntooyinka kioskada iyo cuntada degdegga ah, had iyo jeer si ka dhakhso badan tan guriga ayaa loo cunaa, waanay ka dhereg yartahay .

Cunto intee leeg baad cuntaa?Nooca bilaydhku ayaa fiican in laga dhigto tusaale .Nafarka qadada ah waxa uu ku fiicanyahay in sidan loo qaybiyo:¼ oo ah hilib ama kalluun¼ bataato, bariis ama baasto½ khudaar ama salaat

Talo: Haddii aad mar labaad rabtid in aad cuntaysid, khudaar ama salaat waxa aad qaadan kartaa salaat ama khudaar oo keliya.

Cunto diyaarintaCuntada fiicani khasab ma aha in ay bilaa xiiso tahay. Waxa weeyaan oo keliya in aad si fiican u feketid, marka miiska joogtid ee aad dooranaysid– Digaag baad dooran kartaa, beddelka hamburger iyo pølse. – Ibso khudrad, jokolaato beddelkeed.– Dooro oo ka dhigo sharaab bilaa sonkor ah ama biyo, cabitaan .– Kaffeega waxa aad raacisaa bolle, beddelka muffins ama roodhida wiener.

Page 8: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

KolesteroolKolesteroolka dhiiga oo sareeyaa ma aha xanuun, laakiin markasta oo ay kolesteroolka dhiigu sarayso, waa markasta oo ay khatarta ah in wadnaxanuun yimaado badantahay . waxyaabaha caanaha iyo hilibka lehi waxa ku jira xaydh badan, had iyo jeerna waxa leeyihiin kolesterool badan . Ukkunta iyo cuntada-gudaha (lagu daro rogn iyo kaviar) waa cuntooyin ay kolesteroolku aad ugu badan tahay. Isticmaalku ukkuntu waa in aanu ka badan 3-4 ukkunood wiigii, lagu daro ukkunta cuntada lagu dhex sameeyo. In la cuno cunto leh xaydh fudud, waxa ay ka muhiimsan tahay kolesteroolka ku jira cuntadaa. Cunto nafaqado(fiber) leh oo ka samaysan qamadi , belgvekster(midho), khudrad iyo khudradda cagaaran wanaag bay kolesteroolka u keenayaan.

“Qofka maalin kasta cuusumad cunaa, Weligii cunto fiican ma helo– Thomas Fuller, dhakhtar iyo qoraa ingirris ah (1645-1734)

Cunto kala duwan cunBadso cunidda khudradda iyo khudradda cagaaran. Ugu yaraan 3 khudradda cagaaran ah iyo laba khudradda kale ah. Aller helst mer.

Khudradda iyo khudradda cagaaran waxa ay daawo ka yihiin xanuuno uu wadno xanuunku ku jiro. Khudradda cagaaran waxa ay ka difaac badantahay khudradda kale. Khudradda cagaaran ee qaboojiyaha ku jirta waxa ay la wanaag siman tahay kuwa kale ee aan qaboojiyaha la gelin.

Sidan baad ku helaysaa shan maalintii– Khudrad/juus xilliga quraacda sida 2 kiwi (khudrad)– Khudrad /khudradda cagaran nuso-saahaca sida laba dabocasse– Khudradda cagaaran xilliga qadada sida laba bataato ah iyo 2 dl oo khudradda cagaaran ee la kariyey ah– Xabbad khudradda cagaaran ah iyo mid ta kale ah oo aad ka dhigtid cunto dhexe sida galaas juus ah.

Talo: Cun khudradda cagaaran ama salaat wakhti cunted kasta iyo khudrad cunto dhexaadka. Salaatku ha la haado in badan oo khudradda cagaaran ka mid ah sida ruccola, kaabash, sbinaato iyo brokkoli. Khudradahani waxa ay hodan ku yihiin antioksidant.

