ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo...

23
ESTEER 1:1 1 ESTEER 1:8 ESTEER Boqorad Washtii Oo Laga Qaaday Darajadeeda 1 Wakhtigii Ahashwerus (Ahashweruskaasu wuxuu ahaa kii xukumi jiray Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo u talin jiray boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol) 2 markii Boqor Ahashwerus uu ku fadhiistay carshigii boqortooyadiisa oo ku yiil Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, 3 sannaddii saddexaad oo boqornimadiisa ayuu martiqaad u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taas oo ay hortiisa joogeen xooggii Faaris iyo Maaday, iyo dadkii gobta ahaa iyo amiirradii gobollada. 4 Oo wuxuu soo bannaan dhigay maalkii boqortooyadiisa ammaanta badnayd, iyo sharaftii haybaddiisa sarraysa, intii maalmo badan ah oo gaadha boqol iyo siddeetan maalmood. 5 Oo markii maalmahaasu dhammaadeen ayuu boqorku diyaafad u sameeyey dadkii Shuushan oo hoygii boqorka ahayd joogay oo dhan, yar iyo weynba, intii toddoba maalmood ah, oo diyaafaddiina waxaa lagu dhigay barxaddii beerta ku dhex tiil hoygii boqorka. 6 Oo waxaa meeshaas ka laalaaday daahyo ah caddaan iyo cagaar iyo buluug, oo waxaa ku xidhnaa xadhko laga sameeyey maro wanaagsan iyo dhar guduudan oo sudhan siddooyin lacag ah iyo tiirar marmar ah. Sariiruhuna waxay ahaayeen dahab iyo lacag, oo waxaa la dhigay meel siman oo laga sameeyey marmar ah casaan iyo caddaan iyo huruud iyo madow. 7 Oo waxaa dadka cabniin lagu siiyey weelal dahab ah (oo weelashana midba midka kale wuu ka duwanaa), oo khamrigii boqorkuna wuu badnaa sidii ay ahayd deeqsinimadii boqorku. 8 Oo cabniinkuna wuxuu waafaqsanaa qaynuunka, dirqina ma jirin, waayo,

Transcript of ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo...

Page 1: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 1:1 1 ESTEER 1:8

ESTEERBoqorad Washtii Oo Laga Qaaday Darajadeeda

1 Wakhtigii Ahashwerus (Ahashweruskaasu wuxuuahaa kii xukumi jiray Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhexleh, oo u talin jiray boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol)2 markii Boqor Ahashwerus uu ku fadhiistay carshigiiboqortooyadiisa oo ku yiil Shuushan oo ahayd hoygiiboqorka, 3 sannaddii saddexaad oo boqornimadiisa ayuumartiqaad u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisiioo dhan, taas oo ay hortiisa joogeen xooggii Faaris iyoMaaday, iyo dadkii gobta ahaa iyo amiirradii gobollada.4 Oo wuxuu soo bannaan dhigay maalkii boqortooyadiisaammaanta badnayd, iyo sharaftii haybaddiisa sarraysa,intii maalmo badan ah oo gaadha boqol iyo siddeetanmaalmood. 5 Oo markii maalmahaasu dhammaadeenayuu boqorku diyaafad u sameeyey dadkii Shuushan oohoygii boqorka ahayd joogay oo dhan, yar iyo weynba,intii toddoba maalmood ah, oo diyaafaddiina waxaa lagudhigay barxaddii beerta ku dhex tiil hoygii boqorka. 6Oowaxaa meeshaas ka laalaaday daahyo ah caddaan iyocagaar iyo buluug, oo waxaa ku xidhnaa xadhko lagasameeyeymaro wanaagsan iyo dhar guduudan oo sudhansiddooyin lacag ah iyo tiirar marmar ah. Sariiruhunawaxay ahaayeen dahab iyo lacag, oowaxaa la dhigaymeelsiman oo laga sameeyey marmar ah casaan iyo caddaaniyo huruud iyo madow. 7 Oo waxaa dadka cabniin lagusiiyey weelal dahab ah (oo weelashana midba midka kalewuu ka duwanaa), oo khamrigii boqorkuna wuu badnaasidii ay ahayd deeqsinimadii boqorku. 8 Oo cabniinkunawuxuu waafaqsanaa qaynuunka, dirqina ma jirin, waayo,

Page 2: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 1:9 2 ESTEER 1:17boqorku wuxuu madaxdii gurigiisa oo dhan ku amrayinay nin kasta u yeelaan siduu doonayo. 9 Oo weliba Bo-qorad Washtiina waxay dumarkii diyaafad ugu samaysayhoygii reer boqor oo uu Boqor Ahashwerus lahaa.

10 Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisukhamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadiimidiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaaMehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyoKarkas, 11oowuxuu iyagii ku amray inay BoqoradWashtiihortiisa keenaan, iyadoo qabta taajkii boqornimada, siquruxdeeda loo tuso dadka iyo amiirrada, waayo, iyaduwaxay lahayd suuradwanaagsanoo in lafiirsado kufiican.12Laakiinse boqoraddiiWashtii ahaydwaydiidday inay kutimaado amarkii boqorku ugu soo dhiibay midiidinnada.Sidaas daraaddeed boqorkii aad buu u xanaaqay, oo cad-hadiisiina wuu la gubtay.

13 Markaasaa boqorkii wuxuu la hadlay nimankii xig-madda lahaa oo xilliyada yiqiin, (waayo, boqorka caadadi-isu saasay ahayd xagga kulli kuwii sharcigii yiqiin iyoxukunkaba, 14oo waxaa isaga ku xigay Karshena, Shetaar,Admata, Tarshiish, Meres, Marsena, iyo Memuukaan ooahaa toddobadii amiir oo Faaris iyo Maaday, oo arkayboqorkawejigiisa, oo fadhiyey boqortooyada derejadeedakowaad), 15 oo wuxuu ku yidhi, War maxaan ku samay-naa Boqorad Washtii sida sharciga waafaqsan? Maxaayeelay, iyadu ma ay yeelin yeedhiddii Boqor Ahash-werus iyada midiidinnada ugu sii dhiibay. 16 MarkaasaaMemuukaan jawaabay, oo wuxuu boqorkii iyo amiirradiihortooda ka yidhi, Boqorad Washtii boqorka oo keliyama ay xumayn, laakiinse waxay xumaysay amiirrada oodhan, iyo dadka deggan Boqor Ahashwerus gobolladiisaoo dhan. 17 Haddaba wixii ay boqoraddu samaysay wuuwada gaadhi doonaa dumarka oo dhan, kolkaasay ni-