Page 9: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Fiber(nafaqo)Cuntooyinka nafaqada ku hodanka ah sida roodhiga qamadiga ka samaysan, boorashka, qamadiga isku jirjira, fuulka, misir, khudrad, khudradda cagaaran iyo bataatada waxa ay dudb dhig utahay cuntobeddelidda. Cuntooyinkani waa bilaa kolesterool, nafaqo badanina way ku jirtaa, fiitamiino iyo minaraalo, maacanyihiin, kuna dherginayaan. Fiber(nafaqo) waxa uu ka qayb qaataa cabiridda dheefshiidka. Fiber(nafaqo) waxa uu ka hor tagaa tusaale ahaan caluul istaagga

MidhahaMidhuhu waa “cunto wax walba wadata” waaxaanay leeyihiin nafaqo jidhka u wanaagsan. Midhuhu waxa ay leeyihiin antioksidant ilaalinaaya unugyada jidhka oo yaraynaaya khatarta ay keenayaan xanuuno dhawr ahi. Laakiin midhuhu hodan waxa ay ku yihiin kaloriga(tamarta), markaa si bilaa kontorool ah ha u cunin.

Talo: Ka dhigo midhaha iyo khudradda la qalajiyey qadhiidh, laakiin qiyaasta aad cunaysid.

Biyo kugu filan cabJidhkeenu waxa uu u baahanyahay biyo. Biyuhu waa lagama maarmaan si uu jidhkeenu nafaqada uu soo nuugo una gudbiyo unugyada. Jidhku waxa uu u baahanyahay 2 ilaa 3 liter oo cabitaan ah maalintii. Qayb waxa kaafinaaya cuntada, inta kale waa in aan cabno. Waxa aan kugula talinaynaa in aad cabtid liter ama 2 liter maalintii.

Biyuhu caloosha ayeey buuxiyaan. Cab galaas biyo ah intaanad cuntaynin.

Talo:– Cab intaanad haraadin– Caado ka dhigo in aad dhalo biyo ah ama jeeg biyo ah agtaada yaalo, guriga ama goobta shaqada. – Had iyo jeer dhalo bito ah shandadda ama boorsada ha kuugu jirto. Ku rid jeex liin-macaan ah, liin-dhanaan ah ama lime ah biyaha.– Coolada, kaffeega, shaaha og alkohoolka waxa ay leeyihiin koffein, biyahana way fogeeyaan. Cabitaanadan dadka aadka u badsadaa ha cabaan biyo ka badan caadiga si ay biyaha jidhkooda ku jiraa u dheelitirmaan.– Waxa aad garanaysaa in aad biyo kugu filan cabtay marka ay kaadidu caddahay la iskana dhex arkaayo .

Page 10: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Milix yar isticmaal

Milixdu maxay jidhka ku samaysaa?Milixdu, dadkeena waxa ay u leedahay muhiimad xoog leh. Waxa ay muhiimad badan u leedahay dhelitirka cabitaanka, neerfayaasha iyo murqaha jidhkeena.

Milixda badani waxa ay dabartaa biyaha jidhka dhiig karna way keeni kartaa. In qiyaasta milixda la yareeyo wanaag bay u yeelanaysaa xawliga/tuuridda dhiiga. Dhiigkarku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha sababa khatarada ugu waaweyn ee wadno-xanuunka.

Sidan baad u yaran kartaa qaadashada milixda:– Diyaari cuntada iyada oo karis ah, la huuriyey, ovnaha lagu sameeyey, la shiilay ama mikroga lageliyey.– Isticmaal xaawaash bisil iyo mid la qalajiyey, beddelka milix marka aad cuntada samaynaysid. Iska jir xawaashyada isku dhex jira ee milixda leh.– Isticmaal milixda mineraalka leh, laakiin ha laba jibaarin.– Roodhida adigu samayso .– Jiiska ka isticmaal qiyaaso dhexdhexaad ah.– Chipsta, pommes frites, lawska milixaysan iwm yaree cunitaankooda, dooro haatan midhaha aan milixda lahayn.– Yaree qiyaasta budada buljoonka, maraqasoya, cuntada bacda ku jirta iyo cuntada kioskaha taala.