Page 3: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 1:18 3 ESTEER 2:3mankooda quudhsan doonaan markii warkan loo sheego,oo lagu yidhaahdo, Boqorkii Ahashwerus wuxuu amrayin Boqorad Washtii hortiisa la keeno, laakiinse ma ayiman. 18 Haddaba isla maantadan amiiradaha Faarisiyo Maaday oo maqlay wixii ay boqoraddu samaysay,sidaasoo kalay ku odhandoonaan boqorka amiirradiisa oodhan. Oo saas aawadeed waxaa kici doona quudhsashoiyo xanaaq badan. 19 Haddaba haddii boqorku raalli kayahay, amar boqornimo ha bixiyo, oo amarkaasna si aanloo beddelin ha lagu dhex qoro qaynuunnada reer Faarisiyo reer Maaday, inaanay boqoradda Washtii mar dambeiman Boqor Ahashwerus hortiisa. Boqorkuna boqoradni-madeedii ha siiyo mid kale oo iyada ka wanaagsan. 20 Oomarka boqorka amarkiisa uu bixin doono lagu faafiyoboqortooyadiisa oo dhan (waayo, way weyn tahay) ayaadumarka oo dhammu nimankooda maamuusi doonaan,yar iyo weynba.

21 Oo odhaahdaasu waxay ka farxisay boqorkii iyoamiirradii oo dhanba, kolkaasuu boqorkii yeelay sidii uuMemuukaan yidhi. 22Oo wuxuu warqado u diray boqorkagobolladiisii oo dhan, oo gobol walba wuxuu ugu qorayfartiisii, oo dad kastana wuxuu ugu qoray afkoodii, si ninkastaa ugu taliyo reerkiisa oo uu ku sheego afka dadkiisuku hadlo.

2Esteer Oo Boqorad Laga Dhigay

1Oowaxyaalahaas dabadoodmarkii Boqor Ahashweruscadho baxay ayuu soo xusuustay Washtii, iyo wixii aysamaysay, iyo wixii iyada ka geesta ahaa oo la amray.2Markaasaa boqorkamidiidinnadiisii u adeegi jiraywaxayyidhaahdeen, Boqorka ha loo doondoono bikrado quruxbadan oo dhallinyaro ah; 3 oo boqorku gobol kasta oo

Page 4: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 2:4 4 ESTEER 2:10boqortooyadiisa ka mid ah ha ka dhex doorto wakiillo,si ay bikradaha quruxda badan oo dhallinyarada ah oodhan ugu soo ururiyaan Shuushan oo ah hoyga boqorka,oo iyaga ha keeneen guriga naagaha, oo gacanta ha ugeliyeen Heegay oo ah midiidinka boqorka naagaha udhawra, oo iyaga ha la siiyo alaabtoodii ay isku daahirinlahaayeen. 4 Oo gabadhii boqorka la wanaagsanaata,meeshii Washtii boqorad ha ka noqoto. Oo waxaasunaboqorka way ka farxiyeen; kolkaasuu saas yeelay.

5 Oo Shuushan oo hoygii boqorka ahaa waxaa jiraynin Yuhuud ah, oo magiciisana waxaa la odhan jirayMordekay ina Ya'iir, ina Shim'i, ina Qiish, oo wuxuu ahaareer Benyaamiin; 6 oo isaga waxaa mar hore laga soo kax-aystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lalasoo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuu-dah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkiiBaabuloon. 7 Oo isagu wuxuu soo koriyey Hadasaah,taasoo ahayd ina-adeertiis Esteer, waayo, iyadu aabbeiyo hooyo toona ma ay lahayn; gabadhuna way suuradwacnayd, wayna qurux badnayd; oo markii aabbeheediyo hooyadeed dhinteen ayaa Mordekay qaatay oo sidiigabadhiisii ka dhigtay. 8 Markii la maqlay boqorkaamarkiisii iyo naadadiisii, kolkii hablo badan lagu sooururiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, oo gacantaloo geliyey Heegay, ayaa Esteer la geeyey gurigii boqorka,oo waxaa gacanta loo geliyey Heegay oo ahaa kii naagahadhawri jiray. 9Oo gabadhii way la wanaagsanaatay isagii,wuuna u roonaaday; oo markiiba wuxuu iyadii siiyeyalaabteedii isdaahirinta, iyo intii ay qaybta u lahayd, iyotoddoba gabdhood oo ay waajib u lahayd in laga siiyoguriga boqorka. Markaasuu iyadii iyo gabdhaheediibageeyey meeshii ugu wanaagsanayd guriga naagaha.

10 Esteerna ma ay sheegin dadkeedii iyo qoladeedii

Page 5: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 2:11 5 ESTEER 2:17toona; waayo, waxaa Mordekay ku amray inaanay waxbasheegin. 11 Mordekayna wuxuu maalin kasta mari jiraybarxadda guriga naagaha horteeda si uu ku ogaado Esteernabadqabkeeda iyo waxa iyada ku dhici lahaa.

12Haddaba markii gabadh walba wakhtigeedii la gaad-hay inay u gasho Boqor Ahashwerus, oo iyada loogusameeyo sida waafaqsan waxa sharcigu dumarka farayolaba iyo toban bilood dabadeed, (waayo, saasaa isdaahir-intoodu ku dhammaan jirtay, inay intii lix bilood ahismariyaan saliidda malmalka, intii lix bilood ahna is-mariyaan uunsi udgoon iyo waxyaalaha dumarka lagudaahiriyo) 13 ayaa sidaas gabadhii boqorkii ugu timid,oo wax alla wixii ay doonaysay inay guriga naagaha kaqaadato, oo ay la tagto guriga boqorka, dhammaantoodwaa la siiyey iyada. 14 Oo iyadu fiidkii bay tagtay, oosubaxdii ayay ku soo noqotay gurigii labaad oo naagaha,iyo gacanta Shacashgas oo ahaa boqorka midiidinkiisii udhawri jiray naagaha addoommaha ah. Iyana mar dambeboqorkii uma ay soo gelin, in boqorku ku farxo iyo inmagaceeda loogu yeedho mooyaane.

15Haddaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeeru ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidiigabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka ugeli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixiiHeegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawrijiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oodhammu way u bogeen. 16 Haddaba boqorka sannaddi-isii toddobaad ee boqornimadiisa, bisheedii tobnaad ooahayd bisha Tebed ayaa Esteer loogu geeyeyBoqorAhash-werus gurigiisii boqornimada. 17Haddaba boqorkii Esteerbuu ka jeclaaday naagihii kale oo dhan, oo iyana waxayisagii ka heshay raxmad iyo roonaan ka sii badan intiiay bikradaha kale heleen oo dhan; oo sidaas daraaddeed

Page 6: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 2:18 6 ESTEER 3:2ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshiiWashtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaaboqorkii martiqaad weyn u sameeyey amiirradiisii iyoaddoommadiisii oo dhan, taasuna waxay ahayd mar-tiqaad Esteer loo sameeyey; oo gobolladiina boqorku wuunasiyey, oo hadiyadona wuxuu u bixiyey sidii deeqsini-madiisii ahayd.

Mordekay Oo Daaha Ka Qaaday Shirqool19Oo markii bikradihii mar labaad la soo ururiyey ayaa

Mordekay soo fadhiistay boqorka iriddiisii. 20Oo Esteernaweli ma ay sheegin qoladeedii iyo dadkeedii toona, sidiiMordekay ku amray; waayo, Esteer amarkiiMordekay bayu addeeci jirtay sidii markii uu korinayay oo kale. 21 Oowaagaas mar uu Mordekay boqorka iriddiisa fadhiistayayaa waxaa aad u cadhooday laba nin oo boqorka midi-idinno u ahaa, waxayna ahaayeen Bigtaan iyo Teresh ooka mid ahaa kuwa iridda dhawra, oo waxay dooneen inayBoqor Ahashwerus dilaan. 22 Oo xaalkaas waxaa ogaadayMordekay, kolkaasuu u sheegay Boqorad Esteer; Esteernawaxay u sheegtay boqorkii, iyadoo ku hadlaysaMordekaymagiciisa. 23 Oo markii xaalkaas la baadhay ayaa waxaala ogaaday inay saas tahay, oo labadoodiiba geed baalaga soo deldelay; oo taasna waxaa lagu qoray buuggiitaariikhda boqorka hortiisa.

3Shirqoolkii Haamaan Inuu Yuhuudda Baabbi'iyo

1Oowaxyaalahaas dabadeed Boqor Ahashweruswuxuudalliciyey oo kursigiisii ka sarraysiiyey amiirradii isagala joogay oo dhan Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reerAgag, oo isaga wuu hore mariyey. 2 Oo waxaa Haamaanu foororsaday oo u sujuuday boqorka addoommadiisii

Page 7: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 3:3 7 ESTEER 3:9iriddiisa joogay oo dhan, waayo, boqorka ayaa in saasloo yeelo amray. Laakiinse Mordekay uma uu foororsan,umana sujuudin. 3 Markaasaa addoommadii boqorkaoo joogay boqorka iriddiisa waxay Mordekay ku yid-haahdeen, War maxaad u jebinaysaa boqorka amarkiisa?4 Haddaba waxaa dhacday, markay maalin kasta saas kulahaayeen, laakiinse isagu uusan dheg u dhigin, inaywarkaas Haamaan u sheegeen inay arkaan bal wuxuuxaalka Mordekay noqdo, waayo, wuxuu iyagii u sheegayinuu Yuhuud yahay. 5 Haamaanna markuu arkay inaanMordekay u foororsan oo aanu u sujuudin, ayuu Haa-maan aad u cadhooday. 6 Laakiinse wuu quudhsadayinuu Mordekay oo qudha gacanta saaro, waayo, waxaaisaga loo sheegay Mordekay qabiilkiisa; oo sidaas daraad-deed Haamaan wuxuu doonayay inuu wada baabbi'iyoYuhuudda boqortooyada Ahashwerus deggan oo dhan,kuwaasoo ahaa Mordekay qabiilkiisii.

7Oo sannaddii laba iyo tobnaad oo Boqor Ahashwerus,bisheedii kowaad taasoo ah bisha Niisaan ayay Haamaanhortiisa ku rideen saami magiciisa la yidhaahdo Fuur, ootaasuna waxay socotay maalin ka maalin, iyo bil ka bil,ilaa bishii laba iyo tobnaad oo ah bisha Adaar. 8MarkaasaaHaamaan wuxuu Boqor Ahashwerus ku yidhi, Waxaa jiradad ku wada dhex firidhsan dadyowga deggan gobolladaboqortooyadaada oo dhan, qaynuunnadooduna way kawada duwan yihiin kuwa dadyowga kale oo dhan. Iyagunaqaynuunnada boqorka ma dhawraan. Sidaas daraad-deed, boqorow, inaad iska daysid faa'iido kuugu ma jirto.9 Haddaba, boqorow, taas haddaad raalli ka tahay, ha laqoro in iyaga la baabbi'iyo; oo anna waxaan bixin doonaatoban kun oo *talanti oo lacag ah, oo waxaan gacanta u* 3:9 talanti = lacag miisaan badan

Page 8: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 3:10 8 ESTEER 3:15gelin doonaa kuwaboqorka shuqulkiisa u taliya inay iyagumaalkaas geliyaan khasnadaha boqorka. 10Markaasaa bo-qorkii wuxuu gacantiisa ka siibay kaatunkiisii oo wuxuusiiyey Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag eeweliba ahaa cadowgii Yuhuudda. 11 Kolkaasaa boqorkiiwuxuu Haamaan ku yidhi, Lacagta adigaa lagu siiyey, ooweliba dadkana waxaad ku samaysaa wax alla wixii kulawanaagsan.

12 Oo bishii kowaad maalinteedii saddex iyo tobnaadayaa loo wada yeedhay boqorka karraaniyadiisii oo dhan,oo waxaa la qoray kulli wixii Haamaan ku amray boqorkasaraakiishiisii iyo taliyayaashii gobollada oo dhan xuku-mayay, iyo amiirradii u talinayay dad kasta, oo gobol kastawaxaa loogu qoray afkiisii. Oo waxaa lagu qoray BoqorkaAhashwerus magiciisa, waxaana lagu shaabadeeyey bo-qorka kaatunkiisii. 13 Oo warqadona waxaa loo dhiibaywarqaadayaal, oo waxaa loo diray boqorka gobolladiisiioo dhan, in Yuhuudda oo dhan la wada baabbi'iyo, oo lawada laayo, oo la halaago dhammaantood, yar iyo weyn,iyo dhallaanka iyo dumarkaba, bisha Adaar oo ah bishalaba iyo tobnaad, maalinteeda saddex iyo tobnaad, iyoin maalkoodana booli ahaan loo dhaco. 14 Oo waxaadadyowga oo dhan lagu dhex faafiyey warqaddii la qoraynaqilkeedii, oo leh amar ha la wada siiyo gobollada oodhan inay diyaar u noqdaan maalintaas. 15 Oo warqaa-dayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen bo-qorka amarkiisii, oo Shuushanoo ahaydhoygii boqorkanaamarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaanwaxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaal-adii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.