Page 11: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Isticmaal jidhkaaga – si joogto ah u jimicso

Muxuu jimicsigu u fiican yahay?– Firfircooni joogto ahi xanuunada-wadnaha ayey joogtaysaa.– Kolesteroolka wanaagsan ee jidhka ayaa kordha.– Yareeyaa khatarta khatarta dhiig guntanka– Kordhiyaa gubitaanka kaydka cuntada– Yareeyaa in xoogaa ah dhiig karka– Yareeyaa stresska– Kordhiyaa awooda shaqada, yareeyaana xiiqitaanka

Sidee baad u bilaabi:– Ku bilaw socod yar oo qunyar ah kordhina kolba xawaaraha iyo muddada – Dooro firfircooniyeyaal aad jeceshay. Way ku dhiiri gelinaysaa, fursaddaada ah in aad jimicsiga ku liibaantidna way sii kordhaysaa.– Way fududaanaysaa in aad bilawdid haddii aad cid la bilawdid ama aad is qortid meel ay ka jirto tabobar habaysan.– Yool sare ha dhigan, ka bilawse meel hoose, kadibna kolba kor u qaad.

Intee in leeg baan jimicsadaa:– Xasuusnow in jimicsigaagu uu wanaagsanaadu ilaa aad ka kululaatid oo dhididid– Sida wanaagsan, maalin kasta 30 daqiiqo jimicso, laakiin 45 daqiiqo wiigi iyaduna way wanagsantahay.– Isku day in aad maalintiina aad firfircoontahay (shaqada beerta, wiisha beddelkiisa isticmaal jaranjarta, yaree isticmaalka baabuurka iyo Tifi daawashada)– Jimicsi joogto ah oo sannadka oo dhan la sameeyaa waxa uu ka midho fiican yahay jimicsi badan oo muddo yar la sameeyey.

Page 12: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Talo ku saabsan jimicsigaFirfircooniyeyaasha yaraynaaya xiiqitaanka waa (socodka, guclayska, baaskeeladaynta, ski barafka lagu ciyaaro, dabaasha iwm.)

Jimicsiga qayb-qaybsan wuxuu yaraynayaa xiiqitaanka, gaar ahaanna u wanaagsan yahay wadnaha. ( Tusaale: ”4-4 jimicsi” Is kulaylinta kadib waxa aad shaqada saaraysaa 80-90% awoodaada 4 daqiiqo kuna celinaysaa ugu yaraan 4 jeer)

Jimicsiga biruhu isna wuu wanaagsan yahay. Caawimo raadso si aad uheshid barnaamij kugu haboon.

Kabo wanaagsan oo lagu ordo waa muhiim si aanu kugu dhicin dhaawac. Caawimo raadso si aad u heeshid kabo leeg cagahaaga oo ku haboon jimicsigaaga.

Jidhku waxa uu u baahanyahay iskulaylin 10-15 daqiiqo ee ugu horeeya. Qunyar bilaw, xawligana kordhi marka aad kululaatid. Shanta daqiiqo ee ugu dambeeya waxa fiican in aad isdejisid.

Marnaba habsan ma aha in aad bilawdid jimicsi joogto ah!

Page 13: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Talo ku saabsan dhimidda stresska:– Diiradda saar cuntada wanaagsan ee nafaqada leh– Qaado wakhti nasasho iyo istareex xitaa, xilliga stresska iyo caadiyanba . – Yeel in aad jimicsi joogto ah ku jirtid. Jimicsiga joogtada ahi waxa uu ka hor tageyaa natiijoyinka dhaawaca leh ee stresska. – Hurdadu waa muhiim, haddii aad muddo kaddib hurod kugu filan heli weydid ama mid xidhiidhsan raadso cid talo ku siisa, masalan dhakhtarkaaga joogtada ah. – Yeel in dheelitir fiicani ka dhex jiro qoyska, shaqada iyo wakhtigaaga firaaqada ah. – Hadafyo macquul ah samayso. Baro in aad ogaatid xuduudahaaga kadibna liiska samee.

Falanqee, kala hormari oo maamul. Ku tabobaro in aad may tidhaahdid. Dareemada la isku xidho waa stresska nooc ka mid ah; Isfudaydi. Sheeg rayigaaga iyo dareenkaaga. Haddii aanad haysan cid saaxibadaada ah oo aad isleedahay waad la hadli kartaa, la xidhiidh dhakhtarkaaga joogtada ah, frvillighetssentral(xarunta iskaa wax u qabso), LHL (hayadda kelyaha iyo wadno xanuunka)-kooxahaas ama qaar la mid ah halkaas oo aad kula kulmaysid khubaro iyo cid kula mid ah oo aad la hadashid.