4Mordekay Oo Ku Qancay Caawimaddii Esteer

Page 9: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 4:1 9 ESTEER 4:101Haddaba markii Mordekay ogaaday wixii la sameeyey

oo dhan ayuu dharkiisii jeexjeexay, dhar joonyad ahnawuu xidhay oo dambas ismariyey, markaasuu magaaladadhex galay oo oohin dheer oo qadhaadh ku qayliyey.2 Wuxuuna hor yimid boqorka iriddiisa; waayo, ninnairidda boqorka ma geli karayn isagoo dhar joonyad ahqaba. 3Oo gobol kasta oo qaynuunkii iyo amarkii boqorkugaadhayba waxaa Yuhuuddii ka dhex dhacday baroorweyn, iyo soon, iyo oohin, iyo qaylo; kuwo badanunadambas bay ku jiifeen iyagoo dhar joonyad ah qaba.4 Markaasaa Esteer waxaa u yimid oo xaalkaas u soosheegay gabdhaheedii iyo midiidinnadeedii; kolkaasayboqoraddii aad iyo aad u murugootay; oo Mordekay ayayu sii dirtay dhar uu xidho, waxayna u sheegtay inuudharkiisii joonyadda ahaa iska furo; laakiinse dharkii mauu qaadan. 5 Markaasaa Esteer waxay u yeedhay Hatagoo boqorka midiidinnadiisa ka mid ahaa oo uu boqorku udoortay inuu u adeego, oo waxay isagii ku amartay inuuMordekay u tago oo uu soo ogaado bal waxa xaalkanuahaa, iyo wuxuu u dhacayba. 6 Sidaas daraaddeed Hatagwuxuu Mordekay ugu tegey magaalada bannaankeedii kasoo hor jeeday boqorka iriddiisa. 7 Markaasaa Mordekaywuxuu isagii u sheegay dhammaan wixii isaga ku dhacay,iyo lacagtii uu Haamaan u ballanqaaday inuu siinayo bo-qorka khasnadihiisa in Yuhuudda la baabbi'iyo aawadeed.8 Oo weliba wuxuu isagii u dhiibay naqilka warqaddii ooamarku ku qornaa oo Shuushan lagu faafiyey si Yuhuuddaloo wada baabbi'iyo, wuxuuna taas u siiyey inuu Esteertuso oo uu iyada u warramo, oo wuxuu iyada ku amrayinay boqorka u gasho, oo ay barido oo ay isaga hortiisawax ka weyddiisato dadkeeda aawadiis. 9Kolkaasaa Hatagyimid oo wuxuu Esteer u sheegay erayadii Mordekay.10 Dabadeedna Esteer baa la hadashay Hatag oo waxay

Page 10: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 4:11 10 ESTEER 5:1farriin ugu sii dhiibtay Mordekay oo ku tidhi, 11 Boqorkaaddoommadiisa oo dhan iyo dadka boqorka gobolladiisadeggan oo dhammu way wada og yihiin in ku alla kii,isagoo aan loo yeedhin, boqorka ugu soo gala barxaddadhexe, ama nin ha ahaado ama naag ha ahaatee, qaynuunbaa loo hayaa, waana in isaga la dilo, haddaan boqorkuusha dahabka ah fidin, si uu u noolaado aawadeed; laaki-inse aniga la iima yeedhin inaan boqorka u soo galointii soddon maalmood ah. 12 Kolkaasaa Mordekay loosoo sheegay Esteer erayadeedii. 13 Markaasuu Mordekayiyagii jawaab ugu sii dhiibay Esteer, oowuxuu ku yidhi, Hamoodin inaad adiga qudhaadu guriga boqorka ku baxsandoontid iyadoo aanay Yuhuudda ka baxsan. 14 Waayo,haddaadwakhtigan iska aamustid, waxaa Yuhuuddameelkale uga kici doona furasho iyo samatabbax, laakiinseadiga iyo reerka aabbahaaba waad halligmi doontaan.Bal yaase garanaya inaad wakhtigan oo kale daraaddiisboqortooyada u soo gashay? 15 Markaasaa Esteer waxayiyaga u sheegtay inay Mordekay jawaab ku celiyaan, oowaxay ku tidhi, 16 Tag, oo soo wada ururi YuhuuddaShuushan joogta oo dhan, oo ii sooma, oo intii saddexmaalmood ah, habeen iyomaalin toona, waxba ha cunina,waxna ha cabbina; oo aniga iyo gabdhahayguna sidaas ookalaan u soomaynaa; oo kolkaasaan boqorka u gelayaa,taasoo aan sharciga waafaqsanayn; oo haddii aan hallig-mona, waan halligmayaa. 17 Markaasuu Mordekay iskategey oo sameeyey wax alla wixii Esteer ku amartay oodhan.

5Codsigii Esteer Ee Boqorka

1 Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashataydharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga

Page 11: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 5:2 11 ESTEER 5:9boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeed-day guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyeycarshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqorn-imada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga lagasoo galo. 2 Oo markii boqorkii arkay Boqorad Esteer oobarxadda dhex taagan ayuu raalli ka noqday iyada, ooboqorkiina wuxuu Esteer ku soo fidiyey ushii dahabkaahayd oo gacantiisa ku jirtay. Markaasaa Esteer soodhowaatay oo taabatay usha dusheedii. 3 Kolkaasuu bo-qorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oomaxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyadabadhkeed tahay waa lagu siinayaaye. 4 Kolkaasaa Esteerwaxay tidhi, Boqorow, hadday kula wanaagsan tahay,maanta adiga iyo Haamaanba kaalaya martiqaadka aan udiyaariyey. 5 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Haamaanhaddiiba ha dhaqsado, si loo yeelo waxay Esteer tidhi.Oo sidaas daraaddeed boqorkii iyo Haamaanba waxayyimaadeen martiqaadkii ay Esteer u diyaarisay. 6 Oo intiimartiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteerku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddi-isanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahaywaa laguu yeelayaaye. 7 Markaasaa Esteer jawaabtay ootidhi, Baryadayda iyo weyddiisashadaydu waxay tahay,8 Boqorow, haddaad raalli iga tahay, oo aad ku faraxdidinaad ii samaysid waxaan kaa baryay, oo aad yeeshid wax-aan ku weyddiistay, haddaba adiga iyo Haamaan kaalayamartiqaadka aan idiin diyaarin doono, oo aniguna berribaan yeelayaa sidaad tidhi, boqorow.