Stresska

Waa maxay stress:Stressku waa jawaab bixinta jidhka ee dabiiciga ah marka ay culaysyo fuulaan iyada oo la eegaayo sida inagu, dareen ahaan ama feker ahaan arrinta u turjumanay. Qaabkee iyo sidee ayeey jawaabbixintu noqonaysaa waxa ay ku xidhan tahay turjumitaankaas iyo qaabka jaawabida jidhka ee la xidhiidha rayakshanka fysiologiiga. Marka aan awood uleenahay in aan xal keeno, oo aan markaa sidaa ku yarayno stresskeena darejediisa, stressku markaa dhaawac ma yeelanaayo. Haddii aanaan laakiin oo aan sidaa marar soo noqnoqday oo badan aan dheelitiri kari wayno stesskeena darejadiisa, waxa ka soo baxaaya dhaawac waayo;

– Tuuridda dhiigu way kordhaysaa– Wadnuhu si dhakhso ah ayuu u garaacayaa– Sonkorta dhiigu way kacaysaa– Maadooyinka baruurta ee dhiiga ku jira way kacayaan– Dhiigu wuu”adkaanayaa”– Dheefshiidku wuu xumaanayaa – Murquhu way adkaanayaan

Sidaas ayeynu ku sharixi karnaa xidhiidka u dhexeeya stresska iyo wadnoxanuunka.

Dadka badankoodu waxa ay stresska u yaqaaniin wax uun yimaada xilliga shaqada, laakiin sidaas ma aha. Stressku waxa uu noqon karaa wax inagu dhici kara xilliga firaaqada, sida dhibaato inaga qabsata macaamalada xaaska, dhibaato inaga qabsata shaqada iyo dhibataada caafimaadka. In layeesho ama uu qofku soo maro xanuun xagga wadnaha ah waxa weeyaan iyana qodob.

Page 14: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Forebygge - zapobiegaćFrokost - ćniadanieFysioterapeut - fizjoterapeutaGå - chodzićHjerneslag - udar mózguHjerteinfarkt - zawać sercaHjerteklaffer - zastawki sercaHjertekrampe - dćawica bolesna (angina pectoris)

Hjerteovervåkning - obserwacja sercaHjerterytme - rytm sercaHjertestans - zatrzymanie akcji sercaHjertesvikt - niewydolnoćć sercaHjertet - serceHode - gćowaHoste - kaszel; kaszlećHotell - hotelHvile - odpoczynek; odpoczywaćInformasjon - informacjaInsulin - insulina

Intensiv - intensywnyJa - takKaffe - kawaKald - zimnyKiosk - kioskKlokke - godzina; zegarKolesterol - cholesterolKomplikasjoner - powikćania; komplikacjeKone - ćonaKosthold - dieta; odćywianie sićKoronar angiografi - koronarografia (angiografia)

Kvalme - nudnoćciKvinne - kobietaLege - lekarzLigge - lećeć

OrdlisteAktivitet - ruch; zajćciaAkutt hjerteinfarkt - nagćy zawać sercaAlkohol - alkoholAmbulanse - ambulans; karetka pogotowiaAntikoagualsjon - antykoagulacja; przeciwkrzepliwoććArm - ramić; rćkaArterie - tćtnicaArv - dziedzictwoAterosklerose - miaćdćycaAtrieflimmer - migotanie przedsionkówAvføring - kaćBandasjer - bandaćeBetennelse - zapalenieBen - noga; koććBevege - poruszaćBivirkning - dziaćanie uboczneBlodprøver - próbki krwiBlodsukker - poziom cukru we krwiBlodtrykk - cićnienie krwiBlodåre - naczynie krwionoćneBlødning - krwotokBlåse - dmuchaćBryst - piersiBrystsmerter - bóle w piersiachBuss - autobusDiabetes - cukrzycaDren - drenDrikke - napój; pićDusje - brać natrysk; kćpać sić pod prysznicemEKG - EKG