Cadhadii Haamaan Ee Mordekay9 Markaasaa Haamaan maalintaas wuxuu dibadda u

baxay isagoo faraxsan oo qalbiga ka rayraynaya. Laaki-inse Haamaan markuu arkay Mordekay oo jooga boqorka

Page 12: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 5:10 12 ESTEER 6:3iriddiisa, oo aan isaga u istaagin, una gariirin, ayuuMordekay aad iyo aad ugu cadhooday. 10Habase ahaateeHaamaan wuu isceliyey oo gurigiisuu tegey. Markaasuuu cid dirsaday oo u yeedhay saaxiibbadiis iyo naagti-isii Seresh. 11 Markaasaa Haamaan wuxuu iyagii ugasheekeeyey ammaanta maalkiisa, iyo badnaanta carru-urtiisa, iyo kulli derejadihii boqorku isaga u dalliciyeyoo dhan, iyo sidii boqorku ugu wada sarraysiiyey bo-qorka amiirradiisa iyo addoommadiisa oo dhan. 12 OoHaamaan weliba wuxuu kaloo yidhi, Xataa boqoraddaEsteer ninna uma ay oggolaan inuu boqorka u soo raacomartiqaadkii ay diyaarisay aniga mooyaane; oo welibaberrina anigoo boqorka la jira ayay i martiqaadday.13 Laakiinse waxaas oo dhammu waxba ii tari maayaanintaan arkayo Yuhuudiga Mordekay oo boqorka iriddiisafadhiya. 14 Markaasaa naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiisoo dhammu waxay ku yidhaahdeen, Ha la sameeyo qoriwax lagu deldelo oo dhererkiisu konton dhudhun yahay,oo subaxda waxaad boqorka ku tidhaahdaa, Mordekaymeeshaas ha lagu deldelo. Oo markaas dabadeed adigoofaraxsan boqorkamartiqaadka u raac. Kolkaasaa hadalka-asu ka farxiyey Haamaan; oo wuxuu amray in meeshiideldelaadda la sameeyo.

6Mordekay Oo La Maamuusay

1 Habeenkaasna boqorkii wuu seexan kari waayay,kolkaasuu amray in loo keeno buuggii taariikhda wakhti-gaas, oo waxaa lagu akhriyey boqorka hortiisa. 2 Oowaxaa laga dhex helay oo ku qornaa inMordekay sheegayBigtaan iyo Teresh oo ahaa boqorka labadiisii midiidin ooka mid ahaa kuwii iridda dhawri jiray, kuwaas oo doonayinay Boqor Ahashwerus dilaan. 3 Markaasaa boqorkii

Page 13: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 6:4 13 ESTEER 6:11

wuxuu yidhi, Taas aawadeed maxaa maamuus iyo derejoah oo Mordekay loo sameeyey? Kolkaasaa addoommadiiboqorka u adeegi jiray waxay isagii ku yidhaahdeen,Waxba looma samayn. 4Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi,Yaa barxadda jooga? Haddaba Haamaan ayaa yimidguriga boqorka barxaddiisa dibadda ah inuu boqorka kalahadlo in Mordekay lagu deldelo qorigii deldelaadda oo uuisaga u diyaariyey. 5 Markaasaa boqorka addoommadi-isii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, Haamaan baataagan barxadda. Kolkaasaa boqorkii yidhi, Ha soo galo.6 Markaasuu Haamaan soo galay, oo boqorkii wuxuu kuyidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuumaamuusomaxaa looyeelaa? Haddaba Haamaan wuxuu qalbigiisa iska yidhi,Bal yaa boqorku ku farxi lahaa inuu maamuuso in kabadan intuu i maamuuso? 7Oo Haamaan wuxuu boqorkiiku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso 8 haloo keeno dharkii boqornimada oo boqorku xidhan jiray,iyo faraska boqorku fuulo, oo madaxana ha loo saarotaajka boqorka, 9 oo dharka iyo faraska gacanta ha loogeliyo boqorka amiirradiisa sharafta leh midkood, in loolebbiso ninkii boqorku ku farxo inuumaamuuso. Oo isagainta faras la fuushiiyo, jidka magaalada dhexdeeda ha lamariyo, oo hortiisa ha laga naadiyo, Ninkii boqorku kufarxo inuu maamuuso sidaasaa loo yeelaa. 10 Markaasaaboqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Haddaba soo dhaqso,oo waxaad soo qaaddaa dharkii iyo faraskii aad sheegtay,oo wixii aad sheegtay oo dhan u samee Mordekay ooah Yuhuudiga fadhiya boqorka iriddiisa; oo wixii aadsheegtay oo dhan yaan waxba ka dhinnaan. 11 KolkaasaaHaamaanwuxuu soo qaaday dharkii iyo faraskii oowuxuuu lebbisay Mordekay, oo isagoo faraskii fuushan ayuumariyey jidka magaalada, oo wuxuu hortiisa ka naadiyey,Sidaasaa loo yeelaa ninkii boqorku ku farxo inuu maa-

Page 14: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 6:12 14 ESTEER 7:5muuso.

12 Haddaba Mordekay wuxuu mar kale ku soo noq-day boqorka iriddiisii. Laakiinse Haamaan isagoo mu-rugaysan oo hagoogan ayuu gurigiisii dhaqso u tegey.13Markaasaa Haamaan wuxuu naagtiisii Seresh iyo saaxi-ibbadiis oo dhan uga sheekeeyey wixii isaga ku dhacay oodhan. Kolkaasaa raggiisii xigmadda lahaa iyo naagtiisiiSereshwaxay ku yidhaahdeen,Mordekay oo aad bilowdayinaad hortiisa ku dhacdo, hadduu yahay farcanka Yuhu-udda, ka adkaan maysid, laakiinse hubaal hortiisaad kudhici doontaa.

14 Oo weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimidboqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddi-iba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.

7Haamaan Oo La Deldelay

1 Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeeninay Boqorad Esteermartiqaadkeedii ka qayb galaan. 2Oohaddana maalintii labaad intii la fadhiyey martiqaadkiikhamriga ayaa boqorkii Esteer ku yidhi, Boqorad Es-teeray, baryadaadu waa maxay? Waa lagu siinayaaye.Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyadabadhkeed tahay, waa laguu yeelayaaye. 3 MarkaasaaBoqorad Esteer jawaabtay oo waxay tidhi, Boqorow, had-daad raalli iga tahay oo aad ku faraxdid, baryadaydaaawadeed naftayda ha la ii bixiyo, oo weyddiisashadaydaaawadeedna dadkaygu ha ii badbaado, 4 waayo, anigaiyo dadkaygiiba waxaa loo iibiyey in nala baabbi'iyo, oonala laayo oo aan halaaganno. Laakiinse haddii nalooiibiyey inaan ahaanno rag iyo dumar addoommo ah,waan iska aamusi lahaa, in kastoo cadowgu aanu boqorkakhasaaradiisa ka xaq marin karin. 5 Markaasaa Boqor

Page 15: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 7:6 15 ESTEER 8:1Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuu yahay,xaggee buuse joogaa, kan ku dhaca oo qalbigiisa sidaaskaga fikiray inuuwaxaas yeelo? 6Markaasaa Esteerwaxaytidhi, Cadow iyo col waxaa ah Haamaankan sharka leh.Markaasaa Haamaan boqorkii iyo boqoraddii hortoodaku cabsaday. 7 Kolkaasaa boqorkii isagoo cadhaysan, kakacay martiqaadkii khamriga, oo wuxuu u baxay xaggabeerta hoyga boqorka; oo Haamaan ayaa u istaagay inuuBoqorad Esteer naftiisa u baryo, waayo, wuxuu arkayin boqorku belaayo la damacsan yahay. 8 Markaasaaboqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii mar-tiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu kusii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaaboqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda kuxoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasuboqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii ladeday. 9 Kolkaasaa Xarboona oo ahaa boqorka midiidin-nadiisa midkood oo boqorka hortiisa joogay ayaa yidhi,Weliba bal eeg, waxaa Haamaan gurigiisa ag qotomaqoriga deldelaadda oo dhererkiisu yahay konton dhud-hun, oo Haamaan u sameeyey inuu ku deldelo Mordekayoo boqorka wax wanaagsan kaga hadlay. Markaasaaboqorkii yidhi, Halkaas ku deldela. 10 Sidaas daraaddeedHaamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uuu diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaaboqorkii cadho baxay.

8Amarkii Boqorka Ee Ku Saabsanaa Yuhuudda

1 Oo isla maalintaas ayaa Boqor Ahashwerus wuxuugurigii Haamaan oo ahaa cadowgii Yuhuudda siiyey Boqo-rad Esteer. Mordekayna wuxuu yimid boqorka hortiisii,waayo, Esteer ayaa boqorka u sheegtay wuxuu iyada

Page 16: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 8:2 16 ESTEER 8:9u ahaa. 2 Markaasaa boqorkii wuxuu iska soo bixiyeykaatunkiisii uu Haamaan ka soo qaatay, oo wuxuu siiyeyMordekay. Esteerna gurigii Haamaan ayay Mordekaymadax uga dhigtay.

3 Oo Esteer boqorka hortiisii ayay haddana kahadashay, oo intay cagihiisa ku dhacday ayay iyadooooyaysa ka bariday inuu baabbi'iyo belaayadii Haamaankii reer Agag iyo xeeladdiisii uu Yuhuudda kusamaynayay. 4 Markaasaa boqorkii wuxuu Esteer usoo fidiyey ushii dahabka ahayd. Oo taas daraaddeedEsteer way kacday oo waxay istaagtay boqorka hortiisii.5 Oo kolkaasay tidhi, Boqorow, haddaad ku faraxsantahay, oo aad raalli iga tahay, oo haddii xaalkaasu kulawanaagsan yahay, oo aad ii bogtay, ha la qoro warqadolagu beddelo warqadihii uu xeeladda ku qoray HaamaaninaHamedaata oo ahaa reer Agag, kuwaasoo uu u qoray inlagu baabbi'iyo Yuhuudda boqorka gobolladiisa degganoo dhan. 6 Waayo, bal sidee baan ugu adkaysan karaainaan arko belaayada dadkayga ku dhacaysa? Amasesidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko baabbi'intadadkayga? 7 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuuBoqorad Esteer iyo Yuhuudigii Mordekay ku yidhi,Bal eega, gurigii Haamaan ayaan Esteer siiyey, isagiinawaxaa lagu deldelay meesha deldelaadda, maxaa yeelay,wuxuu gacan ku fidiyey Yuhuudda. 8 Haddaba idinkusidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magacaboqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka,waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oohaddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninnama beddeli karo. 9 Oo markaasaa isla wakhtigaasbawaxaa loo yeedhay boqorka karraaniyadiisii. Oo waxaynaahayd bisha Siwaan, oo ah bisha saddexaad, maalinteediisaddex iyo labaatanaad. Oo waxaa la qoray wax alla

Page 17: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 8:10 17 ESTEER 8:16wixii Mordekay uu ku amray Yuhuuddii iyo saraakiishiiiyo taliyayaashii iyo amiirradii joogay gobolladii ku yiilHindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo ahaa boqoliyo toddoba iyo labaatan gobol, oo waxaa gobol kastaloogu qoray fartiisii, dad kastana waxaa loogu qorayafkoodii, oo Yuhuuddiina waxaa loogu qoray fartoodiiiyo afkoodiiba. 10 Oo wuxuu warqadihii ku qoray BoqorAhashwerus magiciisii, oo ku shaabadeeyey kaatunkiiboqorka, markaasuu u sii dhiibay warqaadayaal fuushanfardo iyo baqlo iyo rakuubbo. 11 Oo boqorkii wuxuu uoggolaaday Yuhuuddii magaalo kasta degganayd inayisa soo wada urursadaan oo ay daaficidda naftooda isutaagaan, oo ay baabbi'iyaan, oo laayaan, oo halaag kuridaan kulli xooggii dadka iyo gobolkii doonayay inayweeraraan iyaga iyo dhallaankooda iyo dumarkoodaba,iyo inay maalkooda booli ahaan u dhacaan. 12Oo amarkiiwuxuu ahaa in Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhansaas iskumaalin laga yeelo, taas oo ahmaalinta saddex iyotobnaad oo bisha laba iyo tobnaad ee Adaar la yidhaahdo.13 Oo warqaddii amarku ku qornaa naqilkeedii ayaa lagufaafiyey gobol kasta, oo waxaa loo sii dhiibay dadyowgaoo dhan, taasoo leh, Maalintaas Yuhuuddu diyaar ha uahaadeen inay ka aarsadaan cadaawayaashooda. 14 Oosidaas daraaddeed warqaadayaashii fuushanaa baqlo iyorakuubbo way ambabbexeen, iyagoo degdegsan oo kudhaqsanaya boqorka amarkiisa; oo amarkiina waxaa lagunaadiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka.