Familie - rodzinaFatle - temblakFeber - gorćczka

Fly - samolot; lataćFløyte - flet; tu: urzćdzenie flutter

Liiska kelmedahaFirfircooniWadnoxanuun ku soo boodo ahAlkohool(Khamri)AmbalaasKalamiiran ka madhnaantaGacanXididka halbawlahaHidahaXanuunka xidid qalalkaTashwiishka wadnagaraacaSaxaradaMarada qofka dhaawacan lagu duuboJidhku rayakshanka uu ka bixiyo dhaawacaLugDhaqaajinSaamayn kaleTijaabooyinka dhiigaSonkorta dhiigaTuuridda dhiiga Xiidka dhiigaDhiigbaxAfuufidLaabtaLaab xanuunkaBasMacaankaTuubo gelinta(dheecaan ka saaridda jidhka)CabitaankaMaydhashadaEKG(diwaan gelinta elekterigga ee dhadhaqaaqa wadnaha) QoysMarada garabka ama gacanta dhaawacan lagu toosiyoXummadDiyaaradSiidhi

Ka hor tagQuraacFysioterapeut(murqo kala bixin)SocodMaskax baqtigaWadnoxanuunkaKhanadaha wadnahaXanuun ku yimaada wadnaha marka uu hawo waayoIlaalinta wadnahaGaraaca wadnahaIstaagidda wadnahaHawlgabka wadnahaWadnahaMadaxaQufacaHoteelNasashoWarbixinInsulin(hormoon ka qayb qaata dhelitirka dheef-shiid- beddelka)DegdeggaHaKaffeeQabowKiosk(dabakaayo)SaacadKolesteroolWax isku xidhan oo adagXaasCuntoKoronar angiografi(baadhitaan sawir wadnaha xididadiisa)LalaboGabadhDhakhtarJiif

Page 15: KU SOO DHAWAAW … haddii aad bedeshid qaab nololeedkaaga waxa aad dhimi khataraha kale. Dad badan waxa ku dhib ah sidii ay u bilaabi lahaayeen. Sidaa owgeed waxa aan kuu haynaa talooyin,

Strømpe - pończochaSykehus - szpitalSykepleier - pielęgniarkaSår - ranaTaxi - taxi;taksówkaTe - herbataTelefon - telefonTemperatur - temperaturaTisse - siusiaćTolk - tłumaczTrene - trenowaćTrøtt - zmęczonyUltralyd - ultrasonografia;USGUndersøkelse - badanieUregelmessighjerterytme- nieregularnyrytmsercaUrinkateter - cewnikmoczuVann - wodaVarm - ciepłyVaske - myćVaskehender - myćręceVente - czekaćVeneflon - kaniuladożylna

Lunsj - luchMage - brzuchMann - mććczyznaMat - jedzenie; ćywnoććMedisiner - lekarstwaMiddag - obiadMobiltelefon - telefon komórkowyMosjonere - ruszać sić; trenowaćMotivere - motywowaćNei - nieOperasjon - operacjaOvervekt - nadwagaPacemaker - rozrusznikserca

Psykisk - psychicznyPuls - puls;tętnoPussetenner - myćzębyPute - poduszkaPårørende - najbliżsi;rodzinaReisehjem - jechaćdodomuRisikofaktorer - czynnikiryzyka;zagrożeniaRullestol - wózekinwalidzkiRygg - plecyRytmeforstyrrelser - zakłóceniarytmuRøntgen - rentgenRøyking - palenieSaft - wodazsokiemSekretær - sekretarkaSeksualitet - seksualnośćSeng - łóżkoSitte - siedziećSkuldre - ramionaSlim - śluzSliten - zmęczonySmerter - bóle Smertestillende - przeciwbólowySove - spaćSpisesal - salajadalna;jadalniaStol - krzesłoStress - stres

Naso-saaceCaloolNinCuntoDaawoQadoMoobiltelefoonJimicsiDhiiri gelinMayQalliinMiisaan xad dhaaf ahPacemaker (Qalab yar oo wadnaha u sameeya garaacitan elekterig ah)MaskaxiyanGaraacIlko cadayashoBarkimoQarabadaSafar guriArrimaha khatarta ahGaadhiga curyaamiintaDhabarTashwiishka garaacaSawirka lafahaSigaar cabiddaSharaabkaXooghayahaGalamadaSariirFadhigaGarabkaMalaxdaDaalanKaar KaarjebinSeexadGoobta cuntadaKursiStress

Sharabaado dhaadheerCusbitalKalkaalisoDhaawacTaxiShaahTelefoonXaraaradKaadiTurjumaanJimicsiDaalDhawaqa ultraBadhitaanWadnogaraacis aan isku xidhnaynKateeterka kaadidaBiyoKulaylDhaqidGacmo dhaqidSugitaanSayloon