15 Markaasaa Mordekay wuxuu ka tegey boqorka hor-tiisii isagoo qaba dhar boqortooyo oo ah buluug iyocaddaan, oo madaxana waxaa u saarnaa taaj weyn oodahab ah, wuxuuna huwanaa shulug laga sameeyey marowanaagsan oo guduudan, oo magaaladii Shuushanna waalaga qayliyey oo laga farxay. 16 Oo Yuhuuddiina waxaa

Page 18: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 8:17 18 ESTEER 9:6u ahaaday iftiin iyo farxad iyo rayrayn iyo sharaf. 17 Oogobol kasta iyo magaalo kasta oo boqorka amarkiisii iyonaadadiisii ay gaadheen, Yuhuuddii waxaa u ahaadayfarxad iyo rayrayn, iyo iid iyo maalin wanaagsan. Oo qaarbadan oo ka mid ahaa dadyowgii dalka degganaa waxaynoqdeen Yuhuud, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku dhacdaycabsidii ay Yuhuudda ka cabsanayeen.

9Guushii Yuhuudda

1 Haddaba bishii laba iyo tobnaad, oo ahayd bishaAdaar, maalinteedii saddex iyo tobnaad, markii boqorkaamarkiisii iyo naadadiisii ay soo dhowaadeen in la oofiyo,maalintaas oo ahayd maalintii Yuhuudda cadaawayaas-hoodii ay rajaynayeen inay Yuhuudda u taliyaan, laakiinloo beddelay oo ay noqotay maalintii ay Yuhuuddii utaliyeen kuwii iyaga nebcaa, 2 ayaa Yuhuuddii iska soowada urursadeen magaalooyinkoodii ku yiil gobolladiiBoqor Ahashwerus oo dhan inay gacan u qaadaan kuwiidoonayay inay iyaga wax yeelaan; oo mana jirin niniyaga hor istaagi karay, maxaa yeelay, cabsidoodii baaku dhacday dadyowgii oo dhan. 3 Oo waxaa Yuhuuddiicaawiyey amiirradii gobollada oo dhan, iyo saraakiishii,iyo taliyayaashii, iyo kuwii boqorka hawshiisii qaban jirayoo dhan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka cabsanayeenMordekay. 4 Waayo, Mordekay wuxuu ku weynaa gurigiiboqorka, oo warkiisuna wuxuu wada gaadhay gobolladaoo dhan, maxaa yeelay, ninkii Mordekay ahaa aad iyo aadbuu u sii weynaaday. 5 Oo Yuhuuddiina cadaawayaas-hoodii oo dhan waxay la dhaceen seef, wayna laayeen,oo baabbi'iyeen, oo waxay iyagii ku sameeyeen wixiiay doonayeen inay kuwa iyaga neceb ku sameeyaan.6 Oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorka ayay Yuhuuddu

Page 19: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 9:7 19 ESTEER 9:16shan boqol oo nin ku laayeen oo ku baabbi'iyeen. 7 Oowaxaa kuwaas ka mid ahaa Farshandaataa iyo Dalfooniyo Asfaataa, 8 iyo Fooraataa iyo Adaliyaa iyo Ariidaataa,9 iyo Farmashtaa iyo Ariisay iyo Ariiday iyo Waysaataa,10 oo dhammaantood ahaa tobankii wiil oo uu dhalayHaamaan inaHamedaata oo ahaaYuhuudda cadowgoodii.Kuwaasay wada dileen, laakiinse maalkoodii far ma aysaarin.

11 Oo maalintaas intii lagu laayay Shuushan oo ahaydhoygii boqorka tiradoodii waxaa la keenay boqorka hor-tiisa. 12 Markaasaa boqorkii wuxuu Boqorad Esteer kuyidhi, Yuhuuddii waxay Shuushan oo ah hoygayga kulaayeen oo ku baabbi'iyeen shan boqol oo nin, iyo Haa-maan tobankiisii wiil. Oo gobolladayda intooda kalemaxay ku sameeyeen! Haddaba baryadaadu waa maxay,waa lagu siinayaaye? Amase maxaad kaloo weyddi-isanaysaa? Waa laguu samaynayaaye. 13 Kolkaasaa Es-teer waxay tidhi, Haddii boqorku raalli ku yahay, Yuhu-udda Shuushan joogta ha la siiyo fasax ay berrito kusameeyaan si waafaqsan amarkan maanta dhacay, ooHaamaan tobankiisa wiilba ha lagu deldelomeesha delde-laadda. 14 Markaasaa boqorkii wuxuu amray in saas layeelo, oo amar baa Shuushan lagu naadiyey, oo Haamaanwiilashiisiina waa la deldelay. 15 Oo haddana Yuhuud-dii Shuushan joogtay dhammaantood way isa soo wadaurursadeen bishii Adaar, maalinteedii afar iyo tobnaad,oo waxay Shuushan ku laayeen saddex boqol oo nin,laakiinse maalkoodii far ma ay saarin.

16 Oo Yuhuuddii kale oo joogay boqorka gobolladiisaiyana dhammaantoodway isa soowada urursadeen, oo aydaaficidda naftooda isu taageen, ooway ka raysteen cada-awayaashoodii, oo waxay kuwii iyaga nebcaa ka laayeenshan iyo toddobaatan kun oo qof, laakiinsemaalkoodii far

Page 20: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 9:17 20 ESTEER 9:24ma ay saarin. 17 Oo taasuna waxay dhacday bishii Adaar,maalinteedii saddex iyo tobnaad, oo bishaas maalinteediiafar iyo tobnaadna way nasteen, oo waxay ka dhigeenmaalin iid ah oo farxad badan.

Fuuriim Oo Loo Dabbaaldegay18 Laakiinse Yuhuuddii Shuushan joogtay way isa soo

wada urursadeen bishaas, maalinteedii saddex iyo tob-naad, iyo maalinteedii afar iyo tobnaad, oo isla bishaas,maalinteedii shan iyo tobnaadna way nasteen, oo waxayka dhigeen maalin iid ah oo farxad badan. 19 HaddabaYuhuuddii tuulooyinka joogtay oo degganayd maga-alooyinka aan derbiga lahayn, bisha Adaar, maalinteedaafar iyo tobnaad, waxay ka dhigaan maalin farxadeed ooiid ah, oo maalin wanaagsan ah, iyo maalin waxyaalowanaagsan mid ba midka kale u diro.

20 Markaasaa Mordekay waxyaalahaas oo dhan qoray,oo wuxuu warqado u diray kulli Yuhuuddii joogtay BoqorAhashwerus gobolladiisa oodhan, kuwii dhowaa iyo kuwiifogaaba, 21 oo wuxuu ku amray iyagii inay sannad walbabisha Adaar, afar iyo tobankeeda iyo shan iyo tobankeeda,dhawraan, 22 oo ay ka dhigaan maalmihii Yuhuuddiiay cadaawayaashoodii ka raysteen iyo bishii xaggoodaay murugtii farxad u beddelantay, baroortiina maalinwanaagsan; inay ka dhigaan maalmo iid ah oo farxadbadan, oo mid ba midka kale waxyaalo wanwanaagsan udiro, oo masaakiintana hadiyado la siiyo.

23 Oo Yuhuuddiina waxay aqbaleen inay sameeyaanwixii ay bilaabeen, iyo sidii Mordekay uu iyaga u sooqoray, 24maxaa yeelay, Haamaan ina Hamedaata oo ahaareer Agag, oo Yuhuudda oo dhan cadowgooda ahaa,xeelad buu ku sameeyey Yuhuudda inuu iyaga baabbi'iyo,oo wuxuu riday saami Fuur la odhan jiray, si uu u

Page 21: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 9:25 21 ESTEER 9:32

laayo oo uu u baabbi'iyo. 25 Laakiinse markuu xaalka-asu boqorka hortiisa yimid, wuxuu amray oo warqadoku qoray in xeeladdiisii uu Yuhuudda ku sameeyey aymadaxiisa ku soo noqoto, iyo in isaga iyo wiilashiisiibalagu deldelo meesha deldelaadda. 26 Haddaba sidaasdaraaddeed maalmahaas waxay u bixiyeen FUURIIM, oowaxay ugu yeedheen saamigii magiciisii FUUR la odhanjiray. Saas aawadeed warqaddan erayadeedii oo dhan,iyo wixii xaalkan ku saabsanaa oo ay arkeen, iyo wixiiiyaga u yimid, 27Yuhuuddu waxay amreen oo dul saareeniyaga iyo farcankooda, iyo in alla intii iyaga ku darmatay,inaanay ka baaqan, inay labadaas maalmood u dhawraansannad kasta sida waafaqsan waxa laga qoray, iyo goorwaafaqsan xilligii la yidhi; 28 iyo in qarni kastaa, iyo qolokastaa, iyo dal kastaa, iyo magaalo kastaaba ay maalma-haas xusuustaan oo dhawraan, iyo in maalmahaas FU-URIIM la yidhaahdo aanayYuhuuddu ka baaqan, oo aanayxusuustooduna xataa farcankooda dambe ka baabbi'in.

29 Markaasaa Boqorad Esteer oo ahayd ina Abiixayil,iyo Yuhuudigii Mordekay ahaa waxay amar buuxa kuqoreen, si ay u adkeeyaan warqaddan labaad oo ku saab-san FUURIIM. 30 Oo waxaa warqado loo diray kulli Yuhu-uddii joogtay boqol iyo toddoba iyo labaatankii gobol ooboqortooyadii Ahashwerus, oo waxaa loogu dhawaaqayhadal nabaadiino iyo run ah, 31 si loo adkeeyomaalmahaasFUURIIM la yidhaahdo wakhtigooda, sidii ay u amreenYuhuudigii Mordekay iyo Boqorad Esteer, iyo sidii ayiyagu nafsaddooda iyo farcankooda ugu amreen xaalkiisoonka iyo qayladoodii. 32Oo Esteer amarkeediina wuxuusii adkeeyey xaalkan ku saabsan FUURIIM; oo buug baalagu qoray.

Page 22: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

ESTEER 10:1 22 ESTEER 10:310

Weynaantii Mordekay1 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu baad saaray

dhulkii iyo gasiiradihii baddaba. 2 Oo falimihii uu xoog-giisii iyo itaalkiisii ku sameeyey oo dhan, iyo warkiiMordekay weynaantiisii uu boqorku isaga u sara mariyeysow kumawada qornayn buuggii taariikhda oo boqorradiiMaaday iyo Faaris? 3Haddaba Yuhuudigii Mordekay ahaawuxuu ahaa ninkii ku xigay Boqor Ahashwerus, oo xaggaYuhuuddana wuxuu ahaa nin weyn, oo walaalihiisa bada-nuna way aqbaleen; oo wuxuuna ahaa nin doondoonaawanaagga dadkiisa oo nabaadiino kula hadla farcankiisaoo dhan.

Page 23: ESTEER - World English Bible · ESTEER2:18 6 ESTEER3:2 ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay. 18 Markaasaa boqorkii martiqaad

23Kitaabka Quduuska Ah

The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'aleVersion

copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- KenyaLanguage: SomaliTranslation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska AhThis translation, published by the SIM, was published in 2008.

. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at POBox 72983, Nairobi, Kenya.

. This translation text is made available to you under the terms of the Cre-ative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/ licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission toport the text to different file formats, as long as you do not change any of the text orpunctuation of the Bible.Youmay share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from thiswork, provided that you include the above copyright information:

You must give Attribution to the work.You do not sell this work for a profit.You do not make any derivative works that change any of the actual words or

punctuation of the Scriptures.Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact us withyour request.This translation is made available to you under the terms of the Creative CommonsAttribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0.Youmay share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format,provided that:

You include the above copyright and source information.You do not sell this work for a profit.You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures.

Pictures includedwith Scriptures and other documents on this site are licensed just forusewith those Scriptures and documents. For other uses, please contact the respectivecopyright owners.2017-08-31PDF generated using Haiola and XeLaTeX on 11 Jan 2020 from source files dated 30 Dec20193ab4b284-9860-5955-80fb-586830f21756